Dhaq-dhaqaaqa AL-Islaax oo soo saaray Warsaxaafadeed ay ku
beeninayaan eedayntii Cadde Muuse
Muqdisho :- Waxa maalintii shalay magaalada Muqdisho ka soo baxay
warsaxafadeed ay soo saareen dhaqdhaqaaqa Al-Islaax , ayna ku
beeninayaan eedayntii madaxweynaha Puntland ka soo yeedhay kadib
mudahaharaadkii ka dhacay magaalada Garoowe. wuxuna u qornaa sidan :
Warsaxaafadeed
Beenin eedaha Madaxweynaha
Maamulgoboleedka Puntland
26/07/07
Xarakada Islaax waxaa lama filaan ku noqotay eedaynta aan salka iyo
raadka lahayn ee uu madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland u soo
jeediyay Xarakada, isaga oo ku eedeeyey inay ka dambaysay mudaaharaadkii
ka dhacay magaaladda Garoowe 25/07/2007 .
Xarakada Islaax waxay si buuxda u beeninaysaa guud ahaanba eedaha uu
Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland usoo jeediyey, waxayna
cadeynaysaa inaysan wax lug ah ku lahayn mudaaharaadkii ka dhacay
Garoowe.
Xarakaduna waxay ka dalbaysaa in Madaxwaynuhu uu raalligelin ka
bixiyo eedaymahaas aan waxba ka jirin.
Xarakada Islaax waxay ku faraxsantahay islamarkaasna bogaadinaysaa
xasiloonida iyo hurukaca ay xaqiijiyeed reer Puntland, shacab iyo
maamulba, waxayna ka soo horjeedaa wax kasta oo dhaawici kara
nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.
Ugu dambayntii, waxaa xasuusin mudan in Xarakada Islaax mudadii ay
jirtay ay ku caan baxday ka shaqaynta nabadda, dib-uheshiisiinta,
horumarka dalka iyo u ololeynta soo celinta dawladnimada Soomaaliyeed;
Islamarkaana ay ka soo horjeeddo dagaalada sokeeye iyo wax kasta oo
waxyeeli kara xasiloonida guud.
Allahu Akbar Walilahixamd
Sh. C/lahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Xarakada Islaax
Waxaa soo tebiyeyey Ciyoon / LaasqorayNet.
Cadde
Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.