SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Aug 3, 2007
  • Cadde Muuse oo muqdisho u yimid sidii uu u dhex dhexaadin lahaa....... 
  • Dagaalo xoogan oo ka socda Gobalada Soonka Shanaad ee Itoobiya. 
  • Jinni Boqor "Dowladda Nasiibkeeda ha iska sugato". 
  • Wasaaradda Dhallinyarada Isboortiga oo siminaar u furtay qaar ka mi dah...... 

Cadde Muuse oo muqdisho u yimid sidii uu u dhex dhexaadin lahaa....... 

warar aanu ka helnay dhinaca madaxtoonyada waxay sheegayaan in madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Cadde Muuse iyo Isimo ka soo jeeda gobalada Puntland ay u yimadeen magaalada Muqdisho sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'isul Wasaare Cali Max'ed oo maalmahan dambe uu khilaaf u dhexeeyey, waxaa la filayaa in Cadde Muuse iyo xubnaha la socda ay marka hore la kulmaan Odoyaal ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Cali Max'ed Geedi, kadibna waxaa lagu wadaa in ay si toos ah ula kulmaan Ra'isul Wasaare Cali Max'ed Geedi oo saacadah soo socda imaan doona Magaalada Muqdisho. 

Khilaafkaan ayaa waxa uu sabab u ahaa kadib markii uu C/llaahi Yuusuf uu dhowr jeer sheegay in Maamul gobaleedka Puntland u madax banaan yihiin in ay heshiis la geli karaan cid alla ciddii ay doonaan, sidoo kale C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Maamul gobaleedka Puntland uu yahay dowlad iskeed u taagan Dowladda Federaalka ay iskeeda u taagan, taasina waa midda keentay in Geedi si aad ah uga caroodo, inkastoo dhawaan C/llaahi Yuusuf wareysi uu bixiyey ku sheegay in Maamul Gobaleedka Puntland looga baahan yahay in ay heshiisyada ogeysiiyaan Dowladda Dhexe. 

warar kale ayaa waxay sheegayaan in xubno ay isku beel yihiin C/llaahi Yuusuf ay u ololeynayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Cali Max'ed Geedi kuwaas oo laga dhadhansaday wareysiyo ay dhawaan bixiyeen, dhinaca kale Cali Max'ed Geedi oo dhawaan tagay ADis-Ababa ayaa ra'isul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday in uu kala dhex galo khilaafka u dhexeeya Xukuumaddiisa iyo Baarlamaanka oo la xiriirta mooshinka la xisaabtanka Xukuumadda. 

Dagaalo xoogan oo ka socda Gobalada Soonka Shanaad ee Itoobiya. 

Wararka ka imaanaya Gobalada loogu yeero kelilka shanaad ee Soomaalida ee ay gumeysato Itoobiya, waxay sheegayaan in halkasi ka socdaan dagaalo u dhexeeye Jabhadda ONLF iyo ciidamada Itoobiya,waxayna dagaaladaani sii xoogeystay todobaadkii ugu dambeeyey. 

Dagaaladaan ayaa waxaa mas'uuliyiin ka tirsan jabhaddaasi sheegeen in ay khasaaro u gaysteen ciidamada Itoobiya, hase yeeshee ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay dab qabadsiiyeen ilaa iyo 20 tuulo oo ku dhow gobalka Af-dheer, waxayna dadkii halkaasi deganaa qaarkood u soo gudbeen xuduuda Soomaaliya iyaga oo wata xoolahoodii, sidoo kale ciidamada Itoobiya waxa ay xireen dad fara badan oo aan la garaneyn meel loola dhaqaaqay. 

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen dhawaan in Dowladda Ereteriya ay hub soo gaarsiisay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Itoobiya, hubkaas oo la sheegay in la soo marsiiyey dhinaca badda, balse warar ilaa iyo hadda wax xaqiijinaya ma jirto, inksatoo guddigii Cunqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya ay sheegeen in Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ku xadgudbeen cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya. 

Jinni Boqor "Dowladda Nasiibkeeda ha iska sugato". 

Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo inta badan ka hadla, waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya iyo arrimaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in maanta kulanka Baarlamaanka looga hadli doono mooshinkii ahaa la xisaabtanka dowladda uu madaxda ka yahay Cali Max'ed Geedi, iydaoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay aaminsan yihiin in Dowladdu ay afar bilood ku shaqeyneysay si sharci daro ah. 

Cabdi Cabdulle Siciid waxa uu sheegay in Xukuumadda mudadii ay dhisneed aysan waxba u qaban Bulshada Soomaaliyeed, ha noqoto dhinaca Nabadgelyada, Dhinaca dhaqaalaha iyo Siyaasadda, "Dowladda Nasiibkeeda ha sugato oo kalsooni ayay ka heleysaa Baarlamaanka ama way ka weyneysaa" ayuu yiri Jinni Boqor oo sheegay in aysan waxba lagu keeni karin kulamada hoose  ee u socda Ra'isul Wasaare Cali Max'ed Geedi iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood, sidoo kale Caasha Axmed Cabdalla ayaa waxay sheegtay in Dowladda FEderaalka ee uu madaxda u yahay Geedi ay tahay Dowlad kudhisan sharci daro, loona baahan yahay inay kalsooni weydiisato golaha Baarlamaanka. 

Wasaaradda Dhallinyarada Isboortiga oo siminaar u furtay qaar ka mi dah...... 

Magaalada Baydhabo ayaa maalintii khamiista ahayd waxaa ka furmay siminaar ayka qaybgalayaan ilaa iyo 12 gobol oo la barayo arrimo la xiriira dhinaca maamulka iyo Heerarka Isboortiga gaar ahaan dhinaca K/cagta, waxaana siminaarkaan soo qabanqaabiyey Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga. 

Siminaarkaan oo socon doona dhowr Maalmood, ayaa waxaa furay Ra'isul Wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Saalim Caliyow Ibrow oo sheegay in siminaarada noocaan oo kale ah yihiin kuwo lagu hormarinayo K/cagta, sidoo kale waxaa ka hadlay wasiirka dhallinyarada Isboortiga Mowliid Macaane waxa uuna sheegay in siminaarkaani uu yahay kii ugu horeeyey ee ayqabato wasaaraddiisa, isagoo sheegay in ulajeedada loo qabtay ay tahay sidii gobalada loo bari lahaa dhinaca maamulka iyo sharciyada K/cagta, waxa uuna u mahadceliyey Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo isna gacan ka gaystay taaba gelinta siminaarkaasi, waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Salaad Gaab oo u mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo uu sheegay in ay tahay wasaarada u taagan horumarinta Isboortiga, isagoo soo jeediyey in siminaarada noocaan oo kale ah la joogteeyo, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa xoghayaha xiriirka K/cagta C/qani Siciid Carab iyo Yuusuf Gacal Gaabshe oo ka mid ah guddiga Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta  

Amiin yuusuf KHasaaro.

amiinkhasaaro@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com