JACOB ZUMA OO DACWAD MUSUQ LAGU SOO OOGEY, IYO TAAGEERAYAASHIISA OO DOWLADU
KU EEDEYNAYA SHIRQOOL SIYAASADEED.
TODOBAAD UUN KADIB MARKII SI AQLABIYAD AH UGU GUULEYSTEY MADAXWEYNENIMADA
XISBIGA TALADA HAYA K/ARIKA ANC, AYAA JACOB ZUMA WAXAA LAGU SOO OOGEY DACWAC
MUSUQ IYO WAX IS DABA MARIN AH___WAQTIGA DACWADA LAGU BEEGEY, WAQTIGA MAXKAMADA
LOO BALAMIYEY OO SU'AALO KEENEY??
Jacob Zuma, 62 jir, waa madaxweynaha xisbiga talada haya dalka K/Afrika, ee ANC,
xilkani oo uu kaga guuleystey todobaad ka hor doorasho dhacday madaxweynaha
dalka ee Thabo Mbeki ayaa shalayto gurigiisa Johansburg la geeyey waraaqihii
lagu wargalinayay in lagu soo oogey dacwad musuq ah, oo maxkamadeynteedu loo
balamiyey bisha 8aad ee sanad 2008. sida uu sheegey garyaqaanka Zuma Mecheal
Hulley, waraqadahan ayaa waxaa keeney xafiiska garyaqaanka ee hey'ada garsoorka
ee la yiraahdo NPA (national proscuting authority),
Dacwadanai ayaa ah laaluush, musuq iyo lacago si qaldan loo xawiley, iyo guud
ahaan wax is daba marin, dacwadani ma ahan mid cusub, sanad ka hor ayaa
dacwadani maxkamad eey ka saartey diiwaankeeda ka dib sanado eey Zuma maxakamad
ku socotey balse eey saraakiisha garsoorka keeni waayeen cadeymo ku filan oo
Zuma lagu xukumi karo, hase yeeshee hey'ada sirdoonka iyo howlgalada qarsoodida
ah ee sida FBI maraykanka oo kale dalkani ah ee la yiraahdo SCOPION (DIB
QALOOC), ayaa waxay billo ka hor u dhacday dhismooyin uu lahaa Zuma iyo
garyaqaanadiisa oo eey si sharci daro ah oga soo qaateen tukumiindiyo eey
sheegeen in eey cadayn u yihiin dambiyada lagu eedeynayo Zuma, arrintaasi oo
garyaqaanada Zuma eey maxkamad la koreen , hase yeeshee maxkamada sare eey
xukuntay in NPA eey isticmaali karto cadaymaha eey heyso, taasoo aheyd bilowga
maxkamadaytan cusub ee Zuma lagu bilaabayo.
Taageerayaasha Zuma ee kala ah ururka shaqaalaha ee COSATU, iyo ANCYL iyo
xisbiyo kale oo badan ayaa ku sheegey dacwadan cusub ineey tahay wax lasoo
maleegay, oo la doonayo in lagu sharaf rido Zuma si looga hor istaago in uu
madaxweyne ka noqdo dalka sanada 2009ka, waxayna intaasi ku dareen in hey'ada
garsoorka eey tahay mid ku shaqaysa afkaaro siyaasadeed oo dad gaar ah eey
leeyihiin (taasoo laga fahmayay ineey ula jeedaan Mbeki), isla markaasna eeysan
ku taagneyn wadadii sharciga aheyd ee dastuurka.
Arrinta ugu muhiimsan ee laga didey ayaa aheyd waqtiga dacwada lagu soo beegey
oo ah 10 maalmood ka yar markii uu guusha xisbiga heley, iyo sidoo kale xiliga
maxkamada loo balamiyey oo 8 bilood ka horeysa xiliga eey dhacayso
doorashooyinka madaxtinimo ee 2009-ka eee la filayo inuu isagu ku guuleysan
lahaa hadii dacwadani aan meesha la keenin, maaadaamaa waqtiyadan lala eegtey
dacwadiisa eey hubanti tahay in uu jiro shirqool siyaasadeed oo xilka looga hor
istaagayo, waa sida eey sheegey dadka isagu taageersan.
Hey'adani garsoorka iyo tan sirdoonka iyo howlgalada qarsoodada ah ayaa in
dhawaalaba waxaa lagu eedeynayay ineey yihiin labbo hey'adood oo madaxweyne
Mbeki u samaystay in uu ku dhibaateeyo dadka eey siyaasad isku hayaan sida Zuma
oo kale, arrintaasna waxayt cirka isku sii shareertay markii bilo ka hor
garyaqaankii guud ee NPA uu waaran xrig u jaray Jakie Selebi oo ah taliyaha
policek dalka dacwad la xariirtey xariir la sheegey inuu la leeyahay mafiyoska
aduunka iyo gaangiistariinta galbeedka ee ka ganacsada koontarabaanka sida
daraagiiska oo kale, hase yeeshee shaqadii uu madaxweynuhu ka eryay xeel
ilaaaliye Vusi Pikoli , ka hor inta aanan ba lasoo xirin Selebi (oo sidoo kale
ah madaxweynaha INTERPOL, policeka aduunka), eryidaasi xeer ilaaliyaha waxaa loo
qaadey in Mbeki uu difaacayo saaxiibkiis eey isku kooxda ka yihiin xisbiga
talada haya ee ANC , iminkana waxaa dalka xeer ilaaliye ka ah nin si kumeel gaar
ah uu Mbeki u magacaabey, taas ayaa keeneysa in laga shakiyo daacadnimada NPN
iyo SCOPION.

Madaxweynaha ANCThabo Mbeki (bidix) oo u
mhambalyaynaya madaxweynaha loo doortay ANC ee Jacob Zuma - Sawirka:
Reuters |
Jacob Zuma oo dad badani eey naqdinayeen ayaa muujiyey mug iyo miisaan hogaan
wanaaagsan, kadib markii si layaab leh uu kaga hadley qudbadii ugu horeysay ee
uu jeediyey kadib doorashadiisii, wuxuu ka hadlay mideyta xisbigiisa labad garab
u ka;la jabay ee garabkiisa ey guushu raacday, oo mar uu ka hadalayay xariirka
ka dhaxeeya isaga iyo Mbeki oo uu ka reeyey, si weyne loo faafiyey in
xariirkoodu uu burburey, ayuu yiri (MBEKI, MY BROTHER, MY COMRADE, MY FREIND,
AND OFCOURSE MY LEADER=MBEKI WAA WALAALKEEY, DHIGEYGA, SAAXIIBKEEY, IYO DABCAN
HOGAAMIYAHEEYGA). Intaasi markii eey afkiisa kasii dhamaaneysey ayaa kumanaan
ergey oo goobtii lagu doortey joogey mar kaliya qoob iyo qeylo isku dareen si
farxadeed. Zuma ayaa sidoo kale sheegey ineeysan jiri doonin isbedel xagga
dhaqaalaha oo beeniyey warar been ah laga faafiyey.
Zuma, halyey soo halgamay, 10 sano ku xirnaa jasiirada Roben island, inta badan
cimrigiisa ku qaadey galgankii loo galay ka xoreyta K/Afrika nidaaamkii midab
takoorka, kuna biirey ANC isagoo 17 jir ah, kana soo jeeda qowmiyada ugu tirada
badan dalka ee boqortooyadA leh ee ZULU, ayaa maxkamadeyntiisu waxa eey hubanti
la'aaan ku keeneysaa degenaanshaha dalkani afrikacka ah ee dhaqaalihiisu la mid
yahay wadamo qaarkood ee qaarada Europe, eeysana jirin wadan afrika ku yaala ee
laa dhaqaale ekeeya, markii uu ANC madaxweyne u noqdeyna dadkii hambalyada iyo
goobaadinta u direy waxaa ka mid ahaa aabaha qarankan ee NELSON MANDELA oo Zuma
ku sheegey halyeey taariikhda baal dahab ah ka galay.
c/nasir axmed sh. bashir,( saxansoxo),
Email: saxansoxo1@HOTMAIL.COM, Tell: +27767059384., johansburg south africa.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007
Dareenka Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC,
Zuma...
Soomaalida dalkani Koonfur Africa ku nool ayaa si weyn u aaminsan in Zuma uu
ka saari doono dalka, ganacsiyadodana ku wareejin doono dadka dalka u dhasahy,
hase yeeshee ra'yigaasi ma ahan mid hubanti ah, mana jirto cid si rasmi ah
arrintaasi u shaacisey, dadka Zuma taageerana waxay leyihiin waa dacayad laga
faafiyey, hadaba aan dib u yara eegno hal qodob oo qeer sheeg ah. AKHRI....


|