Cidii tidhaahdaa waan tagayaa [Shirka
Soomaaliya], Xabsigii Madheera Waa diyaar Cid Sharciga ka sareysana ma jirto,
haday tahay Suldaan
May 25, 2007: “Markaa qabiilka
Soomaaliya iyo Salaadiinta Somaliland wax ay kawada hadlaan meesha mayaalo, Cali
Mahadina hadaad naf leedahay ka hadal dadkaaga la xasuuqay.”.Wareysi shabakada
Hadhawanaag la yeelatay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe

(Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe )
Hargeysa (HWN): Gudoomiyaha xisbiga
Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday inaanay
jirin cid Somaliland uga qeyb galaysa shirweynaha dib u heshiisiinta ee lagu
qabanayo koonfurta Soomaaliya.
Isla markaana sharci ay golayaasha Barlamaanka ansixiyeen uu ka yaalo.
Sida waxa uu maanta ku sheegay Wareysi ay shabakada Hadhwanaag khadka Mobilka
gacanka kula yeelatay isaga oo marka ku sugnaa gegeda diyaaradaha ee Magaalada
Berbera una sii dhoofayey dalka Filand.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay
inaanay jirin cid Somaliland uga qeyb galaysaa shirka dib u heshiisiinta ee
Koonfurta Soomaaliya lagu qabanayo “Cid Somaliland uga qeyb galeysaa ma jirto
[Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya], sharci ay golayaashu [Guurtida iyo
Wakiilada] ansixiyeen ayaa ka yaalaya oo lagu qaadayaa” ayuu yidhi.
Md. Faysal waxa uu hoosta ka xariiqay inaan Masiirka umadda Somaliland loo
baabin karin cadow u shiraya sidii ay Somaliland u baabin lahaayeen, isaga oo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Maaha in masiirka umadda [Somaliland] loo
tuuro cadow u shiraya sidii ay Somaliland u baabin lahaayeen.”
“Wuxuu keeni karaa dadka xun ayaa soo bixikara, C/laahi Yuusuf iyo Cali
Maahdi-na makala jajabin karaan shacbiga reer Somaliland” ayuu yidhi FaysaL Cali
Waraabe.
“Suldaankan [Suldaan C/qaadir] iga daayo, Markii hore dadkii ka qeybgalay ee la
saamaxay denbile ayey ahaayeen, kii saamaxayna waa danbiile, hadii ay Somaliland
la kulmayso Soomaaliya hadii loo baahdo laba dawladood ayaa wada hadli kara”
ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. FaysaL Cali waraabe isaga
oo ku tilmaamay xubnihii reer Somaliland ee ka qeybgalay shirarki hore ee dib u
heshiisiineed ee koonfurta Soomaaliya ay ahaayeen denbiile, kii saamaxayna
denbile.
Md. Faysal waxa uu cadeeyey inaanay jirin wax ay ka wadahadlaan salaadinta
Somaliland iyo qabiilka soomaaliya, ee ay madaxda dawlada Embeghati sheegeen
inay Salaadin Somaliland ah ay shirka dib u heshiisiinta ka qeybgaayaan.“
Qabiilka Soomaaliya iyo kuwa Somaliland col maaha, Markaa qabiilka Soomaaliya
iyo Salaadiinta Somaliland wax ay kawada hadlaan meesha mayaalo” ayuu yidhi.
“Markaa waxaan u arkaa cidii tidhaahdaa waan tagayaa [Shirka Soomaaliya], sharaf
dhac ayey ku tahay, cid sharciga dalka ka sareysana ma jirto haday tahay
Madaxweyne iyo haday tahay Suldaan Xabsigii Mandheera waa diyaar.”
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka e UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu shacbiga
reer Somaliland kula dardaarmay inay ilaashadaan qaranimadooda oo ay iska
qabtaan cidkasta oo isku dayda inay waxyeeleeyso, isla markaana cidii xun
inaanay Somaliland la ehel ahayn. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi.
“Shacbiga reer Somaliland waa inay qaranimadooda ilaashadaan qofka xuna
Somaliland la ehel maaha.”
Md. Faysal waxa uu dhaliil kuluul dhabarka uga riday Gudoomiyaha shirka dib u
heshiisiinta ee koonfurtka Soomaaliya oo sheegay inay salaadiin reer Somaliland
ahi ka soo qeybgalayaan shirka, inuu ka hadlo dadkiisa la xasuusay “Cali
Mahadina hadaad naf leedahay ka hadal dadkaaga la xasuuqay.”
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe waxa sheegay
inuu hawl shakhsiya u tagayo dalka filand oo uu nasasho muddo gaadhaysa bil ah
ku soo qaadandoono halkaasi.
Waxa beryahanba warbaahinta Somaliland ku soo baxayey hadalo uu Gudoomiyaha
shirka dib u heshiisiinta Soomalaiya Cali Mahdi ku cel celinayey inay salaadiin
reer Somaliland ka soo qeyb gelidoonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo
lagu macsuumay, hadalkaas oo ay jawaabo canbaareyn iyo naqdin ah kaga jawaabeen
Xukuumada Somaliland iyo qaar ka mid xisbiyada Mucaaridka Somaliland.
Mid ka mida salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan
C/qaadir oo wareysi gaara shalay siiyey tilifiishanka Madaxa banaan ee
Somaliland [SLTV] oo kaga waramayey mowqifkiisa ku wajahan shirweyanaha dib u
heshiisiinta ee lagu qabanayo muqdhisho oo la sheegay inay madaxda Embeghati
inay ku macsuumeen Madax dhaqameedyo reer Somaliand ayaa waxa uu sheegay inaanay
Madaxdhaqameedyadu xuduud lahayn, taas oo dadka siyaasada indha indheeyaa ay ku
micneeyeen hadalka ka soo yeedhay Suldaanka inay u muuqato inay madaxdhaqameedyo
reer Somaliland ahi ay doonayaan inay ka qeybgalaan shirkaa.
Weriye, Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail,
janaale94@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


|