SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MULACU  DABO  KA  GOOYNTU  WAA  KU  DHIMASHO CARRUURNA  WAA  KA  CAYAAR 

HaldhaaMohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Dec 13, 2006


  Markii laga takhalusay qarankii Soomaaliyeed, qabaa'ilkii Soomaaliyeedna qolo kastaa meel lagu ooday oo hubna laysugu dhiibay, si ay isu laayaan, ayuu Maraykanku go'aan ku gaaray inuu ciidamo u soo diro waddanka Soomaaliya. Si uu u dhammaystiro ama u khatimo ruwaayaddii socotay. Arrintaasna waxaa ku raacay oo u sii ololeeyay qaramada midoobay (U.N) oo uu hor kacayay Budrus Ghali. 

  Ciidamadii qarmada midoobay ee Soomaaliya loo diray waxay tiradoodu dhannayd 38,000 oo askari oo ka kala yimid 21 waddan. 25400 oo ka mid ahna waxay ahaayeen ciidamada Maraykanka. Laakiin ciidamada Maraykanka intaas way ka badnaayeen. 

Dhammaan ciidamadaas qaramada midoobay waxaa loo gu magac daray:-

Ciidamada rajo soo celinta”. 

Xaqiiqdiise waxay ahaayeen:- 

Ciidamadii rajo sii cayrinta).  

Haddii si kale loo yiraahdana waxay ahaayeen gumaysi cusub oo shaadh loo soo galiyay, si loo baabi'iyo, midnimada, dhaqanka, diinta iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.  

   Arrintaasna waxaa kuu caddaynaya falalkii waxashnimada ahaa ee ay ciidamadii U.Nta ku kaceen. Ciidamadii falalkaas gaystayna waxaa ka mid ahaa ciidamadii Kanada oo Soomaaliya joogay laga soo billaabo December 1992kii illaa May 1993kii, kuwaasoo sannadkii 1995kii lagu soo eedeeyay inay jidh dil ku sameeyeen hal ruux oo Soomaali ah illaa uu ka dhintay. 

Saddex kalana ay si toos ha u toogteen. 4-3-93kiina laba nin oo Soomaali ah ayay u taxaabeen xaruntii fadhiisinka u ahayd ciidamada Kanada, dabadeedna intay meel ku tuureen ayay toogteen. Nin labadaas nin ka mid ah ayaa halkaas ku dhintay, kii kalana waxaa soo gaaray dhaawac. 

   Arrintu waxay ahayd mid hoos u qodan. Sababtoo ah markii ay eedayntaasi sooo baxday waxaa is casilay wasiirkii gaashaan-dhigga ee Kanada isagoo ka xumaaday in la soo eedeeyo ama ceebahooda la soo faago ciidamadiisa. Walina waxaa hortaagan in baaritaan fiican la sameeyo masuuliyiin sarsare oo ciidamada Kanada ka tirsan, sida ay sheegeen guddi baaritaan oo arrintaas loo xilsaaray. 

   Wargaysyada Talyaaniguna waxay daabaceen, askarta Talyaaniga oo wiil Soomaliyeed luqunta koronto kaga xiraysa, si ay jiidhkiisa koronto u qabadsiiyaan. Waxay kaloo daabaceen sawirro muujinaya askarta Talyaaniga oo kufsanaya gabadh Soomaaliyeed.  

      Maxkamad milatari oo ku taalla waddanka Biljam caasimaddiisa Brussels waxaa la hor keenay labo askari oo Biljam ah oo la kala yiraahdo Claude Baert iyo Kurt Coelus, kuwaasoo la sawiray iyagoo dab holcaya ku dul haya oo ku solaya wiil Soomaaliyeed. Waxayna labadaas askari sheegeen in wiilkaas uu isku dayay inuu xado cunto. Waxay kaloo sheegeen inuu wiilkaas  ku dhintay kontaynar uu ku xirnaa 48 saacadood.

Askari kalana waxa lagu eedeeyay inuu dilay qof Soomaali ah oo la sawiray isagoo wajiga uga kaadinaya. Kuwo kalana waxaa lagu soo eedeeyay inay wiil Soomaaliyeed ku qasbeen inuu cuno hilibka Doofaarka.

Falalkaas waxashnimada ah ee loo gaystay ummadda Soomaaliyeed ee aan is difaaci karin intaas oo qura ma aysan ahayn ee intii ay qariyeen ayaa aad iyo aad uga sii fara badan. falalkuna dhammaantood waxay ahaayeen kuwo la xiriira midab kala sooc iyo cunsurinimo, sida uu sheegay askari ka mid ahaa eedaysanayaashii Talyaaniga, isagoo yiri;  

”Maxay qiimo leeyihiin?!. Maxaase ku jaban?! Waayo oo waa dad addoomo ah” 

   Arrintu waa sidaas uu askariga Talyaaniga ah u sheegay oo wax qiimo ah oo aannu ugu fadhinay ma aysan jirin. Waxayna la ahayd inaanu nahay addoomo ay leeyihiin. Cid wax ka qaadday ama wax ka qabatayna ma ay jiraan sida labadii askari ee wiilka dabka ku solaysay, iyagoo waliba maxkammad horteeda ka qirtay inay falkaas gaysteen. Waxaase wax lala yaabo ah in xeer ilaaliyihii muduciga ku ahaa labadaas nin ee wiilka Soomaaliga ah dabka ololaya ku solaysay uu dalbaday in xarigii ugu yaraan ahaa halka sano looga dhigo hal bil oo qura. 

    Waxayse murugada iyo ciilku kugu sii kordhayaan markaad ogaatid inay labadaas  askari ku andacoodeen inay ku cayaarayeen markay wiilka dabka ku solayeen oo aysan cadawtinimo ka ahayn. Taasna ay keentay in la iska sii daayo. Run ahaantii waa wax lala yaabo ruux dhan oo banii'aadmi ah inta lala boodo oo dab lagu solo sida hilibka in la yiraahdo waannu ku ciyaaraynay. Arrintuna waxayba noqottay uun Mulucii ay carruurtu dabada ka gooynaysay iyagoo ku cayaaraya, ee deedna la yiri  

Mulacu daba ka goynta waa ku dhimasho, carruurna waa ka cayaar” 

FG: Maqaalkan waxaan qoray  1997kii bishiisii 9aad. Waxaana lagu soo dabacay wargeyd la odhan jiray ”Dhanbaal” oo ka soo bixi jiray magaalda Stockhom ee waddanak Sweden. Waxaan hadda ugu soo celiyayna waxaa weeye yaab aan la yaabay dadka maanta u riyaaqaya in ciidamo shisheeye la keeno.

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
 Chairman of  The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
 Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD