Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo 1/9/2007 ku baaqay shirweyne lagu
sameynayo urur.
“Cid kasta oo dooneysa in Gumeysiga laga xoreeyo Soomaaliya waan soo
dhaweyneynaa”
Qaar ka mid ah Xubnihii Golaha Maxaakiimta
islaamiga iyo xubno ka tirsan xildhibanadii xilka laga qaaday ee iyagu la
baxay Baarlamaanka Xorta ayaa oo ku wada sugan Magaalada Asmara ee dalka
Ereteriya ayaa kulan ay yeesheen waxay ku baaqeen in ay laga soo qaybgalo
shir weyn la qaban doono 1/9/2007, kaas oo lagu dhisi doono Urur loogu
magacdaray Xoreynta Dalka Soomaaliya. Baaqaan ayaa waxaa jeediyey Sheekh
Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyaha maxaakiimta Islaamiga ah iyo Shariif Xasan
Sheekh Aadan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo si wadajir ah ku qabtay
shir jaraa’id Magaalada Asmara, waxa ayna sheegeen in gebi ahaanba qaybaha
kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin ugu
baaqayaan in ay ka soo qaybgalaan shir weyne la doonayo in lagu dhidbo urur
ay sheegeen in ay ujeedadiisu tahay sidii loo xoreyn lahaa dalka Soomaliyeed
oo ay sheegeen in uu gacanta u galay Gumeysi cusub. Shariif Xasan iyo Sheekh
Shariif ayaa sheegay in ay so dhaweynayaan cid kasta oo ka shaqeyneysa
xoreynta dalka Soomaaliya iyo waliba midnimada dadka Soomaaliyeed sida ay
hadalka u dhigeen.
Labada mas’uul ayaa sheegay inay kulamo la
yeesheen dhinacyo badan oo ka tirsan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool
qabo
ka mid ah Yurub, waxayna sheegeen in ay isku afgarteen in la qabto shir
weynahan haatan ay ku baaqeen, sidoo kalana waxay labada mas’uul hoosta ka
xariiqeen in aysan ka marneyn dhamaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku
dhaqan. Sheekh Shariif ayaa sheegay in micnaha ururkan loo qabanayo uusan
aheyn in laga tanaasulayo magacii hore ee ay lahaayeen ee Midowga
Maxaakiimta, balse waxa uu sheegay dadka isugu imaan doona iyagu magac la
bixin doonaan, waxa uuna Sheekh Shariif sheegay in aysan marnaba uga
tanaasuli doonin cabsi ku jirta magac Islaamka.
Labadan dhinac isku bahaystay Asmara ayaa
sheegay in iskaashooda ay ka dambeyso iyagoo feker qura wada oo ay ku
sheegay in ay ka soo horjeedaan wax ay ugu yeereen Gumeysi cusub oo uu dalka
galay, waxayna sheegeen in cid kasta oo ka toobad keenta waxa uu haatan ku
jiro ay ku soo dhaweyn doonaan golahooda si uu uga qayb-qaato ayay
yiraahdeen ka talinta aayaha dalka iyo Umadda Soomaaliyeed.
Ugaas Cabdi Daahir oo shaki ka muujiyey ka qaybgalka shirka dib u
heshiinta qaran..
Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Cabdi
Daahir oo haatan ku sugan Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in
aan isaga lagu casuumin shirka dib u heshiisiinta qaran ee 15-ka Bishan lagu
wado in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Ugaaska ayaa sidoo kale arrimo
dhowr ah ka hadlay ayaa shaki ka muujiyey in ay Golaha Beelaha Hawiye ka
qaybgali doonaan Shirka dib u heshiisiinta qaran, waxa uuna Ugaasku sheegay
in Cali Mahdi ay isku afgarteen in ay shirka ka qaybgalaan, basle markii ay
Golaaha Hawiye la hor dhigay go’aankaasi ay si aqlabiyad ah uga soo
horjeesteen, waxa uuna Ugaasku sheegay in ay iyagu ku xiran yihiin Golaha
Beelaha Hawiye go’aanka uu qaato.
Ugaas Cabdi Daahir ayaa dhanka
kale ka dhawaajiyey in Guddoomiyihii Golaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo
isagu sheegay in uu ka tanaasulay go’aankii hore oo uu ka qaybgalayo shirka
dib u heshiisiinta qaran uusan isagu la ogeyn arrimahaasi, isla markana
Ugaaska mar wax laga weydiiyey in uu isagu taageersan yahay shirka dib u
heshiisinta iyo waliba in uu ka qaybgalayo, waxa uu ku gaabsaday in aysan
wax casuumaad ah soo gaarin.
Ban-Kii-Moon “Ciidamada Afrika waxay imaanayaan Soomaaliya marka
Dowladdu ay la heshiiso dhinacyada ka soo horjeeda”
Xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobey Ban-kii-moon ayaa sheegay in Soomaaliya la keeni doono ciidamo
badan oo ka socda Qaaradda Afrika si ay uga qayb-qaataan nabad ilaalinta
dalka Soomaaliya, waxa uuse xoghayaha ku xiray keenista ciidamadasi, haddii
dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya isku haya ay heshiis wadajir ah gaaraan,
isla markaana ay Dowladda Federaalku u yeerto xubnaha ka soo horjeeda oo ay
ku baaqdo in ay qabato Shirweyne looga heshiiyo wixii Siyaasad ah oo lagu
hayo.
Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa
sheegay in haddii intaasi laga helo qaybaha Soomaaliya isku haya gaar ahaan
Dowladda Federaalka ay macquul tahay in Qaramada Midoobey ay dadaal u gasho
sidii Ciidamo nabad ilaalin ah oo afrika ka docda loo keeni lahaa
Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dhanka kale ay Qaaradda Yurub iyana qasab
ku noqon doonto in ay bixiso qarashaadka ku baxaya ciidamadaasi, waxa uuse
Ban-Kii-Moon sheegay in inta ay xaaladda Soomaaliya fowda ka taagan tahay
ciidamo la keeni Karin.
Taliyaha Ciidamada hawlgalada ka wada suuqa
Bakaaraha oo sheegtay in ay dhibaatooyin ku qabaan hawlgaladaasi.
Taliyaha Ciidamada Hawlgalada ka
wada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxa uu shegay dhibaatooyin xoog leh kala
kulmaan inta ay ku guda jiraan hawlgaladooda.
Taliyuhu waxa uu sheegay in ay dhibaatooyin
isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo Askarta ka soo gaarto hawlgalada Suuqa
Bakaaraha kuwaas oo uu sheegay inay uga imaanayaan kooxo ku hubeysan Bam
gacmeedyo, waxa uuna Taliyuhu sheegay qaraxyadii ugu dambeeyey ay wax ku
noqdeen tiro badan oo Booliiska ka tirsan, taliyaha ayaa dhanka kale xusay
in dhibaatooyinkaas oo jira aysan la micno aheyn inay joojin doonaan
hawlgalada ay wadaan. Warka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xili doraad
taliyuhu uu sheegay in saddex maalmood gudahood ku soo gaban doonaan
hawlgalada Suuqa ka socda.
Munaasabadda Maalinta Dadwaynaha Aduunka oo ka dhacday Magaalada
Muqdisho….
Waxaa shalay Hoteelka naasa
Hablood ee Magaalada Muqdisho Munaasabad lagu maamuusayey Maalianta
Dadwenaha Aduunka (World Population Day) oo Sanadkiiba mar la qabto.
Munaasabadaan ayaa waxaa soo
qabanqaabiyey Dalada COGWO iyo Hay’adda Qaramada Midowbay ee arrimaha
Bulashada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNFPA, waxaana ka qaybgalay
Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Dowladda Fedaraalka, Hay’adaha
Wadaniga iyo Dadwayne kale, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin badan oo
ay ka mid ahayd Drs. Nuurto Sheekh Max’uud oo ah Agaasimaha Hay’adda COGWO,
waxayna ugu horeyn u mahad-celisay qaybihii ka soo qaybgalay Munaasabadda,
waxayna sheegtay in Xuska Maalinta Dadwaynaha Aduunka ee aad muhiim u tahay
si la’isku xasuusiyo Xadgudubyada ka dhex-dhaca Bulshada gaar ahaan waxay
Nuurto Sheekh tilmaamtay in inta ugu badan Xagudubyada ay ku dhacaan Dumarka
iyo Carruurta, isla markaana Bulshada inteeda kale looga baahan yahay inay
xaw dhowraan dumar oo iyagu u nugul dhibaatooyinka, waxayna ugu dameyn ku
soo gebagabeysay in Raggu xagdhowraan dumarka ay qabaan.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka
hadlay Caasho C/llaahi Ciise oo ah Wasiir ku xigeenka Horumarinta Qoyska ee
Dowladda Federaalka oo iyana ku nuux-nuuxsatay qiimaha munaasbaddaasi,
iyadoo Nuurto uga marag kacday in ay muhiim tahay in Dumarka la xaq dhowr,
waxaana sidoo kale halkaasi laga jeediyey tixo lagu qeexahay xaquuqda gaar
ah ee ay Dumar leeyihiin, waxayna munaasa-baddaan oo bisha July 11-keeda
snaad walba la qabto ku soo dhamaatay sidii loogu talalay.
Wafdi ka socday Contac Group oo Muqdisho kulan kula qaatay C/llaahi
Yuusuf iyo Cali Mahdi
Wafdi ka socday Kooxda xiriirka
Caalamiga ah ee loo yaqaano Contact Group ayaa shalay booqasho ku yimid
Magaalada Muqdisho, iyagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka
iyo Guddoomiyaha shirka dib u heshiisinta qaran Cali Mahdi Max’ed.
Wafdigaan oo aan wax hadal siin
saxaafadda ayaa sidoo kalana kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha iyo
Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta waxa uu ahaa mid ay albabaadu u
xirnaayeen, balse warar ku dhow-dhow ayaa sheegaya inay labada dhinac kawada
hadleen arimo ku saabsan Shirka Dib u hashiisiinta Qaranka ee isaga fooda
nagu soo haya, sidoo kale Kooxda Xiriirka Caalimiga ah ayaa la sheegay in
Madaxwayne C/laahi Yuusuf u soo jeediyeen in Shirka lagu casuumo Xubnaha
Siyaasad ahaan uga soo horjeeda Dowladda Fedaraalka si Shirka uu u noqdo mid
miro dhal ah
Wafdiga Xriirka Caalimiga ah oo ka koobnaa
4-Xunood ayaa markii danbe ka duuolay Garoonka Caalimiga ah ee Aadan Cadde
iyagoo dib ugu laabtay Magaalada NAirobe oo ay horay uga soo duulay.
Wakhtiga Caleemo Saarka Boqorka Daarood oo Dib loo dhigay.
(Qardho) 11/July/07 Waxaa Maantay oo aay Taariikhdu tahay 11/07/07 si
rasmi ah saxaafadda loogu sheegay in dib loo dhigay Xiliga
Caleemsaarka Boqorka.
Gud.Gudiga Qaban qaabada Caleema saarka boqorka Cismaan X.Nuur oo
saxaafadda ugu warmayey isga oo jooga Guriga Boqorka Daarood C/laahi
Boqor Muuse waxa uu sheegay in xiliga hore ee ahaa 15/07/07 dib loo
dhigay.
Guddoomiyaha Gudiga Qaban-qaabada Caleem-saarka Boqorka Mudane.Cismaan
Xaaji Nuur ayaa saxaafadda u sheegay in Caleema saarka boqorka Daarood
dib loogu dhigay sababahaan.
1.Xiliga Caleemsaarka Boqorka oo ku soo aaday Xili la doonayo in la
furo shirka Dib u heshiisiinta qaran ee lagu wado in uu ka dhaco
Muqdisho.
2.In Wakhtigii hore uu noqday mid Kedis ku noqotay odayaal
dhaqaameedyada,Isimada,Suldaamada iyo weliba waxgaradka dalka iyo
dibada jooga.
3.Wadaanka oo aay ka jiraan duruufo, Roob yaraan iyo IWM
Cismaan X.nuur ayaa intaas waxaa uu ku daray in Dhammaan Umadda
Soomaaliyeed ee jecel in ay ka soo qeyb galaan Caleemsaarka Boqorka in
aay sidaas ula socdaan.
Xiliga Caleemsaarka Boqorka Dib ayaanu ka soo sheegi doonaa sidaas
waxaa yiri Gud.Gudiga Qaban qaabada Caleemsaarka Boqorka
CismaanX.Nuur.
Dhanka Kale waxaa magaalooyinka waa weyn ee D.G.P/land ka socnaya
diyaar garoow Xoog leh oo lagu diyaar garoobayo Caleemsaarka Boqorka
Daarood Boqor C/laahi Boqor Muuse
C/weli Xasan Gooni
gooni2@hotmail.com
Qardho,puntland
Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug oo degmo aahaan loo ansixiyay.
Waxaa maalintii shalay ahayd kulan ka dhacey magaalada garowe ee caasimada
maamul goboleedka puntland oo ay yeesheen golaha wakiilada puntland lagu
ansixiyay degmada xarfo in ay ka mid noqoto degmooyinka gobolka mudug iyo
puntland.
Horey ayaa degmada xarfo oo ka tirsan gobolka mudug iyo labo degmoo kale
waxaa loo magacaabey degmo ahaan hase ahaatee maalintii shalay ayaa kulan ay
yeesheen gobolaha wakiiladu waxa ay ku ansixiyeen degmadaasi.
Degmada xarfo waxa ay ka tirsan tahay gobolka mudug waxayna noqonaysaa
degmadii lixaad oo kusoo biirta gobolka mudug horey waxaa oga jirey dhowr degmo
oo ay ka mid yihiin galdogob, jariiban hobyo iyo xarardheere.
Degmada xarfo ayaa bilihii ugu danbeeyay aad u fidey mar aan booqasho ku
tagey asbuucan degmada xarfo ayaa waxaa iiga muuqanayay dhismayaal aad u fara
badan oo qurux badan oo degmada laga hirgaliyay mudooyinkii ugu danbeeyay iyadoo
ay kusoo bateen degmada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka
waxbarashada iyo biyaha.
Yuusuf Guduudow
E-mail
yusufguduudow@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2007


|