Xukuumadda Liibiya oo weli ku adkeysaneysa dilka ay ku xukuntay
Kalkaaliyaashii reer Bulgaariya
- Ikraam Cali-kaar | July 12, 2007
Midowga Yurub ayaa waxaa hadal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen
iney aad ugu xun yihiin go'aaka ay maxkamada sare ee dalkaasi Libiya ku
adkeysatay taasoo ah ineysan katanasulin dilkii toogashada ahaa ee horey
ugu xukuntay kalkaalisooyin u dhashay dalkaasi Bulgaariya iyo dhaqtar
Falastiini ah oo dalkaasi hore ugu shaqeynyey kuwaasoo carruur gaareysa
460 carrruur ah la sheegay iney ku talaaleen cudurka dilaaga ah AIDS-ka.
Qoraalka maanta kasoo baxay maxkamada ayaa la akhriyey xilli aysan
maxkamadd xaadir ku aheyn, waxaana sidoo kale qoraalkani yimid maalin
kadib markii madaxweyne Qadaafiga dalkaasi uu sheegay iney jiraan
dabasanaan ka timid waalidiinta carruurtaasi dhashay hadalkan ayaa sidoo
kale waxaa si taxadar leh u soo dhaweeyey Midowga Yurub laftooda.
Muranka ka taagan amuurtan ayaa waxaa y keentay in bilowgii sanadkan ay
reer Yurub shaaciyeen iney bixinayaan xaal marin la xirriirta dhibaatada
caruurtaas soo gaartay, walow aan si rasmi ah loo shaacin gaarta.
Isbitaal ku yaala magaalada Banqazi ee dalkaasi ayaa carruurtani
cudurkaasi dilaaga uga yimid, 56 kamid 460 carruur ah ayaa u geeriyooday
cudurkaasi arrintaasina waxaa ay keentay qeylo dhaan xoogan ka timid
eheladoodi. Dhaqarka falastiiniga ah iyo kalkaaliyeyaashaasi reer
Bulgaariya ayaa ku doodaya ineysan wax dambi ah ku laheyn dhibataadasi
dhacday waxaana ay sheegeen qirashadoodii ay qirteena ay timid markii
jir dil lugu sameeyey. Dowlada Bortugaal oo haatan heysta xilka meertada
ah ee midowga Yurub ayaa sheegtay iney ku da daaleyso siddii arrintan
xal waara looga gaari lahaa.
Labo kamid ah raggii fulin lahaa weeraradii dhicisoobay ee dalka
Ingiriiska oo xabsi daa'in lugu xukumay
Labo kamid ah raggii ka qaraxyada ka geystay dalkaasi Ingiriiska ayaa
xabsi daa'in lugu xukumay, mid kamid ah afartaasi nin ayaa misna waxaa
lugu xukumay 40 sanno xarrig ah kadib markii ay gacan ka geysteen
weeraradii dhicisoobay ee lugu qaadi lahaa tareenada mara dhulka
hoostiisa ee magaalada London.
"Ma aaminsani ineysan qeyb ka aqeyn raggani weerarada qorsheysan ee
Alqaacida hogaanka u heyso" Adrian Fulford oo isagu ah garsooraha
maxkamada oo intaasi hadalkiisa ku darray in raggani dhaaca ay geysan
lahaayeen ay ahaan laheyd dhimasho iyo dhawaac dad kor u dhaafay
boqolaal ruux.
Ra'iisal wasaaraha cusub ee dhawaan hogaanka dalkaasi la wareegay ee
Gordon Brown ayaa sheegay in xukuumadda kala munaaqishoon doono sidoo
loo saari lahaa sharci ka dhan ah argagaxisada iyo sidii si fudud
sharciga loo horkeeni lahaa kuwa falalkaasi lugu tuhmayo."Waxaan
rajeynayaa in dhamaan asxaabta siyaasadeed aan isku afgaran dooni
arrintan" ayuu yiri Brown oo misna sheegay inuu eegayo sidey suuragal ku
noqon karto in la dheereyo ciqaabta qofka falalka noocaas ah lugu
tuhmayo horey u aheyd in xabsiga lugu sii heyn karro 28 cisho oo qura,
islamarkaasina la dabalo lana keeno cadeymo la xirriira waxyaabaha lugu
heysto qofka falkaasi lugu tuhmayo.
Xiisadii ka taagneyd masjidka cas ee dalkaasi Pakistaan oo la soo
afjray
Ciidamada dalka Pakistaan ayaa soo afjaray rabashadii sideeda cisho
qaatay ee ka jiray masjidka cas ee magaalada Islaamabad.Afhayeen u
hadlay ciidamada dalkaasi waxa uu sheegay iney af jareen howlgalkoodi
koowaad,iyagoona meesha ka tirtiray kooxaha islaaminyinta ah ee halkaasi
kacdoonka ka waday. Wakaalada wararka ee AP waxaa ay soo werisay in
intii xiisadahaasi socdeen ay ku geeriyoodeen dad gaaraya sideetan qof.
Waheed Arshad oo ah afhayeenka ciidamada waxa uu sheegay in weli ay jiri
karto in goobihii xaasaduhu ka taagnaayen ay baaqi ku yihiin waxyaabaha
qarxa iyo hub balse laga nadiifiyey kooxaha islaaminyiinta ah. Xiisada
masjidka ayaa bilaabatay markii arday gaareysa 500 ay masjidkaasi isku
gadaameen hogaamiye islaamiyiin ahina uu halkaasi ku jiray.