SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


1-da Luuliyo Qaddarinaye; Iyadu wax ma noo Qaban Kartaa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgeyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan dhashay oo garaadsaday iyadoo la weyneeyo maalinta 1-da Luuliyo. Dadka qaarkiis waxay dhahaan waa maalintaan gobanimada qaadannay ama aan xor noqonnay. Haddaan wax dhaheyno waxay ku fiicantahay in la yiraahdo waa maalintii cadowgii caddaa dalka laga saaray (koonfurta) oo aan talada dhulkayaga la wareegnay. Qofkii isagu maalintaas xor noqday ama aabbihiis xor noqdayoow haddee maanta xor ma tihid oo waddankii Tigree baa heysta. Laakiin qofkii xor ahaa hasii dhulkiisii cadow qabsaday dabadeedna 1-da Luuliyo ka saarayoow adigu xor baad tahay laakiin waddankaagii Tigree baa heysta ee mar kale ka saar. 

Intaanan qoraalka horay usii wadan wuxuu qosol ka joogaa iyadoo la arki doono haddii Ilaah idmo qowsaarada Tigreega iyo Ashahaado-la-dirirka oo leh waxaan xuseynaa 1-da Luuliyo! Sabab? Waa maalintii saancaddihii Talyaaniga laga saaray Soomaaliya? Laakiin ma arkaan Tigreega oo nooga cadwosan Talyaaniga! Maxaa yeelay Tigreegu ma cadda oo walaalaheen! Shaki iigama jiro iney qaadidoonaan heesta la micno tiray ee Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsade ee. 

1-da Luuliyo maxay noo qaban kartaa oo nalooku falay? Runtii anigu awr-ku-kacsi baan u qabay laakiin in aan dad sixran nahay waxaa caddeyndoona: qowsaarada Tigreega iyo Ashahaao-la-dirirka oo leh waan xuseynaa maalintaas iyadoo jananno Tigree ay goobta joogaaan! Kolley ani ahaan ma aamminsani in 1-da Luuliyo iyo maalin kale ay wax ii tartay amaba ii tari karto. Axadka wax ii tari karaa waa Allaah. Hadduu Isagu i yiraahdo maalin hebla weynee waan yeelayaa. Iskaa daa 1-da Luuliyee, Luuliyo oo dhan kuma jirto bilaha Ilaah agtiisa laga ogol yahay. Qofkii fahmaya bilahaas Laatiin ahaan wuu garanayaa iney ka hadlayaan tirsi iyo magacyo reer Galbeed. Tirsiga bilahaas ee aan naqaan waxaa markii hore dhaqan gashay boqorkii “Julius Caesar” dhalashadii nabi Muxamed (SCW) ka hor. Laakiin waxaa dib-u-habeyn ku sameeyey nin ditoor ahaa waxaana qalinka ku duugay oo dhaqan gashay baadarigii Gregory 13-naad markii taariikhda miilaadigu ahayd 24/02/1582. Haddaad fiirisid tirsiga bilaha waxaa ku jira khalad qaab daran sida Sibteember oo ka timid ereyga Laatiinka ah ee Septimo waa (7) halka Oktoobar oo ka timid Octo (8) halka Nufeembar oo ta mid nono (9) iyo Diseember oo ka timid Decimo (10). Laakiin markaad fiirisid bil ahaan Sibteember waa bisha sagaalaad halka Oktoobarna tahay bisha Tobnaad. Ka warran, Carrabtoo maalinta Khamiista ee shanaad ugu yeerta Taalado (seddexaad)? Ama adoo beri dambe/saadambe ugu yeera shalay. 

Maalmihii iyo bililihii feerkaas iyo faralaabkaas lagu keenay haddaan innagu ka dhigno maalmo muqaddas ah haddee waa khalad kale oo dheeraad ah. Waxay i xasuusineynaa waagii nabigu (SCW) uu saxaabigii weynaa ee Muscab Binu Cumeyr (RC) u diray Madiina ayaa dhallinyaradii Madiina oo dhan intoodii badneyd muslimeen. Barbaar muslim ahaa baa aabbihiis ka kari waayey inuu sanamka iska daayo oo Ilaahay ka baqo laakiin odeygii waa diiday. Maalintii dambe baa barbaarkii iyo mid kale oo saxaabkiis ahaa inta eey bakhtiyey soo jiideen bey sanamkii odeygu caabudijiray ku xireen. Dabadeedna odeygii oo isla lahaa ka soo duceyso sanamka baa arkay eey bakhti ah oo ku xiran. Odeygii inta caqligii ka shaqeysiiyey buu yiri: haddaad sanamoow karaamo iyo waxtar leedahay, waxaad iska furi lahayd eeyga bakhtiga ah halkaas buuna ku muslimay. Marka waxaan leeyahay ama 01/07/2007 intaan laga gaarin, 1-da Luuliyo na caawisay oo Tigreega ka saartay Koonfurta Soomaaliya ama waan loo noqondoonin in loo qaado “Soomaaliyooy toosoo”. 

Dadka muslimiinta ah markii laga kariwaayo af-xumo iyo iney ka waantoobaan waxyaalo aan fiicneyn ayaa Ilaah ku ciqaabaa wax ku cagsi ah waxaas ay ka been abuurayaan. Waxay dhaheen 1-da Luuliyo baa qiimo leh oon xuseynaa markaasaa Ilaah Tigree guureysa usoo diray bishii Diseembar. Teeda kale, 1-da Luuliyo miyuu gumeysi tagay? Maya, WALLAAHI, ee wuxuu gumeysigu ka tagay wax gumeysiga uga fiican iney Soomaaliya joogaan. Wuxuu ka tagay dastuurkoodii iyo dad ay iyagu soo saareen. Marka meeday xornimadaan qaadannay? Ayaxu eelkuu reebay baa ka badan tagitaankiisii. Marka qofkii u qaba in dhulka Soomaaliyeed la xoreeyey 1-da Luuliyo 1960 waan qof aan fahmeyn sida adduunku u shaqeeyo. Fahan la’aantaas darteed waa arrinta dadka muslimiinta ka dhigtay dadka aduunka ugu hoosyeeya iyagoo heysta diinta qiimaha leh ee Islaamka. 

Waxaan leeyahay, waad arki doontaan haddii Ilaah idmo qowsaarada Tigreega iyo Ashahaado-la-dirirka oo Xamar oo Tigree heysto dhahaya waxaan u dabbaaldegeynaa 1-da Luuliyo! Inta u deyno maalintoodaas aan Ilaahay talo saaranno oo qiimeyno maalmaha Ilaahay yiri qiimeeya. Marka, ciddeey 1-da Luuliyo waddan u xoreysoow, waxaa noo balan ah 1-da Luuliyo oo dhowr beri naga xigto haddii Ilaah idmo. Marka ama 1-da Luuliyo Tigree saartay ama xusid dambe looguma noqdo.

Maxaa Haweenkeenna Talyaaniga Looga Gacanhaatinayaa; Maxaase Huwantu Tafta u Haysataa... Akhri...

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida Qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2007

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho
Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto DFKMG.. Akhri Jun 26
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com