SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho Maxaan ku joogaa?

W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham).
E-Mail: dirham114@hotmail.com

Soomaalidu waxay tiraahdaa (waxaan la arag waxaan la maqlin ayay dhalaan), sanadkii 1991-dii waxa uu ahaa xiligii Soomaaliya u soo bilowday safarka mugdiga ah ee ay weli dhex muquuraneyso, waxaana in badan la isku dayey in Soomaaliya Toosh ay kaga baxdo mugdiga loo iibiyo, laakiin nasiib daro taasi ma suuragelin oo isku dayo badan oo iftiin lagu raadinayey ayaa mugdi sii dhaliyey, inkastoo dadku fikrado kala duwan qabaan, qaar ayaa tilmaamaya in haatan la helay toosh, halka kuwo kalana ku doodayaan in iftiinka tooshka haatan la helay uu laciif yahay, isla markaana haddii aan Batari si deg deg ah loogu gadin laga yaabo in uu wada damo.

Mugdiga ay Soomaaliya gashay, waxa uu keenay in dhamaan dadkii wada safrayey midba jihadiisa u socdaalo, oo uu iska dhaadhiciyo wadada uu isagu hayo in ay sax tahay, waxa uuna safarkii mugidga ahaa ee lagu wada jiray haatan marayaa in Mugdiga la isugu gambado, la iskuna booriyo in mugdiga laga faa’iideyso.

Dalka Soomaaliya oo mugdigaasi wada galay ayaa waxaa si gaar ah farta loogu godaa Magaalada Muqdisho oo waxgaradka caqliga u saaxiibka ah qaarkood kuugu tilmaamayaan god bahal galay, Caasiamdda Soomaaliya il qabad wanaagsan ayay lahayd, waxayna ka mid ahayd caasimadaha ugu qurxoon Qaaradda Afrika, laakiin qadarta ayaa ku dhacday, waxaana ku durduriyey ma fikire iyo daneyste, kuwaas oo Tooshkii Muqdisho ku socon jirtay batariyadii ka tuuray, waxaana markaa ka dib bilowday wax walba oo Muqdisho lagaga xishoon jiray in ay caadi noqdaan, Muqdisho waxay ahayd koriso dadka oo dhami ku soo wada hirtaan, miyi iyo magaalo Muqdisho xiriir ayay la lahayd, balse dadkii badnaa oo ay Muqdisho kulmi jirtay ayaa kala ambaday, haatan haddii aad dadka qaar su’aasho goormaa Muqdisho kuugu dambeysay, waxa uu ku leeyahay “Maba xasuusto”.

Umaddii reer Muqdisho waxay u kala baxeen dhowr qaybood, qayb isaga carartay Magaalada, qayb ku dhiban iyo qayb Mugdiga ka faa’iideysata oo iyagu ahaa kuwii tooshkii Muqdisho wadi jiray dhalada ka jabiyey, intii Muqdisho ku wada hartay, waxay adkeysiimo muujiyaanba, wax dhac, boob iyo Kufsi iyo falal kalaba loo gaysto, waxay gaareen heer ha neefsan lala barbardhigi karo. Waxaa dhacday in qofna wax gooni ka yeelan Karin, wax walba waxay noqdeen Muqdisho ayaa kula leh.

Nin odey ah ayaa yiri “wax waliba Muqdisho ha ila yeelato, laakiin wadada saxda ah miyey igula yeelatay mise tan aan haatan arkayo, ee aan dhihi karo waa soo qaado aan kaa qaatee”, odeygaan ayaa isagaoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Suuqa Bakaaraha ayaan ka soo iibsaday Macawis aan doonayey in aan Jimcaha Masaajidka ku aado, markii aan suuqa ka soo dhamaaday ayaa labo dhallinyaro ah oo hubeysan jidka ii galeen, waxayna amar igu siyeen in aan waxa aan wado ku wareejiyo, waxaanse u sheegay in ay macawis tahay oo aan haatan suuqa ka soo iibiyey, lacag badana la iga soo siiyey, waxayse war iigu soo koobeen, “Odey waxaad daldaleyso ma naqaanee, nagu soo wareeji macawista kor ayaan kaala soconayee, miyaadan ogeyn in xiligaan wax walba oo aad sidato Muqdisho kula leedahay”, sidii ayeyna markii dambe macawistii iiga qaateen, sidaa darteed wax walba xaalka Muqdisho miyaa ila leh, awal ayaan qaati ka taagnaa xaalka Muqdisho, haddiise tani soo baxday, Muqdisho maxaan ku joogaa?”, su’aashan waxay igu noqotay mid kedis ah, waxaana garan waayey waxaan Odeyga ugu jawaabo.

Maalin ayaa aniga oo waddo lugeynaya waxaa waddada dhankeedii kale ka soo dhacay nin da’ ah, intii aan wadada ku wada soconay ayaa waxaa u soo dhacay Moobeel uu watay, mar qura ayuu inta uu naxay oo jahwareeray  dhinacyada eegay oo xitaa sidii in ay wax ka lumeen dhulka eegay, haddana aniga isoo fiiriyey, markii ay indhaheenii isku dhaceen ayuu iga jeestay, waxaanse ku iri “Adeer maad taleefanka ka jawaabtid” “Haah………Haaah…... maandhow, waan….waan… ka jawaabayaa” ayuu isaga oo hadalka gefaya yiri, markii uu taleefankii qabtay oo uu ka jawaabay, ayaa su’aalay waxa ku dhacay, waxa uuna igu yiri “Maya, adeer wax kale ma aheyn, waan cabsaday oo meesha uu taleefanku iigu soo dhacay waad u jeedaa, mideeda kale been kuu sheegi maayo qudhaada waan kaa baqay, maxaa yeelay waxaa la yiri “Dad iyo duurba waxaadan ogeyn ayaa laga fishaa”, hadda ka hor ayaa dhowr jeer mobeel laga iga qaatay, waa kii saddexaad sidaa darteed lacag badan ayuu iga martay”, waxa uu intaasi sii raaciyey “Maandhow xaalka Muqdisho waad la socotaa, oo xitaa hadda waxa gacantaada ama jeebkaaga ku jira ayaa la fiirsanayaa, waxaana doonayaa hadda in aan isaga tago Muqdisho oo ah magaalo aan ku riyoodo”, “Adeer maxaad uga tageysaa mar haddii aad intaas u soo samirtay maad iska dulqaadatid?” ayaan weydiiyey  “nafteydii ayaanba la cafeyn ee Maandhow Muqdisho maxaan ku joogaa, adigase ma ii sheegi kartaa” ayuu hadal iigu soo koobay, waxaa mar kale igu soo dhacay hadalkii hore ee ninkii odeyga ahaa igu yiri, markii labaad ayay ii noqotay oo aan jawaab u waayo Muqdisho maxaan ku joogaa?.

“Gabadheydii ayaa horteyda lagu kufsaday, waxaana la igu yiri ‘duqa waa caadi”, aniguna waxba waan ka qaban waayey, ee Muqdisho maxaan ku joogaa” “Xabsiga ayaa bartanka la ii dhigay, aniga oo aan waxba galabsan, markii dambana lacag la iga qaatay ayaa la igu soo daayey, waxaana muuqata in la i gatay, haddii xaalku sidaa yahay Muqdisho maxaan ku joogaa” “Haddii qoyskeygii la laayey, aniga oo caseeye ahna la i dhacayo, Muqdisho maxaan ku joogaa” “Waxaan ahay Indhoole, waxaana la iga furtay dharkii aan watay, ee Muqdisho maxaan ku joogaa” hadaladaas oo dhan waxaalaga hayaa reer Muqdisho, ee akhriste Muqdisho maxaan ku joognaa?.

 

W/D: C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham).

E-Mail: dirham114@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com