Weerar Xalay Lagu Qaaday Ciidamada Itoobiya ee
kusugan Wersheddii hore Baastada ee Magaalada Muqdisho
May 27, 2007: Xalay (oo ay soo geleysey
Axad) fiidkii ayaa weerar bambaano lala beegsaday ciidamda Itoobiya ee kusugan
wersheddii hore ee Baastada ee magaalada Muqdisho. Khasaaraha halkaasi ka dhacay
lama oga. Waxana qaraxaasi ka dambeeyey qaraxyo ka dhacayey magaalada Muqdisho
ilaa habeenimadii Jimacada.
Dhanka kale waxaa isla xalay magaalada Muqdisho
isku rasaaseeyey ciidamo ka wada tirsan DFKMG, israsaasayntaas oo ka dhacday
meel u dhow Is-goyska Sanca. Israsaasayntaas oo cabbaar socotey ayaan la ogeyn
khasaaraha ay geysatey. Waxaana lagu soo waramay in goobtii la geeyey ciidamo
Itoobiyaan ah.
Bannaanbax lagu
diiddanyahay joogitaanka Itoobiya oo ka dhacay Holland
Waxaa maalinnimadii sabtiga hore (19-05-2007), ka dhacay magaalada
Denhaag ( The Hague) ee waddanka Nederland bannaanbax aad u weyn oo lagu
diiddanyahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale
oo bannaanbaxa looga cabanayay xadgudubyada bani'aadminnimada ka dhanka ah ee ka
dhacay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay bilihii u dambeeyay
dhibaatooyin lixaad lihi ka dhaceen...
Warbixin iyo sawiro...
WARARKII SHALAY: MAY 26, 2007
- Qaraxyo Isdaba Joog Ah Oo Xalay Ilaa
Saaka Gilgiley Magaalada Caasimada Ah Ee Muqdisho
Muqdisho waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya....
Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey gaari Ural ah
Ku-xigeenka Maxamed Dheere ka
badbaadey Qarax lala beegsaday
Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo miino kula qaraxday Ex-control
Balcad
Col. Cali Dheere oo Xalay dabley hubaysani weerareen
Cali Mahdi oo Gaarey Magaalada Nairobi...
Geeddi oo si qarsoodi Qarsoodi ah ugu soo laabtay Muqdisho...
Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey
gaari Ural ah
Subaxnimadii Sabtida ayaa ayaa waxa qarax miino lala beegsaday saddex gari
oo ah nooca loo yaqaan Ural oo marayey agagaarka wershedda Xayle Bariise ee
magaalada Muqdisho, qaraxaas ayaa wararku sheegeen in uu haleelay mid ka mid
ah gawaaridaas, kuna burburay.
Ku-xigeenka Maxamed Dheere iyo Dhaxtuur
oo ka badbaadey Qarax lala beegsaday
Muqdisho: C/fitaax Ibraahim Cumar
Sabriye (Shaaweey) iyo Maxamed Cismaan dhagaxtuur ayaa saaky oo Sabti ah ka
badbaaday weerar lala beegsaday kaas oo dhacay ka dib markii qarax xoogan
lagu weeraray koloyo baabuur ah oo ay wateen oo marayay inta u dhaxeysa
warshada xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad ee Magaalada Muqdisho.
[Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri...]
Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo
miino kula qaraxday Ex-control Balcad
Subaxnimadii Sabtida ayaa miino lagu qarxiyay gaari ah nooca loo yaqaan
Cabdi bile oo ay leeyihiin ciidamada DFKMG oo marayay inta u dhaxaysa xayle
bariise iyo ex-cantarol Balcad.
Col. Cali Dheere oo Xalay dabley
hubaysani weerareen
Xalay ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar la beegsadeen col. Cali Dheere iyo
ilaalladiisa oo marayay agagaarka warshada caanaha, aagga jidka tolmada ee
mara wasaaaradii gaashaandhiga.
Qaraxyo Isdaba Joog Ah Oo Xalay Ilaa Saaka
Khal-khal Geliyey Magaalada Caasimada Ah Ee Muqdisho....
Qaraxyo isdaba jooga ayaa xalay ilaa saaka ka dhacayey magaalada caasimada ee
muqdisho kuwaasoo gaysatay dhimasho inta la og yahay labo qofood iyo tiro kale
oo dhaawac ah.
Qaraxyadan oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo kamida degmooyinka iyo
xaafadaha magaalada muqdisho ayaa amaan darro iyo cabsi ay ka muujiyeen dadka
shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho ,taasoo qaraxii ugu weynaa uu ka
dhacay xili ku aadan salaadii maqrib ee xalay kadib agagaarka wershedii tolamada
ee degmada hodan islamarkaana gaystay dhimshada hal qof sida ay xaqiijiyeen goob
jogayaal ku sugnaa goobtaas .
Qaraxyadan aan kala go,a lahayn ee xalay ilaa saaka ka kala dhacayey degmooyinka
ay kamid yihiin degmada yaaqshiid, agagaarka ex-cantrool oo saaka uu ka dhacay
qarax dhawaqiisa laga maqlayey deegaanada ku dhow dhow ,degmada xamar jab-jab
iyo hodan oo ay iyana xalay ay qaraxyo kala duwani ka dheceen islamarkaana la
xaqiijiyey inay gaysteen dhimashada labo qof oo rayid ah halka dhaawacuna aan la
ogayn inta uu leeg yahay balse ay jiraan tiro dhaawac ah .
Sidoo kale qaraxyadan ayaa saamayn weyn ku yeeshay amaanka magaalada caasimada
islamarkaana lagu arkayey meelaha qaraxyadu ka dheceen oo ay isku gadaameen
ciidamada booliska dowlada KMG ah taasoo aysan jirin cid loo aaneeyey.
Qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xili uu magaalada muqdisho ku sugnaa habeenkii
xalay ahaa wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia siyum musfin oo kulamo la
qaadanayey masuuliyiinta ugu sar saraysa dowlada KMG ah .
Si kastaba ha ahaatee amaanka caasimada ayaa ahaa mid aan laysku halayn karin
tan iyo xiligii ay qaboobeen dagaaladii u dhexeeyey kooxaha kasoo horjeeda
joogitaanka ciidamada shisheeye iyo dowlada KMG ah oo kaashaynaysa ciidamada
xukuumada Ethiopia , iyadoo uu soo dhow yahay xiliga la iclaamiyey shirka dib u
heshiisiinta soomaaliya bartmaha bisha june ee fooda inagu soo haysa ,taasoo ay
beesha caalamku ka war sugayaan waxa kasoo bixi kara shirkaas isaga ah .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo dib ugu soo laabtay
magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qeyb galay maanta kulankii baarlamaanka
Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geeddi ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu
safar degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin ku tagay magaalada Baydhabo ee
gobolka Bay.
Ra’iisul wasaaruhu waxa uu magaalada Baydhabo kaga qeyb galay kulankii
baarlamaanka ee maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, sidoo kalena
waxaa kulankaasi isaga ka qeyb galay guddoomiyaha Guddiba Dib u heshiisiinta
Qaranka Md. Cali Mahdi Max’ed oo isaga iyo xubnihiisuba ay goob joog ka
ahaayeen.
Kulankan maanta uu yeeshay baarlamaanka ayaa lagu ansixiyay guddiga dib u
heshiisiinta Qaranka oo uu guddoomiye ka yahay madaxweynihii hore Cali Mahdi
Max’ed, waxaana isla maanta xubnaha golaha baarlamaanka hortooda lagu dhaariyay
8 xildhibaan oo cusub oo iyagu ku soo biiray golaha baarlamaanka kaddib markii
boosaskii ay banneeyeen xubnihii baarlamaanka ay buuxiyeen boosaskooda.
Dhinaca kale 28 xubnood oo ka mid ah guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa
maanta markii la ansixiyay kaddib waxay u kala ambabaxeen 15 gobol oo ka mid ah
gobollada dalka, halkaasoo ay geyn doonaan casuumaddii loogu talo galay
shirweynaha dib u heshiisiinta Qaranka oo furmaya 15ka bisha soo socota ee Juun.
Ku Xigeenada Maamulka G/Banadir Oo Ka
badbaaday isku qarax lala beegsaday saakay
Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banadir, C/fitaax Shaaweeye iyo Max'ed Cismaan
dhagaxtuur ayaa sheegay in ay ka badbaadeen isku day dil ka dib markii qarax
xoogan lala beegsaday kolonyo ay wateen oo marayay wadada Ex Ctrl Balcad ee
magaalada Muqdisho.
Sida uu warbaahinta u sheegay C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo ah
K/xigeenka maamulka gobolka Banadir ee dhinaca nabadgalyada.
Qarax xoogan oo lala beegsaday Kolonyo ay wateen isaga iyo Max'ed Cismaan
Dhagaxtuur ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 askari oo ka mid aheyd ilaaladii la
socotay.
Weerarkaan ay ka badbaadeen Ku xigeenada Max'ed Dheere ayaa sidoo kale waxaa ku
naf waayay wiil yar oo caseeye ah oo marayay wadadaasi halka qof kale oo rayid
ahna ay ku dhaawacmeen.
C/fitaax Shaaweeye oo shir jaraa'id ku qabtey xarunta maamulka gobolka Banadir
kadib qaraxaasi ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa Miino laga hagayay Romote ka
oo lala beegsaday kolonyadii ay wateen, isagoo tilmaamay in ay gacanta ku soo
dhigeen labo nin oo falkaasi ka dambeeyay miinada qaraxday.
" Waanu ka badbaadnay weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan oo la doonayo in nagulu
waxyeelo" ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo dhowaan dowladda KMG ah u magacowday
booskii uu ka geeriyooday Aaabihii Ibraahiim Shaaweey oo ku geeriyooday
magaalada Nairobi halkaasi oo dhaawac ahaan loogu daweynayay ka dib markii qarax
lagu weeraray kolonyo uu watay horraantii sanadkaan agagaarka isgoyska
Xararyaale ee Muqdisho.
Isku daygaan dil ay ka badbaadeen K/xigeenada Maamulka gobolka Banadir ayaa ku
soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ay la wareegeen ciidamo
boolis ah, iyadoo qaraxaana uu noqonayo kii 4aad oo ka dhaca caasimadda 24 kii
saac ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Gudiga Dibu Heshiisiinta
Qaranka oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Qaran Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta
gaaray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen xubno
ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi.
Cali Mahdi oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa
ay tahay sidii uu dhaqaale u weydiisan lahaa dalalka beesha caalamka ee ku sugan
Nairobi.
Cali Mahdi ayaa halkaasi kula kulmi doono xubno ka tirsan dalalka deeq
bixiyaasha iyo dowladda Mareykanka oo horay u ballan qaaday iney gacan ka
geysanayaan dhaqaalaha ku baxaya shirka.
Xubin kasta oo ka mid ah ergada loo dirayo gobolada dalka ee gaarsiinaya
fariimaha casuumada hoggaamiyeyaasha dhaqanka beelaha Soomaalida waxaa uu
maalintii qaadanayaa lacag dhan 30 Dollar-ka Mareykanka taasoo hey’adda UNDP ku
soo hagaajisay shirkadda xawaalada Dahabshiil sida uu sheegay xubin ka tirsan
shirka dib u heshiisiinta.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007
Jaaliyadda
Soomaalida
Ee Dalka Suuriya Ayaa ka qayb Qaatay
Dibad-Bax lagu Taageerayey Madaxweyna
Suuriya Bashaar Al-asad...
Akhri
warbixintii Asad Caddaani
Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaalida
.Gaalkacyo
oo Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran
yahay
.Maxaabiis lagu qabtay Dhahar oo
lasiidaayey...
.Boosaaso: Safiirka Masar oo
xoriyadiisii loo celiye...
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... May 26
"Cali
Mahadi hadaad naf leedahay ka hadal
dadkaaga la xasuuqay.."
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha
Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
oo...
Akhri...
Qardho:
Munaasab lagu Dooranaayey Gudoomiya
Dallada Hormarinta Dhalinyarada Goblaka
Karkaar
Ma
dhabaa In Khilaafka u Dhexeeya Madaxda
Milatariga Iyo Booliska DKMG Uu
dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra
Kooxaha
Iska-caabinta Ee Diidan Joogitaanka
Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay Inay
Xeelada Dagaalka Bedeleen


|