SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dawlad gobaleedka Puntland oo siweyn u Xustay sannad guuradii ka soo wareegtay Asaaskii Puntland.

bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com

Magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ayaa waxaa ka dhacday Xaflad siweyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen Madax fara badan oo ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Dawlada Puntland ayaa waxa ay soo bandhigtay waxqabadkeedii mudadii ay xilka heysay waa Xukuumada Madaxweyne Cade Muuse hayee.

Madaxweynaha dawlada Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto hawlaha ay wadaan dad ka soo horjeeda dawlada gobaleedka Puntland.

Madaxweyne Cade Muuse wuxuu sheegay in xeebaha Puntland ay haatan xoqdeen kuwa laga baqo wuxuuna ku booriyey dadkii shirkaasi fadhiyay in ay gacan ka geystaan sidii loo dagaala milahaa.

Gen. Cade Muuse wuxuu sheegay in Puntland tahay saldhiga ugu weyn ee taageerida dawlada Soomaaliya loona dagaalamayo taageerada ay siiso dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo Cade Muuse ku amaanay dadka Puntland taageerida Dawlada Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Puntland loo baahan yahay in ay noqoto meel saldhig u ah dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu shacabka usheegay in taageeraan dawlada Faderaalka Ee Soomaaliya ,Maamulkuna yahay Maamulkoodii ayna ka qeybqaataan hawlaha looga baahan yahay in uu fuliyo.

Md.Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in dhamaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay taageerida nabada Soomaaliya ,ayadoo Madaxweyne Yuusuf sheegay in Muqdisho laga dhigay meel nabdoon.

Madaxweynaha DFKMGS wuxuu ka hadlay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay gudaha Puntland ,ayadoo Madaxweynuhu ku tilmaamay mid ahaa nasiibdaro isagoo sheegay in mar danbe aan loo baahneyn in ay arintaasi dhacdo.

Wuxuu sheegay C/laahi Yuusuf Axmed in qodobo door ah ay heshiis ku gaareen dawlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Madaxda Puntland ayagoo buu yiri dhamaana qodobadaasi noqonayaa kuwa hirgala.

"Shacabka Puntland ha noqdeen kuwa Soomaaliya saldhig unoqda ,Midowgii Soomaaliya ,mirihii ka soo baxay Shirkii Nayroobi waxaa gacan ka geystay dawlada Puntland" ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya.

Sannad guuradaan 9aad ee ka soo wareegatay asaaskii Puntland ayaa waxaa ka qeybgalay Madax fara badan oo ka socota dawlada gobaleedka Soomaaliyeed Ee Puntland iyo Dawlada Faderaalka Ee Soomaaliya.
 
bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com
 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 2, 2007

 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com