SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Xaafadaha Abtooy iyo Aadan-saloog oo ka tirsan deegaanda Dayniile oo laga qeybiyey macaawinooyin isugu jira galaay, digir iyo saliid caday oo ay soo dhiibeen jaaliyadaha dibada ee Britain, Holland iyo Australia

Deeqdaan oo la siiyey 250 qoys ahaana dad danyar ah ayaa halkii qoysba la siinayey 25 madaal oo isugu jirta digir, galay iyo saliid-caday, waxaana soo dhiibay jaaliyadaha dibadaha ku nool ee somaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool wadamada England ,Holland iyo Australia . iyaga oo u soo wakiishay Cabdi cali kana mid ah dadka degan magaalo lagu magacaabo alfan qeybna ka ah dalka Holland.



Cabdi cali ayaa isagu dalbaday in deeqdaan la gaarsiiyo dadka indhoolayaasha ah iyo kuwa aan dhegaha wax ka maqal balse maamulkii wuxuu isla gartey in lagu daro kuwa danyarta ah ee aan awoodin xeel iyo farsamo in ay wax ku soo dhacsadaan.

Raashinka Axadii la qeybiyey ayaa lagu qiimeeyey $3500 waxaana suurta gashay in la siiyo dadkii u baahnaa si nabad galyo Ah ayeyna howshii ku fushay iyada oo ammaanka goobta lagu qeybinayey ay sugayeen ciidamada ammaanka ee gobolka banadir.

Dadka deeqdaan loo qeybiyey ayaa dhamaantood waxey ahaayeen dumar da.kasta leh balse aan lagu arag wax rag ah.

Caasha cusmaan ugaas ( casha shacuur ) oo ka mid aheyd dadkii soo qaban qaabiyey isla markaana ahaa udub dhexadka qeybinta mucaawinadaan ayaa sheegtey in ay ku faraxsan tahay sida qiimaha leh ee loo gaarsiiyey cunooyinkaa dadki ehelka u ahaa arinataan ayaa ku so aaday xili ay dadka deegaanku si aad ah ugu baahan yihiin in deeqo noocaan oo kale ah lala so gaaro.

Muqdisho oo La Go'aamiyey in laga Cirib Tiro Geed Yahuudka

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan ay isugu yimaadeen go’aanno ka soo saareen

Kulan ay isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aanno ku wajahan wax ka qabashada xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo sida ay waajib u tahay in maamulka gobolku uu ugu dadaalo sidii loo mira dhalin lahaa guud ahaanba arrimaha amniga ee gobolka Banaadir, waxaana kulankani laga soo saaray gabagabadiisii qodobadan.

1. Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu si wadajir ah u go’aamiyay in dhammaanba dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ay iska gooyaan ama iska jaraan geedka loo yaqaano geed yahuudka oo ka dhashay guryaha hortooda iyo geedaha kale, kuwaasoo la doonayo in la gubo, waxaana arrintaasi loo go’aamiyay in la dhaqan geliyo laga bilaabo 20/05/2007 kuna eg 30/05/07, ciddii amarkaasi fulin waysana maamulku wuxuu ka qaadayaa ganaax lacageed oo dhan 1,000,000 Shilin Somali.

2. Maamulka gobolka Banaadir waxa kaloo isla kulankaasi ku go’aamiyay in jidadka magaalada Muqdisho dhexdooda aan la dhigi karin dhagax ama wax hakin kara socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxna u dhimi kara arrimaha nabad gelyada khuseeya, hay’adaha dowladda loogu baaqay inay jidadka howlgalka howl galka ka soconayo la dhigo tabeelayaasha ifa ee lagu yaqaano ciidamada nabad gelyada Gobolka BAnaadir, waxaana lagu wargelinayaa ciddii fulin waysa go’aanka in loo aqoonsan doono xannibaad jid, waxaana lala tiigsan doonaa sharciga.

3. Maamulka Gobolka Banaadir waxa kaloo kulankooda ku go’aamiyay in guri kasta oo laamiga saaran si deg-deg ah loogu yeelo albaab ama lagu xiro bulukeeti si loo daboolo albaabada iska ballaqan oo cid walba ay ku dhuuman karto, ciddii amarkaasi fulin waysana ugu dambeyn 30/05/07 iyadana waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan, sidoo kale shacabka magaalada Muqdisho waxaa loogu baaqay in guryahooda hortooda ay ka bixiyaan biraha ama rukumada ay geliyee guryahooda hortooda, kuwaasoo wax u dhimaya hannaan socodka dadka iyo gaadiidka.

Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa go’aannadan qalinka kula duugay ku xigeenada gobolka Banaadir, waxayna kala yihiin Max’ed Cumar Xabeeb (m.dheere) guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Max’ed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ku xigeenka duqa magaalada arrimaha bulshada, C/laahi Xasan Ganey firimbi ku xigeenka arrimaha siyaasadda, C/fitaax Ibraahim Cumar ku xigeenka nabad gelyada, Cabdi Xaashi Liibaan ku xigeenka duqa magaalada dib u dhiska iyo dib u dejinta.

Max’ed Dheere oo ka badbaaday qarax lala beegsaday (shir jaraa’id)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (M.dheere) ayaa maanta ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarijiyo iyadoo lala beegsaday bam kolonyo gaadiid ah oo uu ku jiro oo galbineysay.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayuu ku sheegay max’ed Dheere in maanta saacaddu markay aheyd 7:10 daqiiqo leysku dayay in qarax lagu khaarijiyo taasoo ka dhacday waddada Siisii ee isku xirta Sanca iyo Fagax.

Max’ed Dheere wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in bamkan aanu u qarxin sidii loogu talo galay ama aanu u fulin balse uu geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo uu sheegay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay iyadoo sidoo kalena labo qofoo kale ay ku dhaawacantay balse aanu cid kale wax ku noqon.

Max’ed Dheere wuxuu intaasi ku daray in ilaaladiisu ay toogteen ninkii qaraxaasi dhigay isla markaana uu halkaasi ku geeriyooday, wuxuuna sheegay Max’ed Dheere inuu garanayo halka laga soo abaabulo shirqooladaas oo uu ku sheegay inay tahay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Max’ed dheere oo shirkaasi jaraa’id ka hadlayay wuxuu sheegay in haatan kooxaha fidnada ka wada magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo gabaabsi ah waqtiyadana soo socodana la tirtiri doono, wuxuuna shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan ka geystaan arrimaha nabad gelyada lagu sugayo, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in qaraxan maanta lala beegsaday inay ka dambeeyaan wuxuu ugu yeeray haraadigii Maxkamadaha iyo kooxo gacan saar la leh argagaxisada waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu si degdeg ah u soo afjari doono amni xumada ka jirta magaalada Muqdisho.

Hay’adda WFP oo raashin ka qeybisay degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho

Hay’adda Qaramada MIdoobay cunada u qaabilsan ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano WFP ayaa maanta waxay deeq raashin ah oo isugu jirtay galley, saliid iyo boorash gaarsiisay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Hay’adda WFP waxay qeybinta raashinkaasi la kaashaneysay maamullada ka dhisan labada degmo ee Dharkeynley iyo Wadajir, iyadoo kumannaan dad ah ay isugu soo baxeen goobihii laga qeybinayay raashinkaas.

Marka loo fiiriyo tirada dadka iyo raashinka ay WFP ka qeybinaysay degmooyinkaasi maanta ayaa waxaa la dhihi karaa mid aan kaafi karin baahida ay dadka u qabaan inay raashin mucaawino ah helaan, maxaa yeelay inta badan dadka Reer Muqdisho waxaa saameyn ku yeeshay dagaaladii Muqdisho ka dhacay, waxaana soo wajahay sicir barar aad u baahsan.

Inkastoo intii la qaybinayay raashinkaasi maamulada ka jira labada degmo ay dadaal dheeri ah muujiyeen si aysan waxyeello halkaasi uga imaanin ayaa misana waxaa dhacay nasiib darro iyadoo halkaasi ay ku geeriyootay mid ka mid ah dadkii halkaasi u yimid inay deeqa helaan oo ay xabbad kaga fakatay mid ka mid ah ilaaladii raashinkaasi waardiyeynaysay, iyadoo ay baahi daran u qabaan dadka inay helaan raashinkaasi mucaawino ayaa waxaa halkaasi ka dhacay is riix-riix.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya

025215576666

002521653623

May 20, 2007

Talyaaniga: Waa Shardi in Itoobiya ay Ciidameeda Kala Baxdo Soomaaliya
.Shacabka Reer Uganda oo ka hor yimid in Ciidamadooda sii..
.Holland: Bannaanbax looga Soo horjeedey Ciidamada Itoobiya
.Wafdi ka socda Talyaaniga oo soo gaarey Muqdisho..
.DFKMG oo ergay u direysa Boqortooyada sucuudiga..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... May 20

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya
fikruXildhibaan kasoo jeeda gobolka Galbeedka Itoobiya ee Benishangul Gumuz ayaa ka fakaday Itoobiya, magan-gelyo siyaasadeedna weydiistey dalka.. Akhri


Bayaan: Guddida nabadgalyada Somaliland oo ku xadgudubtay xuquuqda iyo xoriyadaha muwaadiniinta
Bayaan ka soo baxay Ururka Shuro-net... Akhri... May 19

Ciidamada ONLF oo qabsadey Magalaada Qalaafe.
Ciidamada Itoobiya oo gubey Tuulada Laasoole dad shacab ahna ku laayay... Akhri.... May 19

Kooxo burcad ah oo dil iyo dhac u geystay dad rakaab ah oo saarnaa gaari u socday Shalaanbood

Culuma'udiinka Gobolka Nugaal oo ku dhaliilay maamulka Puntland...
in aysan dan iyo heela-toona ka lahayn dadka u dhimanaya cudurka shuban biyoodka.... AKhri...


BintiBinti Jeylaani waxay u baahan tahay Gargaar deg deg ah.
Binti oo ay buro aad u weyn ka soo baxday afka, waxay ka soo jeeda qoys sabool ah oo waxba aan heysan, waxayna u baahan tahay in lala gaaro gargaar . Akhri



 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com