- Golaha Wasiirada oo cod ku ansaxiyay in
Soomaaliya la Geeyo Ciidamo ka socda IGAD oo suga Amniga
...
- DFKMG oo Loogu
Deeqay $6-million si ay ugu guurto Soomaaliya..
- Xaalaada Magaalada
Kismaayo oo Cakiran
- Diyaaradii Qaadka
oo laga celiyeye Kismaayo, taasina ay sababtay in
Qaadwalayaashii ay fowdo bilaabaan
Golaha Wasiirada oo cod ku ansaxiyay in
Soomaaliya la Geeyo Ciidamo ka socda IGAD oo suga Amniga
...
DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million si ay ugu
guurto Soomaaliya..
Kulankii
wasiirada ee maanta oo wax badan ka badalnaa
kulamadoodi hore waxaa looga hadlayay
warmurtiyeedkii ka soo baxay wadamada IGAD ku
bahoobay ee ku aadanaa ciidanka ay bixinayaan ee
dowladda ka caawinaya dhinaca amniga inta ay ka
helayso ciidamo tababaran oo ka shaqeeya nabad
galyada.
Shirkan qaybtiisa hore waxaa Golaha wasiirada
kala qayb galay Madaxweynaha oo usoo bandhigayay
waxyaabihii uu kala soo kulmay shirkii abuuja ka
dhacay oo soomaaliya loogu soo balan qaaday
taageero iyo ciidamo ka socda IGAD loona soo
xilsaaray in ay xoogga saaraan wadamada safka
hore ee IGAD.
Intaas ka dib waxaa la dhagaystay ra'yiyada kala
duwan ee ay golaha ka qabaan
ciidamadaas,meelaha ay ka howl galayaan iyo
wadamada laga qaadanayo sidoo kale in baahida
loo qabi karo xiligan mid wax tar leh tahay ama
aan qiima ku fadhin keenistooda.
Doodan oo saacado qaadatay waxaa loo batay in
laga keeno ciidamada dhamaan wadamada ku jira
IGAD, iyadoo aan la fiirinayn siyaasada ku kala
dhex jirta wadamada safka marka xaaladda
soomaaliya laga hadlayo,ee dowladda cusubna ay
fiiriso waxa horyaala ee ka jira dalka
soomaaliya iyo baahida shacabku u qabo nabadda
oo aanay ku imaan karin kaliya sida hadalka loo
dhigay siyasiyiinta soomaaliyeed ee soo
dagaalamay sanadihii la soo dhaafay oo aan
kalsooni badani ka dhex jirin.
Ra'iisul wasaare Geddi ayaa soo jeediyay in cod
loo qaado ciidamadaas in ay ka howlgalaan dalka
ama in ay aan la ogolaanin gabi ahaan, golaha
wasiirada oo gaarayay 73 waxaa isku raacday in
la keeno ciidamo soomaaliya 63 wasiir, halka
sagaal ka mid ahna ay diideen in ciidamo ka
socda IGAD ama meel kale gabi ahaanba aan la
keenin,waxaana ka aamusay hal wasiir.
Kulankan Golaha wasiirada oo ahaa kii ugu adkaa
uguna dheeraa waxaa la isku raacay in la keeno
ciidamo ka socda Wadamada IGAD oo ay ku jiraan
Kuwa safka hore Jabuuti, Kenya Iyo Ethiopia
waxaana lagu jiraa ka warsugidda ciidankaas
goorta la gaynayo soomaaliya iyo tirada ay
keenaan IGAD oo uu qaabilsan yahay Madaxweynaha
dalka Ugandha.
Dhinaca kale waxaa dowlada loogu deeqay lacag
dhan 6 malyan oo dolar ($6 milion) waxaana
bixiyay ururka midowga Yurub, Swedhan iyo
UNDP, qarshkan ayaa loogu tala galay in ay
dowlada ku maamusho howlaha guuritaanka iyo
dirista wafdiyada soo qiimaynaya xaalada
soomaaliya.
Lacagtan waxaa lagu wareejiyay shalay dowladda
FKMG ah ee Soomaaliya, waxayna hay'adahaas balan
qaadeen in ay la garab istaagayaan waxii lagu
socodsiinayo nabad ka dhalata
soomaaliya, ururadan bixiyay lacagtan ayaa ahaa
kuwa ugu badan ka soo qayb qaatay qarashyadii ku
baxay shirka intii uu ka socday dalka kenya, waxaa
kale oo dhaqaale kan la mid ah bixinayay
jaamacada carabta.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk.com |
Email:
canabmumtaz@hotmail.com
WARBXIIN LABAAD
EE ANSIXINTA CIIDAMADA AJNABIGA:::
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay in Soomaaliya la keeno
Ciidamo Nabad ilaalin ah

C/laahi iyo Geedi

xubnaha Golaha Wasiirada

Wasiirada Gudaha iyo Dibada |
Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi
Yuusuf Axmed, Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi & Inta
Badan Xubnaha Golaha Wasiirada.
Shirku waxa u ku biloowday warbixin madaxwaynaha Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka siinayay Xubnaha Golaha Wasiirada Shirkii
madaxwaynayaasha Afrika ee Abuuja, warbixintaas oo dhinacyo badan,
isaga oo ka shayeeyay qaabkii loo soo dhaweeyay & Madaxwayna yeeshii ay
kulmeen.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Soomaalida looga baahanyahay in ay
Wadankooda Dhistaan ayna ka shaqeeyaan Nabad kuwado noolaansho iyo Sidii
Dadka Soomaaliyeed ay ugaari lahaayeen Horumar dhinac walba leh.
Warbixintii dheerayd ee Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf
Axmed ka hor aqriyay Golaha Wasiirada ka dib waxaa Biloowday Shirkii Golaha
Wasiirada Soomaaliya Madaxwaynuhuna waxa uu dib ugu laabtay Aqalka
Madaxtooyada Kumeelgaarka ah ee Nairobi.
Kulanka Golaha Wasiirada Sida caadiga ah waxaa gudoominayay Raysul wasaaraha
Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana la guda galay ka doodida
Ajandihii shirka oo ahaa Soomaaliya Ciidamo ma la keeni karaa mise lama
keeni karo.
Doodu waxa ay ku bilaabatay dood is waydaarsi iyo oraah ay Soojeedinayeen
Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya Doodaa oo ku aadanayd Figrad dhiibasho
iyo soo jeedin Xubnaha wasiirada iyadoo si aada looga Dooday Tirada
Ciidan, Wadamada ay ka Imaanayaan, iyo waxa ay qabanayaan.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradu waxa ay soo jeediyeen in aan loo baahnayn
in wadamada Dariska ah laga keeno Ciidamo iyaga halka Qaar kale oo ka tiras
Wasiiradu sheegeen in maadaama Soomaaliya maanta u baahantahay in la caawiyo
aysan lahayn Doorasho.
Xaalku si walba ha noqdee waxaa la isla ogolaaday in Soomaaliya la keeno
Ciidamo Ajnabi ah iyadoo Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Gedi
halkaa ka sheegay in ay Diyaar uyihiin ku dhawaad 9 dal oo udiyaara in ay
walaalahooda Soomaaliyeed Caawiyaan.
Waxaa arinka Ciidamada dood dheer ka dib lagaliyay in loo codeeyo iyadoo 63
Xubnood oo ka mida Golaha Wasiirada ay aqbaleen in Soomaaliya la keeno
Ciidamo halka 9 Xubnood qaadaceen.
Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
Sideed iyo afartan saacadood kadib dagaalkii ka dhacay
magaalada kismaayo ayaa waxaa muuqata in uu sii
badanayo gulufka calaadeed ee ka jira magaalada kismaayo
kadib markii wax xal ah laga gaari waayay waan waantii
laga dhexwaday maleeshiyooyinkii dhawaan ku dagaalamay
magaalada kismaayo.
Diyaaradii Qaadka oo
laga celiyey Kismaayo, taasina ay sababtay in
Qaadwalayashii bilaaban fowdo..
Maanta ayaa magaalada kismaayo waxaa ka jiray dhiilo
colaadeed oo xoogan ayadoo ay odayaasha dhaqanka,
aqoonyahanada, culumaa u diinka iyo waxgaradka beelahii
dhawaantan ku dagalamay magaalada kismaayo ay ka
salgaari waayeen xal u helida qilaafka baaxada weyn ee u
dhaxeeya maamulka isbahaysiga dooxada jubba iyo
ciidamadii dhawaantan ka gadooday ee la magac baxay
golaha nabadgalyada iyo midnimada qaranka.
Dhiiladan
colaadeed oo uu abaabulkeeda ka socdo magaalada kismaayo
ayaa waxaa wada labadii garab ee dhawaantan ku
dagaalamay magaalada kismaayo ayadoo abaabulka xoogiisa
badan ay wadaan ciidamada isbahaysiga dooxada jubba oo
bilaabay sifayta iyo barooweynta qoryaha waaweyn ee
lidka dayuurada ee loo yaqaano suuga waxayna sidoo kale
ku gaafwereegayaan dhamaan wadooyinka iyo xaafadaha
magaalada Kismaayo .
Dhanka kale waxaa iyana heegan xoogan ku jira garabkii
kale ee dagaalka kula jiray ciidamada isbahasiga dooxada
jubba ayadoo ay ku suganyihiin oo ay saldhig ka dhigteen
saraha dhaadheer ee ku yaala bartamaha magaalada
Kismaayo gaar ahaan dabaqa loo yaqaano Sarta Agoonta ee
ku taala xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo.
Abaabulkan caloodeed ee ka jira magaalada Kismaayo ayaa
waxa uu dhashay kadib markii odayaasha dhaqanka iyo
aqoonyahanada labada garab ee halkaas ku dagaalamaya ay
wax natiijo ah ka keeni waayeen garabka la magacbaxay
golaha nabad galyada iyo midnimada qaranka oo uu
hogaamiyo ninka lagu magacaabo Jaamac Aadan Dheere isla
markaana diiday inay dagaalka ay kala dhex baxaan dadka
shacabka ah oo ay saldhiga ka dhex samayesteen taasoo ah
qodobkii ugu horeeyay oo ay odayaal dhaqameedka
hordhigeen garabka lamagac baxay golaha nabadgalyada iyo
midnimada qaranka.
Waxaa
sidoo kale ay maanta lahayd magaalada kismaayo saansaan
bandow kadib markii maamulka isbahaysiga uu soo saaray
amar lagu xirayo bakhaarada ganacsiga laguna hakinayo
isticmaalka qalabka war isgaarsiinta sida telefoonada
gudaha iyo kuwa dibada.
Taasoo ah markii ugu horaysay oo ay maamulka isbahasiga
dooxada jubba ku talaabsadaan arintan lagu xayirayo
qadka telefoonada gudaha iyo dibada ayadoo saameyn weyn
ay ku yeelatay bulshada rayidka ah, waxaa sidoo kale
saakay laga celiyay gagida dayuuradaha ee magaalada
kismaayo dayuuradii siday Qaadka mana jiraan war kazoo
baxay maamulka isbahasiga dooxada jubba oo ay ku
tafaasiilinayaan xayiraadan xoogan oo ay ku soo rogeen
ganacsiga telefoonda iyo qaadka iyo waliba baqaarada
waayen ee ganacsiga.
Sidoo
kale waxaa fowdo bilaabay ganacsatada Qaadka kadib
markii dib loo celiyay dayaaradii siday Qaadkooda, si
kastooy ahaataba waxaa sii badanay qaska iyo fowdada ka
jirta magaalada kismaayo ayadoo shacabka ku dhaqan
magaaladu ay haatan soo wajahday marxalad kale oo ku
kalifaysa in ay guryahooda ka qaxaan.
Cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 5, 2005
Kismayo:
Waraysi Somalitalk ee Jaamac Aadan Dheere
Gudoomiyaha "golaha
nabadgalyada & midnimada qaranka"
Guji
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|