Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Md. Mowliid Macaane Maxamed oo
xilall mas'uuliyiin Isboorti ku magacaabay wareegto.
Waxaa qaybaha kala duwan ee Saxaafada ka hawlgasha Magaalada
Baydhabo la soo gaarsiiyey wareegto uu ku sixiixan yahay Wasiirka Isboortiga
iyo dhalintyarada Mudane Mowliid Macaane, wareegtadaan oo ahayd mid lagu
magacaabayo xilalall Isboorti ayaa waxaa Dhamaan xubnaha GOS, xubnaha
xiriirada Kubada Koleyga iyo dhamaan xiriirada kale ee isboortiga la faray
inay si daacadnimo ula shaqeeyaan ku simaha Gudoomiyaha Xiriirka
Soomaaliyeed ee Kubada koleya iyo mas置uliyiinta sare ee la magacaabay"
Wareegtadaan oo sumadeedu ahayd W Is/190/07 taariikhdeeduna tahay 4/8/2007
ayaa waxa ay u qorneyd sidan:
WAREEGTO WASIIRKA ISBORTIGA & DHALINAYARADA DFKMG.
macagacaabid xilall Isboorti
Wareegto uu ku saxiixan yahay Wasiirka Isboortiga iyo
Dhalinyarada Mowliid Macaane Max置ud uuna soo gaarsiiyay Saxaafada Sumadeedu
tahay W Is/190/07 taariikhdeeduna tahay 4/8/2007 ayaa ku magacaabay
mas置uliyiin Isboorti Qoraalkaas ayaa waxa uu u qornaa sida tan:-
"Mud. Ibraahim Xuseen Cali (Rombo)
Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyed ee Kubada Koleyga
Cc:Intarnational BasketBall Federation (translated copy)
Mud. Cali Xaaji Amiin (Xog-hayaha guud ee X.s kubada
Koleyga)
Dhamaan Naadiga kubada koleyga
Dhamaan Xubnaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada koleyga
Og: Dhamaan Xiriirada kala duwan ee Isbortiga dalka
Og:Mud. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish)
Og:Wasiir ku xigeenka wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada
Ka dib markii la tix geliyay codsigii Md. Aadan Xaaji
Yabarow (Wiish)
Gudoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga oo ka
mid noqday shaqaalaha wasaarada Isboortiga & Dhalinyarada loona magacaabay
Agaasimaha waaxda hormarinta Isboortiga Gobolada & Degmooyinka.
Ka dib markii mudnaan gaar ah la siiyay qorsho howleedka
xukuumada Federalka KMG ee dardargelinta hormarinta Isboortiga dalka iyo dib
u habeynta maamulka & maareynta Isboortiga oo mudo 16-sano ah habaac iyo
jaha wareer ku jiray.
Laga bilaabo taariikhda wareegatadani sidato mudanayaasha
magacyadooda hoos ku qoran waxaa loo kala magacaabay jagooyinka qof walba ku
hor qoran:-
1-Mud: Ibraahim Xuseen Cali (Rombo) waxaa loo magacaabay
Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga
2- Mud: Qaasim Salaad Geele (Dhegnas) waxaa loo magacaabay
Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka kubada koleyga
3-Mud: Cali Xaaji Amiin waxaa loo magacaabay Xog-hayaha guud
Xiriirka kubada koleyga.
4-Xubnahii hore ee xariirku waa sideedii hore inta laga
sameeynayo dib u habeyn iyo doorashooyin xor ah.
Mud. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) waxaa la farayaa inuu xilka
si deg deg ah ugu wareejiyo Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga Mud:
Ibraahim Xuseen Cali (Rombo)
Dhamaan xubnaha GOS, xubnaha xiriirada Kubada Koleyga iyo
dhamaan xiriirada kale waxaa la farayaa inay si daacadnimo ula shaqeeyaan ku
simaha Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada koleya iyo mas置uliyiinta
sare ee la magacaabay"ayuu lagu yiri wareegatadan oo wasiirka soo gaarsiiyay
Saxaafada fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.
waa markii ugu horeysay oo uu magacaabo Wasiirka Isboortiga
tan iyo markii loo magacaabey xilka, waxay ku soo beegantay xili dalka ay ka
jiraan laba shir oo midba geestiisa hawl gaar ah u wata, islamarkaana laga
cabsi qabo in mid kasta natiijada ka soo baxda ay isbedel weyn ku dhaliso
dalka, inkastoo labada shirba aysan dadka wada amaanayn sida ay u socdaan,
halka qaarkood labada shir ay si weyn uga dhursugayaan in waxa ka soo baxa
ay noqon doonaan wax u cuntama dadka Soomaaliyeed, waxaase jira kuwa aanba
ogeyn waxa dhacaya waxayna ku jiraan xaalado aan la qiyaasi karin.
Maxamed Macallin Csimaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007
Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee
Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq...
Akhri... Aug 3