Daabaco Boggan | Print

Xubno ka
tirsan Xiriirka
Soomaaliyeed ee
K/cagta oo ka
qaybgalay
Siminaarkii
Futsalka iyo
Beach Soccer-ka
ee dalka
Marooko.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo
gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Doodii Mooshinka Baarlamaanka ee ka dhanka ahayd Xukuumada Prof;
Geedi oo waji kale isu rogtay (Qaybtii Sedexaad)
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Wayrax
"Baarlamaanku Maamul buu u baahan yahay, "
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) "Nuqulada sharci ee uu
Goluhu anxisiyey oo Madaxweynaha loo gudbiyey, wuxuu diideyna iyo
wixii uu ogolaadeyna ma ogin"
Xildhibaan C/fitaax Sh, Ibraahim Rashiid " wixii qaab deeq ahaan
lagu soo heley lama oga halka ay ka bexeen".
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Wayrax ayaa qaba isana fikir ah "amaan
gaar ah waxaan u soo jeedinayaa Gudoomiyaha sida uu u xaliyey saaka
wixii halkan ka dhacay, in lawada dooda waa loo baahan yahay, waayo
doodu wax badan bay fureysaa, Mooshinka la soo jeediyeyna aad buu u
fiican yahay, laakiin dantu waxay ku jirtaa in Baarlamaanka dib loo
hawlgeliyo. ayuu yiri isagoo hadalkiisa siiwata ayaa intaa ku darey
"Baarlamaanku Maamul buu u baahan yahay, maamulkuna ma aha mid lacag
bixinaya, waxaana haboon inaan is weydiino Baarlamaanku siduu
Baarlamaan shaqeeya u qonon lahaa, Waxaan soo jeedinayaa in
Baarlamaanka dibada looga keeno xubno khubaro dhinaca sharciga ah,
sidii ay u sixi lahaayeen khaladaadka sharciga ee ku jira".
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) ayaa isna qaba "aniga
waxaan qabaa in mooshinka iyo lifaaqu ay isku mid yihiin, sida ay
dadd badan ay qabaan, waxaana qodob qodob u soo qaadanayaa qodobada
Mooshinka, kan ugu horeeya Gudiga joogtada ah iyo kan Baarlamaanku
sida ku qoran Xeer hoosaadka BFKMG qodobka 19-aad ee la Xisaabtanka
Xukuumada, aniga waxaan qabaa inaan ka doodno Xukuumadu waa jirtaa
iyo ma jirto ma qabo, waayo anigaa u seeto dheereyney, sidaas
darteed in lala xisaabtamo ayaa haboon, marka aan sidaas leeyahayna
waxaan ula jeedaa in Gudiyada Baarlamaanka ay Xukuumadu u ogolaato
la xisaabtanka, iyadoo u dhego nugul gudashada waajibaadkooda,
Wasaaradii xilkeeda gudan weydo wixii laga qaban lahaa liiska ayey
geleysaa.
hadaan fiiriyo qodobka dib u eegida habka sharciguna Nuqulada
sharci ee uu Goluhu anxisiyey oo Madaxweynaha loo gudbiyey oo uu soo
sixiixey, islamarkaana dib loogu soo celiyey Baarlamaanka ma jiro,
wuxuu diideyna iyo wixii uu ogolaadeyna ma ogin Madaxweynaha,
Gudoomiyaha iyo xog'hayntiisa waxaan ka codsanayaa in la keeno,
marka xiga Goluhu ma ansixin Nuqul ka mid ah xeerka jinsiyadaha,
waxaana aragnaa ama maqalnaa in Baasabooro la sameeyey oo qaarkood
dadka dibadaha ku nool ee muwaadiniinta ah laga qaado lacag badan,
halka kuwa gudaha laga qaado 100$.
hadaba maxay tahay waxay ku kala duwan yihiin muwaadiniintaas
meel kasta oo ay joogaan, waana meesha keli ah ee uu dalku ka
dhaqaaqo ee calaamada Dowladnimada laga fiirsado, sidaas darteed waa
in Baarlamaanka la horkeenaa si looga doodo kadibna loo ansixiyo.
ayuu yiri Afaraale wuxuu keloo ka hadley "dadka leh Baarlamaanka waa
in baydhabo laga raraa in arintaas ay khalad ay tahay, waayo horey
ayuu Baarlamaanku uu u ansixiyey in Baydhabo Xarun KMG ay u sii
ahaato, ilaa ay wax iska bedelayaan".
Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Rashiid ayaa doodiisa ku bilaabey
"Mudane Gudoomiye mooshinku wuxuu isugu jiraa mid Baarlamaanka
taabanaya iyo mid Xukuumada ay khuseyso marka anigu inaan isku
daaliyo ma ogoli, lifaaquna Jaatarka ayuu ka mid yahay, marka
caalamka loo noqdo dastuurka ayuu ka mid yahay, waxaana soo sixiixey
65-Xildhibaan, in arintaas layska jaro wax jira ma aha, waxaa kale
oo joornaalada caalamka iyo kuwa gudaha aad ku aragteen Wasiiro
cadeynaya inaan meesha wax dowlad ah ka jirin, taasina ruux kasta
waa og'yahay, hadii Xukuumada ay tahay mid shaqeyneysa waa iney
ilaaliso sharciga, hadii meesha sharcidaro timaado waxaa dhacayo waa
aan iska riixdo, taasina ma soconeyso.
Golahaan waxaa loo aasaasey inuu ilaaliyo Xukuumada, islamarkaana
ay soo saaraan sharci lagu kala hago dalka, cid Mas'uuliyad gooni ah
ay u saaran tahayna ma jirto ee waa in la wada ilaaliyaa sharciga,
nikii hadla hadii la yiraahdo wax baad burburineysaa, taasi ma aha
wax sax ah, waayo dowladani waxay dhacsan tahay mudo 4-bilood iyo
wax la jira Gudoomiye hadaad leedahay mooshinka iyo lifaaqa islama
soconayaan noo sheeg oo dib baanu ula noqoneynaa, mooshin kii hore
dadkiisu ay ka badan yihiin ayaanu keeneynaa, hadii kale ujeedadu
waa sidii loo sixi lahaa Xukuumada, waayo ma jiro wax ay qabtey
Xukuumadu oo maanta lagu faani karo, wixii qaab deeq ahaan lagu soo
heley lama oga halka ay ka bexeen. ogaada walaallayaal Xildhibaanku
Xuquuq buu leeyahay, shaqaaluhuna sidoo kale, Baarlamaankuna
sharaftiisa waxay ku jitaa inuu la xisaabtamo Xukuumada".
Maxamed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2007
Doodii Moshinka Baarlamaanka DFKMG ee ka Dhanka ahayd xukuumada
Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay (Qaybtii labaad)
Xildhibaann Axmed Cabdi (Borrile) ayaa ka
qaba moshinka Argatidan:- "Waxaan la soconaa sida ay ku dhisan yihiin
hay'adaha dowlada taasoo ah qaabka kala madax bannaanaashaha hay'adaha
dowlada, Baarlamaanku waa aasaaska dowlada markii la dhaariyay
gudoonkiisa waxaa qof kasta fuulay mas'uuliyad, mas'uuliyadaasina
maalinta Qiyaamo waxbaa la iska weydiin doonaa dalka iyo dadka aayo ka
talintiisa waxaa mas'uul ka ah Baarlamaanka, qeybaha kala duwan ee
dowlada waxaana saaran inaan gaarsiino dastuur rasmi ah iyo dowlad,
waxaan mudo isbuuc ah bilownay in xubnaha baarlamaanka ee maqan aan
baafino waxaa keenay waa mas’uuliyada xumo, xushmad la’aan iyo gudasho
la’aan waajibaadka saaran xubinta Baarlamaaniga mudane gudomiye moshinka
waa qeyb taabanaysa baarlamaanka iyo qeyb taabanaysa dowlada waxaan
qabaa inaad gudi u saarto arintan moshinka ah oo kasoo baaraan dega
qeybaha uu ka kooban yahay moshinka”.
Xidhibaan C/kariim Naasir Saciid Seef (Cabdi
Dheeg) ayaa isna doodiisa ku aadan moshina ku cabiraya sidan:- “Waxaan u
malaynaaa inuu yaalo moshin iyo lifaaq, waxaa la yaabanahay dadka u soo
tafa xeytay in Baarlamaanka la burburiyo, isla markaana xukuumada
daaqada laga soo geliyo, iyadoo la arkayo albaabkii , 4-bilood ayey ku
darsatay xukuumada jirintaankeeda horta xukuumadu ma ansax baa?!!.
Shacabka soomaaliyeed ee dhibaataysan
xukuumadu maxay u qabatay, waxaa nooga dhow waa isbitaalkan Magaalada
Baydhabo ma laha wax dawo ah oo ay u gaysay, waxaa haboon in ruux walba
is xisaabiyo intaaan la xisaabin”.
Xildhibaan Ismaaciil Xasan Max’uud (Timir)
ayaa isna yiri “Gudoomiye halkan waxaa la keenay moshin muhiimadiisu waa
Xukuumada iyo Baarlamaanka wuuna gudo balaaran yahay ee gudoonka waxaan
weydiinayaa mowqifka uu ka qaatay in la kala saaro moshinka iyo
lifaaqa, hadii taasi dhacdo gudoomiye xukuumadu looga hari maayo laakiin
waqtiga unbay sii dheeraynaysaa”.
Xildhibaan Avv. Cabdi C/lle Saciid (Jinni
Boqor) ayaa hadalkiisa ku qotomiyay sidan:- “Moshinka iyo lifaaqu waa
isku mid labaduba isma diidi karaan, intaas inaan cadeeyo ayaan usoo
istaagay, in la siyaasadeeyana wax macquul ah ma ahan gudoomiyaha markii
moshinka loo geynayay oo la kulmayeen xidhibaanada, taasi waxay na
tusaysaa in xildhibaano xoogagani ay wadeen, in la baarlamaanka la
turxaan bixiyo waa dow ee ma ahan in moshinka la siyaasadeeyo, xaaladu
xukuumada ay ku sugan tahay lama qarin karo gabdhaha baarlamaanka ha iga
raali ahaadeen waxaa la yiraahdaa “Haday fool timaado Cowro gudo qarsi
ma leh”. ayuu hadalkiisa ku so af jaray Avv. Jinni Boqor.
Xildhibaan Sheekh Aadan Max’ed Deer oo ah
Wasiiro dowlaha wasaarada Qorshaynta ayaa yiri isna “Moshin mudo laga
soo shaqeyanayay in keeno aad bay u haboon tahay, waxuuna ka kooban
yahay 6-qodob ka dibna waxaa la isugu soo biyo shubtay in la dardar
geliyo howsha Baarlamaanka, si uu u noqdo mid shaqeynaya, 19/5/2007 ayey
ku dhamaatay xukuumada jiritaankeeda in Baarlamaanka dib u habayn lagu
sameeyo waxaa keenay waa habacsanaan la soo gudboonaatay mudanayaasha,
hadii aan usoo noqdo lifaaqa waxa uu ka mid yahay moshinka isaguna wuxuu
ka kooban yahay 7-qodob, markaad fiiriso lifaaqa 5- qodob Baarlamaanka
2-qodob ee kalena waa xukuumada, hadaba xukuumada waa inay Baarlamaanka
ka codsataa aqoonsi, isla markaana waa inuu gudoonku warqad u qoraa
xukuumada.
Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007
Doodii Moshinka Baarlamaanka ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof.
Geedi oo weji kale isu rogtay
Baarlamaanka FKMG ayaa dood ku yeeshey
Arabacii [July 25, 2007] hoolka shirarka ee Magaalada Baydhabo oo
soo xaadireen 155 xildhibaan, isla markaanaa lagu dhaariyay
Xildhibaano Cusub kuwaasoo lagu magacaabo Barre Ugaas Geedi oo uuna
bedelay Md, C/qaadir Xaaji Max’uud Dhaqane ka dib markii uu ku
biirey Baarlamaanka Xorta ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee
dalka Eretharia mudanaha cusub ayaa dhaarintiisa ka dhalatay dood
iyo is-qabqabsi beesha uu ka soo jeedo taasoo sababtay in kulanka ay
isaga baxaan Xildhibaanada kala ah Axmed Cumar Jees iyo Axmed Xaashi
Max’uud.
Doodan qaybteeda hore oo ahayd mid
wajiyo kala duwan taabaneysay, islamarkaana ahayd mid si aad ah u
kululeyd ayaa waxaa ka Hadley 16-Xildhibaan oo kala ah Cusmaan
Muqtaar Max’ed (Mirow), Max’ed Cusmaan Maye, Sareedo Max’ed C/lla,
Caasho Axmed C/lla, Cali Jeyte Cismaan, C/rashiid Cali C/lle, Axmed
Cabdi Borrille, C/kariim Naasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg), Ismaaciil
Xasan Max’uud (Timir), Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor) Max’ed
Xuseen Isaaq (Afaraale), Sheekh Aadan Max’ed Deer, Yuusuf Max’ed
Kheyr (Guurow), Max’ed Yuusuf Weyrax, C/fataax Sh. Ibraahim Rashiid.
Xildhibaan Max’ed Cusmaan Maye ayaa yiri
waxaan galaynaa Ajande “Moshinkan waxaa soo jeediyay 65-mudane
lifaaquna waxa uu ka mid yahay moshinka hadii uu khaldan yahay waa
in uu Gudoomiyaha uu yiraahdaa dib ula noqda waayo waxaa ku jira
Moshinka qodobo xoojinaya Moshinka waayo lifaaq Moshin ah si aan u
badbaadino shacabnkeena waana arin jirta in laga hadlo marka waa
inaan arintaas ka doodnaa”
Xishibaan Sareedo Max’ed C/lla ayaa tiri
“ Mudanayaal Baarlamaankii waa la soo dhex galay ogaada in hadii aad
Ummadda lug-goysaan uu Ilaahay idiin lug-goynayo annagu waxaan nahay
sharci dajiyaal Baarlamaanku wuxuu qaataa laaluush intaa ka dib,
waxaa hadalka Xildhibaanka waxaa Gudoonka ugu dacwooday Xildhibaan
Avv. Cumar Subayr taasoo gudoomiyuhu ku amray in Xidhibaan Sareedo
hadii kale uu Cod baahiyaha ka jarayo Xildhibaanada ayaa iyadoo
dhoolo cadaynaysa tiri “HAA LA JIIFIYAA BANNAAN” laakiin Ogaada
LACAG WAA CUNIS XUKUUMADA WAA LA XISAABTAN” .
Xildhibaanad Caasho Axmed C/lla
ayaa iyadana doodeeda ku bilowday “waxaan rabaa inaan ka hadlo
Gudoomiye, inaan ka hadlo moshin ay xildhibaanadu kuu soo gudbiyeen
ee aan anigana ka midka ahaa Moshin ay ogolaadeen Madaxdii
baarlamaaka ee hada la duro waxaan u arkaa mid cago jiid
ah lifaaquna waxa uu ka mid ahaa mid lagu muujinayo waajibaandka
Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadana waxaa ka horeeya in dib loo
eego sharciyada xukuumada waxaan ognahay xilligii ay dhacday
Xukuumada 7/8/2006 markaasoo ay is casileen 24-wasiir ayaa arintaas
waxaa dalka dariska nahay ee Itoobiya dhexdaadintaas waxay ahayd mid
sharci ah waxaan haynaa heshiiska ay saxiixeen 3-hogaamiye oo qoraal
ah oo ku kala saxiixan yihiin Gudoomiyahii hore, Madaxweynaha iyo
ra’isu wasaaraha Madaxweynahana waa in su’aal laga weydiiyaa
arinkaas, kulankaas waxaa lagu go’aamiyay in dowlada dib loo dhiso
Lix bilood ka dibna ay Baarlamaanka weydiisato kalsooni in ay kun
soo laabato 6-bilood iska daaye waxay ku darsatay 4-bilood oo saa’id
ah markii la ansixinayay xukuumada waxay ku guulaysatay
lambar badan hada xukumadu sharciyan maba jirto ee waa inay kalsooni
weydiisataa Baarlamaanka ku dhawaad 5-bilood xukuumad ma jirto “ .
Xidhibaan Cali Jeyte Cismaan ayaa yiri
“anniga waxaan qabaa, anigu waxaan ka mid ahaa xubnaha soo qorey
Moshinka wax ujeedo ah oo ka lahaa ma jirto waxaan soo gudbinay
Moshin iyo Lifaaqa moshin waxaana leenahay halala xisaabtamo
xukuumada anniga waxaa qabaa maxaa lala xisaabtamaa xalaalba ma ahee
bataatan way dhacday."
C/rashiid Cali C/lle ayaa yiri “annigu
qolofka waxaan ka ahay xildhibaan cusub laakiin baarlamaanka waxa u
istaahilaa in Maxkamada The Hague la soo taago sababtoo
ah Guidoomiyahayagu hadii uu baarlamaanku la shaqeynaynin meel ma
gaaro anigu Baarlamaan waxaan u aqaan midka sharciga
toosiya xildhibaano “Dawo haday Bukooto maxaa lagu daweeyo” markaan
usoo jeesto barnaamijka aan halkan usoo istaagay hadii uu
baarlamaanku cadaalad ku talaabsado xukuumadana cadaalad bay ku
talaabsanaysaa hadii ay xukuumadu ku talaabsato wax sharci daro arki
maysid xildhibaan oronaya inta warqad uu qoro dhahaya “anniga waan
is casilay” waxaa jirtay inan yar ayaa waxa uu tagay garoon si
uu wax u barto ka dibna waxa uu helay buugg yar waxa uu akhriyay
waxaana ku qornaa oo kaliya sida diyaarada loo kiciyo markuu kiciyay
diyaaradii oo ay hawada la gashay ayuu buugii dib u eegay si uu
dajiyo.
Maxamed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007


|