SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Kooxo burcad ah oo fiidnimadii xalay dil iyo dhac u geystay dad rakaab ah oo saarnaa gaari u socday Shalaanbood

May 19, 2007

Sida la xaqiijiyay qof ayaa dhintay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii kooxo burcad ah oo hubeysan ay wadada u galeen gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah oo marayey meel u dhow deegaanka Shalambood ee gobolka Sh/hoose, iyagoo sidoo kalena dhac u geystay guud ahaanba dadkii saarnaa gaarigaasi.

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa dhimashada iyo dhaca loo geystay dadkaasi ayaa ka dambeysay ka dib markii darawalkii gaariga ahaa uu iska dhega mariyey digniin ay u jeediyeen burcadaasi oo aheyd inuu joojiyo gaariga taasoo keentay iney rasaas huwiyaan dadkii la socday gaarigaasii taasoo dhaawac u geystay mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa, waxaana kooxda burcada ah markii uu istaagay gaariga ay kala soo degeen wadihii gaariga, iyagoo ka dibna ku rasaas darandoori ah oo ay ku fureen sababtay inuu halkaasi ku naf waayo darawalkii gaariga, waxayna ka dib baarasho ugu dhaqaaqeen burcadaasi oo ka koobneyd ilaa 7 nin oo hubeysan, iyagoo dadkiina ka qaatay wax alla iyo wixii ay wateen ee nooli ah ahaa.

Meydka ninka darawalka ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Sanka ayaa saaka la gaarsiiyey magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose, iyadoo qofkii ku dhaawacmayna la dhigay isbitaalka magaaladaasi oo imika lagu daweynayo, waxaana falalkan dilka iyo dhaca ah ay qeyb ka yihiin amaan daro baahsan oo mudooyinkan dambeba ka jirtay deegaanaada hoos yimaada gobolka Sh/hoose ka dib markii ay habacsanaan ku timid maamulka iyo ciidamada nabadgelyada ee gobolkaasi oo iyagu ka gaabiyey howlihii suguda amaanka ee dadka gobolkaasi ku dhaqan kooxaha burcada ah ay faro ba’an ku hayaan.

Dadkii ku soo laabtay Xaafado ka tirsan Muqdisho oo ka cabanaya kooxo burcad ah oo dhac iyo dhibaatooyin kale kula kaca

Waxaa isa soo taraya cabashooyin ba’an iyo qeylo dhaan ka soo yeereysa qaar ka mid ah dadkii dib ugu soo laabtay deegaanadii ay dhowaan dagaaladu ka dhaceen ee magaalaada Muqdisho taasoo ku wajahan mucaawinooyin raashiin ah oo sheegeen in iyaga loogu soo talo galay ayna ka lunsadeen qaar ka mid ah ciidamadii dowladda federaalka ee gelbinayey iyo qaar ka mid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.

Deegaanada ay ilaa hadda cabashada xoogga badan ka soo yeereyso ayaa waxaa ka mid ah deegaano ka tirsan gubta iyo Dayniile, halkaasoo la sheegay in raashiin loogu talo galay ilaa 3000 (Saddex Kun oo qoys) in la waayey ka dib markii ay leexsadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo iyagu lunsaday sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah dadkii loogu talo galay deeqdaasi oo ay bixiseen hey’adaha Qaramada midoobay u qaabilsan Bani aadamnimada.

Dadkan ayaa ka codsanayaa mas’uuliyiinta sare sare ee dowladda federaalka iney soo fara geliyaan, baaritaan ku sameeyaan halka ay martay deeqdii loogu soo tala galay oo ay sheegeen iney aheyd mid aay aad ugu baahnaayeen, waxayna tilmaameen in lo bahan yahay maamulada iyo ciidamada ku shaqada leh howlaha noocan kale ah in daba gal adag lagu sameeyo si aaney u dhicin in dad masaakiin ah deeq loogu dhibay aaney u lunsan.

Egeyga Maraykanku u soo Magacaabay Soomaaliya oo sheegay inuu kulansiinayo Madaxweyne Yuusuf iyo Odayaasha Hawiye

Egeyga cusub ee Dowladda Maraykanka u soo magacowday arrimaha Soomaaliya John Yates ayaa sheegay inuu isku dayayo sidii loo sii xoojin lahaa wada xaajoodyada dhexmaraya odayaasha beesha Hawiye iyo Madaxweynaha dowladda fadaraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee horeyba u bilowday, isagoo sheegay inay muhiim tahay in la is fahamsiiyo beesha Hawiye iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

John. Yates oo ah qabiir dhinaca siyaasada caan ka ah siiba wadamada Africa oo dowladda Maraykanka ay u xil saarato ayaa xiligaan waxaa loo magacaabay inuu safiir ka ka noqdo dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin xoogan ay ka taaganyihiin, waxaa sidoo kale muuqanaya in dowladda Maraykanka ay si aad ah isha ugu hayso arrimaha Soomaaliya.

Mr. John Yates Ergayga Maraykanka ee arrimaha Soomaaliya oo xiligaan farsiin ka dhigtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo u waramayey laanta afka Soomaaliga ee Idaacada VOA ayaa sheegay in shirka qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, uu hordhac wanaagsan u yahay xal u helida dalka Soomaaliya oo xilli badan dhibaato dagaalo ah ku soo jiray taasoo uu sheegay in xitaa ay timaado doorasho xor ah marka la gaaro xiliga dowladda federalka Soomaaliya waqtigeeda uu dhacayo ee sanadda 2009-ka sida ay horay u sheegtay Jandayi Frazer oo ah kaaliyaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa in waqtigaas ay haboon tahay in la bedelo hogaanka sare ee dowladda fadaraalka Soomaaliya.

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

025215576666

002521653623
 

Faafin: SomaliTalk.com | May  19, 2007


Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in "markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin". Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: "five-year military occupation of Ethiopia by fascists". Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: "Ethiopia proudly claims to be 'the only African country that has never been colonized'". Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) - ama (Italy colonized Ethiopia for five years).


Niil
Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri "waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya". Waxa uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra'iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya. Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: "Mubarak expresses understanding on Ethiopian intervention in Somalia". Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.

Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon". Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah.


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com