SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAFTI BALAARAN OO KA SOCDA DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DALKA SOUTH AFRIKA OO MAANTA SOO GAARAY MAGAALADA BOOSAASO.  

waxaa maanta soo gaaray magaalada boosaaso wafti balaaran oo ka kala socda dowlada federaalka ee soomaaliya oo ay wehliyeen wufuud ka socota dalka South Afrika, labadan wafti ayaa maanta si wadajira uga yimid dalka Kenya waxa ayna soo mareen ka hor inta aanay boosaaso ka soo dagin dagmada xaafuun halkaas oo ay ku soo indha indhaynayeen xaaladihii ay gaysteen badgariirka tusunami ee ka dhacay badwaynta india.

waftigan oo ka koobnaa todobo xubnood oo kala ahaa wafti uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka lacagta  dowlada federaalka ee soomaaliya Mire Xaaji Faarax, iyo afhayeenka madaxwaynaha dowlada federaalka, Yusuf Bari Bari, halka wufuuda dalka south afrikana uu hogaaminayay Mr, Udunganni oo ah ninka ugu sareeya diinta masiixiga ee dalka South Afrika, waxaa ka loo wehliyay wufuudan labo xubnood oo ka socday telefishinka dalka South afrika.

wufuudan ayaa oo kadib kormeerkii iyo u kuur gakidii dagmada xaafuun waxay ka soo dagteen garoonka diyaaradaha ee magaalada boosaaso halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen madaxda dowlada Pl uuna ugu horeeyay madaxwaynaha DGPL Gen, Cadde Muuse Xirsi iyo xubno ka tirsan dowladiisa, waxaa ka loo kaga hortagay garoonka hay,adaha caalamiga ee ku sugan magaalada boosaaso ayna ka mid yihiin hay, ada UNDP, WFP UNICEF, iyo kuwo kale oo iyana ku sugan magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari.

waxaa caawaba wfuudan casho sharaf loogu sameeyay hotell Internationa oo ku yaal magaalada boosaaso ayadoo ay madaxwaynaha iyo gudigii xaalada dagdaga ee PL ay halkaas kulan ku saabsan arimaha badgariirka Gobolada PL ay kaga wada hadli doonaan, ayadoo ujeedada socdaalkoodu uu ahaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen ugana qayb qaadan lahaayeen dhibaatadii ay gaysteen badgariirkii tusunami ee ka dhacay gobolada P.

waftigan ayaa waxaa laga yaabaa in ay kulankooda iyo wadahadalka dowlada PL ka dib ay u soo ambabixi doonaan saacadaha soo socda ayadoo ay soo raaci doonaan gudoomiyah xaalada dag,daga ee PL Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo ah gudoomiyaha arimaha xaalada dag, daga ah ee ka dhaca gobolada PL.

sahrosiglan@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 20, 2005

Magaalada Nairobi oo si wayn Looga xusay Ciidal Adxaa maanta
iyo
Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya oo diray maanta Hambalyada ciidal Adxaa... Guji... | Jan 20

Ciid Mubaarak:
Bahda SomaliTalk waxay hambalyada ciida-al-adxa u dirayaan dhammaan xujeyda, iyo dunida Islaamka... Akhri..

2-Million oo Muslimiin ah oo Arbacadii isugu yimid Carafat
» Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
» Caado Soomaali Dumisey Ciid-Al-Axdaa
Dhaammaan ka akhri halkan Jan 19


Imtixaanaadkii Iskoolada Puntland
iyo kuwa Shahaadada Sare ee Caalamiga ah oo lagu soo Gabagabeeyey Boosaaso
... Guji...


Cadde Muuse oo Soo Saaray Wareegto
» MDGPL oo booqday magaalaad Boosaaso...
» Waanwaan Nabadeed: Beelaha Wada Dega Damalo-Xagar
» Xafiis Jaaliyadda Somaliyeed oo Furay Kiruna, Sweden
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 19

Cadde Muuse oo La Weydiistey in uu Codsi Siideynta Samsam ah u diro Riyaale
» Codsi: soo Deynta Samsam
» Codsi: Saacidaadda dhibaatada Sunaamida
Warka oo Faahfaahsan ka akhri halkan.. Jan 19

Labo Dagaal oo ka Dhacay Aaga Ceerigaabo iyo Mudug
»Aagga Cerigabo: Dagaal ka bilowday Qaad, 17-qof dhimasho
»Mudug: Dagaal ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof
»Baaq kasoo baxay Jaaliyada Kuwait ee kasoo jeeda SSH
»Baaq Nabadeed kasoo baxay Jaalayada Sanaag Bare ee UK
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji.. Jan 18

»Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka.... [Warbixintii Qodax & Kaahiye]

Soomaalida Norway oo Lagu Eedeeyey Dhaqan Xumo...
» Soomaalida Norway oo Lagu eedeeyey Dad-dilmo
» Saxaafada Norway iyo ka hadalkooda Soomaalida..
Warka oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Jan 18

Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho
»Muqdisho: Xarunta Ra'iisul wasaaraha & Baarlamaanka
»Marrunbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?
»Cadde Muuse oo Kedis ku Tegey Deegaanka Adhi cadeeye
»Wafti oo la socdo Maxwell oo Booqday Soomaaliya
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji... Jan 17

»MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD