Barnaamijkii
Radio Xoriyo
Dagaallo meelo kala duwan ka dhacay.
Dadwayne uu gumaysigu ku dilay meelo kala
duwan.
Dadwayne meelo kala duwan lagu
xidhxidhay.
Deegaano ciidammada gumaysigu gubeen.
Shirwaynihii jaaliyadaha Ogaadenya oo Finland ka furmay.
Guddoomiyaha guddiga arimaha afrika u qaabilsan aqalka cad
ee waddanka Maraykanka, Senator Russ Feinold oo Condelize Rice ka codsaday
inay faragaliso arimaha Ogadenya
Dagaallo meelo kala duwan ka dhacay.
Wariyaha nooga soo warrama Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, iyadoo
dagaalladaas si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatadan
30/07/07 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Qudhacley,
oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3
kalana waa lagaga dhaawacay.
30/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga ee
ku sugan degmada Xamaro, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare
ba’an oo aan faahfaahintiisa l haynin. Ciidammada gumaysiga ayaa iyaguna
sidii caadada u ahayd waxay ku gaydhadeen dadwaynihii rayadka ahaa ee
magaalada ku dhaqnaa, iyagoo dhibaatooyin kala duwan dadwaynaha u gaystay.
02/08/07 weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga ee
ku sugan degmada Gunagado waxay ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
02/08/07 waxaa Buundada Qabridaharre lagu weeraray labo
baabuur oo Uuraal ah, kuwaasoo duullaan ku ahaa labo baabuur oo shacabku
leeyahay oo siday badeecado kala duwan. Weerarkan waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidammada gumaysiga
ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah labadii baabuur ee shacabku lahaa,
waxayna baabuurka dushiisa ku xaraasheen badeecadii uu waday.
Dhinaca kale dadka ku dhaqan magaalada Qabridaharre ayaa
lagu soo rogay lacag qasab ah oo loogu magac daray lacagta nabadgelyada.
Ruux k asta oo magaalada ku dhaqan waxaa lagu xukumay inuu bil walba bixiyo
3 Bir, qoyskana waxaa lagu xukumaya 10 Bir. Qofkii ama qoyskii bixin waaya
lacagtan qasabka ah waxaa loo taxaabayaa xabsiga.
Dadwayne uu gumaysigu ku dilay meelo
kala duwan.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga
Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne
rayad ah oo aan waxba galabsanin.
30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen Qudhacley 3 qof oo rayad ah, waxayna kala yihiin;
3- Nin kale oo magaciisa aanaan
helin.
30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Xeel-xaar, oo
Dhagaxbuur ka tirsan, nin lagu magacaabo Axmed Mukhtaar Mawliid.
Isla 30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada
Dhagaxbuur ku dileen nin lagu naanayso Darararmle oo magaciisa saxda ah
aanaan haynin.
31/07/07 Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu magaalada
Dhagaxbuur ku dileen Dayr Wacdi.
Dadwayne meelo kala duwan lagu xidhxidhay.
Ciidammada gumaysigu waxay meelo kala duwan ku xidhxidheen
dad rayad ah, kuwaasoo qaarkood ay jidhdil aad u ba’an u gaysteen, isla
markaana dhaawacyo xunxun ku yaalliin.
25/07/07 waxaa magaalada Dhuxun lagu xidhxidhay dadka kala
ah;
Waxaa isaguna isla magaalada Dhuxun ku xidhan laga soo
billaabo 09/07/07 ninka lagu agacaabo Abshir Mahdi Cumar.
20/07/07 wxay ciidammada gumaysigu magaalada Shilaabo ku
xidhxidheen, oo waliba jidhdil aad u ba’an u gaysteen dadwayne aad u badan
oo ay ku jiraan Ugaasyadii iyo Oday-dhaqameedyadii deeganka. Dadka
dhaawacyada xunxun loo gaystay oo qaarkood ay meelo kala duwan ka jajabeen
waxaa ka mid ah;
1- Ugaas Colaad Ugaas C/llaahi
Yaasiin
2- Sh Xasan
Ugaas Yaasiin
3- Nabadoon
Cali Saleebaan
7- Cabaase
Faarax Aw Dool.
Waxaa iyaguna dadkan la xidhxidhan;
8- Cabdi-Gaas
Cali Xaashi
10- C/llaahi
Cismaan Cali
11-C/llaahi
Jaamaca Dhoorre
12-Asad Cabsiiye
Cumar iyo
30/07/07 Ciidammada gumaysiga ayaa dad
badan ka soo qaqabtay meesha lagu agacaabo Goomaar, waxayna ku xidhxidheen
magaalada Shaygoosh. Dadkaasi waxay kala yihiin;
1- Mukhtaar
Yuusuf Jaacuun
4- Mukhtaar Aw
Axmed Gaab iyo
22/07/07 Cawl-ku-dhal waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu
Ceel-xaar, oo Dhagaxbuur ka tirsan ka soo xasuuqeen dad aad u badan,
kuwaasoo lagu xidhxidhay magaalada Shaygoosh, waxayna kala yihiin;
10- Xuseen Muxumed Shariif
12- Bishaar Axmed
Buug-site
14- Shukri Cabdi
Tagfi iyo
15- Xasan-Qable
Maxamed Cali
15/07/07 magaalada Dhanaan waxaa iyadana lagu xidhxidhay
dadka kala ah;
3- Mahdi Aaden Jeelle Isaaq
4- Maxamuud Maxamed Aaden
6- Xaaji Cismaan Dhuux iyo
Deegaano ciidammada gumaysigu gubeen.
29/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen meesha lagu
magacaabo Dhadhiin, oo qiyaastii 20 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada
Qabridaharre. Ciidammada gumaysigu waxay isla taariikhdaas ku qasheen
deegaanka Dhadhiin 5 Neef oo Adhi ah oo ay lahaayeen Barkhadle Muuse Cagoole
iyo nin kale oo magaciisa aanaan helin.
13/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen deegaanada u
dhexeeya Galadiid iyo Karin-blicille, iyagoo gabi ahaanba dab qabadsiiyay 64
Aqal oo dadwaynuhu lahaa. Dadka Aqalladooda deegaanadaas cadowgu ku gubay
waxaan magacyadooda helnay;
6- Muxumed
Shafad oo 90 jir ah
10- Sariif Bashiir Shariif
11- Sh Xuseen Cabdi Xaashi
14- Axmed Nuur Dhicis Siyaad
15- Saxardiid Muxumed Faarax iyo
Shirwaynihii jaaliyadaha Ogaadenya oo
Finland ka furmay.
Maalintii khamiista ahayd ee bisha
Agoosto labada ahayd waxaa magaalada Helsink ee dalka Finland ka furmay
shirwaynihii sannadlaha ahaa ee jaaliyadaha Ogaadeenya. Shirwaynahan, oo ah
midkii 11aad, waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka socda jaaliyado kala
duwan, aqoonyahano iyo qaar ka mid ah madaxda JWXO.
Shirwaynahan ayaa lagaga hadlaa marba
arrimaha ku cusub qadiyada Ogaadeenya iyo sidii loo harumarain lahaa
halganka ay dadka Soomaalida Ogaadeenya ugu jiraan xornimadooda. Shirkani
wuxuu soconayaa ilaa iyo shanta bisha Agoosto
Guddoomiyaha guddiga arimaha afrika u qaabilsan aqalka cad e
waddankan maraykanka, Senatorka lagu magacaabo Mudane Russ Feinold
ayaa01-08-07 wuxuu warqad culus oo ay ku saxiixan yihiin Xubnaha guddiga
arimaha afrika & waliba Senataro badan oo wada matalaya gobolada kala duwan
ee dalak maraykanka u diray Xoghayaha guud ee A/dibada ee dalka maraykanka,
marwada lagu magacaabo Marwo Dr Condolece Rice!
Warqaddan oo ay ku wada saxiixan yihiin magacyada madaxda
ay ka midka yihiin.:_
Senator Russ Feingold oo laga soo doorto gobolka Wisconson
Senator Norm Coleman------ oo matalaya Gobolka Minesoto
Senator Susan Collins ----- Gobolka Michigan
Senator Patrick Leahy------- ----Gobolka Vermont
Senator Ben Cardin -- -------- Gobolka Maryland
Senator Barbara Boxer -- -- Gobolka Maryland
Senator Dick Durbin ----- -----Gobolka Illions
Senator Claire McCaskill-- --- Gobolka Misuuri
ayaa waxay ugu baaqaysaa in Xoghayaha guud Dr Rice ay
cadaadis xag siyaasadeed/dhaqaale/diplomaasiyadeed ku saarto Ra'iisal
wasaaraha Ethiopia, K/taliye Melez oo ku tumasho aan xad lahayn, xasuuq aan
kala go' lahayn iyo gumaad ka dhan ah bini aadannimada kula kacay kuna haya
shacabka waddanka Ogadenia,,waana sida ay mas'uuliintu u dhigeen baaqooda!
Nuqul warqaddaas ka mid ah oo loo gudbiyey ku
xigeenka Xoghayaha guud ee dalka maraykanka J - Frazier & Masuulka qaramada
midoobay u qaabilsan arimaha afrika, Daniel Yamomoto ayaa waxay u qornayd
sidatan:_
Xoghaye, Waxaanan marna loo dulqaadan karin gumaadka guracan &
bururinta bulsheed ee xoogagga milatariga Ethiopia ay ku haysaan dadka
rayidka ah ee ku dhaqan dhulka Ogaden, waa masuuliyad adag oo dhabarka u
saaran dawlada maraykanka inay isla saacaddan hawlgaliso guddi baadhid isla
markaana digniin culus oo wadata talaabo sharci ah u dirto Ra'iisal wasaare
Melez!!
Xoghaye, Waxaan la wada soconaa warbixintii ku soo
baxday wargayska NEW YORK times, taariikhdu markay ahayd 17kii june ee
sanadkan, ee sida cad u xusayay dilka waxshinnimada leh, faraxumaynta
dumarka, boobidda hantida bulshada ee ay gaystaan xoogagga Milatarigu ee ku
sugan Dhulka Ogaden, gubidda aqalada, jaridda iyo baabi'inta beeraha
bulshada ee loo gaystay Bulshada rayidka ah ee ku dhaqan dhulka Ogaden,,
inkasta oo ay dawladdu isku daydya inay beeniso falalkaa ( waa sida ay
senataradu dacwaddodoa warqadda ugu xuseene) haddana waxaa noo xaqiijiyey
wargaysyo madaxbanaan iyo waliba hay'aadkii samafal ee gobolka laga soo
eryey ka dib kolkay dibadda soo dhigeen falalka guracan ee xoogagga
milatariga.
Xoghaye, sida aad la socoto waxay 4tii July ee
sanadkan hay'adda xuquuqda aadamuhu soo saartay warbixin dheer oo ay kaga
waramaysay sida naxariis darrada ah ee ay xoogagga milatariga Ethiopia u
wada gubeen aqaladii bulshadii rayadka ahayd ee ku dhaqnayd miyiga kuna
qasabtay inay dhamaan ka wada guuraan tuulooyinka iyada oo marmarsiyo ka
dhiganaysa waxaan la dagaalamaynaa xoogagga naga soo hor jeeda. waxay sidoo
kale xoogagga milatarigu xidheen oo ay is hor taageen baabuurtii bulshada
rayidka u keeni jirtay raashinka, waxay wada qufuleen albaabadii ay noloshu
uga iman jirtay caruurta & dumarka, waxay si aan gabasho lahayn u caydhiyeen
hay'aadkii waxqabadka & samafalka Bulshadaa dulman, waxaa intaa dheer in
dhawaanla galayo xilli roobeedkii isla markaana cudurada faafa ay burburin
karaan naflayda dad & xoolaba leh ee ku sugan dhulka Ogaden.
Xoghaye, Waxaa sharaf dhac dhinac walba ah ku ah dalka dunida ugu
ololeynta badan xagga bani'aadannimada (waa Dalka maraykanka e) inuu noqdo
mid qorshaynaya inuu miisaaniyadda u labalaabo dawlad dadkeeda falalkan kula
kacaysa!
Xoghaye, Waxaa hubanti ah in dalka Maraykanku uu xidhiidh
istaraatiijiyadeed la leeyahay dalka Ethiopia, haddana taasi ma noqon karta
mid ka hor imanaysa mabaadii'ida aasaasiga ah ee lagu dhisay dastuurka
maraykanka ee ah tixgalinta aadamiga, is garabtaagga xoriyadda iyo ka hor
tagga dulmiga!
Xoghaye, waxaan aad ugu rajo waynahay inaad sida ugu dhakhsaha badan
u oofin doonto dacwaddan ay soo gudbiyeen aqlabiyadda madaxda arimaha
afrika isla markaana aad dadajin doonto cadaadiskan lama-huraanka ah si loo
tixgaliyo sharafta dastuurka waddanka aad matasho isla markaana aad nala
wadaagi doonto wixii waxqabad ah ee soo kordha.
Dhinaca kale Haayada lagu
magacaabo International Crisis Group oo fadhigeedu yahay Magaalada
Brussels ee wadabka Belgium oo ka warbixinaysay 6 meelood oo ay
dhibaatoyinka ugu badani kajiraan caalamka ayaa waxay ku xuseen inay
Ogadenya Kamid tahay 6 daa melood oo ay dhibaato biniiaadminimo kajiraan.
Radio Xoriyo
waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo
internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007
Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee
Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq...
Akhri... Aug 3