Golaha Wakiilada DGPL oo dib u ceshay Xisaab-xirkii miisaaniyada
DGPL ee sanadka 2006 soona jeediyey in loo-yeero Isimada DGPL.
Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa
afkaaro guud oo xamaasadi ku jirto ka soo jeediyey Xisaab-xirkii
sanadkii 2006.
Goluhu waxay aad uga hadleen ku dhaqan
la'aanta miisaaniyada, sicir bararka iyo ixtiraam la'aanta ka
haysata waxa ay kula taliyaan Xukuumada oo aan dheg u jalaqsiin,
iyagoo isku raacay in si dhab ah loola xisaabtamo Golaha Xukuumada
oo ay sheegeen in ay ku tunteen dastuurkii dalka 75%, sawaxanka ayaa
isqabsaday Hoolka shirarka Golaha Wakiilada ka dib markii Guddiga
Dhaqaalaha oo uu gudoomiye ku-xigeenku, Axmedbarre Siciid Muuse soo
hordhigay qodobo badan oo lagu tuntay isla markaasna ka hor akhriyey
qoraalkii ay soo diyaariyeen Guddiga Dhaqaaluhu.
Dood kulul ka dib ayey goluhu isku
raaceen in cod loo qaado..
- Waxaa fadhiday Hoolka 47
xildhibaan.
- 16 waxay u codaysay in la
fasaxo miisaaniyada.
- 25 waxay u codaysay in dib loo
celiyo oo waxay ku codeeyeen (MAYA).
- Halka 6 xildhibaana ay ka
aamuseen.
- Tirada Xildhibaanada DGPL waa
66 balse maanta waxaa maqnaa 19 xildhibaan,
- Gabdhuhu waa 5 inkastoo ay 2
keilya soo xaadireen.
Goluhu waxay sidoo kale soo jeediyeen
ka dib markii Golaha Xukuumadu maqli waayey soo jeedintooda ,
shacabkuna ay dhaliil u soo jeediyeen in ay iscasilaan ama arinta
farta ka saaraan Issimada DGPL oo taloodada lagu soo dhisay
Puntland 1998. Sida la wada ogyahay DGPL ayaa wuxuu ku dhisan yahay
wadatashi.
Hoos ka akhri xisaab-xirkii
ay soo
gudbiyeen Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo uu ka hor akhriyey
golaha Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Mudane.Axmedbarre
Siciid Muuse.
DAWLAD G.
PUNTLAND PUNTLAND STATE
EE SOOMAALIYA OF SOMALIA
Golaha Wakiillada Representative Council
Xafiiska Guddiga Dhaqaalaha GW
______________________________
Ref:-
XGDH/GW/DGPL/ /2007
01/07/2007
Ku:-
Golaha Wakiillada DGPL Garoowe
Ujeeddo:- Warbixinta Xisaab Xirka Miisaaniyadda
2006
Mudanayaal,
Sida aad
ka war-qabtaan Xisaab xirka Miisaayadda 2006, kama duwana kuwii ka
horeeyey sanadihii tegay waxaana sababay inaan lagu dhaqmin
Miisaaniyadda la dejiyo sanad walba.
Markaan
dib u eegno warbixinnadii Guddiga Dhaqaalaha ee Xisaab xirkii 2005 iyo
2006, waxaan ku muujinay sida Dakhliga la helay loo kala qaybiyey, mar
kastana waxaa muuqday kharash dheeri ah oo madaxyo gaar ahi gelayeen iyo
Mushaharooyinka oo maqan, taas oo aan weli xal loo helin.
Tusaale
Sanadka Lacagta Dheeriga ah la isticmaalay Mush. & adeega maqan
2005 65,624,901,075 =
69,993,760,630
2006 86,265,015,807 =
36,963,601,605
NB:-
Faahfaahinta sida kharashka loo qeybiyey ka fiiri lifaaqa warbixintan ku
xidhan eeg bogga Lr:- 1.4
Haddii
aan wax yar ka niraahno xagga Dhakhliga sanadkii tegay ee 2006 waxa la
helay Dakhli dheeri ah oo dhan 50,072,185,532, taas oo inteeda badan ay
soo xeraysay Wasaaradda Maaliyaddu lana oran karo dedaal ayey muujisay,
hase yeeshee waxa jira Wasaarado & Hay'ado qoondadii lagu qorsheeyey ka
gaabiyey iyo kuwo aan waxba soo xerayn, taas oo la oran karo waxay mudan
yihiin Dhaliil..
Wasaaraddaha & Hay'adaha ka gaabiyey
qoondadii looga baahnaa waxay kala yihiin.
-
Laanta Socdaalka (Immigration)
-
Wasaaradda Hawlaha Guud Qeybta
Duulista Hawada
-
Wasaaradda Hawlaha Guud Qeybta PRA
-
Wasaaradda Warfaafinta
-
Garsoorka
Mudanayaal,
Waxa beryahan dambe aad sare ugu kacay
sicir barar ay sababeen lacago soo galay P/land, kuwaas oo dalka iyo
Debeddaba ka yimid, taas oo dhibaato weyn ku haysa dadka dan yarta ah
una baahan in xal degdeg ah loo helo,
Inkasta
oo Madaxweynuhu Dekreeto ka soo saaray arrintaas qiimana u jaan-gooyey
Sarifka lacagaha adag, haddana taasi waxay dhalisay kor u kac xagga
sarifka ah.
Haddaan
yar iftiimino sida ka muuqata Xisaab xirka Miisaaniyadda ee Wasaaradda
Maaliyadda iyo xogta H/Dhowrka guud waxa ina soo galay lacagaha la
daabacay oo dhan sh so. 41,630,542,158 waxa Miisaaniyadda lagu kabay
lacag dhan sh so. 9,590,000,000, halka lacagta inteeda kale oo dhan
sh.so 32,040,542,158, ay toos ugu baxday amarka Madaxweynaha sida ku cad
warbixinta H/Dhowrka guud iyo curaaraha ay Wasaaraddu soo qortay.
Mudanayaal,
Waxan
idin xasuusinaynaa in ay jiraan curaaro ay Wasaaradda Maaliyaddu u
qabato hey'ado lacago qaada, kuwaas oo aan wax Xisaab celin ah lahayn,
lacagtaas oo wadarteedu dhan tahay sh.so 52,527,218,561, waxay u baahan
tahay in Golaha Wakiilladu dib u eego Go'aanna ka gaaro sidii loo
waafajin lahaa qaab xisaabeed Maaliyeed (transparency)
Mudanayaal,
Waxaa xusid mudan in
lacagtii ay ballan qaadday Shirkadda (Range resources) ee sahaminta iyo
soo saarista shidaalka & Macdanta oo dhamayd bishiiba $ Us 200,000 aanay
ka muuqan Dakhliga 2006, isla markaana meesha kharash ahaan ay ku baxday
muuqan.
Mudanayaal,
Marar
badan waxan ku dedaalnay sidii ay suurta-gal u noqon lahayd in lagu
dhaqmo Miisaaniyadda, loona ilaalin lahaa Shuruucda Maaliyadeed,
kalfadhigii 16-aad ee Golaha Wakiillada waxan xarunta ugu yeernay
Golayaasha Dawladda oo dhan, Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenkuna
waxay ballan qaadeen inay siday tahay u ilaalinayaan Miisaaniyadda kuna
dhaqmayaan, balse arrintaas waa lagu hungoobay.
Mudanayaal,
Si loo
helo Mushaharooyinka had iyo jeer maqan waxay u baahan tahay in lagu
dhaqmo Miisaaniyadda taas oo u baahan dedaal wada jir ah oo ay sameeyeen
Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda, Wasaaradda Maaliyadda &
Hanti-dhowrka guud.
Waxaa inta badan sababa in Miisaaniyadda
lagu dhaqmi waayo waraaqaha fadlanta ah ee ka soo baxa Madaxtooyadda,
kuwaas oo haddaan la jooojin ayan suurtagal noqonayn in Miisaaniyaddu
shaqeyso.
Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in
Goluhu arrinkaas Go'aan kama dambays ah oo waafaqsan shuruucda
Maaliyadda ka gaaro.
Waxan
Golaha Wakiillada DGPL mar kale u soo jeedinaynaa inay ka taliyaan sidii
laga yeeli lahaa ku dhaqan la'aanta Miisaaniyadda, maadaama isku dayadii
hore ee Goluhu guuleysan waayeen.
Wabilaahi Towfiiq
Saxiixa Guddiga
Dhaqaalaha GW
-
Xil:- C/rashiid
Maxamed Xirsi Guddoomiye ________________
-
Xil:-Axmedbarre
Siciid Muuse ku xigeen __________________
-
Xil:- Maxamed Cali
Guuleed Xubin _______________________
-
Xil:- Sheybe Shiikh
Maxamuud Xubin ____________________
-
Xil:- Cali Saxar Guuleed Xubin
________________________
-
Xil:- C/rashiid
Xasan Firdhiye Xubin ___________________
LIFAAQ
Madaxyada Dheeriga Isticmaalay ama
in ka badan intii miisaaniyadu u qorsheysay.
1.1.0 Madaxtooyadda 1.678.515.600
1.3.0 Maaliyadda 11.422.281.634
1.3.0B Kharashka Guud 73.164.218.573
Wadar
Guud 86,265,015,807
Madaxyada/Hay'adaha Dowladda ee Lacagtu
ka maqan / Wax ka Maqan Yihiin
-
1.1.0B
Daraawiishta 18.876.080.570
-
1.1.0T H/Dhowrka
Guud 108.401.465
-
1.1.0J Garqaanka
Guud 40.553.000
-
1.1.0X
PSS 400.167.000
-
1.2.0
G/Wakiillada 950.771.400
-
1.4.0 Arrimaha
Gudaha 692.702.450
-
1.4.0B
Booliska 8.842.741.500
-
1.5.0 Arrimaha D/ &
Caddaaladda 206.192.000
-
1.5.0B Garsoorka 587. 235.750
-
1.5.0T Ciidanka Asluubta 215.279.000
-
1.6.0 W/XX/B &
Deegaanka 276.160.550
-
1.7.0 H/Guud &
Duulista 1.477.543.695
-
1.8.0
Caafimaadka 1.016.934.750
-
1.9.0 W/Kall &
Dekedaha 237.271.850
-
1.10.0
Qorsheynta 417.976.350
-
1.11.0 Ganacsiga 225.464.650
-
1.12.0
Waxbarashadda 1.224.561.125
-
1.13.0 Sh/Sh/isbor.&
Dhalinyarada 424.843.900
-
1.14.0 Warfaafinta
220.609.350
-
1.15.0 W/D/hoose &
H/Gobollada 278.867.000
-
1.16.0 Haweenka &
Arri/Qoyska 243.244.250
Wadar Guud 36.963.601.605
________________________________
86,265,015,807 36.963.601.605
49,301,414,202
Amoore-Garoowe-Puntland.
Wararka
PL: