SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Xabsiga oo Markale lagu soo Booqday Wiilasha ku Xiran Bangkok....

SomaliTalk.com | Bangkok, Thailand | April 22, 2006

Amnesty International Thailand:
Tel. 66 2 938 7746
Fax: 66 2 938 4756

E-mail: suntharee@amnesty.or.th

Website: www.amnesty.or.th
 

Shalay (April 21) ayaa nin Soomaaliyeed uu xabsiga ku soo booqday 3da Soomaalida ah ee sida xaqdarrada ah ugu xiran magaalada Bangkok ee dalka Thailand. Haddaba waatan warbixintii uu Bangkok kasoo diray muwaadinka Soomaaliyeed oo indhihiisa kusoo arkay wiilasha ku silicsan xabsiga Thailand.

Waxaan tegey xabsiga shalay, waxaan la kulmay saddexda Soomaalida ah ee ku xiran, waxaana caloolyow ahayd markii aan indhahayga saaray sida ay u rafaadsan yihiin.

Mid kamid ah saddexda xiran ayaa yiri: "Walaal halkaan waxaan xabsigan ku jirnay muddo ka badan hal sano, maalin walbaana waxaan islaheyn xaqdarada laydinku haysto Dowlada Somaliyeed iyo Dowlad goboleedka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyin oo wax idiin qaban ee iska yara samra maanta iyo baritaa laydiin imaane, laakiin saan arko hadda waxaan sugnaba waa xukun iyo xabsi badan sidaa daraadeed aniga shaqsi ahaan waxaaan goostay haddii lay xukumo inaana dhibaatadaan u sii adkeysan oo aan isdilo, saas waxaa yiri Mohamud Abdulahi Aden oo ah  wiilka aan filaayo inay dadiisu ka yartahay 20 sano.

150 Baht (Lacagta Thailand)

Mar aan sii weydiiyey waxa ku kalifay inuu isdilo waxuu yiri isaga oo ooynaya: miisaaankayga waad u jeedaa, maalin walbaana waxaan shaqeeyaa sideed saacadood oo aan god qado waxaana laysiiyaa Xabad rooti ah. Xoogaaga lacagtaa ee dhowrkii biloodba ehelkeey iyo ummad Soomaaliyeed noosoo diraana baad baa nalooka qaataa oo subax walba waxaan bixiyaa 150 Baht ($4 doolar), haddii aanan lacagtas bixina waxaa laygu sameynayaa waxaana halkaan kaaga sheegeyn, marka walaal cadaabtii aduunka ayaan ku jirnaa, sidaas ayaan go'aanka ku gaaray, markuu halkaas marayo ayaa waxaa la hadlay Yusuf Aden Seed, oo xabsiga kula jira, oo ku yiri walaal cadaabta adduunka waxaa ka daran tan aakhiro, ninkii isdilaana waa ehelu naar ee fadlan ha isku darsan labada cadaabood ee tan aduunka u samir, markaasay sadexdoodii isku ooyeen aniguna aan naxdin awgeed banaanka isaaga soo baxay.

Ummadda Somaliyeedey waxa meesha ka jira ma ahan wax lasoo koobi karo ee haloo istaago sidii sadexdaa wiil oo aan hubo in laba ayna gaarin 20 sano looga soo saari lahaa cadaabtaan ay ku jiraan, ayagoo aan wax danbi ah oo eey galeen ama loo heysto eysan jiriin aan ka aheen in loo dhibay dowlada Thailand si eey ugu dilaan xabsiga.

Maxaa la gudboon qof kasta oo Soomaaliyeed si uu uga qayb qaato arrinta wiilashan?

Ugu horayn fadlan booqo halkan si aad emailo ugu dirtay madaxda Boqorka Thailand, Ra'iisul wasaaraha Thailand iyo madaxda Soomaaliyeed.

Akhri: Gurmad Degdeg ah: Ka Qayb qaadasho sidii loo soo deyn lahaa 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand...

Haddii aad taageero u fidineysid wiilashan xiran, taas oo lagugu dhiiri gelinaya si xaq dararadaas loo soo afjaro, fadlan la xiriir:

Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2006 | Updated: Apr 23, 2006

Sawirka lacagta: Google image search