Gudomiyaha Baarlamaanka Sh,Aadan Maxamed Nuur {Sh, Aadan Madobe) oo
gudi 15-xubnood u saarey…..)
Fadhigii 3-aad ee Golaha Baarlamaanka ee doodii mooshinka turxaan
bixinta iyo dardargelinta Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Xumuumada
Prof;Geedi oo ay soo xaadireen 180 mudane, islamarkaana uu shir
gudoominayey Gudoomiyaha Baaramaanka Sh,Aadan Maxamed Nuur {Sh, Aadan
Madobe} ayaa gebogebadii u magacaabey gudi ka kooban 15-xubnood oo soo
aruuriya sida ugu muhiimsan ee gudiyada hawlaha Baarlamaanka ay u
gudan lahaayeen hawlahooda shaqo.
gudigaan waxaa ka mid ah Xildhibaan
Maxamed Xuseen Isaaq(Afaraale), Xasan Cabdi Xiirey, Muuse Cali Cumar,
Eng,Xuseen Cabdi wadae, Khadiijo Maxamed Diiriye Cali Jidow,Saynab
Maxamed Caamir,C/rashiid Maxmed Xidig, Maxamed Xuseen Raage, Fasal
Cumar Guuleed,Cismaan Muqtaar Maxamed(Miirow),Axmed Cabdi (Booriile) iyo
xubno kale ayaan wax waqti ah loo qaban inta,balse gudoomiyuhu wuxuu
sheegey in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga soo baaraan degaan
hawshooda.
Doodii mudanayaasha ee fadhiga sedaxaad ka hadashay oo
tiradoodu ahayd 10-mudane ayaa hadii aan soo qaadano qaar ka mid ah,
inkastoo dhamaantood aad moodid inay isku aragti ka ahaayeen hawlaha
baarlamaanka iyo tan xukuuamda.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn
halkaasi ka hadashay ayaa iyadoo fikirkeeda cabireysa waxay tiri “
Ajandaha manta na horyaala ee ay soo jeediyeen
Xildhibaanada,islamarkaana ah mid lagu dardargelinayo hawlaha iyo
gudiyada baarlamaanka, ma aha wixii hawsheena ah inaan ka leexleexano,
hadii aan gudanweyneyna ma aha inaan dadka ku qabsano, wakiilada
shacabka ayaanu nahay, shacabku wixii uu dowlada ka raba waanu ka
dooneynaa,dowladana waxay shacabkeeda ka dooneyso,inaan u horseedno ayaa
nalag doonayaa,si loo baajiyo kacdoon shacbi ayey tiri iyadoo hadalka
sii wadata ayaa intaa ku dartey “laakiin halkaan waxaa iiga muuqda
kacdoon baarlamaan, daluna waxaa ka jira sicir barar,taasina waxaa laga
doonayaa inay ka hadlaan Mudanayaasha Baarlamaanka,marka xiga intaan
anaga dadd kale xisaabin waa inaan is xisaabinaa,ee jidka Xukuumada
lagula shaqeyn lahaa Xildhibaanada ha soo qoreen”. Ayey hadalkeeda ku
soo koobtey.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna yiri “Mooshinka
Xildhibaanda keeney waa ay ku mahadsan yihiin, waxaana ku jira waxyaabo
badan oo muhiim ah, waana hubaalin hawlaha DFKMG ay habacsanaan ay ku
jirto, waana in la toosiyo,xiliga lakeenay mooshinka waa xili ku haboon,
walaallayaal waxaa haboon in aynu dib u eegno shuruucda aynu ku dhaqano
ee awoodaha kala duwan ee dowlada,inagoo fiirinayna mas’uuliyada ina
saran ayuu yiri Maareeye isagoo hadalka intaa ku daray “markaan is
toosinayno waa iney hawsheenu soo martaa marxalado kala duwan,hadii
taasi la helo arintu waxay noqoneysaa mid ku socota sidii loogu
talagalay,laakiin Baarlamaankeenu hadii meeshii ugu dambeysay uu ka
bilaabo hawshu waxay noqoneysaa mid dhibaato keenta,Baarlamaanku waa
inuu badbaadiyaa shacabka, islamarkaa u dhaqmaa sidii Oday Soomaaliyeed
oo kale, hadaba mudane gudoomiyaha Baarlamaanku waa inaad u jihaysaa
sidii uu ugudna lahaa danta guud, mudane Gudoomiye mas’uuliyad ma aha
xubinta baarlamaaniga inta soo xaadirtey ee hadana iska baxaysa hadhowna
marka cod laqaadayo haa loo yiraahdo,taasina waxaan u arkaa mid ka
aamusey codeynta ee ma aha mid cod dhiibtey, hadii aan eego dhinaca
Xukuumada waxaa laga doonayaa in wax laga weydiiyo arimo badan sida
dhisamaha maamulada kala duwan ee dalka, abuurista degmooyinka cusub IWM
“.
Cali Jaamaca Jengeli oo isna halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “
mudane gudoomiey xilka iyo toosinta baarlamaanku hadii si wanaagsan loo
hago baarlamaanku wuu hagaagayaa, waana hay’ada ugu qiimaha badan ee ay
ka farcameen hay’adaha kale ee dowlada, islamarkaana ka soo dhex baxdey
shirkii dibu-heshiisiinta Nayroobi, marka waxaa haboon iyagoo ka
tarjumaya danta shacabka inay Xukuumada la xisaabtamaan, shaqada
Baarlamaankuna ma aha in mooshin la soo jeediyo, ama halkaam hadalo laga
sheego,sababtoo ah aniga wali waxba laygama su’aalin wasaaradeyda,
Aduunku wuxuu qabaa in 7-aadkii mar Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada la
weydiiyo waxyaabihii ugu waaweynaa todobaadkaas si Baarlamaanku uu
xog’ogaal ugu noqdo waxa ay qabaneyso Xukuumada, Baarlamaanku sharci
dejiye oo kale ah ma aha nee isagaa kormeera xukuumada ayuu yiri Jegeli
isagoo intaa raaciyey “ markaan Baarlamaanka ka weyney wax na kor meera
ayaan Gudi Wasiiro ah sameyney,waxayna tageen meel badan ee Baarlamaanku
waa inuu is toosiyaa markuu isaga tooso dowladu way toosaysaa ayaa
hadalkiisa ku soo gunaanadey Mudane Jengeli”.
Maxamed Macallin
Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007