DFKMS oo la wareegtay Ciidamada
Daraawiishta DGPL, waa maxay sababtu???
Ka dib, socdaal uu Salaad Cali
Jeelle oo ah Wasiir Ku-Xigeenka Gaaashaandhiga DFKMS uu ku yimid Puntland , ayaa
wadahal dhexmaray gudiyo ka kala socday DGPL iyo DFKMS waxay isla garteen in
dhamaan ciidamada qalabka sida ee DGPL lagu wareejiyo DFKMS oo bixinaysa
mushahaarkooda iyo qalabkoodaba iyo sidoo kale wax kasta oo daryeel ah oo ay u
baahdaan.
Ciidamada DGPL ee loo yaqaan
daraawiishta ayaa waxaa ku dhacay burbur weyn tan iyo markii Gen. Cadde Muuse
xilka qabtay.
Waxayna u kala jajabeen kuwo ku
biiray ciidamada DFKMS, kuwa isaga tagay ciidamada sidii ay ugu raadin lahaayeen
nolol maalmeed qoysaskooda oo ugu xamaalan lahaayeen, iyo kuwa kale oo niyad
jabsanaa.
Haddaba, su'aashu waxay tahay
maxaa DFKMS ay ula wareegaysaa ciidamada?
Askari aan weydiiyey su'aashaas oo
magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo ayaa sheegay, in ay tahay ujeedo fog oo
DFKMS ay leedahay, wuxuuna ku macneeyey in ay DFKMS rabto sidii ay isugu fidin
lahayd dhamaan Soomaaliya iyo in ay si toos ah u maamusho amaanka DGPL oo uu
horey u sheegay taliyaha Booliiska DFKMS Cabdi Qaydiid mid ay wali ku hoos
gabanayaan "haraagii maxaakiimta" oo uu yiri, anagu waanu soo dhamaynay xagayaga
argagixisadii balse waxay wali ku harsan yihiin Puntland, askarigaan ayaa yiri"
waxaan umalaynayaa maadaama DFKMS ay nala wareegto in ay tahay arin culus oo
shakiweyn nagu beertay.Askarigaan wuxuu leeyahay waxaanba la yaabanahay! " in
lacagtii shalay nalaga siin waayey Puntland dhaqaalaheeda ay maanta DFKMS naga
siinayso gacanta Cadde Muuse, ninka see wax ka yihiin???
Askarigaan ayaa sheegay in lacagta
mushaahaarka ah laga siinayo gacanta Puntland oo saamiga ay qaadan jirtey
canshuurta ah, wixii ka dhimanaadana ay kabayso DFKMS , basle buu yiri ma aqaan
sida ay u kabayso, malaha waxay mar kale ka qaadaysaa DGPL wixii is-dhima.
Sarkaalkaan oo , aan weydiinay
sida ay u arkaan in lagu wareejiyo DFKMS ayaa yiri" waxaan filayaa awal waxaanu
haysanay nabad balse mushahaar ma aanu qaadan jirin , hadda se waxaa naloo wadaa
"NAAR"' oo uu ula jeeday waxa ka dhacaya Muqdisho. Sarkaalkaan ayaa sheegay in
ka dib markii la soo cunay ciidamadii DFKMS ee Koonfurta joogay hadda loo soo
jeensaday ciidanka kaydka ee DGPL, waa siduu hadalka u dhigaye.
Sarkaalkaan waxaa uu ii sheegay in
Cadde Muuse uu kasban waayey ciidamada, hadana uu rabo in uu DGPL xoog ku sii
haysto, waa yaab! , Cadde waxba kagama duwana Jaamac Cali Jaamac , xagga
ciidamada oo berigii kasban waayey balse waxaa ciidanka kasbaday C/laahi Yuusuf
Axmed ayuu ku soo geba-gebayey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa cad
in haddi ciidamada D/wiishta DGPL lagu wareejiyo DFKMS ay keeni karto shaki ay
qaado Somaliland oo seexan weysa habeen iyo maalin, waayo xuduudaha ayaa muran
ka taagan-yahay arintaas oo laga duulayana waxay fududayn kartaa in la qabsado
Somaliland iyadoo loo kaashanayo Itoobiya iyo Diyaaradihii Maraykanka ee
dul-heehaabayey beryihii danbe oo dhan.
Sidoo kale waxaa cad in DGPL uu
yahay gobol, Cadde Muuse-na uu yahay gudoomiyiihii gobolka, Cabdullaahi Yuusufna
uu wali dusha ka xukumo Puntland, shacabka Reer Puntland-na uu ka baqayo in loo
adeegsado Tigreega sida shacabka Muqdisho ku dhaqan oo kalena loo galo, sidaas
ayeyna ku aamusan yihiin iyagoo yaaban waayo waxba looma reebin ciidan, lacag
iyo magactoona amaba xoriyad-toona, wiil afka taagaya oo isku qanacsan sidii loo
dhiibay furihii Janada ayaana dhowr jeer ka hor hadda hor istaagay horumarka
DGPl oo yiri anigaa xukuma heshiis aanan saxiixina ma soconayo.
Amoore-Garoowe-Puntland
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

