SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Puntland Tigers oo ku baaqay in shuruud la'aan lagu siidaayo saddexda dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers (Ehelada Wiilasha ku xiran Bankok)

Oct 30, 2006: Waxaan halkaan idiinku soo bandhigayna warbixin dheer iyo waraysiyo ay shabakada www.somalitalk.com la yeelatay Ehelada sadexda Nin ee ku xiran wadanka Thailand hadana gacanta ku haya Nin Thailand udhashay kana tirsan shirkada SOMCAN oo ah shirkadii ugacan galisay Wadanka Thailand sadexda nin oo kala ah 1- Yuusuf Aadan Seed 2- Maxamud Cabdullaahi Jaamac 3- Xuseen Cabdullaahi Aadan una dhashay Puntland horayna uga tirsanaan jiray ciidanka ilaalada Badda Puntland. 

Afhayeen u hadlay ehelada Sadexda Nin ee ku xiran Bankok Cabdidaahir Cali Cilmi ayaa faah faahin kabixinayaa siday wax udoonayaan wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay. 

Marka Koobaad waxaan salaamayaa dhamaan umada somaliyeed salan kadib waxaa alle mahadiis ah inaan gacanta ku hayno nin ushaqaynayay Shirkada SOMCAN Magaciisana layiraahdo SUMANAT DONUT una dhashay wadanka Thailand oo ah wadanka hada gacanta ku haya rag somaliyeed ee aan waxba galabsan dulmiga iyo jirdilkana ugu gaystay ragaas xabsiga.


Sawirkan waa: SUMANAT DONUT

Waxaan mudo kabadan 20 bilood  ku dadaalaynay anagoo xasiloonida ilaalinayna inaan wadahadal wax ku raadino oo si nabad galyo ah ragaas lagu sii daayo arintaas darteedna waxaan xiriir la samaynay Dawlada Federaalka Somalia Iyo Dawlada Puntland labadaba iyo wax garadka Puntland waxayna ku guul daraysteen inay arintaas wax ka qabtaan    arintaas markasta waxaa hor taagbaa cidii sababtay falkaas  iyo Dawlada Thailand oo dhagaha ka furaysatay dadaaladii la sameeyay. 

Hadaba markii wadahal wax ku socon waayeen ragiina lagu xukumay mudo kabadan 10 sano xarig ah iyagoon waxba galabsan waxaan is tusnay inaysan jirin wax la dhawrto oo dambe kadibna waxaan go’aan sanay inaan qaadno tilaabo kasta oo nala gudboon oo aan ragaas kusoo dayn karno waana sii wadaynaa ilaa wakhtiga ugu dambeeya. 

Mar aan wax kawaydiinay Sida ay hada ka yeelayaan ninkaan ay hayaan wuxuu yiri sidan. 

Anagu ninka aan hada hayno oo ah nin xubin sare ka ah Shirkadaha SOMCAN iyo Sirchai Fishing Company waxa kaliya oo aan arintiisa kala hadli karnaa waa Dawlada Thailand ama Raga udhashay wadankaas oo shirkadaha SOMCAN & Sirchai Fishing Copmany ka tirsan diyaarna uma nihin inaan cidkale kala hadalo.  

Waxaan kaloo usheegaynaa cidii kale oo isku dayda inay arintaas faragalin ku samayso waxaanu siinaynaa jawaab munaasib ah wax gor gor tanana aan lahayn cidii arintaas faraha la soo gashana iyadaa qaadaysa masuuliyada wixii ka yimaada. 

Waxaan kale oo wax kawaydiinay waxa ay ninkaan u haystaan wuxuu yiri sidan: 

 Ujeedada aan uhaysano waxay tahay qodobadaan soo socda

  • sadexdii nin oo sida sharci darada ah oo tuugada ah loola tagay in la siidaayo shuruud la’aan
  • In magdhaw laga bixiyo xadgudubka loo gaystay Jirkooda, Mooralkooda, Caafimaadkooda iyo Xoriyadooda.
  • Xoriyadooda 20 bilood wixii loo gaystay
  • Ubad koodii iyo Xaasaskoodii iyo ehelkoada dhibaatadada soo gaartay oo wal wal iyo masuuliyadii ay u hayeen oo luntay.
  • Dhuumashada lala dhuuntay oo lagala dhuuntay wadankoodi iyo xatooyadii loo gaystay lana geeyay wadan aan wadan koodii ahayn kana fog.
  • Qarinta la  qariyay markii wadankaas la geeyay si aan loogaba war helin meel ay ku sugan yihin.
  • Xukun Cadaalad daraa oo la xukumay iyagoon wax cadayn iyo markhaatiyaal ah loo hayn loona daliishaday kuwii xiray waxay ku hadleen.
  • Iyaga oo loola dhaqmay si aan bini aadamka loola dhaqmin kana baxsan xeerka caaligaa.
  • Iyaga oo lagu shaqeeyo maalintii mudo kabadan 9 saac laguna qodo godad waxay cunaana aan la siin ee ay gaajo ku shaqeeyaan.
  • Ugu dambayn tii waxaa laysku darsaday hantidii umada somaliyeed sida khayraadka badda iyo dadkayagii arimahaas oo dhamaantood ka baxsan xeerka caalamigaa anagoo ugu baaqayna inay isaga baxaan wadankayaga.
  • In naloo soo celiyo kharashka iyo wakhti dhumiska mudada dheer nagu socday ilaa hadana nagu socda.
  • Si khaldan baad noo qaymayseen hadaadse nabaran doontaan hadii aydaan u hogaansamin waxaanu idin leenahay.

Puntland Tigers


 

Wabilaahi Tawfiiq. 

Afhayeenka Ehelada Wiilasha ku xiran Bankok (Puntland Tigers) Cabdidaahir Cali Cilmi
Tell: 00-2525-441274/2525-727616/2525-766166
Email:   xuseenuraag@hotmail.com / jibriil0118@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey:
Abdinur Mohamed Seeraar
Email: qalay2005@hotmail.com
Somalitalk.com Galkacyo

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2006


Sawirada hoose waa ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland oo saaran markab SOMCAN.


Bosaso: Nin u dhashay dalka Thailand oo lagu Afduubay Magaalada Bosaso ...

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]

Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......