SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhoofitaan  iyo  Dhibaatooyin..

kaalmoyWQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email: kalmoi@hotmail.com


Warbixin ay dhowaan soo saartay Qarammada Midoobay( UN ), ayaa waxaa ay ku sheegtay in 40-kii sano ee la soo dhaafay ay tiradii Ragga iyo Haweenka ee dalalkooda ka dhoofayay ay isla ekaayeen ama isu-dhowaayeen. Raggu waxay badanaaba u dhoofaan sababo la xiriira xagga Shaqada,Ganacsiga, Dhaqaala-doonnimo iyo weliba sababo Siyaasadeed, Diineed, Cilmi-baaris iwm. laakin dhoofitaanka Haweenka ayaa waxay u badnayd, iyaga oo ka daba-tagayay oo gaarayay dalal ay uga sii horreeyeen Raggooda.
 
     Markii la soo gaaray sannadkii 2005-tii waxaa soo baxay: in tirada Haweenka dalalkooda ka haajiraya( dhoofaya ) ay kor u soo kacayso, marka la eego dunida oo dhan , oo ayan ku jirin dadyowga Afrika iyo Aasiya.
 
     Warbixintu waxaa ay muujinaysaa in Dhoofitaanka Haweenka dalalka Carbeed uusan u badnayn sida Raggooda, taas oo ay ugu wacan tahay: Dhaqanka iyo Caadooyinka Carbeed oo diidaya ama aad u xaddidaya  tallaabadaas iyo Diinta Islaamka oo Shuruudo gaar ah ku xiraysa Socdaallada Haweenka.
 
     Waxaa muuqatay:- in Haweenka u dhoofaya dalalka kale ay badanaaba ka helaan halkaas Shaqooyin hooseeya, sida:- Adeegtanimo,  Shaqaale-nadaafadeed, Kalkaalisooyin xagga Xarumaha Xannaada Caruurta iyo Waayeelka iwm. Haweenka qaarkood waxaa ay raadsadaan Shaqooyin ka turjumaya Shahaaddooyink Waxbarasho ee ay heystaan. Kuwa Haweenka ka mid ah waxaa u suura-gasha in ay Caruurtooda sii kaxaystaan, laakin inta badan, waxay dantu ku kalliftaa inay ka tagaan Ubadkooda oo amba-baxaan keligood.
 
     Waxaa ay Warbixintu sheegaysaa oo kale: in isu-socodka iyo is-dhex-marka xoogga leh ee dadyowga dunida ay keentay "Safarro" nooc hor leh, oo ay ujeeddadoodu tahay oo kaliya: Dalxiis, Tamashle iyo weliba Tumasho  loo tagayo dalal fog-fog, oo looga tallaabayo Badaha iyo Qaarradaha. Haweenka oo beryihii hore uu  Dhoofkoodu ku koobnaa oo kaliya :ka-daba-tagidda Ragga qaba ama helitaan shaqooyin heerarkooduba ha iska hooseeyee, ayaa sanooyinkaan dambe qayb weyn ka qaatay u -dhoofidda Tamashlayn iyo Tumasho dartood...!!!.
 
     Codsiyadii lagu doonayay Rukhsadaha Shaqooyinka dalka "Ingiriiska" ayaa  waxaa muuqatay in ay kaalinta 2-aad ee xagga tirada inay soo galeen Haweenka ujeeddada araajidoodu tahay  ama la xiriirto "Tamashle & Dalxiis", kuwaas oo ay tiradoodu noqotay 5908-Codsi, halka ay 4627-codsi ay ujeeddadoodu ahayd Shaqooyinka xagga Hoteellada iwm.
 
     Dawladda "Kanada " waxaa ay bartamihii 90-meeyadii bixisay in ka badan  kun-Rukhsadood, oo ku-meel-gaar ah oo lagu oggolaaday Haweenka ka-qoob-ciyaara Hoteellada.
Dawladda "Jabbaan" ayaa iyaduna 65.000-Vise siisay Haween dalkeeda u tagaya Tamashle, Dalxiis iwm.
 
     Marka la eego baahi badan oo loo qabo Kaadarka xagga Caafimaadka darteed, ayay Kalkaalisooyin fara badan ku dhiirradaan inay u dhoofaan dalal kale, siiba Dalalka  waaweyn iyo kuwa hodanka ah.
Dalka  "Maraykanka" afartii Kalkaaliso-Caafimaadba mid ka mid ah ayaa halkaas ugu dhooftay shaqo awgeed.
 
     Waxaa ay Warbixintu soo bandhigtay oo kale in dhoofitaanka Taqaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha( rag iyo dumar ) , ay u dhoofayaan dunida horumartay iyo dalalka hodanka ah, inay ka mid tahay sababaha ay dadyowga dalalka saboolka ahi u ragaadinayaan Cudurradu, welina ugu sii fidayaan.
 
     Inkastoo uu dhoofku badanaaba leeyahay faa'iidooyinkiisa, siiba dhinacyada kororsiga waaya-ragnimada iyo dhaqaalaha, oo la yiraahdo:-(a) Xaglo laaban Xoolo kuma yimaadaan..(b) Nin aan dhul marin dhaayo ma leh iwm. haddana dhanka kale wuxuu Dhoofku u leeyahay Haweenka Dhibaatooyin aanan la dafiri karayan, waxaana ka mid ah:-

(1)  Waxay Dabin ugu dhacaan kuwa aan sida xalaasha ahayn uga ganacsada Aadanaha, ee ku adeegta: Been-abuurka, Is-xambaarka iwm.

(2)  Waxay la kulmaan nabarro halis noqon kara oo ayan Haweenku xammili karayan, waxna u dhimaya Haweennimadooda gaar-ahaaneed.

(3)  Waxaa suurowda inay ku qasbanaadaan isu-dhiibidda ragga fulinaya muraadka dhoofitaanka, ee kala tallaabaya Xuduudaha iyo Badaha dunida. Waxaa hoos loogu dhigi karaa Haweenka , oo la dhihi karaa:-" Safarow waxna gado, waxna garo"...!!!.

(4)  Dalalkii ay u dhoofaan oo tagaan Haweenku, Allaa og waxa ay kala kulmayaan iyo bulshooyinka ay dhex-tagayaan. Cimilada, Dhaqanka, Caadooyinka, Deegaanka, Sharciyada iyo amuuro kale oo ayan garanayn ayaa dhibaatooyinkooda ula imaan karaya maadaama ay Haween yihiin oo nugul-yihiin.

Soomaalidu waxay yiraahdaan:-(a) Intaadan falin ka fiirso (b) Dal aadan lahayn Dareen ku-joog waaye.(c) Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa iwm.
 
     Warbixinta Qarammada Midoobay waxay kaloo tibaaxday in sannadkii 2006-dii oo kaliya ay dadkii dhoofay ee u kala socdaaday dunida daafaheeda ay gaarayeen 95-milyan oo ruux, kuwaas oo ay kala-bar ahaayeen Haween. 
 
     Wuxuusan  shaki ku jirin in sanooyinkaan dambe ee dagaallada sokeeye  ay ka jireen dalkeenna Soomaaliya inay Haween aad u tira badan oo Soomaaliyeed  u socdaaleen daafaha dunida, kuwaas oo qaarkood la kulmay dhac, dil, kufsi iyo badaha oo ay ku halligmeen. Socdaalkani ma uusan ahayn dhoofitaan caadi ah, ee wuxuu ahaa Qaxootinimo, waana lagu qasbanaaday.
 
     Diinteenna Islaamku waxay na baraysaa in marka ay Haweenku dhoofayaan ama socdaal dheer galayaan , loo baahan yahay inuu la socdo Nin u ah:- Wiilkeeda, Walaalkeeda, Waalidkeeda ama Ninkeeda; waxaana loola jeedaa in laga badbaadiyo waxyeellayn kaga imaan karta kuwa aanan Allahood ka baqayn iyada oo isla markaasna lala imanayo asturnaanta uu Eebbe raalliga ka yahay.
 
     Diinteenna iyo Cilmi-baarisyada bulshadeed ee Casriga ahiba, waxay isku  waafaqeen inaan Haweeneyda loo dhaamin;-  Aqalkeeda oo ay ku-ekaato, Reerkeeda oo ay dhaqato, Ubadkeeda oo ay ilaashato  iyo   Raggeeda oo ay  raalliyo u noqoto iyada oo ka baqaysa Allaheeda, gudanaysana waajibaadkeeda.
 
      Haddaynu Soomaali nahay, aynu Alla ka barinno inuu noo dembi-dhaafo, noo dejiyo dalka, noo daweeyo dadka, noo daa'imiyo dawladnimo, isla markaasna uusan dib noo celin, si aannu uga deeqtoonnaano dhoofitaan , dhul-wareen iyo dhibaatooyinkooda.

"Ma Qaxootinimadii baad Qayilaad ku darsatay..?!! Qaybtii Labaad... Akhri
 
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com