Ogeysiis ku Socda Soomaalida
Minnesota
Waxaa la ogeysiinayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota in
maalinta khamiista ee bisha May tahay 31 2007 saacadu markay tahay 4
galabnimo ilaa 8 fiidnimo la qaban doono Habeenka Waxbarasha Soomaalida
Minnesota
Goobta: Somali Education Center
2205 Niclet Ave South
Minneapolis, MN 55404
Sanadkan waxaa ku cusub taariikhda iyo gabayadii abwaan C/Laahi Suldaan
Timo Cade in lagu soo bandhi doono.
AKhri...
|
- Sagal Radio oo Waraystay Xildhibaan
Below Adan Keerrow
Below Adan Keerrow oo ah
xildhibaan laga soo doortey Bartamaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi
Bari oo siyeey wareysi Sagal Radio isagoo jooga Chicago, IL U.S.A...
Dhegeyso
halkan..
Wersheddii Hore ee Baastada oo Markale La
Weeraray
May 28, 2007: Habeenimadii Xalay (oo
Isniintu soo geleysey) ayaa mar kale weerar lala beegsaday wersheddii Baastada
oo u dhow Kontoroolkii hore ee Balcad, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada
Itoobiya. Waxaana halkaas laga maqlayey rasaas. Wararka ugu horeeyey ayaa
tibaaxay in weerarkaas ay qaadeen xoogagga iska-caabinta ee ka so horjeeda
Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya. Itoobiya oo ah dal
gumeysta dhul ay Soomaalida leedahay.
Habeen hore ayey ahayd markii la weeraray isla
wersheddii Baastada ee Muqdisho, ilaa haddana khasaaraha gaarey ciidanka
Itoobiya lama sheegin, sida aan loo sheegin khasaarooyinkii soo gaarey ciidanka
Itoobiya ilaa markii ay soo galeen Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xalay la
weeraray Saldhiga Booliska ee Hurwaa.
Saldhigga Ciidanka Booliska Huriwaa oo La
Weeraray
Habeenimadii Isniintu soo geleysey (May 28)
ayaa weerar bom lala beegsaday saldhigga Ciidanka Booliska Huriwaa, weerarkan oo
ah kii labaad oo saldhiggaas lagu qaado muddo laba asbuuc ah. Ilaa hadda lama
oga khasaaraha dhabt aah ee uu geystey weerarkaasi.
Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Itoobiya ee
kusugan Wersheddii hore Baastada ee Magaalada Muqdisho
May 27, 2007: Habeenimadii ay soo geleysey
Axad fiidkii ayaa weerar bambaano lala beegsaday ciidamda Itoobiya ee kusugan
wersheddii hore ee Baastada ee magaalada Muqdisho. Khasaaraha halkaasi ka dhacay
lama oga. Waxana qaraxaasi ka dambeeyey qaraxyo ka dhacayey magaalada Muqdisho
ilaa habeenimadii Jimacada.
Dhanka kale waxaa isla xalay magaalada Muqdisho
isku rasaaseeyey ciidamo ka wada tirsan DFKMG, israsaasayntaas oo ka dhacday
meel u dhow Is-goyska Sanca. Israsaasayntaas oo cabbaar socotey ayaan la ogeyn
khasaaraha ay geysatey. Waxaana lagu soo waramay in goobtii la geeyey ciidamo
Itoobiyaan ah.
Bannaanbax lagu
diiddanyahay joogitaanka Itoobiya oo ka dhacay Holland
Waxaa maalinnimadii sabtiga hore (19-05-2007), ka dhacay magaalada
Denhaag ( The Hague) ee waddanka Nederland bannaanbax aad u weyn oo lagu
diiddanyahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale
oo bannaanbaxa looga cabanayay xadgudubyada bani'aadminnimada ka dhanka ah ee ka
dhacay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay bilihii u dambeeyay
dhibaatooyin lixaad lihi ka dhaceen...
Warbixin iyo sawiro...
WARARKII SHALAY: MAY 26, 2007
-
Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey
gaari Ural ah
Subaxnimadii Sabtida ayaa ayaa waxa qarax miino lala beegsaday saddex gari
oo ah nooca loo yaqaan Ural oo marayey agagaarka wershedda Xayle Bariise ee
magaalada Muqdisho, qaraxaas ayaa wararku sheegeen in uu haleelay mid ka mid
ah gawaaridaas, kuna burburay.
Ku-xigeenka Maxamed Dheere iyo Dhaxtuur
oo ka badbaadey Qarax lala beegsaday
Muqdisho: C/fitaax Ibraahim Cumar
Sabriye (Shaaweey) iyo Maxamed Cismaan dhagaxtuur ayaa saaky oo Sabti ah ka
badbaaday weerar lala beegsaday kaas oo dhacay ka dib markii qarax xoogan
lagu weeraray koloyo baabuur ah oo ay wateen oo marayay inta u dhaxeysa
warshada xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad ee Magaalada Muqdisho.
[Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri...]
Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo
miino kula qaraxday Ex-control Balcad
Subaxnimadii Sabtida ayaa miino lagu qarxiyay gaari ah nooca loo yaqaan
Cabdi bile oo ay leeyihiin ciidamada DFKMG oo marayay inta u dhaxaysa xayle
bariise iyo ex-cantarol Balcad.
Col. Cali Dheere oo Xalay dabley
hubaysani weerareen
Xalay ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar la beegsadeen col. Cali Dheere iyo
ilaalladiisa oo marayay agagaarka warshada caanaha, aagga jidka tolmada ee
mara wasaaaradii gaashaandhiga.
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007
Jaaliyadda
Soomaalida
Ee Dalka Suuriya Ayaa ka qayb Qaatay
Dibad-Bax lagu Taageerayey Madaxweyna
Suuriya Bashaar Al-asad...
Akhri
warbixintii Asad Caddaani
Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaalida
.Gaalkacyo
oo Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran
yahay
.Maxaabiis lagu qabtay Dhahar oo
lasiidaayey...
.Boosaaso: Safiirka Masar oo
xoriyadiisii loo celiye...
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... May 26
"Cali
Mahadi hadaad naf leedahay ka hadal
dadkaaga la xasuuqay.."
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha
Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
oo...
Akhri...
Qardho:
Munaasab lagu Dooranaayey Gudoomiya
Dallada Hormarinta Dhalinyarada Goblaka
Karkaar
Ma
dhabaa In Khilaafka u Dhexeeya Madaxda
Milatariga Iyo Booliska DKMG Uu
dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra
Kooxaha
Iska-caabinta Ee Diidan Joogitaanka
Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay Inay
Xeelada Dagaalka Bedeleen


|