SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Agoosto 1, 2007

  • Ugaaska Beesha Reer Ow-Xasan oo cambaareyn kulul  jeediyey shirka dib u heshisiinta..

  • Qaraxo ka kala dhacay goobo ka tirsan Magaalada Muqdisho

  • Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay in Xukuumadda Geedi wax badan sharci daro ku soo shaqeyneysay

  • Xildhibaanada Saynab Max’ed Caamir oo war dacwo ah u dirty Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe..

  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne oo…


Ugaaska Beesha Reer Ow-Xasan oo cambaareyn kulul  jeediyey shirka dib u heshisiinta..

Ugaaska Beesha reer Ow-Xasan Ugaas Ibraahim  Ugaas C/laahi Ugaas Axmed ayaa cambaareyn kulul u jeediyey shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku tilmaamay shirkaasi mid aysan waxba ka so bixin Karin, waxa uuna ugaasku taasi sabab uga dhigay iyadoo guddiga shirka magacaabeen dhinac ka mid ah dhinacyada is haya, isla markaana uusan noqon karin guddi lagu kalsoonaan karo, oo soomaali garsoori kara, isagoo sheegay in uusan guddigu madax banaaneyn.

“Shirkaasi wax k0heyr ah kama soo baxayaan, sababatoo ah haddii shirku yahay mid wax lagu dhex dhexaadinayo, waa in uu yeeshaa garsoore ay ku kalsoon yihiin dhinacyada shirka ka qaybgalaya, sidoo kale haddii shirku yahay mid siyaasadeed waa in ay dhinacyada is haya isugu yimaadaan, haddiise mid dhaqan lagu sheegay waxay ahayd in odoyaasha loo daayo” ayuu yiri Ugaas Ibraahim Ugaas C/llaahi, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu ummadda ugu baaqay in aysan ku qaldamin shirkaasi oo uu sheegay in uu isjii-jiidiid hor leh soo kordhiyey. 

Qaraxo ka kala dhacay goobo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xoogeysanayaan weerarada lagu hayo ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa waxaa shalay Magaalada Muqdisho ka kala dhacay dhowr qarax oo lala beegsaday Gawaari ay lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana qaraxyadaasi waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Qarax ka dhacay agagaaarka Carafaat oo lala damacsanaa gaari ay leedahay Dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu waramay in qaraxaasi uu waxyeelo u gaystay gaari kale oo Koostar ahaa oo ay saarnaayeen dad rayid ah, waxaana ku geeriyooday dhowr qofood, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr qofood.

Sidoo kale qarax ka dhacay agagaarka Baar-Ubax ayaa waxay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan .

Habeen hore ayay ahayd markii weeraro lagu ekeeyey gobo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Federaalka, waxa uuna weerarkaasi socday mudo dhowr iyo sodon daqiiqo ah, iyado lagu waramay in ay ku dhinteen dhowr askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaa sidoo kale ku dhintay dad rayid ah oo ay rasaas ugu tagtay guryahooda xili ay jiifeen.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay soo qabqabteen dhowr qofood oo ay sheegeen in lagu tuhunsan yahay qaraxyadaasi iyo weeraradaasi, hase yeeshee dadka la qabtay ayaa ah kuwo aan wax lug ah ku laheyn qaraxyadaasi.  

Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay in Xukuumadda Geedi wax badan sharci daro ku soo shaqeyneysay

Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hadal gaaban ka jeediyey kal fadhiya Xildhibaanada Baarlamaanka ee Baydhabo kaas oo looga hadlayey turxaan bixinta Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Dowladda ayaa waxa uu sheegay in Dowladda FEderaalka ay mudo dhowr bilood ah ku shaqeyneysay si sharci daro ah, isla markaana lagu xadgudbay heshiiskii dhex maray Madaxweyne c/llaahi Yuusuf, Ra’isul Wasaare Geedi iyo Gdudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan SHeekh Aadan, iyadoo xiligaasi uu goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dowladda Itoobiya.

Max’ed Qanyare waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka aysan waxba qaban tan iyo intii la magacaabay isla markaana waxa uu sheegay in Dowladdu ay nabad ku soo dabaali weysay dhamaan goobaha ay gacanta ku hayso.

Max’ed Qanyare waxa uu sheegay in Dowladda uu hogaamiyo Cali Max’ed Geedi looga baahan yahay in ay soo bandhigto wixii qabatay mudadaasi.

Xildhibaano fara badan ayaa iyagu daneynaya in si dhab ah loola xisaabtamo Dowladda Cali Max’ed Geedi. 

Xildhibaanada Saynab Max’ed Caamir oo war dacwo ah u dirty Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe..

Iyadoo weli uu socdo dooddii ku saabsaneyd la xisaabtanka xukuumadda ayaa haddana qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay Dowladda ku eedeeyey in ay gabtay hawlaheedii, isl amarkaanka aysan waxba u qaban Bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanad Saynab Max’ed Caamir ayaa waxaa la sheegay in ay warqad dacwo ah u gudbisay Guddoomiyaha Baarla-maanka Sheekh  Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), waxayna dacwadaasi ku saabsaneed in ay aflagaado u gaysteen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana ugu hanjabeen in ay faraha kala baxdo arrimaha ku saabsan Xukumadda Federalka, waxay kaloo Saynab sheegtay in Xildhibaanadaasi ay ku yiraahdeen waxaad la shaqeysaa, Muqaawa-mada waxaadna lacag ka qaadataa Magaalada Asmara,

Saynab waxay sheegtay in ereyadaasi yihiin kuwo la doonayo in lagu qariyo waxyaabaha ku saabsan Dowladda Federaalka.

“Qofkii Xukuumadda ha lala xisaabtamo yiraahda, ma muqaawamaa” ayay isweydiisay Xildhibaanad Saynab Max’ed Caamir iyadoo ka codsatay Guddoomiyaha in talaabo laga qaado xildhibaanadaasi oo aysan cararaabin magacyadooda.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne oo…

Iyadoo aysan weli deganeyn Xaaladda Magalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Ciidamada Itoobiya habeen hore madaafiic ku soo garaaceen magaaladaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa iyo afar ruux oo labo ka mid ah ay isku qoys ahaayeen, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ku hanjabeen in haddii mar kale weeraro loo gaysto ciidamadooda ay qaadi doonaan talaabo adag oo ka dhan ah dadka degan Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Itoobiya oo ku sugan deegaanka Jante-Kuundishe, ayaa waxay ka codsadeen odoyaasha Baladweyne in gacana loo soo geliyo kooxihii ka dambeeyey qaraxyada loo gaystay, hase yeeshee odoyaal iyo wargarad ka tirsan Deegaankasi ayaa waxay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya in ay doonayaan in ay halkaasi ka gaystaan xasuuq.

Dhinaca kale guddoomiyihii xilka gobalka Hiiraan laga qaaday ee Xuseen Anyax ayaa waxaa la sheegay in uu weli ku adkeysanayo in uu yahay guddoomiyaha gobalka Hiiraan, iyadoo laga cabsi qabao in uu isku dhac dhex maro guddoomiyihii xilka laga qaaday ee xuseen  Anyax iyo guddoomiyaha cusub ee Yuusufu Dabageed, waxaana la sheegay in ciidamo uu wato Yuusuf Dabageed ay u dhaqaaqayaan dhanka Magaalada Baladweyne.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 1, 2007

Boqor Cusub oo ay dooratay Beesha Ismaaciil Cali
Shir lagu qabtay Boosaaso oo ay isugu yimaadeen in kabadan 230 ergo oo ka tirsan beesha Ismaaciil Cali ayaa... Akhri..

Geedi oo muujiyey in uu kalsooni weyn ku qabo Xidhibanaada Baarlamaanka
.Iska hor imaad ciidamada DF ku dhex maray Laanta Buuro
.Magacyada xulka qaranka 17-ka jirka Soomaaliyeed..
.Wabar Orey “Beesha Cayr kama qaybgalin shirka dib u...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 31

Avv, Cali Muumin Ismaaciil “waxaa iga su’aal ah meel aan amaan ka jirin sida loogu xisaabtamayo”

Mooshinkii la xisaabtanka Xukuumadda Prof,Geedi oo Mooshin kale la korsaarey.

Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho, Afgooye iyo Baladweyne
.Weeraro lagu qaaday xarumo ciidamada DF & kuwa Itoobiya
.Nin sheekh ah oo laga watay Masjid ku yaala Muqisho..
.Geedi oo kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Zenawi
.Koobka Jaaliyadda soomaaliyeed ee Koofur Afrika
Wararkii July 30, 2007 halkan ka akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com