SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa ka-micna ah ayaa na marin-habaabineysa..! 

     Haddii lagugu  marti-qaado  in aad ka soo qayb-gashid Xaflad, maxaa Haddiyad ah oo aad Gacanta ku sii qabsanaysaa, si aad u geyso goobta ?..Goorma ayaad tagaysaa Xafladda ?...Sidee ayaad ula mucaamilaysaa Alaabada saaran Miiska hortaada yaalla ?..Waa sidee habka ugu wanaagsan ee loo fariisto ?!!...Waa sidee habka Hadalku ?!!.

     Haddii aad booqanayso ruux aad qaraabo ama Saaxiib tihiin, sidee ayaad u garaacaysaa Albaabka Aqalkiisa ?.. 

     Haddii aad Suuqa wada mareysaan ruux Dumar ah, habkee ayaad ula soconeysaa ?, siiba marka aad wada fuuleysaan Jaran-jaro ama aad ka soo wada deganeysaan ?!!. 

     Dhammaan Su'aalahaasi iyo kuwa kale oo badan oo la nooc ah, waxaa ay u muuqanayaan kuwa iska fudud, oo aan micna sidaas ah lahayn. Hase yeeshee, waxaa ay leeyihiin Jawaabo  iyo Qawaaniin saldhig ah oo loo yaqaanno "Protocol". 

     Eraygaasu, wuxuu  kaloo  leeyahay micnayaal  kale oo ay ka mid yihiin:-"Tactics"(Xeelado), Hab-maamuus, Heshiis iwm. 

     Mr."Riham Mazin", oo arrintan wax ka qoray, ayaa waxaa uu leeyahay:-" Inkastoo hadda ay isku dhabaqday, oo aanan sidaas loo tixgelin qawaaniinta Protocol-ka, haddana waa in aynu Aqoon-ahaan u dhuuxnaa oo u qaadannaa".

     Wuxuu kaloo yiri " Mazin:-"Protocol:- waa hannaanka dad la dhaqanka wanaagsan ama waa wax kasta oo fiican samayntood".

Tusaale:-(a) Haddii aad ruux ku marti-qaadeyso in uu kula soo qadeeyo Khamiista, kuma filna in aad tiraahdid: ila soo qadeey Khamiista.Waxaase loo baahan yahay in aad tiraahdid:- maalinta Khamiista ah, oo ay taariikhduna tahay(intaas),, Saacaddu marka ay tahay(intaas), meeshuna waa(halkaas). 

     (b) Ruuxa la marti-qaaday waa in uusan goobta cazuumadda sii tagin ka-hor saacaddii loo qabtay; waayo, waxaa suuragal ah, in meesha laga sii shaqaynayo. Sidaas oo kale, waa in uusan ka dib dhicin 10-daqiiqo ka badan. 

      (c) Haddii aad booqaneyso oo aad tagtid Guriga ruux ehel ama saaxiib ah, waa in aad Albaabka saddex goor oo kaliya, si tartiib ah u garaacdid, ama aad mar kaliya si deggan u riixdiid jaraska(Gambaleel). Ha argaggax-gelin dadka Aqalka deggan ee iska nasanaya. 

      (d) Haddii ay Suuqa kaaga hor-timaaddo Haweeney aad is-garaneysaan, ha kula soo boodin hadalka iyo salaantaba, balse waxaad dhowrtaa in ay iyadu ku soo aaddo oo kugu bilowdo salaan, hadal ama gacan-qaad. Waayo, waxaa laga yaabaa in Haweeneydaasu  ay si gaar ah isu ururineyso marka ay suuqa mareyso iyo arrimo kale. 

     Looma baahno in Qawaaniintaas xagga Protocolka ah ama  habka wanaagsan ah la gees-maro ama la yiraahdo.."Maxaa ka micna ah", sida loo badan yahay waayadan is-daba-dhaboolaqa ah. 

     Waxaan Anigu la yaabay: dadka Soomaaliyeed qaarkood, siiba kuwa dhallinyarada ah ee iyagu la soo hana-qaaday sanooyinkaan burburka; In Arrimahaas xagga Protocolka ah iskaba daayee, wax kasta oo si qalad ah ay  ugu dhaqaaqayaan, markii la damco in la saxo ama lagala hadlo, ku jawaaba:-" Maxaa ka micna ah..?!!". Iyaga oo ay isugu mid yihiin "Sax" iyo "Qalad","Samaan" iyo "Xumaan","Fiicnaan" iyo "Fool-xumo" iwm. 

     Maxaa ka-micna ah, waxaa ay gashay oo weliba marin-habaabineysaa Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Diinta iyo Siyaasadda intaba. 

     (1) Dhallinyaro badan oo Soomaliyeed oo dibadaha ku sugan, ayaa markii ay Wax-garadku kala hadlaan in ayan dhinac-marin oo ilaaliyaan  Xuduudaha Diinta, Dhaqanka Wanaagsan, Akhlaaqda suubban iwm. waxaa ay dhallintaasu ku jawaabaan:-"Maxaa ka micna ah..?!!". Waa yaab:- Wiilashii ayaa sida Gabdhaha duranaya Dhegaha. Haweenkii la qabay ee Caruurta heystay ayaa iska eryaya Raggoodii, dabadeedna la xiranaya Kuwa kale oo Gaala ah...!!!. 

     (2) Dhallinyaro aan tira-yarayn ayaa xoogaagii ay soo xoogsadeen, intii ay reerka dib ugula noqon lahaayeen, Suuqa Jaadka la aadaya oo ku qayilaya kistii yarayd...!!!.Jawaabtooduna waa :-"Maxaa ka micna ah..?!!. 

     (3) Nin weyn oo meel ii dhow Masjidka gudihiisa ku tukanayay ayaan iri: Ninyahow marka aad Sujuudeysid, waa inuu sankaagu taabtaa halka aad ku Sujuudeysid. Wuxuu iigu jawaabay:-"Micna ma leh waxaas"...!!!. 

     Tusaalooyinka Arrinkan laga bixin karo ma aha kuwa la soo koobi karo, oo waa Badweyn Gefaf maliiqan ah.  Waxaase iigu sii daran:in kuwa badan oo Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahanno sheeganaya ayaa:- Gobannimadii, Qarannimadii, Waddaniyaddii, Midnimadii iyo Soomaalinimadii  oo la wada baalmarayo amaba toos loo burburinayo, waxay na leeyihiin:-"Maxaa ka-micna ah...?!!!". 

     Waxaan is-weydiiyay: haddii waxyaabaha la wada micna-tirayo oo dhan, loo yeelo micnihii, magacii,maamuuskii, muunadii iyo maqaamkii ay lahaayeen' Dhaqan, Dhaqaale, Bulsho, Diin iyo Siyaasad intaba, sow si sax ah uma aan soconneen ..?!!!. 

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2007 

.SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH
. ERGO: TIX GABAY AH: Ku Socdda Maakhir ::: | Max'ed Xasan
. Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Xaamud

.
Soomaalida oo ay kusoo badaneyso dadka sheeganaya mansabyo

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

cadaadoXaaladda Dadka ka soo Barakacay Muqdisho ee ku sugay Deegaanka Degmada Cadaado ee G/Galgaduud... Akhri... Aug 18

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com