Jawaabtii DAAHIR AWEYS OO ILAAHNIMO
SHEEGTAY
Prof. Cabdi Biixi – Yemen
Sana’a University
cabdibiihi@hotmail.com
Anigoo aqoon dheeraad ah u leh ninka layiraahdo
Cabdiraxman Xariiri ama aad isugu dhoweyn xiligii wax barashada Sudan iyo Yemen
isla markaasna dhowr jeer ka munaaqashoonay dhacdooyinka Soomaaliya taasoo aan
mar walba isku raaci jirney aniga iyo Xariiri in xalka soomaaliya diinta ku
dhaqankeeda ku jiro, isla markaasna aan ilaahay hortii ogahay in ninkaasii
Caqiido ahaan iyo diin ahaanba uu ahaa nin ku fiican diinta, hase ahaatee
markaan arkay maqaal uu qoray oo uu u bixiyey Daahir Aweys oo Ilaahnimo
Sheegtay, waxaan dareemay in saaxiibkeen 90 digrii wareegey uuna aad u
taageersan yahay dowlada Cabdilaahi Yusuf iyo Geedi.
Hadalka uu soo qoray Xariiri ee uu leeyahay
waxa uu Daahir Aweys sheegtay ILAAHNIMO waxuu uga dhacay Sheekh Daahir ah si
khalad ah ugumana uu talagelin inuu dhaho ilaahnimaan sheeganayaa – Soomaaliduna
waxay tiraahdaa Halmaan Hadal kuma jiro.
Inkastoo maxkamadihii khaladaad badan sameeyeen
aniga naftigayguna aan diidanaa sida ay siyaasada soomaaliya ugu gacan geliyeen
kooxo xag jira oo ajinebi ah hadana Xariiri waxaa u haboon inuusan aad ugu talax
tegin wax ka sheegooda maadama ay yihiin niman Caqiido ahaan iyo Cibaado ahaanba
toosan.
Dhinaca kale waxaan arkay maqaalo badan oo
soomaalinimo iyo wanaag sheegay oo uu qoray iyo kuwo uu maxkamadihii iyo
Muqaawamada ku diidan yahay oo uu websitada ku faafiyey laakiin weli ma arkin
isagoo dhaliilaya ama wax ka sheegay dowlada FKM ee Geedi iyo Cabdilaahi taasoo
tusinaysa in uu san dhex-dhexaad ahayn oo uu dhinac la jiro.
Hadal iyo dhamaan ma jeclayn inaan si lawada
maqlayo wax ugu sheego saaxiibkeen Xariiri laakiin markaan ku guulaysan waayey
inaan ku qanciyo e-mailo badan oo aan u diray ayaan u arkay inay lagama maarmaan
tahay inaan si caam ah wax ugu sheego.
Nin aan isna saaxiib nahay oo Xariri aad u
yaqaan oo ay Sucuudiga wada joogaan oo aan wax ka waydiiyey ayaa igu yiri hadal
aan la yaabay markii uu ii sheegay in Xariri la waydiiyey ra’yiga uu ka qabo
joogitaanka Xabashida ee soomaaliya wuxuuna iigu jawaabay ayuu yiri “Waxaan kala
dooranaynaa Isbaaro Sokeeyo iyo Ixtilaal Shisheeye, Ixtilaal Shisheeyaa aniga la
ila qaatay inkastooy labaduba dhib yihiin” – Ma huba in Hadalkaas Xariri Yiri
laakiin haday jirto waa isbedel weyn oo aan la garanayn wax kelifey.
Ilaahay Khayrka Ha ina waafajiyo Kuligeen -
Amiin
Prof. Cabdi Biixi – Yemen
Sana’a University
cabdibiihi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Akhri:
ABDIRAXMAN
XARIIRO OO MARAY WADADII SHAAFICI HASSAN:
Jawaab....
Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

