SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida iyo Isquursiga 

Cabdixakiim Jaamac Jooje
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com

Marka hore Allaah ayaa mahad idilkeed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni Muxamed ayey korkiisa ahaatay. 

Marar baddan ayaan dhageystay, oon akhristay qoraalo iyo barnaamijyo ka waramaya arinta ah Quursigu qiil ma leeyahay? Haddana waxaad moodaa meel la isla dhigay inaanay jirin. Arintaas anigu shaqsiyan waxaan eedeeda dusha ka saarayaa dadka bulshada hormuudka u ah, oo ay reer walba oo Soomaali ah leedahay. 

Dhibaatooyinka maanta ka jira Soomaaliya, ee sababay barakaca, burburka, dowlad la’aanta, is xurmeyn la’aanta, isqabqabsiga, tanaasul la’aanta i.w.m, waxa sal u ah ah godobtan soo jireenka ah ee laga galay bulshadan walaalaheen ah, haddana cid uga garaaweysa aanay jirin. Addunnkan meel walba maray walboo aad eegto, haddey noqota carabaha, Afrikada, Asia iyo Europe meel aan u dhigo Soomaaliya ma’aanan arag. Xitaa Jaahilnimo heer laga gaaray Hooyada iyo aabaha Soomaaliyeed waxey gaareen heer ay ku qancaan si kasta, oo ay u bareeraan inay gabadhooda u guuriyaan dad ka yimid caalam kale, oo aan nala dhaqan aheyn, diin aheyn, meel ay kasoo jeedaan ayan garaneyn, haddana lagu faraxsan yahay in la xidido. Halka kii naladhashay, oo nala dhiiga ahaa, aan isku diinta aheyn, isku dhaqanka aheyn, la leeyahay waa reer hebel. Runti maaha wax laga sheekeeyo oo qura, ee waa wax ka ilmeysiisa indhaha, oo ka oohisa qalbiga, qof kastoo damiir islaamnimo lehna uu ka gubto siyaabaha dadkaa loola dhaqmayo. 

Haddii aanu nahay dad rumeysan diinta aynu sheeganeyno, waxa inoogu filan sida ay diinteena macaan uga hadashay:- { Allaah  wuxuu Quraankiisa ku yiri waxaanu idinka abuuranay lab iyo dhedig, oo waxaanu idinka yeelanay shucuub iyo qabaa’ilo si aad isu garataan, waxaase Alle agtiisa idinkugu fadli iyo kheyr baddan kan idinkugu cabsida baddan. }. Sidoo kale rasuulkeeni wuxuu xadiis saxiix ah ku yiri ummaddu inaanu kal fadilneyn, oo ay isku mid yihiin, carab iyo cajab, caddaan iyo madow, oo dakoo dhan ay ka yimaadeen Aadan, aadanna laga abuuray dhoobo. Sidoo kale wuxuu rasuulkeeni yiri qofki uu camalkiisa meel xun dhigo, nasabkiisa meel wanaagsan ma geeyo. Soomaaliyeey sida aad la socotaan Allaah wuxuu abuurtay Janno iyo Naar, oo lagu kala abaalmariyo dadka, janno waxaa galaya dadka mu’miniinta ah, oo wanaagsan, naarna wax galeysa dadka ahlul sharta ah, kaafiriinta, Munaafiqiinta iyo dadka xun oo dhan. Haddaba ogow labo wada dhalatay, isdhashay, isqaba ama labo dad isugu dhow ayaa labadaa waddo kala qaaday iyagoo ku kala leexanaya camalkoodii. Marka aaway dadkii oranay anigu laandheere ayaan ahay iyo reer hebel ayaan ahay. 

Marka hadduu xaalku sidaa yahay miyaanay wanaagsaneyn inaad xiriiriso, oo aad kula dhaqanto dhaqan wanaagsan dadka ahlul kheyrka ah oo ka iman kara dhinac kasta. Maxaa kugu kalifay inaad qof Mu’min ah aad ku riixdo nasabkiisa dartiis. Allaah wuxuu aayad kale ku leeyahay war dadyahaow qofkiina, yuusan qof kale quursan, laga yaabee inuu kaa kheyr baddan  yahay. Dumarna yaanay xaqirin dumar kale laga yaabee inay kaa kheyr baddan tahay. Xaalku waa sidaa, marka waxa wanaagsan inaad mar walba aad qiimeyso camalka iyo dhaqanka qofka, ee aanad eegin yuu yahay. 

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxey tahay jaahilyadan malala dagaalami karaa, sideese loola dagaalami karaa? Jawaabtu waa haa, waa lala dagaalami karaa. Sida loola dagaalami karona waa:-  

  1. Bulshada dadka hormuudka u ah oo arintan u istaaga sida { Culimada, Aqoonyahanada, Ganacsatada, Oday dhaqameedyada, Haweenka, iyo cid alla cidi hormuud u ah ummaddan } oo meel walba ka istaaga, kaga hadla, bararujiya dadka. Maalin dhaweyd Maxkamadaha Islaamiga ayaa arintaas si fiican uga hadlay oo yiri arintaas ha la joojiyo. Kheyr allah siiyo, laakiin arintaan waxey u baahan tahay in meesheeda laga sii wado.
  2. Aqoonyahanada oo isku daya inay si cilmiyeeysan arintan u galaan, oo laga sameeyo qoraalo baddan, siminaaro, wacyi galin heer caalami ah.
  3. Culimada oo badiya ka hadlaka arimahan, oo xitaa mu’tamarada islaamiga mar walba looga hadlo.
  4. Wargeysyada, idaacadaha, gaar ahaan aaladan internetka, oo ay Webmasterska furaan doodo arintaan la xiriira si looga helo fikrado baddan oo macquul ah.
  5. Bulshada dadka Role Model ka u ah, sida Culimada, aqoonyahanada, ganacsatada, Oday dhaqameedyada, haweenka, oo haddii ay dhacdo inay soo wajahdo ama awlaadooda ay ismutaan xag guur, oo arintan la xiriirta ay u istaagaan siday u hirgelin lahaayeen, oo weliba ay juhdi iyo dhaqaale ku bixiyaan.
  6. In dagaal cad lagu qaado dadka aadka ugu dhaqma cudurkan jahliga ah ee had iyo jeer bulshada kala takoora. Goobaha ay ka sheekeeyaan ama ay joogaan si toos ah looga horyimaado.
  7. In la dhiira geliyo in la furo ururo arimahan u dooda.
  8. Inay xiriir fiican sameystaan dadka arimahan u ololeeya.
  9. Waxa iyadana muhiim ah dadka arimahan loogula dhaqmo, inaanay ogolaan oo ay iyaga iyo awlaadoodaba arimahan si cad uga hor yimaadaan. Ogolaanshuhu waa astaan inaad raali ka tahay.
  10. Sidoo kale Bulshadan la takoorayo inaanay u arag in Soomaalidoo idil ay raali kawada tahay arintan, ee waa dadka xumaanta u saaxiibka ah oo naga adkaaday, inshaa’allaah libinta waxey ku danbeyneysaa gacanta dadka wanaagsan, cudurkan jahliga iyo shayaadiintan wuu suuli doonaa hadduu Allaah yiraahdo.

Haddii arimahan aan kor kusoo sheegay iyo kuwo kaloo baddan oo mowduucan la xiriira laga dhabeeyo waxaan qabaa in ay wax baddan qabsoomayaan. Waxaan kula dardaarmayaa ragga hormuudka u ah qoraalada Webside-yada Soomaalida in ay aad u badiyaan ka hadalka mowduucan, oo ay fikirkooda wanaagsan usoo gudbiyaan bulshadan lakala qoqobay. Waxa xusid mudan gabadha magaceeda la yiraahdo Zahra Xirsi, ee maqaalki maanta ugu danbeeyay fikerkeeda wanaagsan ku cabirtay, runtiina meelo baddan taabanayay, Allaha ka abaal mariyee. 

Soomaaliyeey aan Allaah ka baqno oo cunsuriyada aanu si wadajir ah ula dagaalano. Ogow qofka xumaanta u ehelka ah adna wax kuu tari mayo, ummaddan waa lugooyadeeda ee aynu si wadjir ah Torch ka ugu ifino. Anaa kaa qabiil wanaagsan iyo anaa laandheere ah waa waxa bulshada la haray, ee Soomaaliyeey qiimeynteenu ha noqoto, yaa inoogu alle ka cabsi baddan, yaa inoogu cilmi baddan, yaa dadkan hagi kara. Qabyaaladu waa qurunee haleysaga haro. Waa waxa halkaa ina dhigay 16ka sano. 

Ballanteenu waa la dagaalanka cunsuriyada iyo iska qabashada dadka xumaanta ehelka u ah. 

Intaas ayaan kusoo gababeynayaa wixi kheyr ah oo aan sheegay waxey u sugnaatay Allaah, wixi khalad ahna waa nafteyda iyo sheydaan. 

F.G:- Haddii ay hadaladeydu ay si kale kuula muuqdan oo khalad ah, fadlan ka raali noqo, waa iga wanaag raadin. 

By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser.
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2006

.Quursiga Qiil ayuu Leeyahay | ZahraCabdi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD