Yeeynu Noqon Tabtoodii!
Cadde Muusoow
Ummaddan tabantaabo mooyee lugooyo dambe ma qaban karto.
Ugu horayntaba waxaan salaan aad u qiima badan u
dirayaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka
joogaan, waxaan leeyahay dhibaataa idinla soo gudboonaataye
Illaheena wayn Allah kan aynu kuligeed sida ugu wayn u aaminsanahay
badbaado ha idinsiiyo, hana idinku duwo in aad dariiqa uu nolosha
aadanaha u jeexay garataan, Akhri qowlka Illaah si aad dib ugu
xusuusato arintaa, tan oo aan noqon doonin mid idinku cusub ee ay
tahay oo keliya balantii aan qaadnay bilowgii dunida, waqti aynu
sida aan u dhannahay ku jirnay Abbe aadan dhabarkiisa, goortaas oo
Ebbe wayne ina waydiiyay “Miyaanan Barbaariyihiina ahayn”, annaguna
aan ku jawaabnay eebboow haa.

Gen. Cadde Muuse |
Salaantaa kadib waxaan jeclahay maanta in aan arin
aad qalbigayga u dhex xushay hal ama laba weedhood ka idhaahdo! Tan
oo igu dhalatay kadib markii aan soo dhex maray doorashadii Cadde
Muuse kadib dhaliinyaradda Gobolkan aanu kuwa noolnahay intooda
badan, kuwan oo raja wayn ka muujiyay dorashadda ninkaa ee ku aadan
Maamul goboleedka goboladda Woqooyi Bari ee Soomaaliya.
Malahaygu waxa uu goortii hore I tusay in
dhaliinyaradda Gobolkaa u dhashay ama guud ahaan dhaliinyaradda
Soomaaliyeed ee Qurbaha, aysan dan sidaa u buudhan ka lahayn
dhibaatadda maanta ka aloosan geyiga Soomaal, ama xataa hadii qaar
iyaga ka mid ahi uu ka jiro maamul gobolka ay asal ahaan kasoo
jeedaan, tan waxaa maya yidhi sahankan aan ku ogaaday rajadda
dhaliinyaradda Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya doorashadda cadda muuse ee xilgan.
Bilowgii baraaruga arooryaad ayaan koox dhaliinyara
ah oo wada faraxsan kula kulmay maqaayad aan islahaa armaad ka
laxooxaysataa, dhaliinyaradanu waxa ay u taagnaayeen si teelteel ah,
waxaan iri maxa isbedelay? Bal adba..cid juuq iyo jaaq ii tiri toona
ma aysan jirin, oo iyagaa isku mashquulsanaa waxaana la falan
qaynayay sida ay wax u dheceen? Doorasho…Soomaaliya Alley leedahay!
Yaab! Beryahanba waan maqlayay meelo badan oo doorashooyin laga
sheegayay, laakiin marnaba uma haysan in uu jiri karo sansaan rajo
ama hiyikaca sidan u baahsan ee dhaliinyaradda maanta arimaha ku
jeeda Soomaaliya iyo rajo ay markale ka muujiyaan.
Waxaan bilaabay in aan su’aalo waydiinayo, maxaad ka
filaysaan Cadde Muuse, waxaan la soo qaaday mashaariic ciida ka
badnaa oo aan xataa qudhaydu qayb ka ahaa oo inta quud jeclaysi laga
horgeeyay baabah ku dhamaaday, sow kuwii kaga horeeyay kursiga
manhajkoodii ma huwana, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Hal nimay
korsataa wadkeeda Jooga” sow dalkooda iyo dadkooda dartii may ahayn
wixii ay heerkaa ku gaareen, maantana sow dalkii iyo dadkii ma aha
waxa ay u heshiiyeen ee haanta wilifka iyo walaahowga lagu
daadihinayo.
Dhaliinyaradii fadhigaa taalay ninba meel buu ku
dhuftay, ugu dambayntii waxaa ay dhalintu isku raaceen in ugu yaraan
Cadde Muuse uu yahay nin waayo soo joogay dunida reer galbeedka, oo
uu wax uun u ogolaan doono ummadda imika horjoogaha in uu unoqdo loo
doortay, isbedelka saaka wejigood ka muuqanayana uu taa salka ku
hayo.
Khibradaydii Soomaaliya.
Sanadkii 1995kii markii aan dhamaystay wejiga koowaad
ee daraasaddaydii waxbarashadda sare, ayaan judhiiba u qallab qaatay
in aan bal dalkaygii iyo dadkaygii musiibadu ku habsatay wax u qabto,
isma waydiin xagee tolow ka bilowdaa ee waxaan markiiba sahan ugu
dhaqaaqay bal horta Soomaaliya shan sano oo burbur iyo baaba’a ah
maxaa muuqanaya oo raja ah, yaase u maqan! Waxaan markii iigu
horaysay tagay burburkii ka dib bishi May 1995kii Magaaladda xarunta
ah gobolka Jubadda hoose ee Kismaayo, safarkaygaa aad buu uqiima
badnaa, waxaanan ogaaday arimo aad loogu doonayo dabar gooynta Inta
ka hartay Ummaddii Soomaaliyed.
Niyad jabkii aan kala soo kulmay meeshii ugu horaysay
ee aan booqday dhul Soomaaliyeed, waxay igu dhalisay in aan dib ugu
laabto Xarunta dalka Ivory Coast ee Abidjan iyo Shirkadii aan u
shaqaynayay APC. Quustu waa xaaraane Sanadkii 1996kii bishii Janaayo
ayaan mar kale Soomaaliya dib ugu laabtay, oo waxaan halkii kasii
waday sahankaygii, markan waxaan tagay Goboladda Woqooyi Bari ee
Soomaaliya, dad iyo dal ahaan aad baan ola dhacay, laakiin nasiib
daro hankii aan qabay iyo ugargaarka Ummadda Soomaaliyeed meeshay
dooniba ha joogtee wuu sii dhintay! Waxaan qoladii aan u shaqaynayay
lasoo galay heshiis ah in ay ku sameeyaan Gobolada W. Bari ee
Soomaaliya wejiga koowaad maalgelin dhan 24milyan oo lacagta
Maraykanka ah.
Barnaamijku waxa uu lahaa sadex weji oo waawayn
-
Popular Science Center
oo ujeedkeedu ahaa in ardaydii ay waxbarashadu ka halowday dib
loogu kaabo barnaamijyadoodii waxbarasho, oo ay noqdaan kuwa la
saan qaada xiliga oo ay asaagood dhinac ka riixayaan.
-
Cheese Production in Somalia.
Afar warshadood iyo xeryihii xoolaha lagu barbaarinayay, haday
noqon lahayd calafka, naaxinta, daryeelkooda caafimaad iwm,
kuwani waxa ay soo saari lahaayeen todobaad walba Hal Milyan Oo
Kg, islamarkana waxaa loo hayay suuq xagan iyo Maraykanka ah oo
1kg ku iibsan lahaa $40 oo lacagta Maraykanka ah, maxsuulka
todobaadwalba ayaa lagu waday in uu noqdo 40Milyan oo Dollar,
sababta tayadda xoolaha Soomaalida, waxaa goortaa inta ugu badan
laga samayn lahaa Cheese-kaa caanaha geela oo sida cilmi baaris
la sameeyay lagu ogaaday dhigaal geli kara intii la doono.
-
Building a Seafood Processing and
Cold Storage.
Waxa ay tanina ka saacidayn lahady ummadda Soomaaliyeed sidii ay
u heli lahayeen dhisida kayd ama qaboojiyayaasha baabuurta lagu
dhiso ee loo isticmaalo daabulida Malayga, Aargoosatadda iyo
dhamaan khayraadka Badda, waxaa markaa gobolka laga samayn lahaa
warshado yaryar oo lagu xidhxidho qalabka noocaas ah, qalabkan
ayaa loogaga iibin lahaa gudaha dalka lacag kun jeerna ka jaban
tan uu hada dibada oga yimaado.
Barnaamijyadan waxaa dhinac socday barnaamijyo kale
oo aad u farabadan oo Soomaalida, Gobolka, iyo dalkuba si weyn ogaga
faa’iidi lahaa.
Waxay shakhsiyan igu qaadatay in aan shan bilood oo
xidhiidh ah sahan ku maro inta u dhexeysa Mqudisho, Welawayn, Buqda
Agabla’a, Beledwayn, Gaalkacyo, Boosaaso, Howdka Nugaal, Nugaasha
dhow, Adhi-cadeeye oo 30 Km u jira Laascaanood, ilaa aan gaaray
howdka Sool, intaas oo dhan ujeedkaygu waxa uu ahaa bal in aan arko
meel naftu kaga soo laaban karto ummaddan jinniga wareersani
daasadaha u tumay.
Markii aan sahankaygaa soo dhameeyay oo weli aan
raadinayo xagee dalkan iyo dadkan nafta lagaga soo celiyaa oo wax un
nolol wanaagsan iyo shaqo abuuris lagaga bilaabi karaa! Waxay
umuurtu isugu soo biyo shubatay in aan sagaanshan boqolkiiba ka
dhigto fadhiisin Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya oo aan amni
iyo xoogaa kala dambayn ah biday.
Maxaa is hortaagay.
Waxaan bilaabay in aan iswaydiiyo xagee laga geli
karaa? Yaa loo maraa qolyaha maamulka? Sidee ugu fudud oo aad
howshan muhimadda balaaran leh u gelisaa maankooda? Jadbad aad u
badan baa dhinac walba nafsadayda u dhaafsan, waxaan kulanay nin
dhaliinyaro ah, oo arday ka ahaa School Maamulka iyo xisaabaadka
lagu baran jiray, oo ay lahayd mid ka mid ah hay’adaha gargaarka ee
ka howl gala Boosaaso, waxaan wax aan sidaa u buudhnayn ogaga
taabtay ujeedada aan halkan u joogo! Markaa ma aysan jirin Dowlad
Goboleedku, waxa uu ii sheegay in uu jiro nin ay qaraabo yihiin oo
qolyaha maamulka ku jira galabtana aan u tegi doono, arintaa baynu u
balanay iyo hadii ay qoraxdu qabowdo, Boosaaso oo meel aad u kulul
ah.
Hadaan ninkii odayga ahaa la kulanay, waxa uu inoo
sheegay in uu isagu kusime yahay, laakiin uu wax walba dhamayn karo,
hadii ay jiraan wax balan qaad ah oo isaga loo samaynayo! Waxaan
waydiiyay balan qaad noocee ah? Intuu Is giriirixiyay oo naf
isgeliyay ayuu si geesinimo leh ola dhawaaqay “waxaan doonayaa in
aan hantidaa wax ku yeesho”, waxaan waydiiyay ma waxbaad ku
darsanaysaa oo dhaqaalaad haysataa, intuu si xanaaq ka buuxo ii
eegay ayuu yidhi mayee lacatooda ayaan kula shirkoobayaa! Waxaan
waqtigaa soo qaaday ninkaa odayga ah Sawirkiisa iyo codkiisa si
markaa ay unoqoto marag ma doonto falkaa naxdinta leh.
Markale iyo Niyad jabkaa kadib, dhow jeer baan dib
ugu laabtay Goboladda Woqooyi Bari Soomaaliya aniga oo ka rajo ka
qaba bal in ay wax isbedelaan, laakiin taasi waa ay shaqayn wayday,
aniguna xataa rajadda aan ka qabay howshan oo aad u hagaagsanayd
Saaxiibaday uma sheegin in mashruucii uu shaqayn waayay oo caqabado
noocaas ahi soo bexeen.
Akhtistaha mudanoow waxaa dhici karta in aad
iswaydiiso, gabankan nimanka uu wadanka kusoo hagay maxay dan ah oo
u hayaan dalka, heshiiska waxaa qayb ka ahaa in wax soo saarka sadex
marka loo qaybiyo qayb dalka la siiyo, markaa hadii ay maamulku
xammaam ugu dhisi lahaayeen iyo hadii ay cusbitaalo ugu habayn
lahaayeenba.
Keliday ma ahayn
Waxaa jiray dhaliinyaro kale oo dadka Gobolkaa u
dhashay ah, oo iyagu isaga yimid dhamaan dalalka Dunida oo dhan,
kuwan oo wax tar kaygaa oo kale ah doonayay in ay kusoo siyaadiyaan
dalka iyo dadka, adigoo xusuusan wixii Gobol dalka ka mid ah taga ay
ka dhigan tahay isagii oo dalkii oo dhan wada tagay! Gaar ahaan
Goboladda Woqooyi Baro oo aan oran karo waa kan keliya ee ilaa iyo
imika aad ku arkayso dad Soomaaliyeed oo kala reera ah oo ay dan un
isu keentay, dhaliinyaradanna sidaydoo kale ayay dhur daraysteen, oo
qorshohoodii waxa uu ku intahooday halkii uu kaygu maray!
Maxaa U diiday.
In ay ka faa’iidaystaan dadkana oga faa’iideeyaan
qolyaha maamulka gobolka isaga dabamaray, oo xataa hadii ay doonaan
ay kula xisaabtamaan in ay helaan dhaqaalaha ugu badan ee wax soo
saarkaa shirkadahaa, iyaga oo matalaya dalka iyo dadka marka
meeshaba laga saaro danaha shakhsiga ah, Akhriyaha mudanoow
su’aashaa jawaab waa loo waayay! Waxaan u celinayaa oo aan doonayaa
in aan wax ka waydiiyo Madaxwayne Cadde Muuse, aniga oo ujeedada
qoraalkayganba ay ahayd in aan ogaga digo halkii ay mareen qolyihii
isaga ha ko horeeryay, markaan sidan leeyahay uma jeedo ruux gooni
ah, ama reer gooni ah ee waxa hadalkaygu u dhacayaa waxaa weeye
walaalayaaloow sidee dalkeenii iyo dadkeenii burburay usoo celinaa
innaga oo ka bilaabayna halka ugu hoosaysa ee Gobol iyo Degmo.
Yeeynu Noqon Tabtoodii.
Weli waxaan jeclahay in aan halkan bidhaamiyo in
aanan cidna u jeedin, shakhsi, reer, gobol iwm, waxaan oga
gol-leeyahay in aan si guud u tilmaammo in aadan dib u qaadin
dariiqii cid walba oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u dhimay ay
horay u qaadeen! Oo dibin daabyeeyey qaranka Soomaaliyeed, Reer ama
gobolkay doonaan ha kasoo jeedaane.
Furfur oo dhug gooni ah u yeelo cid walba oo wax
taraysa dhaqaalaha, Waxbarashadda, dib udhiska, Maalgelinta gobolka,
iyo wax walba oo horumar u keeni kara geyigaa xilkiisa laguu doortay,
oo aan filayo in ayan ahayn arin sahlan.
Saadaashu waa ay wacantahay.
Dhamaan dhaliinyaradu aad bay kuu rajaynayaan in aad
wax badan ka bedeli doonto xaalku sidii uu ahaa, muhimadda waa in
aad siisaa.
-
La dagaalanka musuqa.
-
In aan la dhunsan hantida gobolka.
-
Illalinta cadaaladda.
-
Qofwalba in uu helo waxa uu xaq u leeyahay.
-
La taliyaashaadu in ay noqdaan wax tar og waxa ay
kugu la talinayaan, islamarkaana leh aqoon ku filan, gaar ahaan
waxyiga samaawiga ah.
-
Dadka diinta oo aad ka dhigato midigtaada koowaad,
adigoo ka duulayaa mabda’a badbaado Illahay baa lehe in
dariqiisa lagu badbaadayo.
-
In aad xooga saarto la dagaalanka iyo sidaad
ogaga hortegi lahayd khayraadka dalka ee sunta Cagaaran lagu soo
bedelanayo, Soomaalidu sidaa uma caqli xumaan jirine, habbisadu
ma aqaan meel ay nooga timid.
-
Fiiro gaar ah u yeelo, qorshaha Abasiinaya ay
doonayso in ay dalkeena ‘Somalia” nooga qaado, oo dadyoow kale
ay ku beerto.
Saalax iyo Geele Maxaa waalay.
Oo hargal iyo hoyaad u diiday , mar waa Sudan, mar
waa Kenya, markalne waa meelo kale oo qarsoodi ah, oo ruux ogi uusan
jirin halka ay tagaan, Saalax iyo Geele waxa ay imika un ku
baraarugeen Siyasadda Abasinya ee oranaysa, waa in aan geeska Afrika,
xeebta Faransiisku gumaysan jiray “Jabuti” iyo gacankaba aan gacanta
kusoo dhignaa, Bal xusuuso Abraha iyo maroodiyaashiisa ujeedkoodu
muxuu ahaa, “kacbadaan duminaynaa”, Illahay go’aankii uu qaatay
muxuu ahaa…Akhri qowlka Illah ee Suuradda “Al-Fiil”, Saalax iyo
Geele imisay akhrin jireen baad u malaynaysaan Suuradaa… tobaneeyo
jeer show! Imikay fahmeen 2005-ta, fahamkaa ka dib maxay ku
heshiiyeen.
-
in la raadiyo Soomaali, oo Soomaaliya lasoo
celiyo, si jiritaanka Jabuti, Yemen, Masar iyo dowladaha gacanku
uu usuura-galo, arintan oo ay arkeen in ay tahay xijaabka keliya
ee howshan wax ka qaban kara.
-
Dagaaladii lagu qabsaday Jaziiradaha Xunaysh, iyo
Ereteria oo mabda’a Abaseeniya u aaminsan si ka waalan sida ay u
aaminsanyihiin Xabashidu, oo aan qudheeda aaminaad geli karin.
-
“Kenya” isu muujiyaha in uu dhexdhexaad ka yahay
dhibaatooyinkii kala gadhay, Soomaalida, Xabashida iyo
Gumaystayaashii faransiiska iyo Ingiriiska, oo weli u haysata in
ay sii jiqi doono naaska gaaxsan “Soomaaliya” arintan oo ay
gumaystayaashu u yabooheen.
Waxan oo dhibaatooyin ahi Cadde
Muusoow
Il gaar
ah in aad ku eegto ayay kaa doonayaan.
Gabagabada hadalkaygu
waxaa weeye Illahay garabkaaga ha galo, hadaad tahay nin dalka iyo
dadka waxtaraya, hadii ay wax kale kuu qarsoonyihiina Ogow Illaahay
baa kaa wayn oo ku daalacanaya, ummaddan intay dhibaato ka dhargi
kartay way heshay, maanta wixii ka dambeeya tabantaabo mooyee
lugooyo ma qaban karto.
SheriffOsman
Investigative Reporters and Editors, Inc.
Missouri School of Journalism
Columbia, MO 65211
E-mail:
omahmed@stthomas.edu
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2005
Gen. Cadde Muuse oo
ku Guulaystey MDGPL
Doorashadii
madaxweynaha DGPL oo maanta lagu qabtay Garoowe ayaa martay saddex wareeg..
Qaabkii codadka loo helay
ka Akhri halkan....