SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Jaaliyadda Soomaalida Ee Dalka Suuriya Ayaa ka qayb Qaatay Dibad-Bax lagu Taageerayey Madaxweyna Suuriya Bashaar Al-asad.

  
Sawirada laga qaaday Bannaanbaxa halkan ka daawo

Soomaalida ku dhaqan dalka Suuriya ayaa dibad bax balaadhan oo lagu taageerayey madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad si baaxad weyn oo aanay u kala hadhin uga qayb qaadatay.


Sawirada laga qaaday Bannaanbaxa halkan ka daawo

Isu soo baxan oo ahaa mid madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad loogu muujinayey sida shacabka reer Suuriya u taageersan yihiin, isla markaana ugu codayn doonaan Afti loogu cosboonaysiiinayo madaxweynaha dalka Suuriya muddo 7 sanno ah xilka madaxweyne-nnimada ayaa waxa ay jaaliyadda Soomaalida iyo ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Suuriya ka muujiyeen sida ay u taageersan yihiin madaxweynaha Suuriya , iyo shacabkaSuuriya iyaga oo uga mahad celinaya sida ay u so dhaweeyeen mudadii ay ku dhaqnaayeen wadan kan Suuriya.

Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya ayaa waxa ay goobkii lagu qabanayey isu soo baxan taageeradda ah, oo lagu magacaabo(Sabca-Baxaraat) waxa ay ku soo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya , waxayna shacabka Suuriya uga mahad celinayeey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, waxayna ku cel celinayeen(Biruux Bidam,Naftiika Yaa Bashaar)(Allah, Suuriya, Bashaaroo Bes).
oo macnaheedu yahay(Naf iyo dhiigba waanu kugu furanaynaa Bashaaroow).


Sawirada laga qaaday Bannaanbaxa halkan ka daawo

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suuriya C/raxmaan Aadan Cali oo goobta dibad baxa ka socday kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka soo qayb galkoodan dibad baxa lagu taageerayo madaxweynaha dalka Suuriya, Bashaar Al-Asad, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda Suuriya Soomaalida ula dhaqanto sida muwaadinka reer Suuriya, oo ay uga duwan yihiin dalalka kale ee sida Khaliijka oo iyagu Soomaalida markay muruqmaaleen, dalalkoodii ka soo saaray, wuxuuna sheegay in Soomaalidu Suuriya ku haysto adeegyo badan haday noqon lahayd waxbarashada, caafimaad iyo arrimaha ijimaaciga ah, wuxuuna sheegay in anaay wadanka Suuriya wax dhibaato ah Soomaalidu kala kulmi ilaa iyo xilligii ay ku soo qaxeen 1988kii .


Sawirada laga qaaday Bannaanbaxa halkan ka daawo

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Suuriya ayaa waxa ay ku haystaan dalka Suuriya soo dhaweyn ay kala kulmaan shacabka iyo xukuumada Suuriya, waxayna arrintani daba socotaa xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey dalalka Suuriya iyo Soomaaliya , xilligii ay xukuumadda Soomaaliya taagnay,waxyaalaha wali lagu sii xusuusan karo xidhiidhka Soomaaliya iyo Suuriya ka dhaxeeyey ayaa wax ka mid ah iyada oo ay shacabka Suuriya wali xusuusan yihiin ganacsigii ka dhaxayn jiray Soomaaliya iyo Suuriya, gaar ahaan dhinaca khudaarta, waxayna marmarka qaarkood dhagahaagu ku soo dhacaya Muuska laga keenay dalalka laatiin Ameerika oo lagu iibinayo in uu yahay Muus Soomaali ah, taas oo ku tusaysa sida wali shacabka Suuriya maankooda uu ugu sii jiro Muuska Soomaaliya oo isagu ah Muuska aduunka ugu macaan.


Sawirada laga qaaday Bannaanbaxa halkan ka daawo

Dhinaca kale Soomaalida dalaka Yurub, iyo maraykanka ku dhaqan ayaa iyaguna waxa ay ka ganacsadaan dalka suuriya oo ay ka qaadaan badeecado kala duwan.

Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad Ayaa xilka qabtay ka dib markii uu aabihii Xaafid Al-asad geeriyoodey sanadkii 2000, wuxuuna xilka hayey muddo 7 sannadooda, maalinta 29 bishan aynu ku jirno ayaa lagu wadaa in mar labaad la doorto 7 sannadood afti shacabka laga qaadayo, iyada oo aanu jirin murashax kula tartamaya jagadda madaxweynaha.

Sawirada laga qaaday Bannaanbaxa halkan ka daawo

Asad Caddaani ibraahim
asadlaska@hotmail.com
00963988739803
Dimishiq Suuriya

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com