-
DFKMS oo la wareegtay Ciidamada Daraawiishta DGPL, waa maxay sababtu???
Ka dib, socdaal uu Salaad Cali Jeelle oo ah Wasiir Ku-Xigeenka
Gaaashaandhiga DFKMS uu ku yimid Puntland , ayaa wadahal dhexmaray gudiyo ka
kala socday DGPL iyo DFKMS waxay isla garteen in dhamaan ciidamada qalabka
sida ee DGPL lagu wareejiyo DFKMS oo bixinaysa mushahaarkooda iyo
qalabkoodaba iyo sidoo kale wax kasta oo daryeel ah oo ay u baahdaan....
Beel ka cabaneysa
maamul u sameyntii Gobalka Sh/hoose iyo Degmada Afgooye
Kulan ay isugu yimaadeen Saasiyiin
Waxgarad, Culuma’udiin, Aqoonyahano iyo Haween ka tirsan Beesha Hintire ayay
cabasho ka muujiyeen tixgelin la’aan ay sheegeen in loogu gaystay maamul u
sameyntii Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose iyo kan gobalka Sh/hoose, iyagoo
sheegay in Beeshu tahay beel taariikh fac weyn ku leh dalka Soomaaliya, gaar
ahaan Gobalka Sh/hoose iyo Degmada Afgooye.
“Waxaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciddii kale ee shaqada ku leh maamul
u sameynta Gobalada, u sheegeynaa in aanu ka qanacsaneyn maamulka loo
sameeyey guud ahaan gobalka Sh/hoose iyo kan Afgooye” ayay ku yiraahdeen
qoraal cabasho ah oo ay saareen Beeshaasi, waxayna qoraalkooda sidoo kale ku
yiraahdeen “Waxaan Wasaaradda arrimaha gudaha ka codsaneynaa in ay dib u
fiiriso qaabka awood qaybsiga iyo halka beel walba ka mudan tahay maamulka
loo dhisayo deegaanada aan kor ku soo sheegnay, sidoo kale Wasaaradda
Arrimaha gudaha ka rajeyneynaa in ay soo farageliso maamulka gobalka loo soo
magacaabay iyo kan degmada Afgooye”.
Qarax ka dhacay
Isgoyska Afarta Jardiino oo ay dad ku dhinteen
Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay
kadib markii uu Isgoyska Afarta Jardiino oo ka tirsan Degmada Yaqshiid uu ka
dhacay Qarax la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay.
Miinadaan ayaa intii aysan qarxin
ayaa waxaa la sheegay in ay goobta tageen ciidamo Booliis ah, markii ay
dadweynihii ka fogeeyeen ayaa la sheegay in qaar ka madax adeegay ay miinadii
markii qaraxay waxyeelo ka soo gaart ay. Ciidamada Booliiska ayaa waxaa la
sheegay in ay halkaasi ka qab-qabteen dhowr qofood oo lagu tuhunsanaa inay ka
dambeeyeen qaraxaasi.
Habeen
hore ayay ahayd markii koox saldhigga galbeed ee Degmada Dharkeenlay lagu
qaaday weerar isugu jiray qaraxyo iyo rasaas, waxaana rasaastaasi lagu riday
saldhiga iska caabiyey ciidanka Booliiska ee halkaasi ka sugnaa oo markii
dambe gurmad ka helay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda.
Maalmahan waxaa sii kordhayey qaraxyada ka dhacaya qaybo ka mid ah Magaalada
Muqdisho iyo waliba gobalada meelo ka mid ah, kuwaas oo gaystay khasaare naf
iyo maalba leh, ilaa iyo haddana Dowladdu majirto wax ay ka qabatay
qaraxyadasi marka laga reebo baaritaano ay ku sameenayeen.
Cali Max’ed Geedi
oo ka qaybgalaya Shirka madaxda wadamada Afrika ooka furmaya Ankara
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi
ayaa ka qaybgalaya shirka madaxda wadamada Afrika oo beri ka furmaya Magaalada
Ankara ee dalka Gaana, shirkaani ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxa uu matali doonaa
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, waxaana shirkaani looga hadli
doonaan arrimo badan oo ay ku jiraan Dahfuur, Soomaaliya iyo Ever coast, Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa lagu wadaa in uu shirkaasi ka jeediyo qudbad ku
saabsan Xaaladda Soomaaliya, waxaa sidoo kale la filayaa in shirkaasi uu Ra’isul
Wasaaruhu soo hordhigo ajandi ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa ciidanka ay
Midowga Afrika horey ugu yabooheen Soomaaliya.
Dhawaan ayaa Ra’isul Waaaruhu waxa
uu codsi u gudbiyey Qaramada Midoobey oo uu kaga dalbaday in Soomaaliya la keeno
ciidamo ka socda Qaramada hase yeeshee Qaramada Midoobey codsigaasi shaki weyn
ayay ka muujisay waxaana Ra’isul Wasaaraha laga dalbaday inuu wanaajiyo
Siyaasadda Soomaaliya, sidoo kale Ra’’isul Wasaaraha isna waxa uu ka dalbaday
Qaramada Midoobey inay ka qayb-qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo waliba
dib u soo celinta Hay’adihii kaabayey Dowladda Federaalka.
Wafdi isugu jira
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta oo safar
ku tagaya Puntlanad
Waxaa gobalada Puntland haatan
booqanaya wafdi isugu jira Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo waliba xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta.
Wafdigaani ayaa waxa ay inta ay
joogaan gobalada Puntland kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamul
Gobaleedka Puntland iyo waliba kuwa Isboortiga, waxaana lagu wadaa in Guddiga
Olombikada Soomaaliyeed halkaasi ka furto xafiisyadii Guddiga Olombikada
Soomaali-yeed ee Gobalada Puntland, sidoo kalana Guddiga Olombikada Soomaaliyeed
iyo Xiriirka Soomaaliyeed K/cagta waxay gobaladaasi gaarsiin doonaan qalab
Isboorti oo ay ugu talagaleen in ay lagu horumariyo Isboortiga gobaladaasi.
Dhanka kale Gobaladaasi waxaa
imaan doona wafdika socda Jaaliyadda reer Puntland ee Dibadaha ku nool, oo iyana
gabaladasi soo gaarsiin doona qalab Isboorti.
Wafdiga Guddiga Olombikada
Soomaaliyeed waxaa hogaaminaya Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), halka halka xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee
K/cagta Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe), iyadoo wafdiga Xiriirka Soomaaliyeed ee
K/cagta uu qayb ka yahay wafdigii Xiriirka Soomaaliyed ee K/cagta ee dhawaan u
ambabaxay Gobalada dalka.
1-da Luulyo maalin
xasuus mudan basle dadka ay Niyad xumo ka muujinayaan
Sanad-Guurada 47-aad ee Xoriyadda
Gobalada Koonfureed iyo israacii gobalada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ee
1-da Luulyo ayaa xalay waxay ka kala dhaceen gobalada wadanka Soomaliya.
1-ada Luulyo waxay ku soo
begaantay xili ay dadka qaarkii qabaan in dalka ay ku sugan caddow ku ah
Bulshada Soomaaliyeed, ayaa afhayeen u hadlay Dowladda waxa uu sheegay in si
weyn loo sugi doono ammaanka goobaha ayka dhacayaan xafladaha damashaadka.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu
arkayey wadooyinkeeda ciidamo isugu jira Booliis iyo Milatari oo baaritaan ku
haya Gawaarida iyo dadka socotada ah.
Markii ay burburtay dowladdii uu
madax ka ahaa Max’ed Siyaad Barre gobalada Waqooyi waxay sheegeen in ay ka
go’een dalka intiisa kale, hase yeeshee dadka qaarkii ayaa waxa ay sheegeen in
midnimada Ummadda Soomaaliyeed tahay mid muqadas ah.
Caasimadda Soomaaliya oo lagu waday inay ka dhacaan xaflado lagu xusayo 1-da
Luulyo ayaa haddana taasi aysan suuragelin oo aan sidii la rabin la isugu
soo bixin, madaama Muqdisho ay ku jirto Bandow, isla markaana ay ka socdaan
qaraxyo iyo dilala.
Isku
soo wada duuboo 1-da Luulyo waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed, balse
maanta waxay ku soo begeentay xili ay dalka ka jiraan dagaalo, ilaa iyo
haatan aan xal loo hayn iyadoo waliba ay dalka ku sugan yihiin ciidamo
shisheeye oo aan waxba ku soo kordhin wadanka.
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

