Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 July 2007.
Dagaallo ciidammada cadowga lagu waxyeelleeyay.
Xasuuq ay ciidammada gumaysigu ka gaysteen meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah.
Dadwayne uu gumaysigu xidhxidhay.
Magaalooyin kale oo ciidammada gumaysigu gubeen.
Waraysiyo banaanbixii Sweden (Q2aad).
Wargaysyada iyo Ogadenya(Al-Jazeera)
======================
Dagaallo ciidammada cadowga lagu waxyeelleeyay.
Wariyaha RX uga soo warrama furinta dagaalka ayaa noo soo
sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maraya CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya, kuwaasoo waxyeello ba'an logu gaystay ciidammada
maxaysatada ah ee la soo dhoobay dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
24/07/07 CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammo gumaysiga ka
tirsan oo ku sugnaa Dusmo, waxayna weerarkaas kaga dileen 10
askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
Isla 24/07/07 waxay CWXO sidoo kale weerar mir ah ku qaadeen
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Wardheer,
waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
21/07/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Caleen,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa
lagaga dhaawacay.
18/07/07 Dharkenley, oo dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay
waxaa ciidammada gumsysiga lagaga dilay 9 askari, 7 kalana waa
lagaga dhaawacay.
17/07/07 Karinka Soolle, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 1 askari, 8 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Xasuuq ay ciidammada gumaysigu ka gaysteen meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah.
Ciidammada maata-layska ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dadwayne
rayad ah ku xasuuqay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah,
iyagoo si arxan la'aan ah u laayay dadwayne shacab ah, isla
markaana jidhdil bani'aadamnimada ka baxsan u gaystay, ka hor
intii ayna daldalin.
Markii ay taariikhdu ahayd 24/07/07 waxay ciidammada gumaysiga
Itoobiya si waxshinimo ah tuulada Babaase, oo 15 km woqooyi
galbeed ka xigta magaalada Qorile, ugu laayeen dadwayne rayad ah
oo aan waxba galabsanin. Dadkan la laayay iyo kuwa kale oo badan
ayaa magaalada Qorile la qaqabtay markii ay taariikhdu ahayd
22/07/07. Sida uu ku soo warramayo wariyaha RX ee gobolka
Doollo, waxay ciidammada gumaysigu wateen markii ay Qorile
imanayeen liis ay ku taxan yihiin magacyada dadka la laayay iyo
kuwa kale oo hadda la raadinayo. Dadkan ayay ciidammada
gumaysigu markii denbe ku laayeen duleedka tuulada Babaase,
iyagoo Xaskul la soohay ku daldalay. Dadkan ayay ciidammada
gumaysigu jidhdil ba'an u gaysteen, ka hor intii ayna daldalin,
iyadoo jidhkooda uu jidhdilkaasi aad uga muuqdo.
Dadka ay ciidammada nacabka ah ee guamysiga Itoobiya halkaas ku
daldaleen waxay kala yihiin;
1- Xasan Cabdi C/llaahi
2- Ciilmooge Baddal Cabdi C/llaahi
3- Xasan Buraale Cilmi-yare
4- Cali Buraale Cilmi-yare
5- Axmed-gaanni Guuleed Cali
6- Faarax Xasan Haloonfi
7- Ayaan Aw Cali Good
8- C/rashiid Sh Maxamuud, oo naf loogu yimid,
laakiin dhaawicii u dhintay
9- Ridwaan Xasan Raage, oo iyadana ay wali
nafi ku jirto, laakiin xaaladeeda laga dayrinayo. Gabadhan iyo
wiilka ka horreeyaba waxay uga tageen mayd ahaan, laakiin waxaa
iyagoo daldalan u yimid dadkii deegaanka.
Waxaa iyaguna dadkan ka mid ahaa oo raqdoodii
iyo ruuxoodii midna la la'yahay laba nin oo lagu kala magacaabo;
1- Qarjaf Sayid Cismaan iyo
2- Ina Carab Ismaaciil, oo magaciisa hore
aanaan haynin.
24/07/07 waxay sidoo kale ciidammada
gumaysigu Nusdariiqa ku dileen labo nin lagu kala magacaabo
1- C/risaaq Cali Caabi iyo
2- nin lagu naanayso Gobos oo magaciisa saxda
ah aanaan haynin.
22/07/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo
kale ku dileen magaalada Qabridaharre 4 qof oo rayad ah,
waxaanan magacyadooda helnay;
1- Geeljire Cabdi Guul iyo
2- Axmed Nuur Dhicis Xaashi, oo ay ka dhaceen
hanti gaadhaysa 10.000 oo Bir.
Isla 22/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen magaalada Caleen nin lagu magacaabo C/llaahi Faarax Good,
oo isagana ka dhaceen lacag gaadhaysa 35.000 oo Bir.
13/07/07 Qabridaharre waxay sidoo kale ku
dileen ninka lagu magacaabo C/fataax Axmed Barkhadle.
Dadwayne uu gumaysigu xidhxidhay.
Ciidammada gumaysiga ee ku hawllan xasuuqa
iyo dhibaataynta dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya ayaa meelo
akla duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad
ah oo aan waxba galabsanin.
17/07/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada
iimey ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo tariadoodu ay boqol
kor u dhaafayso, kuwaasoo Iimey iyo nawaaxigeeda laga soo
uruuriyay, isla markaana loo gaystay jidhdil iyo dhibaatooyin
kale oo bani'aadaminmada ka baxsan. Dadkaa halkaas lagu
xidhxidhay ayaa qaarkood la soo daayay, ka dib markii si qasab
ah looga qaaday lacago ganaax ah oo aad u badan. Dadka ganaaxa
laga qaaday waxaa ka mid ah;
1- Ubax Deeq Maxamed oo lagu ganaaxay 500 oo
Bir
2- Fardowsa Sh Ibraahim oo iyada ay
ciidammada gumaysigu kufsadeen, ka dibna ka qaadeen lacag
gaasdhaysa 4000 oo Bir oo ganaax ah
3- Xamdiya Maxamed Daahir oo iyadana 3000 oo
Bir lagu ganaaxay
4- Ifraax Xaaji Balballayti oo 3000 oo Bir
lagu ganaaxay
5- Rashiid Cabdi Maki oo isagana 3000 oo Bir
laga qaaday
6- Xaali oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin
waxaa iyadana laga qaaday 2500 oo Bir
7- Farxiya C/llaahi Seerre oo laga qaaday
3500 oo Bir
8- Abraas Xasan oo laga qaaday 2000 oo Bir
9- Maxamed Cabdi Carab oo 3500 oo Bir laga
qaaday
10- Xafsa Aaden oo iyadana laga qaaday 3500
oo Bir iyo
11- Bashiir oo isagana laga qaatay 3500 oo
Bir.
17/07/07 Xaraarey, oo Garbo ka tirsan, waxay
ciidammada gumaysigu jidhdil ugu gaysteen, ka dibna ku
xidhxidheen dad dhawr ah, oo ay sidoo kale hanti kala duewan ka
boobeen, waxayna kala yihiin;
1- Sawda Ibraahim
2- Sahra Maxamuud Maax
3- Maxamed Sh Cali Sayid Nuur
4- Kadaawi Sayid Nuur iyo
5- Saxane sayid Nuur. Seddexdan nin ee denbe
waxay ka dhacday seddex Qori.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
magaalada Dhuxun ku xidhxidheen dad reer Sayid Nuur ah oo ka
daba-tagay qaraabadooda laga soo xidhay xarunti Sayid Nuur.
Dadkanina waxay kala yihiin;
1- Shifo Sh Cali Sayid Nuur iyo
2- Maxamed Sh Axmed mahdi Sayid Nuur
22/07/07 Waxay ciidammada gumaysigu
Wayla-lagu-xidh ku dhaceen labo baabuur oo badeecado kala duwan
waday. Badeecadahan waxaa kala lahaa gabdhaha lagu magacaabo;
1- Shuun Cali Cigaal iyo
2- Cawo Sh Cumar Nuur, oo iyada ay sidoo kale
ka dhaceen 10 Neef oo Adhi ah oo ay meeshii ku qasheen.
22/07/07 waxay ciidammada gumaysigu boobeen
dadwayne ay si qasab ah ugu shiriyeen tuulada Babaase, waxayna
dadka ka urursadeen maryo iyo saacado. waxay sidoo kale
maalintaas ku qasheen tuulada Babaase 20 Neef oo Adhi ah,
waxaana kala lahaa;
1- Kaamil Gaambiye iyo
2- Maxamed Kub-yar
Waxay sidoo kale isla maalintaas lacag 1000
Bir ka dhaceen gabadh lagu magacaabo Khadra Axmed Cabdi Dhabbac.
Magaalooyin kale oo ciidammada gumaysigu
gubeen.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya, oo xasuuq
ba'an iyo ciqaab wadareed muddooyinkii denbaba ka waday guud
ahaanba dalka Ogaadeenya, ayaa gubay magaalooyin kale oo ku
yaalle oo ku yaalla gobollo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
Magaalooyinkaasi waxay kala yihiin;
19/07/07 waxay gubeen Ku-naso, oo koonfur ka
xigta magaalada Haar-cad.
13/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen
Warandhaab, 10 km galbeedka ka xigta magaalada Galadiid ee
gobolka Qorraxey.
10/07/07 waxay iyadana dab qabadsiiyeen
Dharkenley, oo woqooyi bari ka xigta magaalada Qallaafe.
Isla 10/07/07 waxay mar kale gubeen
Fool-jeex, oo 36 km dhinaca koonfureed ka xiga magaalada
Qabridaharre.
08/07/07 waxay gubeen Wabi-yar, oo 42 km
dhinaca koonfureed ka xigta magaalada qabridaharre. Waxay
ciidammada gumaysigu halkaas sidoo kale ku gubeen 480 Kiintaal
oo raashiin ah oo dadwaynuhu lahaayeen.
06/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen
Xabaal-tiirri, oo dhinaca koonfureed ka xigta magaalada
Haar-cad.
02/07/07 waxay iyadana gubeen Balli-sareedo,
oo 52 km koonfur bari ka xiga magaalada Qabridaharre.
18/06/07 ciidammada cadowgu waxay gubeen
Ugle, oo iyaduna 42 km woqooyi ka xigta magaalada Dhanaan.
Dhinaca kale 25/07/07 waxay ciidammada
gumaysigu qasab uga rareen Ganfaale, oo Barmiilka u dhaw, reer
lagu magacaabo Reer Qorane, kuwaasoo la geeyay magaalada Dhuxun.
Itoobiya oo hor istaagtay in gargaar cunto
la gaadhsiiyo Ogadenya:
Barnaajika Wargaysyada(Al-Jazeera)
Telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera ee ku
baxa afafka carabiga iyo ingiriska ayaa isagoo soo xiganaya
wargayska caalamiga ah ee Nyyork Times yidhi.
Wargayska NYT oo soo xiganaya doblamaasiyiin
ree galbeed ah iyo masuuliyiin u shaqeeya hay,adaha gargaarka ee
caalamiga ah ayaa sheegay in xukuumada Itoobiya ay hor istaagtay
in la gaadhsiiyo gargaar cunto oo dagdag ah gobolka Ogaden,ayna
xidhay dhammaanba wadooyinkii soo galayay gobolka ee uu
beecmushtarku usoo marayay.
Wargaysku wuxu kaloo yidhi:Ciidamada itoobiya
iyo maleyshiyaadka u dagaalama ee wakiilka ka ah waxay xadeen
gargaar caalami ah oo ay JQK ugu talagashay barnaamijka
dabargoynta qalalka ee gobolka Ogaden waxayna ujiheeyeen dhinaca
ciidamadooda waa sida ay soo xaqiijiyeen mas,uuliyiin u shaqeeya
hay,adaha gargaarka ee caalamiga ah,gargaarkaas ayuu qiimihiisu
dhannaa malaayiin doolarka maraykanka ah.
Cunaqabatayntu waxay saaran tahay gobolka
Ogaden ee dariska la ah wadanka Somaliya,iyadoo ciidamada
itoobiya ay gobolka kala kulmaan mucaarad hubaysan oo oo aad
isusoo taraya,hay,adaha u dooda xuquuqul insaankuna waxay ku
eedeeyeen ciidamada itoobiya inay gaysteen xasuuq iyo dambiyo ka
dhan ah bini-adanimada oo aad u baahsan sidaana waxaa sheegay tv
aljazeera oo soo xiganayay wargayska nyt.
Masuuliyiinta u shaqeeya ha,adaha gargaarka
ayaa sheegay in mamnuucida ay xukuumada itoobiya mamnuucday
gaadhsiinta gargaarka iyo isu kala socodka beecmusharku ay
keentay waali sicir barar,dadka ree baadiyaha ahna loo diiday
xataa inay suuq gaystan xoolahooda nool oo ahaa lafdhabarta
noloshooda.
Maxamed Diyaab oo ah madaxa barnaamijka
cuntada ee qaramada midoobay ee itoobiya ayaa nyt u sheegay inay
suuragali weyday in musaacadooyinka la gaadhsiiyo meelaha
dhibaataysan.
Xukuumada itoobiyana waxay eedaymahaas oo
dhan kaga jawaabtay in cunqabataynta la saaray oo kaliya gobolo
kooban oo mucayan ah taas oo looga gol leeyahay waa sida ay
xukuumadu tidhiyi in la hakiyo hubka iyo rasaasta gaadhaya
jabhada mucaaradka ah ee ONLF.
Laakiin masuuliyiin maraykan ah ayaa sheegaya
inay soo gaadhayaan warbixino is daba jog ah oo sheegaya in
ciidamada itoobiya ay gubayaan tuulooyinka iyo maagooliyinka
gabi ahanatoodba.
Dadka ree baadiyaha ah ee isku daya inay
cambaareeyaan xukuumada itoobiya amase ayba wax ka sheegaan
waxay ka dhigan tahay iyagoo naftooda ku khamaaraya,taasna waxaa
daliil u ah ayuu wargaysku yidhi:afar wiil oo dhalinyaro ah oo
la dilay kadib markii jidh-dil ba,an lagu sameeyey meel fagaare
ah oo dadka hortiisa ah.
20 ama 30 % gargaarka loogu talagalay
gobolka Ogaden waa la waayaa,xukuumada iyo ciidanka itoobiyana
waxay Ku andocoodaan in cuntadaas gargaarka ahi waqtigeedii
dhacay ama ururka mucaaradka ahi dhexda ooga baxay.
Ugu dambayntiina waxay kusoo gabagabaysay
:Hadii uusan gargaarku si dagdag ah ugaadhin gobolka Ogaden
waxaa halkaas ka dilaaci doona gaajo iyo musiiyoobin daran.
28 July 2007
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada
Bari
Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007