Puntland Nabad iyo Nolol
Qore, shakib dhowre
shakib_dhowre@hotmail.com
shaki ku jirin, in dadweynaha reer puntland ay ka dharagsan
yiihin in lacagaha aan sharciga aheyn uu maamulka puntland bilaabay
inuu keeno deegaankaas sandkii1999.
lacagahaasi ma aheyn wax qarsoon, sheekooyinkii dadweynaha wax ka
mid ahaa :
- Masuul hebal baa loo diray inuu lacag soo sameeyo,
- Ganacsade baa bakhaarka looga buuxshay lacagtii la soo
sameeyay,
- Makiinadda ugu weyn ee lacagta sameysa, waxaa iska leh
maamulka puntland. Dhageyso British Broadcasting corporation,
laanta af-soomaaliya,
jimcihii
27/7/07, jawaabihii madaxda puntland ay ka bixiyeen lacag
sameynta,
- Mudadaas dheer maamulku wuxuu baarka u salaaxayay ciddii ku
soo biirta golaha shacabku u yaqaan “lacag sameynta"
Intaas oo jirta, haddana shacabka reer puntland wuxuu waxkasta
oo dhibaata ah ugu dulqaatay, in aan nabadgelyada iyo kala danbeynta
aan la dhaawicin. Hase yeeshee wakhtigii waa dheeraaday, dhaqaalihii
oo xumaaday, sicir bararkii oo gaaray meel aad u sareysa oo
shacabkii gooynwaayeen gadashadii nolol maalmeedka.
Bannaan baxay ka dhacay Garoowe 25/7/07, wuxuu ahaa fariin
muujineysa in dulqaadkii sii dhamaanayo. Dadku waxay ka cabanayeen
arrimo runtii la taaban karo, sida .
- Rootigii wuxuu ahaan jiray So.Sh 500, haddana wuxuu marayaa
So.Sh 2000,
- Mushaaradii shaqaalaha oo dabooli weyday, sicir bararka ku
dhacay badeecooyinka,
- Waxbarashadii oo qaali u noqotay, sababteyna in carruur
dugsiyada laga reebo,
- Ganacsatadii oo doolar wax ku gadaya, shillin Soomaaligiina
diiday, si aan khasaaro uga soo gaarin sarifka,
- Digniin ah, in dhariga shidan la isgu tagayo. Markii la
sheegayo in habeen kasta masaajidada hortooda loogu yimaado
maato gaajo la duuduuban. ( fiiri: www.somalitalk.com,
26/7/07, barnaamijka bannaan bixii Garoowe).
Hase yeeshee, madaxda puntland, waxay uga jawaabeen bannaan baxii
sidaan
- “Inay jiraan dadka ka soo horjeeda nabadgelyada Puntland
kuwaasi waxay xiriir la leeyihiin kuwa amaan-darada ka wada
caasumada Muqdisho”.
- “Dhalinyaro ay soo abaabuleen ururka Al-islaax ay bilaabeen
in ay dhagxaan ku weeraraan Xarumaha dawlada ee shacabka loogu
shaqeeyo sida xarunta baarlamaanka Puntland iyo Madaxtooyada oo
labaduba ahaa meelaha dadku dhagxaanta ku weerareen”.
- Haddana madaxdu waxay qirteen inay lacag daabacdaan.
Dhageyso
Arimaha shacabka kiciyay waxaa kale oo ka mid ah; Markii
xukuumadu caddeysay inay dhoofinta xoolaha nool siisay shirkad
sacuudi ah, oo kaligeed xoolo dhoofin-karto. Waxaan wada ogsoonahay
in dhoofinta xoolaha nool ay tahay laf dhabka dhaqaalaha puntland.
Si wada jir ah bay ganacsatada, shacbku iyo wasiir isku casilaey,
waxay ka muujyeen go`aankaas dareen dhiilo xanbaarsan.
Intaas waxaa sii dheer hadal heyntii mudada soo jirtay, ee ahaa
in maamulka puntland inuu shirkado shisheeye ah la galay heshiisyo,
lagu soo saarayo kheyraadka ceegaaga dhulka puntland, oo shacabku u
qaatay run iyo inay shaqooyin ka helidoonaan.
Qormadaan waxaan ku soo qaadanayaa sheekadaan soo socota oo aan
ka soo qaatay qaar ka ruwaayad laga dhigay dal ka mid ah dalalka
carabta.
Qawaar waa aqoonyahan, abwaana ah. Wuxuu sameeyay ruwaayado badan
oo ku saleysan dareenka dadweynaha dalkaas, isaga oo si maldahan ku
cabiraya xargaha murugsan, muska bulshada looga soo dhacay, iyo
waliba noocyada ay yihiin dhibaatada laga cabanayo. Xilli dadweynaha
dalkaasi ay cabasho badan ka muujiyeen sicir bararka, eexashada,
sinaan la`aanta iyo musuqmaasuq xad-dhaaf ah, baa Qawaar wuxuu soo
ban- dhigay ruwaayad sheeko reebtay, saameyn weyn ku yeelatay
bulshada.
“Si ulakac ah baa Qawaar wuxuu u liqay Taano oo ahaa waxa uga yar
lacagta la adeegsado ee wax lagu kalo gato. muddo ka dib, Qawaar waa
xannuunsaday, Istibaalka baa loola carray,dhakhtarkii baaritaanka ku
sameeyay Qawaar si deg deg ah buu ugu diray in calooshiisa la soo
sawiro. Natiijadii markii loo keenay dhakhtarkii, wuxuu arkay waxa
ku jira caloosha Qawaar oo dhibaatada u keenay. Wuxuu u sheegay
Qawaar in xaalkiisu yahay khatar oo la qalayo. Qawaar oo wal-walsan
baa wuxuu yiri” makiinada aragtay taanada caloosheyda ku jirta,
maxay u arki-weyday caloolaha buuxa”. Jawaabtii dhakhtarku waxay
aheyd mid Qawaar si fiican ugu qancay “ kuwa buuxsamay yaa
isbitaalka keeni-kara”.
Gunnaanadkii,
Madaxda maamulka puntland waxaan oran lahaa, adduun waa maalmo ee
wanaag ka taga, shacabkana dhibaatooyinka heystana xal u raadiya.
Printer la soo qabtay 23/7/07, ma noqondoono mid wax ka badela
dhibaatada shacabka puntland ka heysato falalka sharcidarada ee
hantidooda lagu boobayo, inta makiinadaha waaweyn ay sii
shaqeynayaan.
Ganacsatada waxaa oran lahaa, gaar ahaan kuwa qeybta ka qaatay
lacag sameynta iyo sicir bararka, taariikhda waxaan ku soo aragney
in aysan dhicin in qof baahan oo qori helikara uusan gaajo ugu
dhimaneyn darbiga bakhaar buux-dhaafay.
Dadweynaha puntland waxaan leeyahay, waxaad ka cabaneysaan waxaa
ka weyn nabadgelyada aad heysataan, iyada ku fara adeyga, hana
oggalaanina burbur ku dhaca puntland. Maamul xumadana wax weyn baad
ka qaban-kartaan haddii aad danta guud iyo midnimada ilaalisaan,.
Waxaa lama huraan ah in aad ka wada tashataan , isweydiisaan maxaa
ka danbeyn bilaha ka haray wakhtigii maamulka puntland.
Puntland waxay nabad iyo nolol noqon-karto haddii ay wada
shaqeeyaan madaxda Maamulka oo daacadnimo u gudanaya masuuliyadooda
iyo waxgaradka Puntland.
Wabilaahi towfiiq.
Qore, shakib dhowre
shakib_dhowre@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan