WAREYSI: XILDHIBAAN MAXAMED C. YUSUF OO KA SOO
LAABTEY CASMARA
Maalmo ka hor waxaa magaalada Casmara ee dalka
Ereteriya ka soo laabtey Maxamed Cabdi Yuusuf, oo ah siyaasi waayo arag ah,
muddo dheerna siyaasadda ku soo jirey. waxaana ka wareystey isaga oo jooga
Magaalada london xaaladda dalka, hawlaha ay wadaan, wixii u qabsoomey iyo Arimo
kale waxaana ugu horreyn weydiiyey:
S: Ugu horreyn aan ku billaabo ma ka
tanaasushey xilkii Xildhibaanimada, mar haddii la idinka saarey Golaha
Baarlamaanka?
M.C.Yusuf: Weli xildhibaanno ayaan nahay,
xildhibaannada dhabta ahna waa innaga, waxaan Xildhibaan ahayn qofkii ka leexdey
wixii uu u soo dhaartey ee ah qarannimada dalka iyo midnimada dadka,
Xildhibaankii danaystey ee ogolaadey inuu isticmaar ku hoos shaqeeyo waa qaa’inu
waddan danayste ah.
S: Muddo afar bilood ah ayaad ku sugnayndeen
magaalada Casmara ee dalka Ereteriya, maxaad ka qabanaysaan halkaas? Maxaase
idiinka qabsoomey?
M.C.Yusuf: Joogitaankayaga Casmara laba
arrimood ayaa ugu waaweynaa, ka wada tashiga qorshaha dambe ee sidii dalka loo
xoreyn lahaa hawl-maalmeedkayaga oo ahaa ka shaqeynta xaaladda markaas taagnayd
ee qabsashada dalka iyo duullaanka Itoobiya oo aan beesha caalamka gaarsiinno
taasna guul baan ka gaarney oo bulshada Caalamka oo dhan waa aan la kullaney
qoraallo badanna waan soo saarney. Waxa kale oo aan ka shaqeynay sidii dadka
Soomaaliyeed inta diidan gumaysiga sidii la isugu keeni lahaa, taasna meel
fiican ayey mareysaa oo waxa hadda la diyaarinayaa in lagu urur siyaasadeed oo
lagu mideysan yahay oo dalka ka xoreeya cadawga haysta.
S: Yaad ka tilmaami kartaa wakiillada beesha
caalmaka ee aad la kulanteen?
M.C.Yusuf: Waxaan la kullaney mas’uuliyiin ka
socotey QM, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo wakiillada iyo
diblomaasiyiinta dawlado badan oo shisheeye oo aan dhammaantood uga warbixinney
xaalladda dalku uu ku jiro.
S: Beesha Caalamka iyo wakiillada dawladaha
shisheeye ee aad la kulanteen ma waxay idiin aqoonsan yihiin ama idiin kula
kulmeen adinkoo ah Xildhibaanno?
M.C.Yusuf: magac Xildhibaannimo iyo annaga oo
ka wakiil ah dadka iyo dalka ayey nagula kulmayeen, waa ay aqoonsan yihiin
inaannan ahayn dad la ruqsayn karo markii la doono, waxayna ogyihiin inaan
diiddannahay waxa dalka ka socda.
S: Ururka aad carrabka ku dhufatey oo dhowaan
lagu dhawaaqi doono yaa ka qayb galaya ama ka mid noqonaya?
M.C.Yusuf: Soomaali oo dhan cid laga reebayaa
ma jirto, haddaan la helin urur dadka isu keena oo mideeya dalku ma xoroobayo,
midnimo ayaa loo baahan yahay.
S: Idinka oo xildhibaanno ah inaad urur
siyaasadeed gashaan soow ma saamaynayso Xildhibaannimada aad sheeganaysaan?
M.C.Yusuf: Innaga in dalka la xoreeyo ayaa
mudnaanta inoo ah, Xildhibaannimada taas ayaa inooga muhiimsan. Ururkaas iyo
xildhibaannimaduna isma diidayaan oo dadlka iyo dadka loo shaqeynayo ayey qayb
ka tahay.
S: Kooxdiinna xildhibaannada ah ee labaxdey
Baarlamaanka xorta ah waxa aad joogtaan Casmara intii kalena Baydhaba, ma kuu
muuqataa qaab aad isugu iman kartaan oo Baarlamanaanka dib loogu mideyn karo?
M.C.Yusuf: Baarlamaanka waxaa lagu mideyn
karaa in cadawgu dalka ka baxo, Soomaalina ay isu soo noqoto. La qabto shirweyne
Soomaaliyeed oo ay ka soo qaybgalayaan Maxaakiimta, Bulshada rayidka ah, aqoon
yahaniinta iyo Salaadiinta dhaqanka, haddii taas la waayana la huri maayo in
dagaal loo galo sidii dalka loo xoreyn lahaa.
S: Baarlamaanka Baydhaba jooga soo weli
mushaharro ma qaataan maadaama ay iyagu dalkii joogaan?
M.C.Yusuf: Maya, waa horaa ugu dambaysey. Wax
ay helaan ma jirto, waa laga joojiyey. 3 jeer ayuu Kenya isaga daba noqdey {Sh.
Aadan Madoobe} Hay’adihii wax bixin jireyna waxay Mushaharradii iyo gunnadii
Baarlamaankaba saldhig uga dhigeen Baarlamaan mideysan in la helo.
S: Maalin ka hor Melez Zenawi waxa uu sheegey
inuu ka noqdey qorshihii uu ciidamadiisa dalka ugala bixi lahaa, dagaallada ka
socda Muqdisho darteed?
M.C.Yusuf: Melez Zenawi hadalkiisa lama qaban
karo, wax run ah ma yaqaanno. Ciidamadiisuna dalka uma imanin inay dadka
Soomaaliyeed wax u qabtaan oo ay iska tagaan ee waxa ay u yimaadeen inay
qabsadaan, weligoodna tegi maayaan illaa ay arkaan dadka oo inta u midoobey iska
dhicinaya. Baryona ma ahan oo cadawga qasab baa dalka looga saarayaa.
S: Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in ciidamo
bedela horta la helo inta aysan dalka ka bixin, haddii kale xaaladdu halkeedii
ayey ku laabanaysaa, sida ay ku doodayso?
M.C.Yusuf: Itoobiya horteed dalku nabad buu
ahaa, dhibaato iyada ugama horreyn, inta ay joogtana dalku dhib ka bixi maayo.
Weligeedna iyada ayaa dalka dhib ku haysey, dhibaato aan iyada ahayni ma jirto.
S: Dalal badan oo caalamka ah ayaa arrintaas
qaba, in horta ciidan bedela la helo?
M.C.Yusuf: Caalamku waxa uu qabo iyagay
jirtaa, innaga waxaa na xukuma xaaladda dadkeennu ku jiro.
S: Ma kuu muuqataa qaab lagu badbaadin karo
dawladda KMG ah xalna uu ku imaan karo?
M.C.Yusuf: Dawlad la badbaadin karo oo dal wax
u qabnaysa iima muuqato. Nimanka madaxtinnimada sheeganaya ehel uma ahan
xukunka. Dembiyo waaweyn ayey galeen, kumannaan dad ah ayaa dhiiggooda la
daadiyey, kummaanna waa la barakiciyey. Cadawgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya
ayey dalka ku soo hoggaamiyeen. Ma ahan dad qaranka lagu aamini karo. Iyaga iyo
isticmaarkii ay keeneen isku waddo inay maraan ayey ku habboon tahay.
S: Caalamku waxa uu qabaa in Hay’adaha qaranku
aysan burburin sida Baarlamaanka iyo Dastuurka laakiin xukuumada la ballaariyo
qaabkaasna dib u heshiisiinta loo maro?
M.C.Yusuf: Hay’adaha qaranku waxa ay burbureen
markii dalka la qabsadey. Axdiga Qaranka waxaa uu dhigayaa madaxbannaanida dalku
waa muqadas. Waa lagu tuntey taas oo waa la tuurey, wax la jeex-jeexey ayey la
mid tahay. Baarlamaankuna cadow ayuu ku hoos jiraa oo xor ma ahan.
S: Adinku waxa aad joogtaan Ereteriya, oo lagu
eedeeynayo inay dhibaato Soomaaliya ka waddo
M.C.Yusuf: Taas qof aan wax kala garan karin
ayaa loogu sheekeeyaa. Ereteriya maxay ka rabtaa Soomaaliya? Inay Soomaaliya
qabsato oo gumaysato miyey rabtaa, sida Itoobiya? Waa dal xornimadeeda u soo
halgamay, saaxiibna la ah dadka Soomaaliyeed oo garab taagan si ay isaga
xoreeyaan isticmaarka xabashida. Itoobiya waxay doonaysaa inay nagu darsato
dalka ay gumaysato. Dawladdaanina waa shaabad ay ku xalaalaysanayso. Dalka
Ereteriya isku qaddiyad ayaan nahay Gumaysi iyo dhib ayey soo mareen. Waa meel
Soomaali lagala jiro ee ma joogno meel Soomaaliya looga soo duulo. S: Ereteriya
hub miyey siisaa kooxaha ka dagaallamaya Soomaaliya?
M.C.Yusuf: Ereteriya qaddiyadeenna ayey ka
hadashaa, hub iyo dhibaatona uma soo dhoofiso. Waxa hore loo sheegey in 2000 oo
askari ay Soomaaliya ka joogaan, hal askarina waa laga waayey. Ereteriya hub
ayey keentaana waa been abuur kale oo loogu cudur daarayo haysashada Itoobiya ee
dalka.
S: Dad ayaa soo jeediyey in dawladda KMG ah
qudheeda aysan xor ahayn oo dalka xukuumad iyo shacbiba la wada haysto, marka ma
ka fekerteen in wada shaqeyn aad la yeelataan si aad xalka u wada raadisaan,
adinkoo isku dhinac ka soo jeeda?
M.C.Yusuf: Waa la haystaa, oo wiilasha
Tigreega ah yaa sidey doonaan ka yeela. Iyaga ayaa is moodsiiyey in Xabashi wax
u tarayso. Dabadhilif marka danta laga leeyahay laga gaaro waa la tuuraa.
Iyaguna niman ka soo noqdey qaladkoodii ma ahan oo weli waa ku sii indho-cad
yihiin. Wax sharaf ah oo ay leeyihiin ma jirto, Itoobiyana ninba nin ayaa uga
hooseeyaa oo marba ninkii ay doonto ayey mid kale ku bedeli doontaa.
S: Maalmo dhoweyd dad muctarif ka ah magaalada
Muqdisho ayaa qaarna la qabqabtey oo la xirey qaarna guryahooda si aan haboonayn
loo baarey?
M.C.Yusuf: Ujeeddo ayaa arrimahaas oo dhami u
dhaceen, waana in Soomaali cidna aan la dhaafin oo la bah dilo, sharafteedana
meel looga dhaco. Dadka xadgudubkaas lagula kacayna waxaa ka mid ah
Madaxweynihii hore C/qaasim. Qof Alle iyo qofkii ay is yiraahdaan waxaan waa
diidan yahay in la ciqaabo oo la handado ayaa loola jeedaa.
S: Shirka dib u heshiisiinta Qaran rajo fiican
ma ka qabtaa? Adinkuse ma ka qayb galaysaan?
M.C.Yusuf: Shirka meel dhexdhexaad ah oo dadku
uu xor yahay inuu ka dhaco ayaa lagama maarmaan ah, ajanduhuna ahaado wax la
isku raacsan yahay.
S: Shir guddoonka shirku qaabka ay
qabanqaabadiisa u wadaan ma ku qanacsan tihiin?
M.C.Yusuf: Shir Gudoonka nimanka Xamar jooga
ayaa magacaabey, marka marna kalsoonideena ma helayo.
S: In xubno aad ku soo darsataan Shir-guddoonka
miyaad doonaysaan mise in laba shir guddoon la sameeyo?
M.C.Yusuf: Waxaan qabnaa in dadka
shir-guddoonka noqonayaa ay ahaadaan dad dhexdhexaadnimo lagu soo xuley oo guud
ahaan dadka Soomaaliyeed kalsooni ka haysta oo aan lagu tuhmi karin inay
isticmaarka u adeegayaan.
Waxaa Wareystey
C/qaadir Guutaale
guutaale99@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

