SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Warar: July 4, 2007

  • Xildhibaano si aad ah uga carooday lacagaha Been-abuurka ah ee Soomaaliya la keenay

  • Dowladda Federaalka oo Puntland uga digtay in ay heshiis la gaarto Dowladda kale

  • Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay

  • Shirkii Madaxda Afrika ee Gaana oo la soo gebagabeeyey

  • Ciidamada Itoobiya oo ka qabqabtay Boqolaal Soomaaliya ah Magaalooyin ku yaala Itoobiya

  • Eng. Muunye oo laga dalbaday in Maraakiibta uu hayo si deg deg ah ugu soo wareejiyo


    Sawirro 1-da Luulyo iyo Dabaaldeg....

Xildhibaano si aad ah uga carooday lacagaha Been-abuurka ah ee Soomaaliya la keenay

Ilaa iyo 50 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan Magaalada Baydhabo ayaa shalay halkaasi ku qabtay shir jaraa’id waxayna ka hadleen dhowr arrimood oo ugu horeyso lacago been abuur ah oo dhawaanahan soo galayey gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo ay sheegeen in ganacsato ku daabacdaan Magaalada Boosaaso iyagoo sheegay in lacagtaasi ay sicir babar xoog leh ku sameysay dalka, waxayna Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ganacsatada soo daabaceysa lacagahaasi ay heshiis kula gashay.

“Ma jirto cid dowladda ka tirsan oo isku xil saartay inay ka hor tagto lacagahaasi been abuurka ah oo shacabka dhibaato xoog leh u keentay” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi oo intaa raaciyey “Dowladdii ayaaba ku dhiiragelinaysa ganacsatada inay lacagahaasi soo daabacdaan”, waxay kaloo sheegtay in marka dowladdu ay lacag daabacaneyso, marka hore la soo wargeliyo Baarlamaanka Soomaalia, balse aysan taasi dhicin.

Sidoo kale waxay ka hadleen Baasaboorkii dhawaan Dowladda Federaalku sheegtay in ay ku kordhisay mudo bil ah, waxayna Xildhibaanadu ku tilmaameen in uu go’aankaasi yahay mid ka hor imaanaya sharciga iyo axdiga ku meel gaarka ah, “Cidina xaq uma lahan in ay Baasaboor isaga soo sameysato iyadoon la ogeysiin Baarlamaanka” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi oo sheegay in Baasaboorka loo baahan yahay in la soo marsiiyo waaxda Baasaboorada iyo Jinsiyadaha ee Golaha Baarlamaanka, waxaa kaloo xildhibaanada Baarlamaanka isku hadal qaadeen dagaalada beeleed ee ka soo cusboonaaday meelo ka mid ah dalka, waxayna codsadeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladasi, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo wada hadal.

Dhinaca kale waxaa maalintii labaad galay shaqo joojintii ay wadeen ganacsatada Boosaaso iyagoo ka cabanaya sicir barbar iyo safirka lacagaha qalaad oo cirka isku shareeray, ilaa iyo haatanna maamul gobaleedka Puntland wax uu ka qabtay ma jirto, waxa uuna sheegay in ay sii wadayaan shaqo joojintaasi, tan iyo inta ay Dowladdu joojineyso lacagaha beenta ah ee ay ku soo daldaleyso gobaladaasi.

Dowladda Federaalka oo Puntland uga digtay in ay heshiis la gaarto Dowladda kale

Dowladda Federaalka ayaa maamul gobaleedka Puntlad uga digtay in ay wax heshiis ah la gasho dowladda Yemen oo la xiriira in ay Dowladda Yemen ilaaliso xeebaha Somaaliya, isla markaana ay ka kalluumeysan karaan, waxayna Dowladda Federaalka arrintaasi ku tilmaantay in mid aysan waxba ka ogey.

“Maamul Gobaleed wax heshiis ah lama geli karo Dowlad kale, iyadoo aysan ka warqabin Dowladda Federaalka” ayuu yiri Agaasimaha Sare ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo intaa raaciyey “Waxaan og nahay in wasiirka Kalluumeysiga ku sugan yahay Yemen oo uu doonayo in uu saxiixo heshiiska la doonayo in Yemen loogu ogolaado ka kalluumeyisga xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay ilaaliso xeebaha Soomaaliya”.

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka aysan marnaba aqbali doonin in heshiisyo gaar ah lala galo Dowlado kale ama shirkado aysan iyadu ka warqabin, hase yeeshee Maamul Gobaleedka Puntland weli kama hadlin warkaasi ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Ciidamada Itoobiya oo ka qabqabtay Boqolaal Soomaaliya ah Magaalooyin ku yaala Itoobiya

Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxa Magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa lagu qabqabtay boqolaal qof oo Soomaali ah oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ay Itoobiya uga shakisay in ay saameyn ku yeeshaan dagaalada ka socday magaalada Muqdisho.

Dadkaasi oo ku jira mudo xabsiyada ku yaala dalka Itoobiya ayaa 150 qof oo ka mid ah dadkaasi ayaa shalay Gawaari lagu keenay xuduuda u dhexeysa Maamulka la magacbaxay Somaliland iyo Itoobiya, waxayna Itoobiya dooneysay in dadkaasi u gudbaan gudaha maamulkaasi, hase yeeshee waxaa arrintaasi is hor taagay ciidanka Booliiska Somaliland oo sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in dadkaasi soo galaan maamulkaasi.

Dadkaan oo haatan ku dhibaateysan xuduuda ayaan haysan wax Hooy iyo Cunto ah, waxaana laga cabsi qabaa in dadkaasi ay halkaasi mudo ku sugnaadaan.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa waxay codsadeen in la geeyo xuduudaha ay Itoobiya la leedahay Koonfurta Soomaaliya si ay u gaaraan deegaanadoodii.

Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay

Maalintii shalay ahayd ayaa labo qarax oo waaweyn waxay ka dahceen Magaalada Muqdisho, waxa uuna qarixii koowaad ka dhacay meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana lala damacsanaa Ciidamada Uganda oo markaasi ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa waxa uu s heegay in qaraxaasi aysan cidina wax ku noqon, balse uu ahaa mid la doonayey in khasaare ba’an loogu gaysto ciidamada Uganda.

Ciidamada Uganda ayaa goobtaasi baaritaan xoogan ku sameeyey waxayna u dhaqaaqeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo ay saldhig ku leeyihiin.

Qarixii labaad waxa u ka dhacay inta u dhexeysa Hoteelada Ramadaan iyo Kaah, waxaana lala damacsanaa gaari ay saarneen ciidamada Dowaldda Federaalka, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay labo qofood oo midi haween ahayd, waxaana markii dambe ciidamada Dowladdu halkaasi ka qabteen dhowr qofood.

Waxaa Magaalada Muqdisho maalmahan ku magan u ahayd qaraxyada iyo dilalka loo gaysnayo ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo waliba ay socdaan baaritaanada ay ciidamada Dowladdu ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Habeen hore ayay ahayd markii dil toogasho ah loogu gaystay xaafadda Heliwaa guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi mudane Cusmaan Cali.

Shirkii Madaxda Afrika ee Gaana oo la soo gebagabeeyey

Waxaa habeenkii xalay Magaalada Akra ee dalka Gaana lagu soo gebagabeeyey shirkii Midowga AFrika oo ay ka qaybgaleen madaxda wadamada Afrika.

Shirkaan oo ahaa mid looga hadlayey sidii ay Afrika u yeelan lahayd Dowlad ka arimisa danaheeda ayaa waxaa arrintaani watay hogaamiyaha wadanka Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi.

Wadamo dhowr ah ayaa si weyn uga soo horjeestay in xiligaan Afrika loo sameeyo Dowlad mid ah, haddana waxaa la isku raacay in arrintaasi loo saaro guddi farsamo.

Mar laga hadlayey arrimaha Soomaaliya, waxaa loo soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay ka shaqeyso sidii ay isugu keeni lahayd Bulshada Soomaaliyeed ayna u dhex dhigi lahayd dib u heshiisiin rasmi ah, sidoo kale waxaa loogu baaqay, wadamada ballanqaaday ciidamada Soomaaliya loo dirayo in ay si deg deg ah u diraan ciidamadasi, sidoo kale wadamada Afrika ayaa loogu baaqay inay gacan siiyaan Dowladda Federaalka, waxaa sidoo kale Wadamada faragelinta ku haya Soomaaliya loo soo jeediyey inay si deg deg ah u joojiyaan.

Shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi oo ku canaantay Dowladdaha AFrika in aysan ka dhabeynin ballanqaadii hore ee ahaa in ay Soomaaliya u diraan ciidamo, isagoo sheegay in dalka Soomaaliya haatan ku sugan yihiin ciidamada Uganda oo keliya kuwaas oo uu sheegay in aysan ku filneyn xasiloonida wadanka Soomaaliya.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu soo booqan doono qaar ka mid ah wadamadii horey u ballanqaaday in Soomaaliya u soo diraan kuwaas oo kala ahaa Naajeeriya, Malawi iyo Koonfur Afrika.

Eng. Muunye oo laga dalbaday in Maraakiibta uu hayo si deg deg ah ugu soo wareejiyo

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka ayaa warqad qoraal ah u gudbisay Eng. Muunye Siciid Cumar oo gacanta ku haya lix markab oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya in uu si deg deg ah ugu soo wareejiyo Dowladda Federaalka.

            “16-sano ayuu lacagtii ka soo xarootay Maraakiibtaasi uu siduu doono ugu takri falay Muunye” ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeyisga ee Dowladda Federaalka, waxa uuna qoraalku intaa sii raaciyey “En. Muunye waxa uu heshiis hore la galay Dowlado ay ka mid tahay Yemen, kuwaas oo garab ku siiyay in Muunye sii haysto Maraakiibtaasi”.

            Dhinaca kale labo Markab oo ka mid ah Maraakiibtaasi ayaa dadka qaar waxay noo sheegeen in ay laga iibiyey labo shirkood oo ka kala dhisan wadamada Bakistaan iyo Hindiya.

            Maraakiibtaas oo Kalluumeysi horey u ahaa ayaa haatan waxay u shaqeeyaan qaab xamuul, kuwaas oo isaga kala goosha badaha Adduunka, waxayna ka mid yihiin 6-da Markab ee uu  hayay Eng. Muunye, isku soo duuboo Eng. Muunye waxa uu horey u sheegay in Maraakiibtaasi u hayo qaranka Soomaaliya.

Bulshada Rayidka oo rajo ka muujiyey shirka Beelaha Hawiye ee Khamiista lagu wado in uu ka furmo Shaamow

Mar aan la kullanay qaar ka mid ah Bulshada Rayidka ah oo iyagu ku hawlan qaban-qaabada shirka Beelaha Hawiye ayaa waxa ay rajo weyn ka muujiyeen in shirkaasi qabsoomi doono oo uu ka soo bixi doono qodobo muhiim ah oo ay ku midoobi doonaan Beelaha Hawiye.

“Inkastoo Beelaha Hawiye aysan waxba isku diidaneen haddana waxay kala aaminsa yihin Fikrado kala duwan, waxaana xalin doonnaa saacadaha soo socda” ayay yiraahdeen Xubnaha Bulshada Rayidka oo sheegay in shirkaani loo qabtay sidii Beelaha Hawiye dhibka uga bixi lahaayeen, maadaama 16-kii sano ee tagtay dhibku ku dhacay Beelaha Hawiye, isla markaana ay ku heshiin waayeen hogaan mideysan oo ka shaqeeya nabadda iyo horumarka deegaanada ay degan yihiin.

Maalinta Khamiista ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka furmo Hotel Shaamoow kaas oo socon doona mudo dhowr maalmood ah. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

Golaha Wakiilada  DGPL oo dib u ceshay Xisaab-xirkii miisaaniyada DGPL ee 2006
waxayna soo jeediyeen in loo-yeero Isimada DGPL...

Maxay tahay sababta uu u baaqday shirweynihii Beelaha Hawiye
.Meles Zenawi oo lagu cadaadinayo in dib ugala soo baxo..
.3-kun oo Ciidamada Dawaariishta Puntland ah oo....
.Guddoomiye ku xigeenkii Degamada Heliwaa oo la dilay..
.Labo dhallinyaro ah oo ku dhimatay walxo ku qarxay
.Labo beelood oo Deegaanka Saakow uu dagaal ku dhex.
.Cadde Muuse "4.5 ayaa ciidamada loo qaybsaday...
Wararka oo dhan Akhri... July 3

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com