
Office
Telephone: 252 2 520013/ 252 2 427310/252 2
409125
E-mail:
shuro4rights@gmail.com
Hargeisa, Somaliland | 5/19/2007
Ujeedo: Bayaan
Guddida nabadgalyada Somaliland oo ku
xadgudubtay xuquuqda iyo xoriyadaha
muwaadiniinta.
Isku-xidhka
ururada xuquuqda aadamaha Somaliland waxa uu
mudo dheer ku hawlanaa sidii wax looga qaban
lahaa guddiyada nabadgalyada, kuwaa soo
kulakacay muwaadiniinta Somaliland xadgudubyo ka
dhan ah xaqa iyo xoriyadaha ay dammaanad qaadeen
destoorka Somaliland iyo aaladaha xuquuqda
aadamiga aduunku.
Isku-xidhka
ururada xuquuqda aadamiga heer qaran (Shuro-Net)
oo ay ku midoobaan dhammaan ururada xuquuqda
aadamiga Somaliland, waxa uu xogogaal u yahay
xadhigyo sharci darro ah iyo xadgudubyo ka dhan
ah xuquuqda aadamiga, kuwaa soo ay gaysteen
guddiyada nabadgalyadu, iyagoo adeegsanaaya
xeerka xasilloonida guud ee 1963 (Public order
law) kaa soo uu xaaraan-timeeyay barlamanaka
Somaliland sanadkii 1999, kuna tilmaamay mid
baal marsan destoorka Somaliland, Shareecada
Islaamka iyo Baaqyada caalamiga ah ee xuquuuqda
aadamiga.
Guddiyada
nabadgalyada oo ka kooban xubno ka tirsan waaxda
fulinta, ayaa haba yaraatee aanay jirin wax
sharci ah oo ay ku fadhiyaan, waxa ay boqolaal
muwaadiniin ah u taxaabay xabsiyada Somaliland
sanadadii ugu dambeeyay, iyaga oon horkeenin
maxkamad sharci ah, islamarkaana aan u ogolaanin
xuquuqda aasaasiga ah ee uu cadeeyay destoorka
Somallaind. Dadkaasi oo tiradoodu maalinba
maalinta ka dambaysa ay sii kordhayso, ayaa qaar
badan oo kamidi ka cabanayaan caafimaad darro
iyo adeegyada xabsiyada oo aad u liita.
Xabsiga Madheera
oo ku yaal jidka u dhaxeeya Hargiesa iyo
Barbara, xabsigaas oo 93 Km dhinaca waqooyi bari
ka xiga caasimada Hargeisa, ayaa dad tiradoodu
gaadhayso afar boqol iyo laba iyo todobaatan qof
ay ku xidhan yihiin, boqol iyo sadex iyo afartan
ka mida dadkaasi waxa ay u xidhanyihiin guddida
nabadgalyada, dadkani oo iskugu jira qaar la
xukumay iyo qaar rumaan ah, ayaa qaarkood ay
xidhan yihiin mudo gaadhaysa ilaa laba sano,
iyaga oon ilaa hada aan la horkeenin wax
maxkamad ah ,waxaa ku jira dadkaasi toban qof oo
bukaan jiif ah oo qaba cudurka loo yaqaano TB,
waxayna xaaladooda caafimaad maraysaa meel aad u
xun, sida ay noo xaqiijiyeen kormeerayaal ka
tirsan isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga
Somaliland. Sidoo kale waxaa ku jira xabsiyada
Burco,Boorama,Gabilay iyo magaalooyin kale oo ka
mida dalka Somaliland dad badan oo ay si sharci
darro ah u xidh-xidheen guddiyada nabadgalyadu.
12/05/07 Abaaro
11:00 am ayaa isku-xidhka ururada xuquuqda
aadamiga Somaliland u gudbiyeen maxkamada sare
ee Somaliland dacwad destoori ah oo ka dhan ah
sharciyada jiritaanka guddiyada nabadgalyada.
Dacwadaas oo uu gudbiyay garyaqaanka isku-xidhka
ururada xuquuqda aadamaha Somaliland Ibrahim
Iidle Sulayman, ayaa gudoomiyaha Maxkamada
Sare Dr Maxamed Xirsi Omane ganafka ku dhuftay
qabashada dacwadaasi isaga oon haba yaraatee aan
sheegin sababo macquul ah oo uu ku diiday
qabashada dacwadaasi.
In yar kadib
waxaa isku-xidhka ururada xuquuqda aadamigu ay
qabteen shir jara`id oo ay kaga war bixiyeen
kiiska ladiiday qabashadiisa iyo sababaha ku
kalifay inay kiiska horgeeyaan Maxakamada
Sare..Wax yar ka dib goobta waxaa yimid ciidamo
bilays ah oo gudoomiyaha maxkamadda sare
dalbaday, kuwaa soo garaacis iyo cagajuglayn ku
bilaabay dhammaan suxafiyiintii iyo
hawl-wadeenadii ka socday ururada xuquuqda
aadamiga ee goobtaa joogay, waxaa kaloo uu amar
ku bixiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare in
xabsiga loo taxaabo gudoomiyaha isku-xidhka
ururada xuquuqda aadamiga Zamzan Abdi Aden
iyadoo haba yaraatee aanay jirin wax denbi ah
ooy geysatay. Gudoomiye Zamzam ayaa la siidaayay
muddo yar kadib markii uu arinta soo dhexgalay
taliyaha bilayska Hargeisa Abdi Guun, kaas oo
furdaamiyay arintii cakirnayd,.Waxaa kaloo
iyaguna goobta caga-juglayn iyo aflagaado loogu
gaystay xubno ka tirsan dadka laga tirada badan
yahay, kuwaa soo kamid ah isku-xudhka ururada
xuquuqda aadamiga Somaliland.
Hadaba, guddidan
nabadgalyada oo ay mudo dheer ka hadlaayeen
ururada xuquuqda aadamigu iyo ururka caanka ah
ee ay ku bahoobeen qurbajooga reer Somaliland,
oo loo yaqaano (Somaliland Forum) ayna ka soo
saareen baaqyo aad u badan, islamarkaana ay kaga
hadleen xadgudubyada iyo xadhigyada sharci
darada ah kuwaa soo ay gaystaan Gudiyada
Nabadgalyadu, ayaa xukuumada Somaliland wax dheg
ah aanay u dhigin, sidaa awgeed waxaanu mar kale
uugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in si deg
deg ah arintan wax uga qabato, ayna garab
istaagto hawl-wadeenada isu xilsaaray inay
dacwada ka dhanka ah guddida nabadgalyada
geeyaan maxkamada sare, taa soo inoo horseedi
karta inaynu noqono bulsho ku kala baxda
shariciga iyo distoorka.
Isku xidhka
ururada xuquuqda aadamaha Somalilnd (Shuro-Net)
waxa uu xasuusinayaa guddida nabadgalyada inay
jabiyeen xeerarkan hoos ku qoran.
- Qodobka
25(1) aad ee destoorka. Qofna xorriyaddiisa
loogama qaadi karo si aan xeerka
waafaqsanayn (2) aad. Ma banaana in qofna la
qabto, la baadho ama la xayiro haddii uusan
markaa dembi faraha kula jirin ama aanu amar
qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore
awood u lihi.
- Qodobka 26
(3) aad ee destoorka. Eedaysanuhu waa dembi
laawe inta aanay Maxkamad horteeda kaga
caddaanin dembiilenimo.
- Qodobka 26
(1) aad ee destoorka. Ciqaab iyo dembi waa
wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey,
waxaana reeban in ciqaabta loo fuliyo hab
aan xeerka waafaqsanayn.
- Qodobka
27(2) aad ee destoorka. Qofka xorriyadda
looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey
awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu
horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan)
saacadood; laga bilaabo marka la qabtay.
- Qodobka 27
(6) aad ee destoorka. Eedaysanuhu waxa uu
xaq u leeyahay in go’aan Maxkamadi ku riday
uu racfaan uga qaato Maxkamadda ka saraysa.
- Qodobka 28
(2) aad ee destoorka. Qof kastaa waxa uu xaq
u leeyahay in uu iska difaaco Makamadda
horteeda. .
- Qodobka 21
aad ee destoorka. Waaxaha xeer-dejinta,
fulinta iyo garsoorka ee qaranka iyo kuwa
dawladaha hooseee, gobollada iyo degmooyinka
Jamhuriyadda Somaliland heer kasta ha
ahaadeene, waa in ay ilaaliyaan xuquuqda
aasasiga ah ee muwaadiniinta.
- Qodobka
27(9) aad ee distoorka, Wa dembi gaar ah oo
mutaysanaya ciqaab in lagu xadgudbo
xorriyadda qofka.
- Qodobka
460 ee xeerka Ciqaabta. Qofkii xorriyadda
qof kale si xaq daro ah uga xayuubiyaa waxa
uu muteysanayaa ciqaab ilaa 8 sanadood oo
xadhig ah.
- Qodobka
461 aad ee xeer ciqaabta. Masuulka si
xaqdaro ah u qabta ama isagoo xabsi madax uu
ka yahay ogalaado xidhitaanka qof aan si
sharci ah loo soo qaban wuxuu muteysanayaa
ciqaab ilaa 3 sanadood ah.
- Qodobka 99
(1) aad ee distoorka. Hay’adaha Garsoorku
waxa ay ka kooban yihiin Maxkamadaha iyo
Xeer-ilaalinta
- Qodobka
155 (1) aad ee distoorka. Dastuurka ayaa ugu
sarreeya xeerka dalka, xeer kasta oo aan
isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa
waxba kama-jiraan.
- Qodabka 9
aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda
aadamaha.qofna lama xidhi karo,lama hayn
karo,ama looma fustaafurin karo si sharci
darro ah.
- Qodabka 10
aad ee baaqa caalamiga ah ee xuuquuqd
aadamiga. Qofka kasta oo lagu soo oogo
dacwad ciqaab ah wuxuu xaq uleeyahy in loo
aqoonsado inuu yahay dambi laawe,ilaa lagu
cadeeyo inuu yahay dambiile si sharci ah
maxkamad furan oo xor ah horteed.
- Qodobka
130 (5) ee destoorka.Dalka jamhuuriyadda
Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii
hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor
imanayn Shareecada Islaamka ,xuquuqda qofka
iyo xorriyaadka asaasiga ah.
- Qodobka 40
aad ee xeerka habka ciqaabta .Cida awood u
leh soo saarista waaran ama amar xadhig waa
garsoore maxkamadeed oo ku guda jira hawsha
garsoor iyo gudoomiyaha maxkamadda.
Madaxwaynaha
Somaliland, Mudane Dahir Riyaale Kahin
Mudane Madaxwayne,
waxaanu si sharaf ku jirto kaaga codsanaynaa
inaad hawshan nagala qayb qaadato ,ood garab
istaagto dhawaaqyada ka soo yeedhaya
muwaadiniinta ku doortay ee sida xalaasha ah kuu
doortay ,ood taageerto tirtiridda guddida
nabadgalyada kuwaa soo cabasho wayn ay ka
muujiyeen shacbi waynaha reer Somaliland .
Mudane madaxwayne
waxaad ogtahay inaad ummaddan u dhaaratay uguna
dhaaratay inaad ku hagayso sharciga iyo
distoorka, hadaba joogitaanka Guddiyada
Nabadgalyadu wuxuu toos uuga soo horjeedaa
distoorka dalka iyo baaqyada caalamiga ah ee
xuquuqda aadamiga. Waxay taariikhdu xusi doontaa
garab istaaga aad garab istaagto arintan iyo
go`aanka aad ka qaadato, waxaa kaloo ay saamayn
ku yeelan doontaa mustaqbalkaaga siyaasadeed.
Waxaanu kaa codsanaynaa in la siidaayo dhammaan
dadka ay xidh-xidheen Guddida Nabadgalyadu hadii
ay galeen dambina la horkeeno maxkamad sharci
ah.
Baarlamaanka
:Inkastoo aanu ognahay inay golaha wakiiladu
arintan mar hore ka hadleen go’aamo aad u
dhaxal-galeen ahna ka soo saareen ayaa hadana
wali wax isbadali aanu jirin, sidaa daraadeed
waxaanu mudanayaal idinka codsanaynaa inaad mar
labaad aad gashaan abaabul aad u culus kaa soo
aad ku xaaraan-timaynaysaan Guddida Nabadgalyada
iyo Xeerka xasiloonida guud ee 1963(Public order
law)
Mudanayaal
ummaddani idin dooratay waxay idiin doorteen
inaad ilaalisaan xuquuqdooda, ood fiirisaan inay
xukuumaddu sharciga ku dhaqmayso,hadaba waxaanu
idinka codsanaynaa inay labada gole si wada jir
ah arintan u galaan oo ay ka soo saaraan xeer
baabiinaaya guddiyada nabadgalyada.
Xisbiyada
Qaranka. Waa marag ma doon in xisbiyada
qaranku kaalin muhiim ah ka qaateen sidii loo
tirtiri lahaa guddida nabadgalyada, iskuna
dayeen inay horgeeyaan maxkamada sare, sidaa
awgeed waxaanu si sharaf leh uuga codsanaynaa
inay mar kale kaalin muhiim ah ka gaystaan
.Waxaanu sadexda xisbi qaran ugu baaqaynaa inay
go`aamo adag kasoo saaraan guddiyada
nabadgalyada, oo ay u gargaaraan muwaadiniintii
doortay, kuwaa soo qaar badan oo kamidi ay
xabsiyada ku jiraan iyagoon lagu xidhin sifo
sharci ah .
Maxkamada sare.
Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamaha Somaliland
(Shuro-Net) wuxuu aaminsanyahay in maxkamadda
sare ay tahay meesha kaliya ee wax kabadali
karta dhaqangalinta sharciga, una horseedi karta
ummadda cadaalad sax ah iyo sinnaan, sidaa
daraadeed waxaanu si sharaf leh uuga codsanaynaa
maxkamada sare inay maanta qaadato go`aan lama
ilaabaan ah oo ay garab istaagto
dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah gudiyada
nabadgalyada kuwaa soo fara maroojiyay shaqadii
garsoorka. Waxa aanu xaq uleenahay inaanu dacwad
destooriya ka furano maxkamada sare, taa soo uu
noo dammaanad qaaday destoorka Somaliland.
Waxaanu ku rajo waynahay inay maxkamada sare dib
u eegi doonto go`aankii aay ku diiday inay
aqbasho dacwada ka dhanka ah guddida
nabadgalyada, ooy soo saaarto xukun taariikhiya,
kasoo lagu xasuusan doono garsoorka dalka
Somaliland.
Ugu dambayntii
waxaanu ummadda Somaliland u sheegaynaa in aanu
aad u danaynayno amniga wadanka iyo
horumarkiisa, taasina waxay ku iman kartaa
iyadoo la dhawro sharciga wadanka iyo
distoorkiisa.Waxaanu ummada u sheegaynaa inaanu
ka soo horjeedno cid kasta oo rabta inay ummadan
dhib u gaysato, islamarkaana xadgudubyo ka gasho
iyadoo adeegsanaysa magaca Dawlada. Waxaanu ku
boorinaynaa xukuumadda Somaliland inay
tixgaliyaan xorriyadaha aasaasiga ah ee uu
dammaanad qaaday distoorka dalku, ayna dhawraan
dimuquradiyada curdin ka ah ee ay ku hana qaaday
Jamhuriyadda Somaliland.
Samsam Abdi
Adan
Mubarik Ibrahim Aar
Gudoomiyaha Shuro-Net
Agaasimaha Shuro-Net
kala xiriir:
shuro4rights@gmail.com