Ma dhabaa In Khilaafkii Soo Kala Dhex Galay
Madaxda Milatariga Iyo Booliska Dowlada KMG Uu dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra...
Khilaaf xoogan ayaa dhowaanahanba ka dhex jiray masuuliyiinta kala haysta
ciidamada milatariga iyo kuwa booliska dowlada KMG ah kaasoo ka dhashay xalinta
amaanka caasimada muqdisho oo ay ciidamada qaarkood ay amaanka khal khal
geliyeen islamarkaana ay baaritaan iyo dhac u gaysteen dadka shacabka ah.
Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa tiro ka dhowr jeer ah
cabasho xoogan ka muujiyey dhaca ay u gaysanayaan ciidamo qaba dharka loo
yaqaano tuutaha oo lagu yaqaano ciidamada milatariga dowlada KMG ah,
islamarkaana keentay khilaaf mudo soo jiitamayey oo kala dhex galay
masuuliyiinta ay hoos tagaan ciidamadaasi oo kala ah gen,cabdi xasan cawaale
qaybdiid oo ah taliyaha ciidanka booliska DFKMG iyo weliba wasiir ku xigeenka
wasaarada gaashaandhiga DFKMG salaad cali jeelle .
Sidoo kale khilaafkan u dhexeeyey ciidamada qalabka sidaee DFKMG iyo
masuuliyiintooda oo ahaa mid ay dhowr jeer isugu qalab qaateen islamarkaana laga
cabsi qabey inuu dhaliyo dagaal ka dhex qarxa ciidamada dowlada dhexdeeda ayaa
sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ahi waxaa dhex-dhexaadin ku aadan aritaan
sameeyey Gen. Gabra oo ah taliyaha ciidamada xukuumada Ethiopia ee dalka ku
sugan .
Gen,Gabra oo sida qaalibka ah ay ka amar qaataan masuulyiinta dowlada KMG ahi
ayaa ka qayb qaatay arintan khilaafka dhalisay islamarkaana la sheegay inuu isu
soo dhoweeyey labadaas kooxood ee ciidamada booliska iyo milatariga taasoo lagu
dhawaaqay in laga bilaabo maalinta jimacaha ay ciidamada boolisku la wareegaan
amaanka caasimada muqdisho .
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kusoo beegmaysa xili amaanka magaalada
caasimada ah ee muqdisho uu kasii darayo islamrkaana ay dhac boob u gaysanayaan
shacabka ciidamo ku lebisan dharka milatariga ,taasoo ay dadka shacabka ahi
aragtiyo kala duwan ka bixiyeen halka qaarkoodna soo dhoweeyeen ,qaar kalena ku
tilmaameen inay caasimada muqdisho uu ka taliyo gen,gabra .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


|