Puntland: Puntland oo heshay Wasiir wata magac
cusub (Wasiirka sicir Bararka)
Wasiirka Sicir Bararka puntland ayaa waxaa noqday wasiirka maaliyada Maxamed
Cali yuusuf gaagaab kaasi oo ku helay magacaasi "qaaliga" ah haynta uu hayo
jagada wasiirnimada ee Maaliyada kagadaal markii wasiirkaas laga waayay
mushaharkii ku waajibay wasaaradiisa oo ay u xilsaarnayd bixinta
mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada kala gadisan ee puntland wasaradaasi
maaliyada iyo iyadoo dhinacakalena wasiirkaasi kenay sicir barar dhaqaale
kadib qiimihii sarifka doolarka oo cirka isku shareeray kadib markii
wasiirka maaliyada DGPl Gaagaab uu dalka soo galiyay lacago Been abuur ah
isla markaana u suurta galiyay wasiirka maaliyada in uu gacanta ku dhigo
helitaanka doolarkii soo galay dalka 2sano ee ugu danbeeyay isaga oo
wasiirkaasi isticmaalaya xaalada cusub oo ah been abuurka lacagaha Falsadaha
kuwaasi oo uu dalka kuharqiyo isaga oo, sida la rumaysan yahay, keenay
makiinadaha falsada sameeya magaalooyinka Galkacyo, Qardho, Carmo, iyo
Bosaso.
Dhamaan Magaalooyinkaas ayaa noqday kuwa si
xawli ah loogu sameeyo lacagaha been abuurka ah ee ay xukuumada puntland sida
wayn ugu harqisay deegaanada Puntland ladii sano ee ugu danbeeyay, dhamaan
lacagahaas la soo sameeyo ayaa si fudud ku soo gala suuqyada Puntland iyaga oo
lagu badalanayo doolarka si ay lacagtaan Falsada ahi u socoto mana jirto cid
diidi karta oo waaba sanka galis waayo waa wax laga baaraan dagay oo marka ay
soo baxaan lacagtan falsada ah ayaa loo qaybiyaa Ciidamada Daraawiishta iyo
shaqaalaha dawlada si ay u galiyaan suuqa iyaga oo looga dhigayo Mushahaar ka
maqnaan mudo kabadan 9 bilood ah lana siinayo 3 kamid ah bilaha badan ee ka
maqan kuwaasi oo hadana sii galaafta maqnaanshaha mushaar kale oo gaaray 9
bilood xiligaasina ay keentay in sidii oo kale lasiiyo 3 bilood oo ah lacag
Falso ah.
Wasiirka Sicir Bararka ee Puntland ayaysan waxba ka dhimin waji gabaxa uu maalin
walba kala kulmayo dadwaynaha puntland isaga oo markii uu qabtay jagada
wasiirnimda ee puntland uu $100-ka dollar uu marayay 1400 sh, so, maantana $100
dollar uu marayo 1800 sh, so, ah farqiga wayn ee u dhaxeeya qiimaha sarifka
maanta iyo xiligaas ayaa ah 400, sh, so kaasi oo aan caqli gal ahayn in koror
intaa la eg uu ku darsamo sarifka dollarka wadan dadkiisu ay maalintii ku nool
yihiin wax kayar hal dollar.
Si kastaba xaalka dhaqan dhaqaale ee puntland ayaan xiligin wanaagsanyn iyada oo
ay jiraan is badalo waawayn oo ka muuqanaya dhaqaalihii puntland oo uu ku yimid
hoos u dhac wayn kaasi oo si looga soo kabtaana ay adagtahay ama ay qaadan karto
sanooyin badan.
Ilaa iyo iminka ma muuqato Maal gashi ay wadaan kooxo ama shirkado ajaanib ah
iska daa cid cusub oo ku soo biirta mandaqada puntland iyaga oo ku samaynaya
maal gashiye kuwii daganaa ayaa waxaa ku yimid waxa looo yaqaano barakaca
dhaqaale iyaga oo eeda barakacaasina dusha ka saaraya xukuumada puntland oo
noqotay mid dhaqaale doon ah oo aan dan iyo heelo kalahayn dadka iyo dalka.
NInba dhan u badi wakhtiga ayaa is guraya taariikhduna waa ma guurto xusuustuna
waa ma hadho maqalka iyo araga dhagaha wax if tinishiyo maskaxdaa ah kuwa ay ka
curtaan himilooyinka horumarineed ee dal soo koraya.
Taariikhdaa qormaysa Nin waliba waxqabadkiisa iyo xeeshiisaa lagu xasuusan
doonaa Geedkaad yaraan ku beertaad waynaan ku harsataa, waarimayside Magac ha
kaa haro.
"Arrintii Baargaal
Waxay ahayd Xaalad-Abuur mushtamaca lagu jahwareerinayo" RPP
A/rizak aadan Koronto
Garowe Puntland Somalia.
tell: 002525748434
Jun 6, 2007
Jariidada Telepraph oo Qoraal ka qortay
Dhacdadii Baargaal
.Daahir Riyaale oo Itobiyanku Ku
Baareen Garoonka Hargeysa
.Qarax Xalay ka Dhacay Wersheddii
Caanada ee Muqdisho
.Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay
Somalia
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... June 4
Wararkii ugu DHacdadii Baargaal:
oo
aanu ku helayno isgaarsiinta nooca loo
Taarka ayaa
Akhri
|