SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALLADII XARIRI

Sheekh Shariif oo Shareecada Ka boodey

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

July 16, 2007




Khudbadii ugu danbeysey ee Rasuulka Suuban CSW uu ka jeediyey Carafa, Xaj kii ugu danbeeyey ee rasuulku xajiyo ama Xajatul Wadaac wuxuu ku nuux nuuxsaday oo ku cel-celiyey "Falaa Tarjacuu Bacdii kufaara Yadribu Bacdukum Riqaaba Bacad" oo micneheedu yahay gadaashay ha ku noqonina Gaalnimo qoladiinba qolada kale disho ama qoorta ka gooyso…Waxaa kalaa ka mid ahaa hadalkii nabiga "Dhiigiina, Maalkiina iyo Sharaftiinuba waa ka xaaraan midkiina midka kale sida ay xaaran u tahay manta oo aan carafo taaganahay dhiigiina maalkiina iyo sharaftiina.

Intaa waxaa dheer lama soo koobi karo Aayaada quraanka ah ee digniinta adag ka bixinaya dilida qofka muslimka ah iyo Naarta loogu yaboohay qofkii qof muslim ah ula kac u dila. Hase Yeshee Bini aadmigu cilmiguu doonaba ha yeeshee waxaan shaki ku jirin inaanay ka dhamaanayn naf jeclaysi iyo damac aduun sida uu rasuulku sheegay markuu yiri "La yamla qalbul aadam ilaa turaab" oo macnaheedu yahay qalbiga insiga ma buuxiyo waxaan ciid ahayn…

Markaan dhegaystey hadalkii ka soo yeeray Sh. Shariif Sh. Axmed gudoomiyihii hore ee maxkamadihii laga itaalka roonaadey ee uu ku yiri "Waan qaadacnay shirka dib u heshiisiinata waana dilaynaa qofkii ka qayb gala ….waxaa cadaatay in arintu aanay dal xorayn iyo diin u dirir toona ahayn ee ay tahay aan kuu taliyo iyo tayda yeel.. taasoo sida muuqata sababtay in Shiikhu Shareecadii dhiiga islaamka daadintiisa xarimtay intuu dhinac iska dhigay uu jabhadayn iyo Afawarke u adeegid ka doortay…..

Sidii uu sheegay Xaji Cabdi Imaam Cumar "nin isagu gaalo cawaan ka dhigtay oo ku hoos nool inuu cid kale ku gaaleeyo gaala raacnimo xaq ma ah" Shariifka la soo Gamay waxaan u sheegi lahaa hadii cid Gaala raac nimo lagu nacayo waxaa haboon in la naco oo laga soo horjeesto Afawarka oo qaxiyey dibadana uga saaray dalkiisa in ka badan 65% muslimiintii Ereteeriya oo hada qaxooti ku ah Sudan. Waxaa soo raacda Qatar oo ah meesha uu ku yaalo saldhiga ugu weyn ee lagaga duulo wadamada islaamka ah sida Ciraaq iyo Afqaanistaan, noqotayna wadanka keliya ee carbeed ee khaliijka ku yaal ee ogolaaday in Kaniisad Kiritsanku leeyahay iyo mid yuhuudu leedahay laga dhiso wadankeeda

Markaa shariifka waxaa la gudboon in hadii diinta lagaga baxayo adeegsiga dad aan muslim ahayn in isaga kuwa uu martiyey ay ugu horeeyaan daba dhilifnimo iyo u adeegid gaalo.

Walaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

July 16, 2007


Daahir Caweys oo ILAAHNIMO Sheegatay 

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Jun 26, 2007


Markii ay maxkamadiihii Muqdishu ka itaal roonaadeen qab-qablyaashii ama dagaal oogayaashii xamar ee ay gacanta ku dhigeen gobolo badan oo caasimadu ku jirto iyagoo sida muuqata taageero af iyo adinba leh ka helayey Afawarkaha Ereiteriya iyo kooxo xidhiidh la leh argagixisa caalamiga ah iyo weliba dowlado arinta soomaalida faraha ula galay si ay cid kale uga aar goostaan, qabqalyaashii laga itaalka roonaaday waxay noqdeen mid wadanka dhexdiisa ku dhuumaalaysta iyo mid wadanka dibadiisa u carara laakiin marnaba iskuma ay deyinay inay shacabka ka aargutaan oo weeraro gaadmo ah, miinooyin la'aaso iyo bam suuq lagu tuuro toona sameeyaan. Laakiin nasiib xumo nimankii maxkamadaha sheeganayey markay talo xumaysteen oo daagaalkii lagu jebiyey ay dowlada soomaaliya oo gacan kahelaysa dowlada Itoobiya iyo wadamo badan ay la galeen waxay bilaabeen inay weeraro aan kala go lahayn la beegsadaan shacabka iyagoo iska ilaawey shareecada islaamka ee ay ku andacoon jireen inay doonayaan in la hirgeliyo taasoo xaarantimaysay qofka Islaamka ah dhiigiisa.  

Intaas ka gadaal waxaan meesha ka baxday sheegashadii ahayd "Nabad baan keenay" oo waxaa muuqatay in cida nabada ummada u diidanayd 16ka sano ayan ahayn qab-qablayaasha sidaan inteena badani u haysaney laakiin ay ahaayeen runtii "Wadaad xumayaasha" diinta inta yar ka maqlay ee seefta u qaatay inay xukun helaan ama shacabka madhiyaan. 

cwaxidJawaabtii: Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin?
C/waxid Khaliif, Sept 30, 2003  

Xasan Daahir Caways oo ay dhowaan waraysatey Shabakada Al-Jaziira "ee u xaglisa dhinaca argagixisada" ayaa sheegtay isagoon is ogayn "ILAAHNIMO" markuu yiri "Naxnu Nakhluq Insaan" oo micnaheedu yahay waxaan abuuraynaa dad inagoo wada og in dad abuurida ilaahay keligii awoodiisa ay tahay. "waxaa laga yaaba inuu is lahaa dheh "naxnu Narabi Ajyal"  

Sida dadka intiisa badani dareemayeen marnaba lama weydiin Daahir Caways waxa ay u banaysteen isaga iyo kooxdiisu dhiiga shacabka aan waxba geysan. 

Waxaa kaloo wax lala yaabo noqotay markii la waydiiyey dhacdadii dagaalkii Boosaaso ee itixaadka 1992 ee la yiri maxaa ka jira inaad qabatay oo sii daysey Cabdilaahi Yusuf Madaxweyna DFKM ee Soomaaliya.  Jawaabtii waxay noqotay inuu yiraahdo haduu nin fiican yahay "Kaan Yacdiinaa Bintahu" taasoo dadka af carabiga yaqaan fahmayaan inayn la micno ahayn gabadhaysuu ii guurin lahaa laakiin leh micne kaa ka duwan…oo aanan halkan ka sheegayn! 

Waxay ahayd haduu doonayo inuu yiraahdo "kan yagawizni Bintahu ama Kan Yacdhiini Yad Bintahu…Isku soo duubo Far Hunguri, Carabi Ja-jab ah, imaqlaay, Hanjabaad iyo aflagaadooyin uu dawladaha qaar u geystay ayuu Caways la shir yimi marakan.

Waxaan Qormadan oo aad moodo in cadho ka yara muuqato aan u hibeynayaa shantii Hablood ee ku geeriyoodey iyadoo nadiifinaya wadooyinka Magaalada Muqdishu waxaana ka codsanayaa shacabka soomaaliyeed meel kastoo joogaanba inay taageeraan qoysaskii ay ka baxeen Dumarkaasi 

Walaahu Aclam 

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Jun 26, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida website-kan


PROF. GEEDI GEERIDA DISHAAY GEEDKAA HA BA’O  

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Jun 4, 2007


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri Wamaa khalaqtul Jin wal ins ilaa liyacbuduun oo micnaheedu yahay waxaan u abuuray jinka iyo insigaba inay i caabudaan laakiin argagixisa iyo inta nolosha qofka islaamka ihi raqiista la tahay waxay u rogeen “waxaan u abuuray uumiyaha inay is qarxiyaan” sidaa waxaa yiri Sheekh Cabdilcasiis Ala Sheekh muftiga guud ee Boqortooyada Cucuudi Carabiye oo ka jawaabayey mar la weydiiyey wax Islaamku ka qabo is miidaaminta iyo is naftii haligidnimada 

Sheekh Yusuf Al Qaradawi oo isna ka mid ah culimada waa weyn ee islaamka ayaa diidey inuu taageero is qarxinta iyo naftii halignimada Ciraaq iyo wadamada islaamka ee kale ka dhacda isgoo sheegtay inaan sidaas Jannada eebe lagu tegayn,  inkasta oo uu diidey inuu ku daro ta ay sameeyaan Falastiiniyiinta uu ku sheegay in arintoodu ka fiirsasho badan u baahan tahay, maadaama yuhuudu dhibaato aan meel kale ka jirin ay iyaga ku hayso. 

Nin dhalin yaro ah oo askari ah ka badbaadey Aljeeriya ma ay argagixisadu weerartay guriga Raysal Wasaarahay bishii April ayaa yiri “Uma malaynmaayo ninkaygan 8 caruurta ah ee ka soo tegey ee askariga ah ee salaadii subax masaajidka ku soo tukadey cidii i dishaa ay igu jano gelayso….! 

Hadii aad taageersantahay in la is qarxiyo adigu ma is qarxin lahayd mase u ogolaan lahayd wiilashaada inay is qarxiyaan ayaa la waydiieyey Cabdilcasis Al Tamimi oo ah falastiini degan London oo laga waraystay barnaamijka Hardtalk ee Britsih Broadcasting Corporation, inkasta oo uu “Haa” ku jawaabey ma muuqato sabab cadaynaysa inuu run sheegayo. 

Hadaba Kooxaha la baxay Firaqul mowt (kooxda Dhimashada) ee dadka rayidka ah ee Soomalida ah bar tilmaameedka ka dhiganaya sida ay qortay Alqaadisiya Jimcihii kuwaasoo banaystay dhiiga islaamka iyagoo dhalinyarada ku haligaya fulinayana ajende uu soo agaasimey Asiyas Afwerke oo loogu tala galay in Soomaaliya noqoto mid aan weligeed asaageed la sinmin oo ay isu rogta goob ay ku adeegtaan kooxaha magaca diinta ku shaqaysta laakiin hadafkooda guud yahay inay dhiig daadiyaan oo qofkii diidan waxa ay wataanba ay dilaan. 

Mar aan qoray maqaal cinwaankiisu ahaa (5 sababood dartood dagaalka Bay Jihaad ma’aha) ayaa waxaa e-mail aad u qalafsan ii soo diray nin isku sheegay magaciisa Abu-Samra oo iigu hanjabey in haduu Soomaaliya iga helo uu idili doono..! Waxaa halkaa ka cad in Argagixisadu sahal la yahay dhiiga islaamka daadintiisu qofkii ay u arkaan inuu ka ra’yi duwan yahayna ay dil u qoondeeyeen. 

Gunaandkii Prof. Geedi oo anigu aan wax yaabo badan siyaasadiisa  ku diidanahaya hadana waxaan aaminsanahay in hadafka guud ee uu wataa uu yahay in Soomaaliya mar yeelato dowlad qaran oo hanata guud ahaan wadanka soona celisa haybadii iyo sharftii soomaaliyi lahaan jirtey taasoo uu ku kasbaday cadowyo badan oo dano kale duwan leh, gudaha iyo dibadba, umase muuqdo nin ay wax ka bedeli karaan kooxaha dhimasho doonka ahi. 

Waxaan dhulka barakaysan ee xaramynka ka soo niri ilaahay idamkii “Geerida dishaay Geedkaa Ha Ba’o”….. Alaah Yaxmiik”

 Walaahu Aclam  

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Jun 4, 2007


Abwaan Abshir Bacadle Gabyaa Weecday

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Mar 20, 2007

Waagii madoobaa ee ina soo maray sagaashameedyadii markii dagaalka sokeeye meesha uga sareeysa marayey ee qolo waliba waxay Af iyo Adin haysey isugu geysay inay ta kale daadka raacsiiso, ma jirin cid ku dhici kartey inay waxa loo hamuun qabey ee ahaa dagaal sokeeye wax ka duwan tiraahdo waxaana loo arkayey qofkii taa lagu helo "Khaayinul Beel" la takooray, Nasiib wanaag waxaa meeshii uu ugu xumaa dagaalka sokeeye ee Muqdisho ka yeertay 

  •  Hubka inaga dhiga waxaynu nahay hooyo ubadkeede 
  •  Oo guusha la iskuma huba hororka aadkiina

Sida wuxuu ku noqday Abwaan Abshir Nuur "Bacadle" gabyaaga keliya ee codkiisa ka sara mariyey dhawaaqa rasaastii galaafatay dad badan oo soomaali ah oo aan waxba geysan.

Waxaa intaa dheer doorkii uu abwaanku ku lahaa dhiiri gelinta xijaabka iyo la dagaalka bidcada taageerada weyn soomaaliya ku lahayd sideetamaadkii oo gabayadiisa ay ku jireen:

  •  Gabdhahaa qamiisyada lehee qariyey jiirkooda

  •  waa wada qafilaad iyo Atraab qaybta dunidaaye

  •  nin waloow mid ama laba ka qabo yaan lagaa qadine

Waxaa iyana xusuus mudan gabaygii "Ashtakaan ka soo qoray rabiyow reer Amir fahade" ee uu kaga cabanayey sida boqortooyada sucuudigu ula dhaqanto Soomaalida wadankeeda ku nool.

Abshir Bacadle wuxuu kaloo amaan badan ku mutaystay gabaygii uu ka tiriyey xarigii Zam-zam oo ereyadiisa ay ka mid ahaayeen

  • Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda

  • Go’aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin

  •  Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay

  •  Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye

Iyadoo intaasoo dhami jirto ayaa hadana waxaa beryahan dad badan u muuqatey in Abwaanku isaga laftiisu ku dhacay dabinkii qabyaalada uu dadka uga digayey waxaana ka mid ah wax yaabaha aan aad ula yaabay markaan maqlay isagoo ka hadlaya tarbuunka oo shirib ku leh

  •  Odaygu Aarsiyuu Rabaa

  •  Afrikana waa la ogyihiin

Waxaa kaloo wax lala fajaco noqtay gabaygii uu ka tiriyey markii kismaayo maxkamaduhu qabsadeen oo uu qoloyiinka kismaayo dega beel beel u kala saaray oo qaarkood seejiyey inay xaq u leeyihiin degiga gobolkaba.

Isku soo duubo waxaa la gudboon Abwaan Bacadle inuusan ka weecan dariiqii uu haystey ee soomaalinimada iyo qaranimada, uuna iska fogeeyo waxyaabaha dib u soo celin karo dagaalo wadanka ka qarxa, iyo fowdo, taasoo keeni karta inaan maqalo Abshir Bacadle oo mar kale inagu leh "Dagaal aan dhamaan waxa karoon dowlad jaairahe". Waxaana jeclaan lahaa inaan ku soo xiro qoraalkan beyd ka mid ah gabayadiisii ugu qiimaha badnaa

  •   Har Qabow Hurdiyo Caafimaad

  •   Haybad iyo Raaxo

  •   Haruub Buuxa

  •   Hogol Rooba iyo wiilal Hanaqaada

  •   Hooyiyo Caruurteed Bed Qaba odaya Haasaawa

  •  Hantidiyo Naftoon Loo baqayn Hadada Mooyaane

  •  iyo Hodontanimo waa markii Nabad La hastaaye

Walaahu Aclam

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia

xariri@hotmail.com
Mar 20, 2007


MAHADHOOYINKII DAGAALADII MUQDISHO

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Inkastoo inaga ta Xamar inala weyned hadana burburka iyo dagaalada sokeeye, soomaaliya uun kuma koobnayn ee waxaa inala wadaagey meelo bada oo aduunka ka mid ah markaan tusaale ahaan u soo qaadano 

29/03/2007 in ka badan 150 ruux ayaa ku geeriyootey magaalada Amisur ee wadanka Aljeeriya mar koox dagaal yahano ah oo xiriir la leh Al Qaacida ay weerar ku qaadeen dad shicib ah iyo ciidamada amaanka ee Aljeeriya. 

29/03/2007 Inta la og yahay 120 qof ayaa ku nafwaayey dagaalo qadhaadh oo magaalada caasimada ah ee Kinshasa ku dhexmaray ciidamada dowlada oo garab kehelaya kuwa nabad ilaalinta iyo ciidamada ninkii lagaga itaalka roonaadayd doorashooyinkii madaxtinimo ee laqabtay bishii Janayaa Mr.Jean Pierre Bambe,  

30/03/2007 uguyaran 45 qof ayaa ku geeriyootey Buuraleyda gobolka Sacda ee Yemen kadib markii ay fooda is dareen ciidamada Yaman iyo ciidamada wadaadka mayalka adag Sacadudin Al Xuuti. 

31/03/2007 sida dowlada Bakistaan sheegtay waxaa ku nafwaawey 52 shacab u badan dagaalka gobolada Wasiiristaan ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kooxo lagu sheegey inay gabaad siinayaan xubno waaweyn oo Qaacida ah 

Markaan intaa ku soo koobo goobaha sida soomaaliya oo kale ay naafeeyeen dagaalada usbuucan aduunka ka dhacay, bal aan yara iftiimiyo waxa aan caalamaka cid inala wadaagtaa jirin ee soomaalida gaarka u ah;- 

Dhaawac Gaari-Gacan lagu sido  

Markaad eegto magaalooyinka aduunka waxaa dhegaha ku qarxinaya dhawaaqa iyo sawaxanka ka soo baxaya Ambalaasyada ama "Dhooliyada" u gurmanaya qof wax yeelo gaartay waxayna sida la wada ogsoon yahay u banaan Ambalaaska inuu khilaafo qaynuun kasta oo jira si uu u badbaadiyo qof naftiisu khatar gashay. Laakiin nasiib xumo iyo uurkutaalo waxaa ah in soomaaliya qofkii dhaawacma Gaari-gacan lagula lugeeyo ilaa inta meel goob caafimaad lah aga geynayo (hadiiba lageeyo). 

 Cusbataal Aan Sariiri Ool 

Makaan Telefishinka ka arkay dad soomaali ah oo guri weyn oo isu furan lagu dawaynayo waxaan u qaatay goob si kumeel gaar ah loogu talagalay in dadka loogu caawiyo, laakiin waxaa filan waa iyo qaracan igu noqotay markii la ii sheegay in meeshu tahay dhakhtar ama Cusbataal. Sidaasay soomaaliya ku noqotay meesha kaliya ee laga helayo cusbataalo bilaa sariir ah oo dhulka la jiif-jiifo 

Mayd La Jir-dilayo 

In badan baan maqalay hay-adaha xuquuqa insaanka u dooda oo jeedinaya eedaymo la xidhiidha dad xabsiyada ku jira oo jidh dil lagu sameeyey, laakiin weli lama arag qof dhintay oo la garaacayo, soomaaliya mooyee – waxaana weji gabax kala kulmay markii nin Sudani ah uu si jees –jees ah iigu yiri "Soomaalidu ma oga miyaa in qofku haduu dhintay aanu dareen iyo garasho toona lahayn"…waxaan si mintid nimo ah u iri "wixii maydka jiidayey waa caruur iyo haween…ee ma aha wax garad". 

Dad Qaxaya oo is Furanaya 

Markii dagaalkii Lubanaan iyo Yuhuudu socodey sanadii hore, waxaa barakac ba'ani ku dhacay dadkii deganaa konfurta Lubnaan oo u badnaa Muslimiin shiico ah kuwaaso u qaxay dhinaca waqooyi oo ay degaan dadka Kiristanka Maarooniyiinta loo yaqaan. Intaan qof reer koonfureed ihi soo gaarin reer waqooyigii waxay bilaabeen inay sii diyaariyaan meelihii ay degi lahaayeen waxay cuni lahaayeen iyo weliba iskuuladii caruurtoodi dhigan lahayd intay qaxootiga yihii. Nasiib xumo iyo hoog waxaa ah in soomaalidii qaxaysey iyadii is dhacday oo is kufsatay oo sida daayeerada mid ba midkuu ka xoog weynaa reebay….sidaa ayay soomaaliya ku yeelatay dadka keliya ee inay wax istaraan iska daayee iyagii inatay qaxayeen is nabad gelin waayey. 

Ugu danbayntii, ilaahoow wadanka noo nabdee oo dagaalada jooji, oo ceebahayaga astur.......Aamiin  

Walaahu Aclam,  

Cabdiraxman Xariiri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
April 4, 2007


XUMAANTA SHIR BEELEEDYADA XAMAR

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Maalmahan ugu dambeeyey waxynu idaacadaha iyo websiteyada tolka ka maqlayney shirar beeleedyo is khilaafsan oo lagu qabaneyey xamar. Hadaba markaad eegto dhibaatada ka soo gaartey dadka muqdishu iyo wax yeelada lixaadka leh ee qabyaaladu u geysatey dadka dega gobolka banaadir, marna isma aan lahayn miciinsi danbe oo qabiil ayaa dadka soomaaliyeed haweysan doonaan, nasiib xumo mar hadaan afti laga qaadin dadka xamar iyo xamar daye dega, waxaa iska muuqata in beelaysigu noqday aalad intii dan lihi marba boorka ka tunto.

Hadaba iyadoo sidaa si lamid ah ay ka jirto is beelaysi ka jira gobolada Puntland iyo Somaliland labadaba ayaa hadana waxaa la oran karaa nidaamka qabiilaysugu wuxuu u lahaa goboladaas wax xoogaa faaiido ah marka loo eego Muqdisho oo wuxuu bi'iyo mooyee aanu qabiilku marnaba wax tar u yeelan.

Waxayna i xasuusisay Mar Allah ha u Naxariistee Jeneraal Daauud, Abihii ciidamda qalabka sida ee Soomaaliya si qarsoodi ah ay niman odayaal ah oo tolka ahi uga codsadeed inuu ka qayb galo shir beeleed la doonayey in lagaga arinsado doorashooyinkii inta badan qaiilaysiga ku dhisnaa ee soomaaliya ka dhici jirey lixdameeyadii, Jananka oo ah nin soomaalinadiisu aanay nuqsaan lahayn aana jeclayn inuu cinwaan ka soomaalinimada wax ka sokeeya qaato ayaa yiri "Minaan is leeyahay shirkaan soomaliyaa wax yaroo dani ihi ugu jirtaa anaa idiinka horeyn lahaa, laakiin qabiil aniga idinka ogoo, wuxuu soomaali yeelo mooye wax tari maayo, marka iga raali ahaada"..Sheekadaas oo dhamaystiran waxaa laga heli karaa buuga la yiraahdo "Birth of Nation" ee uu qoray ala ha u naxariiste Axmed Carta Xange 1994.

Hadalkaas jananka waxaad moodaa inuu waafaqsan yahay hadalkii Ilaahay (SW) mar uu rasuulka kala hadlayey shirar beeleedyada wuxuu yiri "La khyra fii kathiirin min najwaahum ilaa man amara bi macruufin oo sadaqatin oo islaaxin beyna naas" oo micnaheedu yahay Wax khayr ah oo ku jiraa ma jiro in badan oo shirarkooda ka mid ah oo an ka ahayn ninkii wanaag dadka faraya, ama sadaqo bixin dhiiri gelinaya ama dadka heshiis dhex dhigaya...Waxaan filayaa in shirarkii xamar lagu qabtay dhowaanahan aanay sifooyinka midna lahayn.

Maddaxweynihii Carta Cabdiqaasim oo sidaynu wada garanayn ah nin hadal yaqaan ah laakiin "howl qabad yar" ayaa mar uu lahadlayey jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Qatar 2001, yiri, "Xamar hadaad dhexmartid qof aad garatid ku arki maysid waayo kuwii markii hore magaca qabiilka si guud dadka ugu dagaal geliyey ayaa markii danbe hadana jilib-jilib hoose u kala sooray oo u dagaal geliyey markaa meel ay ku joogsato ayaa la waayey tii qabyaalad ahayd"..

Hadaba maadaama aynu sidaynu wada ognahay qabiilku noqday sun aan marnaba daawo noqon karin waxaa haboon in shirarka lagu qabanayo magaca beelaha la joojiya arintana laga dhigo, mabda' iyo isku aragti soomaaliyi u siman tahay aana arintu noqon sidii dhacday markii uu socdey dagaalkii cabdi qaybdiid iyo maxkamadaha ee cismaan caato damcay inuu dhex-dhexaadiyo ee la shiray Indhacade isagoo diiday inuu shirka ka soo qayb galo Sh. Shariif oo uu u arkayey nin aan beesha wada hadlaysa ka tirsanayn...........Bal eega bahasha fool xumadeeda!!!

Inkastoo aanan jeclayn inaan ka dhawaajiyo magac qabiil hadana aan ku soo gabagabeeyo, hadal uu yiri filisoofarkii weynaa ee soomaaliya Faarax Gololey "Abtirsiimo waxaan ku nacay markii la i yiri Habar Gidir baa Murursade kaa xigta"...

Waxaan duco iyo dembi dhaaf ilaahay u waydiinayaa Abwaankii weynaa ee soomaaliya cabdilaahi Suldaan (Tima-cade) waxaana qormadan ku soo xirayaa beydka ugu qaalisan waxa soomaaliyi gabay tirisay "Dugsi Maleh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane".

Walaahu Aclam.

Cabdiraxmaan Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com


SAMIR LA'AANTA SOOMAALIDA

 

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Soomaaliya waxay burbur iyo sharci daro iyo fawdo ku soo jirtey mudo 15 sano ka badan, sababta ugu weyn ee ay dhibaatadaas uga bixi weydeyna waa is aamin daro, samir la'aan iyo isu tanaasulid daro.

waxaana filayaa in sidii uu sheegay fanaankii caanka ah ee Ismaaciil Aw Xirsi (Alla ha u naxariistee) ay haboonaan lahayd in Siyaad Bare (Alla ha u naxariistee) loo sugo sanad kale ama labo oo ahayd intii run ahaan ka harsanayd cimrigiisa….nasiib xumo taasi ma dhicin waxaan lagu saaray xoog iyo xabad taasoo weli u soconaya siday u bilaabatay.

Sidaa si la mid ah markii Cali Mahdi Jabuuti lagu doortay hadii Caydiid u samro oo mudadii loo qabtay ee sadexda sano ahayd uu sugo oo la shaqeeyo wadanku waxaan qabaa waa ka badbaadi lahaa burburkii dagaalkii 4ta bilood iyo dagaalkii sokeeye ee weli soomaalida ka sii hulaaqaya.

Sanado badan oo dagaal ah ka dib markii Cabdi-qaasim la doortay hadii qab-qablayaashii diidanaa ay la shaqayn lahaayeen oo fursad u siin lahaayeen inuu xukunkiisa ku balaariyo soomaaliya, maanta wadanku sidan waa dhaami lahaa…laakiin taas ilaahay kama dhigin ee lugtay qabteen.

Markii maxkamaduhu koonfurta soomaaliya gacanta ku dhigeen haday dagaalka joojin lahaayeen shuruudaha ay wadahadaladii Khartuum ku xidheena ay iska dayn lahaayeen dagaalkii ugu dambeeyey waa la baajin lahaa sida muuqata, soomaliiduna waxay dowladnimadeeda la soo noqon lahayd iyadoon ajinabi gacan ka helin, laakiin taasi ma dhicin, ee waa tii Jihad aan loo dhamayn, todoba beri oo digniin ah iyo abaabul dagaal loo jeestey.

Markaan maanta u soo noqdo, mar hadii intaasoo fursadadood inagu seegeen samir daro iyo isu fiirsi waxaa ila haboon inaan lagu mashquulin nin reer "Qansax" ah baa meel loo dhiibey ee la fiiriyo danta guud ee wadanka dowlada Cabdilaahi yusuf iyo Geedina la siiyo fursad ay ku shaqeeyaan inta wakhtigooda uga hadhay. hadii kale 15 sano oo kale ayaynu ku jireynaa hebelkaas boos hebel loo dhiibey waa ayo!

Waxaana filayaa in hadii qof reer "qansax" ah oo boos loo dhiibo ama loo diido wadanku ku hagaagayo horaa loo arki lahaa, burburkaas wadanka soo gaarayna ma dhaceen….

walaahu aclam

Cabdiraxman xariri – saudi arabia
xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Warbaahinta Jab-hadaysan
 

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Waa ilaahay mahadii hadii mar dowladii iyo shacabkiiba garteen dhibaatada saxaafada jabhadaha isu rogtay ku hayso shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka muqdisho. Wariyeyaashaas oo intooda badan barbaaray ama ku indha furay xiligii burburka iyo qabiilaysiga kana soo baxay siminaaro beeleedyo uu baabulay Yusuf Garaad ayaad moodaa inay u hamuun qabaan daadashaada dhiiga shacabka soomaaliyeed iyagoo ku hamiyayay in xamar isu rogto meel Jaxiim ah oo laga huleelo, shacab iyo dowladba……..(ilaahay kama dhigee) 

Hadaba iyadoo meel kasta oo ay joogtaba saxaafadu hadaf siyaasi ah leedahay (political strategy)  ayaan hadana hore loo arag saxafi doonaya in wadankiisu goob dagaal noqdo, kuwa soomaalida mooye…. 

Xataa marka la sooqaado warbaahinta Jaziira ee sida ay wax u sheegtaa muranka dhaliyo, (controversial) waxay sida muuqata isku dayaan inay Dowlada Qatar oo ah meesha xaruntoodu tahay ayan si weyn ugu tag-taagsan waxyaabaha ka dhacaya ee khal-khalka gelinkara Amaankeeda iyo dowlad nimadeeda labadaba.  

Si hadaba looga badbaadu fidnada iyo si xun wax u sheegnimada la wada dareemay ee warbaahinta waxaa lama huraan ah in la qaado talaabooyin wax iska caabin ah oo lagu xakamaynayo "Jabhadaha Warbaahinta ah ee nabada hortaagan dowladana lugta haya. 

1.                  Waa in la xiraa FM-yada ay ka hadasho BBC aana loo ogalaan inay shacabka si fudud suntooda ugu fidiyaan. Waxaan filayaa inaanay jirin cid markii horaba u ogalaatay BBCDa inay furato FM balse ay ka faaiideyseen xiligiii burburka iyo fowdada  

2.                  In la furo ama la dhiiri geliyo idaacado ama warbaahin mihnad-le yaal ah (professionals) oo aan cidna u adeegin xaqiiqadana aan ka leexan.

 3.                  In la sameeyo xeerka guud (code of ethics) ee saxaafada lagulana xisaabtamo cidii buun-buunisa xumaanta iyo burburka iskana indha tirta wanaaga iyo nabadgelyada.

 4.                  In dowladu mar marwalab jawaab ka bixiso warkasta oo khaldan aana loo oglaan inay ku badbaadeen been abuurka iyo xumaan sheega. 

Isku soo duubo warbaahintu waxay door muhiim ah ka qaadan kartaa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka waxayna sidoo kale sababi karaan dagaalo sokeeye iyo is gowrac sidii ka dhacday Ruwaanda oo idaacadihii loo yaqaaney (hate radios) ee ka jirey xiligaa lagu eedeeeyey inay iyagu wixii wadankaas ka dhacay ay sababtooda lahaayeen. Waxaana jeclaan lahaa in warabaahinta soomaaliyeed aanay dariiqaas kuwa Ruwanda raaceen ayan raacin ayna wanaaga qaataan oo xumaanta ka dhowrsadaan, iskana ilaawaan qabiilaysiga uu ku talaalay Yusuf Garaadka BBCda ee ku xaragoonaya wixii waajibku ahaa inuu ka faano.... 

Walaahu Aclam 

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia

xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Feb 28, 2007


XAMAR - AMA AAN KU XUKUMO AMA XASILOONI WAA 

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia

xariri@hotmail.com


Lalama yaabeen hadii markii ciidamada dowlada  iyo kuwa Itoobiyaanku ay ku soo dhowaadeen caasimada muqdisho ay maxkamaduhu u diyaar garoobaan inay iska caabiyaan ciidamada soo siqayey oo ay dhufayso adag ka qotaan Muqdisho hareeraheeda iyo dhexdeeda, laakiin mar hadii ayan taasi dhicin iyagoo sabab uga dhigay badbaadada shacabka Muqdisho, waa maxay hadaba xiligan amaan xumada iyo qalaasaha lala jeclaysanayaa shacabka Muqdihso ee dhibta mudada dheer ku soo jirey. 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Cabdillahi Xassan ayaa mar la weydiiyey in maxkamaduhu keeneen amaan iyo kala danbayn mudo 6 bilood ah, ku jawaabey maxkamaduhu amaanka shacabaka uma keenin ee naftooday u keeneen, mar hadii la saarayna shacabku inoo halaagmo waxay ka jecel yihiin ma jirto waayo awelba shacab umay shaqaynayn ee iyagaa laftooda u xoogsanayey. 

Dhacdooyinkan amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada Suufi.  

Waxaan kaloo arintan wax ka waydiiyey nin ganacsade ah oo la yiraahdo Maxamed Yusuf oo si isdaba jog ah xamar u taga wuxuuna ugu yiri hadal aan la yaabay "War dhegeyso waxaan aad maqlayso wax baa la qarxiyey waxbaa la dhaawacay, hoobiyaa la soo ridey awelba way dhici jireen xiligii maxkamadaha laakiin maxkamaduhu waxay gacan bir ah ku hayeen warbaahinta wadanka kuwaaso qaarna lafahooda uga baqayeen qaarna qabiil ahaan  u taageersanayeen sidaa darteen war xun lama sheegi kari jirin ….Saxaafada Xamarna waxaa lagu mashquushay xiligaas Maxay Qabatay Towradu. 

Isku soo duubo hadii badbaadinta ummada iyo nasteexaynta shacabka ay ahayd hadafka ay lahaayeen maxkamadihii laga taagta roonaaday ee Muqdisho ma jirto sabab ay hada hadaf uga dhigtaan maatada oo ay u laayaan dad aan dembi geysan si ay u maqlaan Jazeera ama British Brodcasting Corporation oo ku hadaaqaya Xamar xiligii maxkamadahay amaan ahayd. 

Dhinaca dowladana waxaa la gudboon in ay u adeegsato warbaahinta sidii maxkamaha oo ay ku qasabto inay oofiyaan Axdiga Guud ee Warbaahinta ayna wararka oo dhan sheegaan xumaan iyo samaanba, halka hada ay ku mashquuleen war xun sheegnimo keliya. 

Walaahu Aclam,

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia.

xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Jan 27, 2007


Carabtu sidee Soomaalida u arkaan

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia.

xariri@hotmail.com

Jan 31, 2007

Inta la hadal hayey in ciidamo loo diro soomaaliya waxaa mar walba la isla soo qaadayey in wadamade afrika ee ka hooseeya saxaraha ama Afrikada Madow ay ciidamo soomaaliya xasiliya ku yaboohoon, laakiin marnaba la islama soo qaadin in wadamada Afrikan-Carab ee aynu diinta iyo dhaqanka wadaagaanaa ay ciidamadooda Soomaaliya geyaan ama ay ugu yaraan kuwa kale ee afrika ee la geynayo ku dhafaan.

Hadaba maadaama aan in badan aan dhulka carabta joogey aana dhegeystey in badan iyagoo ka faaloonaya arimo badan oo soomaalida khuseeye bal aan yara taabto sida carbatu Soomalida guud ahaan u arkaan, aana ku bilaabo Masar oo ah ta carbta ugu weyn aynuna isugu dhoweyn, beri samaadkii.

Marka Masar laga hadlayo soomaaliya waa meel faqri diloodey oo marwarlab gaajo iyo abaaro ka jiraan, indhahooda soomaalidu waa meel aan majaacada iyo diihaalku ka dhamaan. Waxaana tusaale inoogu filan filimkii "Yoomiyaat Waniis ee uu wadey fanaanka weyn ee Masriga ah ee layiraahdo Maxamed Subxi kaasoo arkay caruur masaari ah oo raashin badan u daadinaysa daayeero meel beer ah (Zoo) ku xeraysan, markaasuu intuu ku xanaaqay ku yiri "Caruurtii soomaaliyeedna Gaajay u dhimanayaan idina daayeeraad cuno siinaysaan"!!!...............

Nin jamaal Fatxi la yiraaho oo Masri ah oo aanu meel kawada shaqaynayney ayaa maalin igu yiri waxaa kuu sheegayaa sheeko aad ku qososho, markaasaan iri haye bal wad - waxuu yiri Soomaaliyaa ayaa loodiray shixnay Daawo ah oo deg-deg ah laakiin nasiib xumo soomaalidii way soo celiyeen dawadii - mataqaan waxay u soo celiyeen, markaasaan iri may, waxaa dawadan la cunaa marka raashinka la cuno kadib soomaaliduna raashinba ma haystaan....markaa dawadani anfici mayso.

Intaan neef weyn dib u ceshadey ayaan iri ma u malaysaa in soomaaliya ay ku nool yihiin in ka badan 20 million oo Ari ah 10 million oo Geela, inka badan 8 million oo Lo' ah, ayna soomaaliya maraan laba webi oo aan go'in, ayna tahay wadanka afrika ee leh xeebta ugu dheer afrika oo dhan, beeraha iyo macdanta iyo Bitroolka iyo Gaaska dabiiciga iyo cimilada aan meel loodhigaa jirin ee ku haboon dalxiiska. Tirada dadka ee Soomaalidu marka labadiyo waa sagaal milyan.. sidee sagaal milyan oo intaasoo hantiya lihi ay u gaajoon kartaa?. Adigu waxaad ka timi Masar oo dadka iyo hantida wadanka leeyahay ay kala bateen, maxaad u malaynaysaa hadii dowlad la'aantii nasoo martay 15ka sano ay idinka sanad keliya idin qabsato...lama qiyaasi karo waxaad samayn lahaydeen!!

Isku soo duuboo Carabtu waa dada aaminsan kala saraynta iyo is dulaysiga waxayna jecelyihiin in ay helaan cid tusaale xun u noqota oo ay ku hal qabsadaan, waxaana mararka qaarkood is iraahdaa Maxamed Siyaad Bare alle ha u naxariistee dambi uu galay oo kii Jamaacada Carabta uu inagu daray ka weyn ma jiro.

Dhinaca kale waxaan dhegaystey dood aqoonyahano Lubnaaniyiin ah loo qabtay markaasaa mid aqoon yahan sheeganayaa yiri "ma jirto ummad dunida ku nool oo ogolaan karta in wadankoodu fowdo iyo dagaal ehliya ku jiro Soomaalina ala haka dhigee"....Micnaha soomaali cid ka liidataa ma jirto.

Soomaaliyey waxaynu nahay Afrikaan, waxaynu degenahay geeska afrika, waxaynu leenahay deris iyo dad aynu ood wadaagnahay, majirto sabab aynu isugu dhedhejino dad aan ina aqoon oo inoo hasta waxaynaan ahayn, Carabna waxa keliyee inaga dhexeynayaa ha noqoto diinta....

 


BULUUGLEY YAA KA NAXAY

 

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia

xariri@hotmail.com


Wax lala yaabo ma'aha in qof ka tirsan gooni-goosatada Soomaliland la baxday uu sheego inuu neceb yahay calanka Buluuga ah ee xidigta shan geeska ahi dhexda kaga taal, laakiin weli ma aan maqal cid ku dartay weedha ah Markaan Arko Waa Naxaa…….Ka daroo dibi dhal.

Aniguse dooni maayo inaan is gaabiyo oo aan wax ka idhaahdo waxa Ina Cali Waraabe ka soo burqadanaya ee aad moodo inuu ka hadli jirey idaacadahii gumaadka dhiiri gelin jirey ee Ruwanda ee ka jirey sagaashameeyadii (Hate Radios). Laakiin waxaan doonayaa inaan kelmed iraahdo dadka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi ku dhaqan.

Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

RaabehYABOOH (APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe. Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta  (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi   ahantii:... Akhri...

Waa marka hore e hadaad goosanaysaan oo aad isla ogoshihiin dhexdiina oo aad wax ku faaiidaysaan inaad Soomaaliya inteeda kale ka go'daan oo caalamka iyo Soomaalidu idinla ogol yihiin, waa xaq sharci ah inaad gooni isu taag dalbataa laakiin waxaa waajibku yahay inaad soo martaan dariiqada saxda ah ee oo la mid ah tii la maray markii la midoobey, hadiise la damco in colaada la sii kordhiyo oo soomaaliyoo dhan lala hardamo waxaa imaanaysa in waqooyigu goosina waanyo joogina waayo waana dembiga ugu xun ee shacabkan dhegaha-nugul laga galo.

Dhinaca kale Iyadoo aynu ognahay heerka musuq maasuq iyo maamul xumo ee goboladan ku habsadey oo ay ugu dambeysey fadeexadii Sulub iyo Haatuf, waxaan shaki ku jirin in inta yare ee danaha khaaska ah ku qabta nidaamka aqoonsiga waayey ay doonayaan in dadka reer waqooyiga ah ay dhexdooda iska horkeenaa walaaladooda koonfureedna ay fidno dhex dhigaan si ay iyagu danahooda u gaaraan.

Hadaba iyadoo laga soo gudbey xiligii jujuubka iyo isu talinta uuna qof walboo soomaali ahi haatan indhaha ku hayo wixii baxaya iyo wixii soo gelaya soomaaliya guud ahaanba iyo waqooyiga gaar ahaan, waxaa haboon in calanka soomaaliyeed Astaanta u ah Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba aan loo wax yeelayn si majaraha loogu sii hayo doonidan Soomaaliland loo bixiyey ee dakhalkeedii jabay ee ay muuqato in ay maalin uun u soo caariyi doonto xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya.

Walaahu Aclam

Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2007


5 Sababood Darteed Dagaalka Gobolka Baay Jihaad Ma’aha

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia

xariri@hotmail.com

Dec 22, 2006

Markii Ilaahay Subxaanahu watacaalaa Malaaigtiisa u sheegay inuu samaynayo Makhluuq cusub oo uu aduunka ku beerayo, sida quraanku sheegay malaigtu ma jeclaysan arinkaas iyagoo subab uga dhigay in bani’aadamkan dhoobada laga samayn doonaa ee aduunka la dejinayaa uu dhulkan cusub ee quruxda badan fasahaadin doonaan oo dhiig ku daadin doonaan. Halkaa waxaa ka cad in dhiig daadintu ama is-dilku yahay waxa ugu badan ee bani aadamku cadhada Eebe ku mutaysto keentana in dhulka iyo adoomaha eebe ku beerayba ay fasa-haadaan oo burbur.iyo nolol xumo soo wajahdo. 

Iska daa hadii qofka la dilayaa uu Mulim Ashahaata oo ehlu towxiid ah yahay, waxaana xadiis rasuulku (CSW) ka sugnaaday uu ku yiri i “Aduunka oo la baabiyo ayaa ilaahay kala fudud qof muslim ah in dhiigiisa la daadiyo”. Marka Ilaahay sidaa inoo sheegay looma baahna in la leex leexiyo micnaha oo la yiraahdo dadka qaar baa Muslim sax ah qaarna waa muslim dhiman, iyadoo aynu ognahay in rasuulku (CSW) dad Munaafiqiin ah oo ogyahay aanu ogolaan jirin in waxa dhibaato ah loo geysto af iyo adin toona oo isaga iskala socdeen. 

Dhinaca kale shantan qodob ee aan hoos ku sheegi doono darteed dagaalka baydhabo lala beegsaday Jihaad Islaami ah ma’aha mana buuxin shuruudaha laga doonayo in Jihaadka nadiifta ahi yeesho:- 

1.                  Waxaynu ku jirney Bilaha La Xurmeeyo “Ashhurul Xurum” afarta bilood ee ilaahay mamnuucay in wax dagaal ah Islaamku galo waxayna kala yihiin Dulqicda, Dulxijah, Muxaram iyo Rajab, (ma hubo in ninka todobada beri qabtay ee dagaalkan huriyey uu maqlay Ashurhurul Xurum iyo inkale). 

2.                  Dadka wax ku noqday dagaalka badidoodu labda dhinacba waa Muslimiin waxaana islaamku xaraantimeeyey in dagaal dad muslim wax ku noqonayaan la qaado sida suratul Fatah ilaahay ku sheegay aayada (25aad ). Rasuulakana waxaa caado u ahayd markuu dagaal qaadayo inuu soo dul fadhiisan jirey magaalada uu weerarayo, haduu maqlo in salaada subax la adimay ma weerari jiren (waxaan filayaa in reer Baydhabo marka la isku daro soomaali oo dhan ay quraanka iyo diinta ugu badiyaan adaanka salaada subaxna aan laga waayeen hadii la dhegysan lahaa!) 

3.                  “In Tigree dalka laga xoreeyaa” ma noqon karto sabab jihaad loo iclaamiyo waayo xoraynta dhulku ma aha waxyaabaha qofka Islaamka ah uu naftiisa u jaro waxaana la waydiiyey rasuulka CSW qofkii dalkiisa u dhinta iyo ka qabiilkiisa u dhinta inay jidka Alle ku dhinteen iyo in kale wuxuuna rasuulku CSW ku jawaabay ninkii u dagaalamaya in kelimada alle (li’iclaali kalimati laah) korayso ayuunba jidkii alle ku dhintay.  

4.                  Ilaahay wuxuu yiri “Walaa Talquu bi’aydiyakum ila tahlukah” gacmihiina haku raadsanina halaag markaa ardayda yar-yar ee aan weli qaan gaadhin ee dagaalka loo soo daabulay waxay muujinaysaa in la gees-maray qudsiyadii iyo karaamadii islaamku bani’aadmiga siiyey iyo in aan la dagaalamin in laga fursan waayo mooyee. 

 5.                  In aan “Gaalo” la kaashan oo aan dad aan islaam ahayn la adeegsan si loo    jihaado waxaana rasuulka dhacday in mar uu nin Kirisataan (Masiixi) ahi              damcay inuu Jihaad u raaco wuxuuna rasuulku si cadho ku jirto u yiri “Noqo Gaal Taageero kama rabee”. Inaguna waxaynu ognahay in ugu yaraan 2000 oo            Eriteriyaan Gaala ahi ay la safan yihiin maxkamadaha taasoo muujinaysa in la laga talaabsaday mid ka mid shuruudaha Jihaadka. 

Isku soo duubo dagaalkan  wuxuu dhacay xili khalad ah (Ashhurul Xurum), wuxuuna ka dhacay meel khalad ah (Baydhabo Janaay) wuxuuna ku dhacay dad khalad ah (Soomaali), sidaa darteed uma sugnaanin (marka shareecada la eego) shuruudaha laga doonayo in Jihaadku yeesho, waxaana shacabka soomaaliyeed ugu yeerayaa inay nabada ka shaqeeyaan aana lagu maaweelin “Janno” kuwii ku baaqayeyba ay dayaarad ka sooraaceen. 

Walaahu Aclam 

Cabdiraxmaan Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Dec 22, 2006 9:24 AM

Afeef: Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com