Madaxtinimo Dumar, Rabbi Waa Diiday
W/D:Iimaan Max’ed Jimcaale
E-mail: Iimaan123@hotmail.com
“Taariikhdu dadkay wax bartaa” Qof haddii uu buug ka
akhriyo wanaag uu sameeyay mid kamida dadkii sanado ama qarniyo kahor
soomaray dunida waxaa la arkaa in qofkaasi ay ku dhalato in uu kudaydo
oo uu isyiraahdo samee waxa qofkaasi uu sameeyay, sidoo kale haddii uu
qof akhriyo xumaan uu sameeyay mid kamida dadkii iyana soo maray dunida
waxa macquula in qofkaasi ay u noqoto wax u ku cibro qaato oo haddii
xitaa uu ku tala jiray in uu sameeyo fal xumaan ah waxaa u sawirmaya
haddii uu sameeyo wixii cawaaqib ah ee uu lakulmayo markaana ay ku
dhalato in kuu isaga laabto
Waxaa jira kutub ay qoreen mashaa’ikh waaweyn sida
shiikha Ibnu xajar Al-casqalaani iyo kuwo kale, waxayna inta badan
kutubtaasi oo ah taariikh uga hadlaan marxaladihii kala duwana ee ay soo
martay Diinta Islaamka iyo shakhsiyaadkii ugu firfircoonaa ee fidinta
diinta kaalin mug leh ka qaatay sidoo kale kama marna dibindaabayadii ay
ummaadd muslimiinta ugeysten qab-qablayaashii mushrikiinta ahaa sida
Fircoon, Haamaam, iyo Namruud oo iyaga taariikhdkooda Alle ku xusay
Kitaabka qur’aanka kariimka, sababta keentay in lasoo bandhigo
taariikhdana waa in lagu daydo haddii ay wanaag muujiyeen kuwa laha
hadlayo haddiise ay xumaan kagatageen dunida in laga foojignaado,
Haddaba iyadoo ay sidaa jirto walibana anigoo ogsoon faa’iidada ay
leedahay soo bandhigidda taariikhaha ayaa isku dayay in aan wax ka qoro
taariikhdii Umu-Aanmaar oo kamid ahayd hawenkii gaalada ahaa ee colaadin
jiray Nabi Muxamad (nnkh)
Qoon ay tima-dheer madax u tahay ayaan jecleystay in
aan kaashado hayeeshee waxaan ka waayay kaalintii aan ka sugayay,
maadaama aan horey uga mid ahaa dadka xiriirka wanaagsan laleh duulkan
Rabbi uumay, Cudurdaarka ay u yeeleen diidmada soobandhigidda taariikhda
islaanta xun ee xakaarisay xabiibkii ilaahay (nnkh) ee Umu-Anmaar, waxay
ahayd (Nooma wanaagsana in aan
ka hadalno Umu-Anmaar iyo wax ku saabsan!!)
Waa yaab mana yara haddii ilaahay Kitaabkiisa Jaamaca
ah uu ku soobandhigay Fircoon iyo faah-faahintiisa, Qaaruun iyo
qab-weynidiisii, Umu-Anmaarna la siiday taariikhdeeda in lagu soo
bandhigo Jaraa’ida ay akhristaan dad gaara, waxaan goor dambe ogaaday in
arrintan loo sameenayo raalli galin dad sida la xaqiijiyay ah shaqaale
reer galbeed, waxayna adeegayaashani gateen diintooda iyagoo siistay
waxay dhuunta mariyaan, Min-Xafiis fadhiye ilaa Dhul-Xaaqe waxay
adeecaan oo ay si degdeg ah u fuliyaan awaamiirta islaanta ugu sarreysa
qoomkan, inkastoo Ilaah uu nafaray waliba uu waajib uu waajib nooga
yeelay in la’adeeco awaamiirta ay bixiyaan madaxda haddana ilaah nama
uusan farin in hoggaanka ama madaxtinimada loo dhiibo Dumarka, waxaase
baryahan dambe nasoo salaamay dhaqamada reer galbeedka ee ah in
mudnaanta Koowaad ee xagga madaxtinimada lasiiyo dumarka, tiiyoo waliba
reer galbeedka ay ku bixiyaan qarashaad farabadan xulashada tima-dheer
si loogu daydo, madaxna looga dhigto, waxaanse hubaa oo aan aaminsanahay
in aysan sii socondoonin madax kayeelashada dumarka, wax walibana waqti
ayay leeyihiin oo soomaalidu waxay tiraahdaa Xumbo iyo Xiisaba way
dhacaan, marbaa la arki doonaa dumarka iscajabiyay ee ku sigtay Kufriga
iyagoo dhulka yaal (Is-cajabin waa kufri hooyadii)
Nabi Muxamad (nnkh) mar uu ka hadlayay mas’uuliyad
noqoshada dumarka wuxuu ku soo koobay “Haweeneydu waxay waxay mas’uul ka
tahay oo wax laga weydiinayaa aqalka ninkeeda oo kaliya” Rabbina intaa
ka badan ma’uusan amrin Rasuulkiisa, mana noqon karto mas’uulka koox
kale oo ka baxsan Guriga ay hooyada ka tahay, amuuraha dibaddana waxay
ku koobanyihiin ragg oo kaliya, sida uu alle nafaray in aan khilaafno
marka Eebbena waa shay kufrinimo nagu hoggaaminaya ee aanu ku dadaalno
sidii aan u noqon lahayn Mu’miniin dhan ah, dadka naga aqoonta yarna
aan wax u bari laheyn.
W/D:Iimaan Max’ed Jimcaale
E-mail: Iimaan123@hotmail.com