Kolonyo Ciidamada Ethiopia ah Oo Sabtidii
Aroornimadii Lala Beegsaday Weerar Bam Gacmeed .
Aug 25, 2007: Weerarada hubaysan ee lala
beegsanayo ciidamada Ethioopia ayaa kusoo badanaya deegano kamida caasimada
muqdisho taasoo saaka subaxnimadii ciidamo ethiopian ah oo ku sugnaa
deeganka suuqa xoolaha lagu kulmiyey bambooyinka gacanta laga tuuro.
Qaraxyadan bam gacmeedyada ahaa oo ugu yaraan
dhowr qarax ahaa ayaa laga dareemay deeganada suuqa xoolaha iyo kuwa ku dhow
dhow ,qaraxyadaas oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayaa ciidamada ethiopia oo
ahaa ciidamo kolonyo ah oo ka yimid dhinaca xerada Maslax islamrkaana kusii
jeeday wersheda Baastada oo fariisin u ah .
Sidoo kale xaalada amaan ee deeganadaasi oo
badankooda laga barakacay ayaa sababay inay gebi ahaanba istaagaan isu
socodka gaadiidka isaga kala goosha deegankasi suuqa xoolaha iyo weliba
bakaaraha taasoo ay ciidamada ethiopia oo wata gawaarida gaashaaman ay
gooyeen wadada isku xirta suuqa xoolaha iyo suuqa bakaaraha .
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan lagu
tuuray ciidamada ethiopia inkastoo wararka qaar sheegayaan inay qaraxyadaasi
qaarkood oo bam gacmeed ahaa lala beegsaday ciidamada ethiopia tasoo ku dhex
qaraxday.
Badanaaba ciidamada ethiopia ee fariisinkoodu
yahay ex-wershedii bastada ayaa kooxaha diidan joogitaankooda ay la
beegsadaan qaraxyo kala duwan iyo weliba weeraro isdaba jooga oo badanaaba
dhaca waqtiga habeenkii .
Weeraro Hubaysan Oo Habeenkii Xalay ahaa Lagu
Qaaday Hotel Laf-weyn Oo Uu Degan Yahay Maxamed Dheere.
Qaraxyo bambaano ayaa habeenkii xalay ahaa lagu
weeraray hotel laf-weyn ee ku yaala magaalada muqdisho halkaasoo ay dhaawac
kasoo gareen qaar ka tirsan ergooyinka u jooga shirka dib u heshiisiinta
qaran ee ka socda caasimada muqdisho .
Qaraxyadan oo ahaa kuwo gil-giley agagaarka
hotelka laf weyn oo badanaaba ay seexdan qaar ka tirsan masuuliyiinta DFKMG
ah ayaa ahaa kuwo loo adeegsaday bam gacmeedyo islamarkaana la sheegay inay
dhaawacyo kasoo gareen labo kamida ergada shirka beelaha soomaaliyeed ee ka
socda ex-xaruntii hore ee gadiidka booliska soomaaliyeed ee magalada
muqdisho kuwasoo la sheegay inuu dhawacoodu halis yahay .
Sidoo kale sida u saxafada u xaqiijiyey C/waaxid
Max'ed Xuseen oo ah madaxa xiriirka dadweynaha iyo saxaafadda ee ciidamada
booliska ayaa tibaaxay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray labo kamida ergada
shirka oo hoteelka jiifay islamrkaana uusan magacaabin halka ay ka yimaadeen
iyo magacyadooda.
tacshiirad iyo rasaas ayay isweydarsadeen
ciidamada ilaalada hoteelka iyo weliba kooxaha hubaysan ee weerarka la
beegsaday kuwasoo rasaas socotey mudo daqiiqado ah halkaas laga maqlayey
Hotel laf-weyn oo ah hotelada badanaaba ay degan
yihiin masuuliyiinta dowlada KMG ah ayaa hadana wuxuu hoy u yahay
gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magalada muqdisho maxamed dheere .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com