Wararkii: Kulanka Garoowe
- Garowe: Cadde Muuse oo aysan u cubtamin
Su'aalo laga waydiiyay xilkaqaadistii lagu sameeyay Khadar Xaaji Mire.
- Garowe: Cali Cabdi Awaare oo golaha
hortooda Su'aalo lagu waydiiday.
- Caasha Geele oo xasuusisay Golayaasha
dawlada in ay sugayaan kumaankun oo masaakiin ah.
Garowe: Cadde Muuse oo aysan u cubtamin Su'aalo
laga waydiiyay xilkaqaadistii lagu sameeyay Khadar Xaaji Mire.
Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse oo Sabtidii [Jun 23, 2007] Su'aalo laga
waydiiyay xilkaqaadistii lagu sameeyay Khadar Xaaji Mire sababata aad u soo
celisay iyo sharciga aad uu u cuskaday oo wax laga waydiiyay ayuu Cade Muuse ku
sheegay in ay markii horeba ahayd sharci daro oo aan meesha xilka looga qaaday
Duqa uusan isaguba joogin islamarkaana aysan joogin masuuliyiinta Wasaarada
Dawladaha Hoose taasina ay tahayba in xilka laga qaado sharci daro.
Mas'uul ka tirsan Golaha wakiilada ayaa soo booday oo yiri waxaad noo sheegtaa
halka ay kaga taalo Dastuurka hadii aysan meesha joogin masuulyiiinta dawladaha
hoose iyo Duqa Degmada xilka lagama qaadi karo.
Madaxwaynaha oo su'aashaas si kale u dhigaya ayaa yiri maya Dastuurku sidaas ma
qabo lakiin wixii amaanka wax u dhimaya waan ka hor imaanaynaa mana aqbalayno in
amaanka Puntland la waxyeeleeyo.
Xildhibaan kale ayaa yiri hadii Golaha deegaanka degmada Bosaso ay duqa Degmada
Xilka kaqaadaan ma amaankaa wax loo dhimayaa mise Golaha degmada Bosaso ayaa ah
kuwo amaanka wax u dhimaya.
Cade Muuse ayaa yiri qaar ka mid ah Golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa ku
xiran kooxaha jooga Asmara iyaga ayaana wada in amaanka wax loo dhimo anaguna
waan ku garanay waana ka hortagnay waana uga dignay in ay mar danbe sidaas
yeelaan oo ay kooxo argagixiso ah laaluush ka qaataan.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale la waydiiyay waxa uu kaga duwan yahay Khadar Xaaji
Mire Gudoomiyayaashii hore ee xilalkoodii ay ka xayuubiyeen Golayaasha
degmoyinka ay ka soo jeedaan.
Madaxwaynaha ayaa ku jawaabay kuwaasi waxaa lagu qabtay ama lagu soo eedeeyay
danbiyo ay galeen laakiin Khadar wax danbi ah laguma hayo been bay ahayd wixii
laga qoray oo dhan waana ogaanay markaan baaritaan ku samaynay Hada laga
bilaabana wax walba oo dhaca waan daba galaynaa mana ka yeelayno in kooxo dalka
danbi ka galay in ay siday rabaan naga yeelaan waan ka hortagaynaa waana la
dagaalamaynaa idinkana waxaa la idin karaba in aad saas nala garataan oo nala
qaadataan hadaad tihiin Baarlamaankii la soo doortay oo sharciga ahaaa waana
idiin hanbalyaynayaa shaqdiina wata waadna mahadsantihiin.
Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaa markaa ka dib ka baxay Hoolkii
baarlamaanka isaga oo sheegay in meel looga yeeray sidaasna kaga fakaday
Su'aalihii la waydiin lahaa hadayba u hareen Su'aalo kale oo la waydiin lahaa.
Garowe: Cali Cabdi Awaare oo golaha hortooda
Su'aalo lagu waydiiday.
Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigi Cali Cabdi Awaare ayaa
Sabtidii [June 23,2 007] hor yimid Golaha Baarlamaanka DGPL halkaasi oo wasiirka
lagu waydiiyay su'aalo qaarkood uu wasiirku baal maray.
Wasiirka ayaa markii ugu horaysayba la waydiiyay Su'aal ahayd sababta keentay in
aad sharcigii Golaha degaanka oo uu baarlamaanku dajiyay aad u jabisay maxay
tahay.
Wasiirka oo hadalka la gabanaya ayaa ku jawaabay waxaan sidaas u yeelay in laga
fogaado khilaafka ka dhexyimaada golayaasha deegaanka iyo qancin lagu qancinayo
beelaha wada daga degaanka sidaasna ay nagu kaliftay in aan ku xalino.
Wasiirka ayaa markale lagu celiyay, maxaad sharciga u horkeeni wayday si Golaha
wakiilada ay uga doodaan arimahan.
Wasiirku su'aashaas danbe kama jawaabin laakiin hadalkii isaga oo sii wata
iskana dhigaya nin wayn oo gole la soo istaajiyay waxa uu ku qurxisaday
hadalkii: rag ka mid ah Golaha Baarlamaanka ayaa ka mid ah raga galay golaha
deegaanka qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyaga ayaana sidaas igula taliyay
in lagu badiyo dagmooyinka qaar.
Si kastaba ha ahaatee wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyigi Cali
Cabdi Awaare ayaa Su'aalihii la waydiiyay oo dhan aamus ugu jawaabay waxana uu
inta badan hadaladiisa dusha ka saaray Golaha baarlamanaku in ay lug ku
leeyihiin eedaymihiisa.
Wasiirka ayaa la filayaa in mar kale la soo hor istaajiyo Golaha wakiilada si
loo waydiiyo Su'aalo kale oo la xiriirta wasaaradiisa iyo khaladaad badan oo uu
wasiirku galay intii uu xilka hayay.
Caasha Geele oo xasuusisay Golayaasha
dawlada in ay sugayaan kumaankun oo masaakiin ah.
Wasiirka haweenka iyo qoyska Mrs Caasha Geele Diiriye ayaa inta ay is haynwayday
xili dood kulul oo buuq iyo sawaxan ka dhex dhalisay labada Gole ee Baarlamaanka
iyo Golaha xukuumada inta ay is taagay waxay sheegtay in aan meesha loo imaan
buuq iyo qaylo balse loo yimid in wax la is waydaarsado islamarkaana wax la isla
qabto oo la iska daayo khilaafka isla markaana dhagaha ugu riday labadii gole ee
dawlada in Puntland ay ku nool yihiin qoysas tabaalaysan oo masaakiin ah iyo
kuwo kale oo agoomo ah kuwaas dhamaantoodna ay idinka isin sugayaan oo ay idiin
soo doorteen in aad wax u qabataan ee idiinma aysan soo dooran in aad idinku
isku qaylisaan oo aad isku buuqdaan.
Caasha Geele oo ka hadlaysay xarunta Golaha wakiilada Puntland xili labada Gole
ee Puntland uu hareeyay buuq iyo sawaxan ayaa sidoo kale sheegtay in aysan u
doodayn oo kaliya haweenka balse ay rabto in la fuliyo Balanqaadkii madaxwaynaha
DGPL kaasi oo ahaa in haweenka puntland la shaqaalaysiinayo 20% waxayna sheegtay
in ay runta tahay in laga dhabeeyo hadalka madaxwaynaha oo aan lala yaabin 7
haween ah oo ay ka shaqaalaysay in ay ka shaqeeyaan dhawr wasaaradood iyo kuwo
kale oo ay wasiiradu sheegtay in ay ku dartay Golayaasha degmooyin.
waxayna sheegtay in aan mar walba farta lagu fiiqin dhawrka haweenka ah ee fara
ku tiriska ah ee ka shaqeeya wasaaradaha balse loo hogaansamo danta guud si wada
jir ahna wax looga qabto horumarka dalka iyo dadka dhamaana loo adeego rag iyo
haweenba si simana wax loogu qabto.
wixii war ee ku soo kordha kalfadhiga Puntland kala soco insha alaah webkaan.
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2007
Puntland Malahan Maxkamad Dastuuri ah oo
lagu kala baxo hadii khilaaf ka dhasho
Golayaasha Xukuumada.
iyo
Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal oo
laga hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga
ah...
Akhri...
Madaxwaynaha DGPL Gen. Cade Muuse oo
eedayn u jeediyay kooxaha ku sugan
Asmara.
Colaad
Maxamed Siciid: "Cadde Muuse waxaa
Xukunka uga Haray 5 bilood
. Bosaso:
Dab Qabsadey xero ay dagan yihiin dadka
soo..
. Qardho:
Munaasibada looga hadalayey Tacadiga
Dumarka
. Garowe: Waxbarashada College(GTEC) oo
aad loo amaanayo
Wararka
oo dhan ka akhri halkan....


|