SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

DIINTA ISLAAMKA OO SI WEYN UGU FIDAYSA MAREEKANKA

  • Ibraahim Saalax Aaden

Frank Primus, oo arday ka ahaa jaamacadda Stanford  University sannadkii 2000,oo ku tukanaya qolka Islamic Society
isha:
http://www.usatoday.com/

“Diinta islaamka waxay ka mid tahay diimaha ugu fiditaanka badan dalka Mareekanka” hadalkan waxaa si cad u tiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeya maamulka Washington, xooghayaha arrimaha dibadda Condolisa Rice mar ay shaleey waraysi siinaysay taleefishinka carbeed ee lagu magacaabo Al-hurra.

 

Waxay gabadhan iyadoo hadalkeeda sii wadata markale tiri “waxaan ognahay in diinta islaamka ay tahay diin dadka ugu yeeraysa nabadda, ma dhici karto in kuwa dilka iyo ad-adayga jecel aan denbigooda ku xanbaarno islaamka” waxayna intaas raacisay inay kuwaas aynan matalayn mustaqbalka barriga dhexe iyo dunida carbeed.

 

Wuxuu hadalkan ku soo beegmay maalin kadib markii 2 ka mid ah ciidamada Mareekanka ee fadhigoodu yahay saldhiga milateri Bagram ee ku yaala Afghanistan ay soo islaameen, dabadeedna ay guursadeen labo gabdhood oo u dhashay Afghanistan. Way jireen dad reer galbeed ah oo soo booqday Afghanistan soona islaamay, kadib markii loo awood sheegtay xukunkii Taliban, hase ahaatee waa markii ugu horeysay ee soo islaama ciidamo Mareekan ah oo jooga Afghanistan.

 

Masjidkii soomaalida ayay ku soo islaameen

 

Isla shaleey maalintii jumcada ee waraysiga laga qaaday xooghayaha arrimaha dibadda Condolisa Rice, ayaan salaaddii jumcada ku soo tukaday masjid ku yaala suuqa Karmel ee magaallada Minneapolis, waxaana salaaddii jumcada kadib shahaadada towxiidka loo qabanayay dadyow ku soo biirayay diintaan muqaddaska ah ee islaamka. Hadalkii ay tiri Rice oo aan indhahayga arkeen. 

 

Alxamdulillaah iyo allaahu Akbar ayaan la qaadayay dadweynihii masjidka dhexdiisa ku dhawaaqayay, kadib markii ay ishooda saareen walaalo cusub oo uu Allaah ku mannaystay inay soo galaan diinta macaan ee islaamka. Waa markii iigu horeysay ee aan cagta soo dhigo suuqaan Karmel. Sannadkii hore oo aan booqasho ku imid Minneapolis, waxaan soo booqday masaajiddada ay ka mid yihiin Masjidka Abuubakar Assiddiiq, Daarul-Hijra iyo kan ku dhex yaala Suuqa Mall-24-ka. Hase ahaatee, waxyaabihii qalbigayga qaboojiyay ayaa ka mid ahaa wacdigii iyo khudbaddii isu-dheelli-tirnayd ee uu sheekhii dhalinyarada ahaa ka jeediyay masjidka Karmel.

 

Qodob qiimo badnaa oo i soo jiitay

 

Mowduuca khudbada ayuu sheekha la beegsaday MACRUUFKA oo la is faro iyo MUNKARKA oo la iska reebo. Run ahaantii si cilmiyeysan oo deggan ayuu dadweynihii dhagaysanayay tusaalooyin badan ugu soo qaadanayay qodobkan. Wuxuu muslimiintii dhagaysanaysay ku tirtirsiiyay inay u kacaan waajibka dacwada islaamka kaga aaddan walaalahooda kale, inay marwalba u nasteexeeyaan, inay kheyrka iyo salaadda ugu yeeraan, qabyaaladda iyo colaaddana dhexdooda uga digaan, jacaylka dhexdooda iyo waxyaabaha keeni karo midnimada oo la is xasuusiyo ayay ku soo wareeganaysay qodobkiisii uu khudbada kaga hadlay.

 

Daqiiqado markay ka soo wareegatay dhagaysigii khudbada sheekha, ayaan u soo daadegay maqaayad isla suuqa ku tiillay saan uga qadeeyo.

 

Fadhi-ku-dirir

 

Dad ka mid ahaa dhagaystayaashii khudbada jumacada oo aan kula kulmay maqaayadda ayaad mooddaa inayan maqal wacdigii daqiiqado kahor loo sheegayay. Waxay si caddaaladda aad uga fog u haysteen oo ay u dacaayadaynayeen mid ka mid ah qabiillada soomaaliyeed ee siyaasadda kula jira, iyagoo kuwii la fadhiyayna aan ku jirin qof dib u xasuusiya wacdigii uu sheekha waxyar kahor sheegayay. Waxaan u fahmay inay-un tahay fadhi-ku diriryada soomaalida lagu aafeeyay sannadihii ugu danbeeyay.

 

Inkastoo aan marar badan maqlayay, wixii ka danbeeyay 11-kii September waxaa korodhay dadyowga ku soo biiraya diinta islaamka, haddana waxaa dhinac socday cadaadis iyo dhibaatooyin la marinayay muslimiinta dalalkan ku dhaqan. Waxaa la gubay xarumo masaajidyo ku yaala Mareekanka, waxaa dhibaatooyin loo gaystay dumar xijaaban, iyagoo inta badan ay dadka falkaas gaysanayay ay ahaayeen dad cunsuriyiin ah.

 

Dastuurka Mareekanka ayaa qaba in la ixtiraamo diimaha iyo dhaqamada ay aaminsan yihiin dadyowga ku nool Ameerika, waana tan keentay in ardayda muslimiinta ee dhigata Jaamacadaha Mareekanka ay helaan goobo ay ku gutaan cibaadada salaadda.

 

Xarumaha lagu cibaadaysto ee Jaamacadaha usa

 

Wargayska USA Today ayaa maalin sii dhoweyd daabacay in Jaamacadda Michigan ee Dearbom ay ku fekerayso inay ardayda muslimiinta u samayso goobo ay ku gutaan salaadda, kadib markii ay codsigan soo gudbiyeen ururka ardayda muslimiinta ee Jaamacaddaas. 

 

Sidoo kale Jaamacadda George Mason  ee ku taalla Fairfax ee gobolka Virginia ayay ardayda muslimiinta yeesheen qol ay ku gutaan cibaadada salaadaha , iyagoo labo meel u kala qaybiyay ragga iyo dumarka.

 

Sida Wargaysku xusay, waxaa jira 17 jaamacadood oo Mareekanka ku yaalla oo leh xarumo ay muslimiinta ku gutaan cibaadooyinka khaaska ah, waxaana jaamacadahaas ka mid ah Jaamacadda Boston, Jaamacadda George Washington iyo Jaamacadda Temple, halka ay ugu yaraan ay jiraan 9 jaamacadood oo leh qolal salaadda lagu tukado, ayna ku jirto Jaamacadda Stanford iyo Jaamacadda Virginia.

 

Dalka Uk ayaa guud ahaan jaamacadihiisa ku yaalaan xaromo masaajidyo iyo maktabado laga heli karo kutubta ka hadla guud ahaan aqoonta islaamka. Toban jamaacadood qiyaastii oo aan horey u soo booqday ayaan ku soo arkay xarumo lagu guto cibaadooyinka sida salaadda iwm, halka sidoo kale qofkii doonaya inuu diinta wax ka ogaado uu fursad u helayo inuu la kulmo Caalim diinta islaamka si wacan u yaqaana.

 

Hase ahaatee, dalka Denmark oo aan degganahay ayaa weli arrintan ku dhiiran. Jaamacadda Koonfurta Denmark eek u taalla magaallada Odense ayaan weli ardayda muslimiinta ku guuleysan inay helaan goob ay ku gutaan salaadda, iyagoo markiii iigu danbeysay ay la kulmeen diidmo kala duwan oo ku wajahan codsigoodaas.

 

Ugu danbeyntii, waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa hadalkii dahabiga ahaa ee uu yiri Rasuulka (scw)  'diintan waxay gaari doontaa halka uu gaaro maalinta iyo habeenka'.

 

waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com