Raiisalwasare Cali Maxamed Geedi iyo
wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia oo maanta si wadajir ah calankii dowlada
Ethiopia uga dul taagay safaarada cusub oo laga furay magaalada muqdisho .
Sawirada Halkan
ka daawo....
May 27, 2007: Munasibad balaaran oo dib loogu
furaayey safaaradii dowlada Ethiopia ay ku laheyd dalka somaliya ay ka qeyb
galeen madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed mudane Cabdulahi Yuusuf
Axmed ,Rasiisalwasaaraha dowlada fadaraalka ah prof : Cali Maxamed Geedi
,wasirka arimaha dibada ee Ethiopia siyum misvin ,qaar ka mid ah xubnaha labada
gole taliyayaasha ciidamada qalabka sida dowlada fadaralka ,kuwa AMISOM iyo
ciidamada Ethiopia .maamulka gobolka nabadair iyo marti shraf kale taas oo ka
dhacday xarunta cusub ee safaarada oo ah ka soo horjeedka villa somaliya ee
magaalda muqdisho,
Xafladaan oo u muuqatey mid si degan looga soo shaqeeyey ayna ku gadaamnaayeen
ciidamada qalabka sida ee Ethiopia , kuwa AMISOM, iyo ciidamada dowlada
fadaraalka KMG somaliyeed waxaa ugu horeyntii halkaas markii ugu horeysay si
wadajir ah calankii dowlada Ethiopia u wada saaray Raiisal wasaaare Cali Maxamed
Geedi iyo wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia siyum misvin waxeyna
halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan cidamada dowlada Ethiopia
,
Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia Mr. Siyum musvin oo ugu horeytii
halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in
xukuumada Ethiopia ay safaaradeedii dib uga furato mudo 16 sano ah ka dib
wuxuuna meesha ka saaray in ay dhamaatey cadaawadii hore ee u dhaxaayn jirtay
maamuladii hore ee dalaka somaliya iyo Ethiopia , wuxuuna hosta ka xariiqay in
manta dhibaatada jirtaa ay tahay faqri sidii looga bixi lahaana ay waajib tahay
in ay iska kaashadaan labada dowladood iyo labada shacbi ee deriska ah
Raiisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo isne munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu
horeyntii wuxuu sheegay in dib u furida safaarada Ethiopia in ay tahay
safaaradii labaad ee ay furtaan labada dal , waxaana jirtay in sanadkii hore
dabayuaaqadiisii uu sidaan oo kale xarunta Ethiopia ee adis ababa laga taagay
calankii safaarada somalida ee dalkaasi Ethiopia aniga iyo siyum misvin aan si
wada jir ah uga wada taagna xarunta safaarada somaliya ee dalka Ethiopia
waxaana ku faraxsanahay in manta magaalada muqdisho oo leh jawi nabadeed dib
looga furo safaradii Ethiopia waxeyna noogu fadhidhidaa arintaasi qiimo aad iyo
aad u weyn si gaar ahna dowlada Ethiopia oo aanu saaxiibo nahay ,walaalo naahay
,deris nahay , waxeyn shacbiga iyo dowlada somaliyeed ugu deeqday wax bini
,aadan isa siiyo waxaa ugu qaalisan oo ah dhiigooda in ay u daadiyaan naabda ka
jirta somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ayuu yiri prof: Cali Maxamed Geedib
oo intaa sii raaciyey in dhiigaasi wada galeen uu yahay mid ujeedadiisu tahay in
lagu xasiliyo dalka somalaiya guud ahaan gaar ahaana mandaqada geeska africa ,
“ waxaa la awada garan karaa sida uu wasiirkuba sheegay colaadihii artivishalka
ahaa ee labada dal ee u dhaxeyn jiray Ethiopia iyo somaliya ay dhanaadeen waa
hore sida u sheegay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia cadowga kaliye
ee ka jira geeska Africa waa faqriga waxaana looga bixi karaa in la nabadeeyo
maNDAQADA geeska africa la iskanen kaashada wada shaqeyntaa hadafka labada
dowladood iyo labda shacbine waa sidaas ayuu yiri prof: geedi ,
Cali Maxamed Geedi waxaa uu hambalyo gaar ah u diray wasiirka arimaha dibada ee
dalka Ethiopia siyum misvin oo u yimd dalka in uu manta safaarada ka furo
magaalada muqdisho waxaana u rajeynayaa ayuu yiri in dalalka kale ee caalamka ay
sidaan oo kale ay uga furtaan safaaradoohii magaalada muqdisho oo uu sheegay in
xaalada somaliya ee manta uu u furmay baal cusub una bilaabatay naabd
sidaa darted ayuu yiri Cali Geedi in ay ku wada shaqayn doonaan dowlad
asomaliyeed iyo dowlada Ethiopia isaga oo caalamkane ka codsaday in ay taageero
siiyaan nabada ka aslaaxday somaliya
raiisal wasaaraha dowlada fadaraalka KMG somaliya prof : Cali Maxamed Geedi
wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyey oo uu sheegay in ay manta safaaradeedii
markale dib uga furato magaalada muqdisho calankeediina ay ka dul taagato gudaha
safaarada ,
“ waxaan sidoo kale mahad gaar ah u celinayaa dowlada yugandha oo ah dowladii
ugu horeysay oo soo horkacda ciidamada uu ugu deeqay ururka midowga Africa ee
AMISOM dowladaha dhimane waxaan ka codsanayaa “ ayuu yiri Cali Geedi ,
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Ogeysiis ku Socda Soomaalida
Minnesota
Waxaa la ogeysiinayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota in
maalinta khamiista ee bisha May tahay 31 2007 saacadu markay tahay 4
galabnimo ilaa 8 fiidnimo la qaban doono Habeenka Waxbarasha Soomaalida
Minnesota
Goobta: Somali Education Center
2205 Niclet Ave South
Minneapolis, MN 55404
Sanadkan waxaa ku cusub taariikhda iyo gabayadii abwaan C/Laahi Suldaan
Timo Cade in lagu soo bandhi doono.
AKhri...
|
- Sagal Radio oo Waraystay Xildhibaan
Below Adan Keerrow
Below Adan Keerrow oo ah
xildhibaan laga soo doortey Bartamaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi
Bari oo siyeey wareysi Sagal Radio isagoo jooga Chicago, IL U.S.A...
Dhegeyso
halkan..
Wersheddii Hore ee Baastada oo Markale La
Weeraray
May 28, 2007: Habeenimadii Xalay (oo
Isniintu soo geleysey) ayaa mar kale weerar lala beegsaday wersheddii Baastada
oo u dhow Kontoroolkii hore ee Balcad, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada
Itoobiya. Waxaana halkaas laga maqlayey rasaas. Wararka ugu horeeyey ayaa
tibaaxay in weerarkaas ay qaadeen xoogagga iska-caabinta ee ka so horjeeda
Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya. Itoobiya oo ah dal
gumeysta dhul ay Soomaalida leedahay.
Habeen hore ayey ahayd markii la weeraray isla
wersheddii Baastada ee Muqdisho, ilaa haddana khasaaraha gaarey ciidanka
Itoobiya lama sheegin, sida aan loo sheegin khasaarooyinkii soo gaarey ciidanka
Itoobiya ilaa markii ay soo galeen Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xalay la
weeraray Saldhiga Booliska ee Hurwaa.
Saldhigga Ciidanka Booliska Huriwaa oo La
Weeraray
Habeenimadii Isniintu soo geleysey (May 28)
ayaa weerar bom lala beegsaday saldhigga Ciidanka Booliska Huriwaa, weerarkan oo
ah kii labaad oo saldhiggaas lagu qaado muddo laba asbuuc ah. Ilaa hadda lama
oga khasaaraha dhabt aah ee uu geystey weerarkaasi.
Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Itoobiya ee
kusugan Wersheddii hore Baastada ee Magaalada Muqdisho
May 27, 2007: Habeenimadii ay soo geleysey
Axad fiidkii ayaa weerar bambaano lala beegsaday ciidamda Itoobiya ee kusugan
wersheddii hore ee Baastada ee magaalada Muqdisho. Khasaaraha halkaasi ka dhacay
lama oga. Waxana qaraxaasi ka dambeeyey qaraxyo ka dhacayey magaalada Muqdisho
ilaa habeenimadii Jimacada.
Dhanka kale waxaa isla xalay magaalada Muqdisho
isku rasaaseeyey ciidamo ka wada tirsan DFKMG, israsaasayntaas oo ka dhacday
meel u dhow Is-goyska Sanca. Israsaasayntaas oo cabbaar socotey ayaan la ogeyn
khasaaraha ay geysatey. Waxaana lagu soo waramay in goobtii la geeyey ciidamo
Itoobiyaan ah.
Bannaanbax lagu
diiddanyahay joogitaanka Itoobiya oo ka dhacay Holland
Waxaa maalinnimadii sabtiga hore (19-05-2007), ka dhacay magaalada
Denhaag ( The Hague) ee waddanka Nederland bannaanbax aad u weyn oo lagu
diiddanyahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale
oo bannaanbaxa looga cabanayay xadgudubyada bani'aadminnimada ka dhanka ah ee ka
dhacay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay bilihii u dambeeyay
dhibaatooyin lixaad lihi ka dhaceen...
Warbixin iyo sawiro...
WARARKII SHALAY: MAY 26, 2007
-
Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey
gaari Ural ah
Subaxnimadii Sabtida ayaa ayaa waxa qarax miino lala beegsaday saddex gari
oo ah nooca loo yaqaan Ural oo marayey agagaarka wershedda Xayle Bariise ee
magaalada Muqdisho, qaraxaas ayaa wararku sheegeen in uu haleelay mid ka mid
ah gawaaridaas, kuna burburay.
Ku-xigeenka Maxamed Dheere iyo Dhaxtuur
oo ka badbaadey Qarax lala beegsaday
Muqdisho: C/fitaax Ibraahim Cumar
Sabriye (Shaaweey) iyo Maxamed Cismaan dhagaxtuur ayaa saaky oo Sabti ah ka
badbaaday weerar lala beegsaday kaas oo dhacay ka dib markii qarax xoogan
lagu weeraray koloyo baabuur ah oo ay wateen oo marayay inta u dhaxeysa
warshada xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad ee Magaalada Muqdisho.
[Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri...]
Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo
miino kula qaraxday Ex-control Balcad
Subaxnimadii Sabtida ayaa miino lagu qarxiyay gaari ah nooca loo yaqaan
Cabdi bile oo ay leeyihiin ciidamada DFKMG oo marayay inta u dhaxaysa xayle
bariise iyo ex-cantarol Balcad.
Col. Cali Dheere oo Xalay dabley
hubaysani weerareen
Xalay ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar la beegsadeen col. Cali Dheere iyo
ilaalladiisa oo marayay agagaarka warshada caanaha, aagga jidka tolmada ee
mara wasaaaradii gaashaandhiga.
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007
Jaaliyadda
Soomaalida
Ee Dalka Suuriya Ayaa ka qayb Qaatay
Dibad-Bax lagu Taageerayey Madaxweyna
Suuriya Bashaar Al-asad...
Akhri
warbixintii Asad Caddaani
Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaalida
.Gaalkacyo
oo Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran
yahay
.Maxaabiis lagu qabtay Dhahar oo
lasiidaayey...
.Boosaaso: Safiirka Masar oo
xoriyadiisii loo celiye...
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... May 26
"Cali
Mahadi hadaad naf leedahay ka hadal
dadkaaga la xasuuqay.."
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha
Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
oo...
Akhri...
Qardho:
Munaasab lagu Dooranaayey Gudoomiya
Dallada Hormarinta Dhalinyarada Goblaka
Karkaar
Ma
dhabaa In Khilaafka u Dhexeeya Madaxda
Milatariga Iyo Booliska DKMG Uu
dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra
Kooxaha
Iska-caabinta Ee Diidan Joogitaanka
Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay Inay
Xeelada Dagaalka Bedeleen


|