SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

NOLASHII RAJAB DAYIB ORDAGAN ….. DEKADDA ILAA - IYO, BAARLAMAANKA TURKIYA

Waxaa Qorey: Ibraahim Buu-cizi. Istanbuul 

Waxaa Turjumeny: Sharif Yusuf
sharifsom@gmail.com

Ordagan waa qof kulan-sadey waxyaabo badan oo ka dhigay in uu ahaado ruux ku dayasho leh,oo hogaamiya wadan ay ka jiraan wax yaabo badan oo is diidaya: dhaqaale aan daganeyn,{isaga hortis} u hanqal taagis yurub-nimo ’ku darsamid’. Waxay ku sifeeyaan Cilmaaniyiintu ‘secular-ku’ ”diin la dirirku’ in uu yahey  nin Islaami ah oo dambeeya, waxayna ku doodan in uu yahey nin doonaya in uu dumiyo hab dowladeedkii Turkiya ee diin la,anta ku dhisan. Qaar ka mid ah Muslimiintuna waxay ku eedeyaan in uu uu shaqeeyo Mareykanka uunna iska indho tirey wax yaabo ka mid ah asaa-siyaadkii Islaamka. Balse isagu waxa uu naftiisa ku sifeeyaa in uu yahey ; hogaamiye  diimeed madax ka ah dowlad cilmaani ‘secular’ ah, wuxuuna secular nimada ”cilmani-nimada” siisay qeexid cusub’ taas oo ah in secular nimad ”cilmaniyadda” dhabta ahi tahey in la ilaaliyo Diinta iyo Dadkeeda balse aan lalla dagaalamin’. 

  • Dhalin-yaranimadiisii

Waxa uu ku dhahey 1954 xaafad   dadka masaakiina ay daganaayeen  kunta taalay dhinac yurubta ka tirsan ee magalada Istanbuul, aabihii waxa uu ahaa ‘baxaar’ shaqaale doon ka shaqeysa magaladda  RIZE ee mada madow, waxa uu baray wiilkiisa  dulqaadka  iyo u adkaysiga dheeli tir laa’nta nolasha. ORDOGAN waxa uu waxbarashada hoose ku soo qaatey  iskuul dawladeed ku yaalayey xafadii uu deganaa, waxa uuna halkaas ku soo bartey kor u hadal ama hadal dhiifoonaanta maanta ka muuqata  inta badan qudbooyinkiisa, kadib waxa uu galay  machad ka khadiib-yadda iyo imaam-yadda , waxa uuna ku dhameeyey dugsigiisi sare si reyn reyn leh, waxa uuna halkas ka bartey FIQIGA, CAQIIDADDA ,TAJWIIDKA , wuxuuna si aad uga sii bartey hadal faseex nimo, dhiifoonan ‘feejignaan’. 

  • Sheikh Rajab.

Intii uu ku jirey wax barashadiisa hoose ayaa macalin- kiisu siisay  magacan ‘sheekh Rajab’. Iyaddoo la dhiganayo casharka Tarbiyada Islaamka ayaa macalimkii ardeydda weydiiyey   qofkee baa awooda in uu Salaad ku dhex tukado fasalka dhexdiisa si ardeyda kale ugga bartaan , gacanta ayuu taagtey Rajab si uu u noqdo  Tusaale wanaagsan oo asxaabtiisa ka bartan salaadda, Macalimkii waa u mahad celiyey waxaana dhulka loo dhigay joornaal si uu uggu dukado balse Rajab waa diiday in uu ku dukado joornaalkas oo Dumar Aradan ‘ Qaawan’ ku sawirnaayen, Macalimkii waa la yaabey  go’aanka wiilka yar wuuna ku amaaney caqligisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuunna uggu yeeray Sheekh Rajab, ka hor intii uusan galin Dugasiga sare  imaamyada iyo khadiibyadda. 
 

  • Ka ganacsi-gisii   Kac- Kaca ‘Bur-saliidka’

RAJAB intii uu dhiganayey dugsiga sare waxa uu aabihiis la kaalmeyn jirey baahida reerka isagoo iibin jirey SAMIID ‘nooc ka mid ah burka la dubbo oo Turkiya aad looga cuno’wuxuu soo iibsan jirey burka oo qalalan, qiimo raqiis ah intuu hagaajiyo ayuuna sii iibin-jirey si uu wax uga helo.

Ku nasiib yeelashadas ganacsiga iyo asalkiisa oo uu ka soo jeeday badda madow ‘dad ku caana ganacsiga Turkiya’ Rajab iyo koox asxabtiisi ciyaal xaafadda qaarkood waxay galeen kuliyada dhaqaalaha ee Jaamacada MAR-MARA si uu u xaqiijiyo meheradisa ganaci, isagoon weliba hilmamin xirfadiisii uu jeclaa ee kubbada cagta, taas oo ciyaarayey ilaa caruurnimadiisii, isagoo u soo ciyaaray sadex kooxood oo ka dhisan magalada Istanbuul mudo toban sano ku dhaw. Markii uu Jaamacada dhameeyey waxa uu galay  tababar asakareed ‘gurmadkii shaqada qaranka ‘ isagoo noqdey horjooge kayd ah.

Intuusan galin Siyaayasada  horantii 70,naadkii qanigii tagey  Rajab waxa uu ka soo shaqeeyey shirkado kala duwan isagoo noqdey la taliye dhinaca Maaliyadda iyo Maamule. 

  • Taariikhda guurkiisa

Wuxuu yiri qoraaga reer Turki FAHMI JALMUQ kitaabka uu ka qorey nolasha Rajab; Qisadda guurka Rajab iyo Emine waxay bilaabatey 1977 iyadoo ka bilaatey Riyo ay Emine ku riyootey nin ka hor qudbayna dad in uu noqon doono lamanaheeda wayna la yaabtey amuurtas waayo ninka maba aqoon. Emine waxay aheyd halgame islaamiya ah oo ka tirsana xisbigii al Salaama, asalkeed-una Carab ka soo jeedo kuna nooleyd magaalada SACARD, maalin kadib riyadii Emine ayey waxay aaday  shir xisbigu lahaa iyadoo ay is raceen gabadha qoraaga islaamiga ah  ee SHUCLA YUKALANSHAR waxayna aragtey ninkii ay ku riyootey laftir-kiisii, waana la is bartey, ninkaasina wuxuu noqdey Rajab oo asal ahaan ka yimid magaaladda Qow-qaasiya ee waqooyi bari kaxigta magalada RIZE ee u dhow Georgia. Wayna is guursadeen, waxayna bilaben nolal kifaax leh oo ku dhisan jacayl isku turid ilaa ay ka gareen meesha Turkiya laga xukumo, iyadoo walibba in badan oo Reer Turki –ga Diin la dagalanka taageersan iyo Askartuba ka xanaaqsan yihiin Xijaabka ay wadato Emine. 

  • Bilowgii  xisbiga Al -SALAAMA  tan iyo xibsigii  Al- RUFAAH

RAJAB jeclaantiisa siyaasada waxay bilaabtey 1969, balse waxa u wax badan oo sillaza da ah ka soo bartey xisbigii Al-Salama ee uu aas aaay Prof. Najmudin Arbakan,waxa uuna shaqo xisbi ee ugu horeysay qabtey 1975 isagoo noqday hogaamiyaha urarka dhalin yarada ee xisbigii Al-Salama wadani ee la aas saasey 1972, kadib markii la xirey xisbigii Al -Nidaam-Wadani, markaas oo ay  hogaankii  ururku u guurey Switzerland. Intaan la xirrin xisbigaa   Rajab waxaa loo doortey in uu ka mid noqdo gudiga maamulka ee hooganka dhalinyarada  ee xisbiga Al-salama wuxuuna hayey ilaa 1980.

Kadib Xiritaankii xibiga Al-salaama iyo Aas- aasidii xisbiga Al -Rufaah, Rajab waxa uu noqday madaxa xisbiga ee Magaladdii uu ku dhashey Bayoğlu ‘taas oo ah  qaybaha uggu waaweyn ee Istanbuu-sha ka tirsan Yurub waxay-na aheyd 1984.Isala sanadkii 1985  waxa uu noqodey Rajab  madaxa xisbiga Al-Rufaah ee gobalka Istanbuul sanad kadibna waxa uu ka mid noqdey golaha dhexe ee xisbiga.

Doorashooyinkii  sanadkii 1994  waxa uu ku guuleysatey Rajab isagoo ku tar tamaya magaca xisbigii Al-Rufaah Duqa Magalada ee Istanbuul

  • Ka dabqaada- shadii  sii Prof. Arbakan

Ilaaa iyo waqtigii uu  Rajab ahaa  gudoomiyaha   xisbiga Al-salama ee qeybta  magaalada Istanbuul waxa uu xiriir adag iyo ku xirnaansho joogta lahaa hogaamiyihii xisbiga Al-Salaama, intaan laxirin Prof Najmudiin Arbakan ilaa uu  ku samiyey “uggu magic darey wiil ka mid ah wiilashiisa “.

Arbakaan waxa uu ahaa hogamiye aad u jecel  Rajab waxa uuna soo dhaweyn jirey   tusaaleyntiisa iyo  isbadal kasta oo uu u soo jeediyo ,, waana la soo dhaweyn jirey qof kasta oo magaca  Rajab ku soo gala xisbiga .

Rajab waxa uu ahaa qof ay ku dheer- tahey  wey-naynta  iyo qadarinta  hogaamiyihii xisbiga al rufaah ilaa iyo markii  uu ka soo baxay xabsiga 22-jully 1999 markas oo uu Rajab   ku dhawaaqey xibiga  Sinaanta iyo Horumarinta (SH or AK)“cadaalada  wa tanmiya”  

  • Is jiid jiidkii  siyaasadda Turki-ga

Guud ahaan  ruux kasta oo isbadal doon  geesi ahhi waxa uu galaa xabsiga  cida ay markas is hayaan, waxa uun ka soo bartaa casharo ay adag tahey in uu ka helo  haree-rihiisa, waxaaa qofka u furma  albaabo badan oo uu ku fekero iyo waqti badan oo uu dib uggu eego meesha ay fursadi  ka jirto. Rajab  iyo in badan oo ku fakir ahi waxay ka xanaajiyen kuwa diin la dirirka ah ee turkiya ku nool, waxayna aad ula yaabeen isbadalkii muuqday ee Rajab ka sameeyey dhan walba oo ka mid ah nolahsa reer  Istanbul,siiba horumarka magalada  Istanbuul oo ah magaaladda ganacasiga Turgiga  ugguna dadka badan iyo dagaalkii uu lagaley kooxa wax is daba mariya” musuq-maasuqa” iyo tuugada, isagoo  weliba wax weyn ka badalay nolasha  dadka  uu daqligoodu liito. 

Iyadoo  tasi jirto  hadana Rajab waa la xirey waxa uuna mutey xabsi, xeerkii loo cuskadayna waxa uu ahaa in uu dadka kala qeyb- qeybinayo isagoo adeegsanaya   asal “dadka meesha ay ka soo jeedan “ iyo diin. 

Dacawadda lagu soo oogay Rajab waxaa loo cuskaday  gabay  uu ka tiriyey  goob ay isugu soo baxeen  taageerayashii xisbiga Al-Rufaah  ee magalada SACARD ee Bariga Turkiya. Sidda uu yiri  gabyaaga reer turkiya ee DIYAA KOW-KALIB hadalka lagu xirey  Rajab waxa uu ahaa sidan :

  • MINAARADUHU WAA WAR-MAHEENA,
  • QUBBOO-YINKUNA  WAA “GASHAAMANKEEN-KEENA”KOOFIYADAHENA
  • MASAAJIDUNA WAA XERYAHEENA,
  • MU’MINIINTUNA WAA  ASAKRATENNA.

Iyadoo waliba  gabay gani ku yaalo buugagta  iskooladda  Turkiya oo dhan  lagana dhigo  weliba dugsiyada ay dowladdu maamusho, balse haddii uu ka soo baxo qof siyaasi ah  oo weliba ku kacsan  kooxda diin la dirirka ee wadanka awoodda badan ku leh , waxa uu noqonayaa ERAY SIYASADDEED dadka uggu yeera kala tag iyo is kooxaysi, waa sidda  uu u qornaa hadalka maxkadam lagu sarey Rajab    

Maxkamadu waxay gabaygaas u daliisahtey in uu dhibayo  dadka dareenkooda Turkiyana uggu yeerayo is kooxaysi iyo kala qeybsanaan, balse marna ma dhicin  in shacabka reer Turkiya u kala qeybsan koox –koox  iyadoo dadku wada ogyihiin waxa ka dhacaya masraxa siyaasadda ayey  maxkadu ku xukuntey Rajab  4 bilood oo xarig ah  1998  taas oo in badan oo reer Turkiya dareensiisay  qiimaha Rajab ee  wax hagaajinta   islaamiga ah ee uu hogamineyey Arbakan, kana dhigtey Rajab Geesi wadani ah.  

  • Dib  isku habayn

Aadanuhu ma oga wax fiican iyo wax xun toona, waxaana la yiraah “ dhib gadaashii la  faa’iiday badanaa !” xaraiga Rajab waxa uu Rajab fursad u siisay in uu helo waqti uu dib ugga fekero uuna masraxa siyasada mar kale dib uggu soo labto, waxana uunna xarigii ka soo helay in uu wax  kabadalo siyaasadihii hore ee xibiga isagoo wax ka badalay ,, hadalkiisii kululaa iyo weliba fikirkiisa dambe, waxa uuna ka baxay xisbigii hore isagoo ku dhawaaqey xisbi cusub, balse diin la dirirku waxay u arkayeen in shaar badalasho, uu sharka badasahy, Rajab-nna , yahey  usuuli mintid ah “ fakir islaama ah xambarasan” kaas oo raba in uu baa’biyo  badalana  mabaadii’ada diin la dirirka ee jamahuuriyada Turkiya, taas oo ay ilaa hadda aamin yihiin in kasta oo uu isku dayey  Rajab in uu nimankaas wax u sheego. 

8 May 1998 waxaa la kala direy xibigii Al- fadiilah ee galey booskii xibigii Al-rufaah, waxaa kala qeybsamay   raggii baarlamanka kujirey ee xibiga, waxayna u kala jabeen  laba qeybood qeyb ku darantey  xisbigii Al- sacaaada “Farxadda” oo aan fursad   dambe u helin ay soo galan dowlada ilaa doorashaddii 2002 iyagoo helay 10% iyo qayb kale oo u badan dhalin yaro isabdal doon sidda  Rajab dayib iyo Abdala Goll, waxayna aas- aaseen August 2001  xisbiga SINAANTA IYO HORUMARKA isaga oo u hogaminayo  Rajab Dayib, bil ka yar  markii la aas – aasay  xisbiga  FARXADDA. 

  • Guulo ku dhisan shacabka reer turkiya

Kadib samayentii xibiga ee 2001, xisbigu waxa uu ka qeyb  galey  doorasahdaii  baarlamanka ee 2002 waxa uuna helay  363  kursi, isagoo noqdey xibiga uggu  tiradda badan barlamanka, waxana uu  awood u helay in uu soo dhiso  dowladd. Balse dowladaas  Rajab madax kama noqon amuuro la xiira xarigii uu galey  1998, waxaan madax  ka noqdey  dowladas   Cabdala Gol ilaa 16 ii November 2002. 

Guusha  xisbiga  sinaanta iyo horumaka  uu ku guuleysatey hoganka Turkiya waxay aheyd amuur wax badan ka badashey  hab dhaqankii iyo  nolashii guud ee reer Turkiya taas oo  xisbiga Rajab ka dhigtey xisbigii kaligiis dhisay dowlad ka dib 1987 halka uu xisbiga  matala kooxaha diin la dirirku  ay Helen kaalinta labaad. 179 kursi. 

Soo labasashada  Rajab waxay  aheyd  rajo in badan oo reer Turkiya ah,  waayo  wadanka hareeyey daganan la’aan , sicir barar  iyo is qab qabsi siyaasadeed  wixii ka dambeeyey  markii la baa biyey  dastuurkii wadanka , madax weynihii xiligasna uu noqdey  nin  waayey kalsoonidii shacabka  

  • Soo labashadii ku kalsoonanta   bulshada iyo dastuurka

Guushii  xisbiga  Sinaanta iyo  iyo cadaaladu  waxa uu ahaa  bilowgii iyo soo  lababasha dii kalsoonida shacabka reer Turkiya, taas oo dadka dhaxal siisayey in ay aaminan dastuurka iyo  dowlada  uu soo dhisay  xisbiga Sinanta iyo Cadaaladu, waxaanna bilaamay  in qof walbaa  nolasha dhankiisa ka dhiso, taas oo soo nooleysay in reer Turkiya ku hamiyan ku biiradda Yurub, taas  ooh ore loogu diidana kadib markii dhawr jeer ciidanku soo dhex galay xukunka. 

Is badalkadda layabka leh ee  ee AK  keenay turkiya  ayaa hadana  xisbigaas ka dhigety in uu xukunka sii haysto mudo 5 sano oo kale ah isagoo qorshayna in uu  wax ka badalo doorashada madax weynaha  kana dhigo mid  dadku six or ah u soo doortan  madaxa weynahooda , halka hadda  baarlamanku  doorto .

Waxa uu Qoraalkani ku soo baxay ,, Warsidaha Almujtamac ee kazoo baxa Kuweit 17/0707 Tirsiga  1759, Halkan ka fiiri http://www.almujtamaa-mag.com/

Waxaa Turjumeny: Sharif Yusuf
sharifsom@gmail.com
 

Kanna Aqri:  Guusha AK Iyo Dooda Islaamka iyo Dimoqoraadiya: Abdirahman Warsame 

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com