GUUL U SOO
HOYATEY MUSLIMIINTA GOBOLKA MINNESOTA
Sharciyaqaan Sh.Xasan
Jaamici,
hmohamud@midmnlegal.org
Tel.(612)242-3273.
Ururo ay ka mid yihiin Muslim American Society, Confederation of Somali
Community, Somali Comunity of Minnesota, Somali Justice Center, National Lawyers
Guild, Minnesota Civil Liberties Union ayaa July 2002 waxay dacwadda ku oogeen
Dowladda Gobolka Minnesota , waaxdeeda Amniga Guud "DPS" (Dept. Public Safety)
kolkii ay soo saareen qaanuun dulmi iyo kalasooc ku ah dhammaan soo galootiga ah
(aliens) iyo guud ahaan muslimiinta gobolka degan. Qaanuunkaasi wuxuu tilmaamayaa
marka qofka uu qaadanayo warqadda aqoonsiga gobolka (Minnesota ID) ama warqadda
ruqsadda wadidda gawaarida (Driver License) in ay sharci tahay:
Sharicgii hore:
1) inuu qofku tusiyo dowladda (Dept. Of Public Safety) laba warqadda oo
aqoonsi (two forms of ID) ah iyo sharciga ama qofka wuxuu waddanka ku joogo.
2)In gabadha madaxeeda ay qaar ka feedo marka sawirka aqoonsiga laga qaadayo.
Go'aanka Maxkamadda
Maalintii Talaadada, March 11,2003 Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Minnesota
waxay go'aamisay:
1- Kolka qofka uu qaadanyo warqadda aqoonsiga ee gobolka dowladda ma weydiin
karaan laba cadaymood oo aqoonsi ah iyo warqadaha sharciga ee qofka uu ku joogo
waddanka Maraykanka.
2- Gabdhaha muslimiinta lama weydiin karo inay xijaabka madaxa iska qaadaan
markay iska qaadayaan sawirka warqadda aqoonsiga ama ruqsadda gawaarida lagu
kaxeeyo.
Go'aankani wuxuu buriyey (invalid) sharcigii dulmiga ahaa ee dowladda gobolka
Minnesota, waaxdeeda amniga guud ay soo saartay sanadkii hore 2002.
Go'aanka Maxkamadda wuxuu tilmaamay inay dowladda Minnesata ay ku guul dareystay
in ay caddeyso in sharcigan loo sameeyey in laga hortago cabsi deg deg ah ee la
xiriirta amniga dadka degan gobolka Minnesota. Maxakamadda waxay tilmaantay
qaabka ama habka (process) sharcigan uu ku abuurmay inuu khalad ahaa (invalid)
laakiin maxakammuddu waxayan marnaba ka hadlin nuxurka taxaddiyeed ee sharcigan
lagu sameeyey oo ah inuu dastuurka waddan ka soo horjeedo (unconstitutional)
amaba uu yahay sharci dadka u kala soocayo si sharci daro ah - kalafaquuq (discrimination).
Waxaa kaloo lama huraan ah in ay dadku ogaadeen inay Maxkammuddu diiday inay
fiiriso qodobka ka hadlayo in ay sharci tahay in dadka loogu qori karo "status
check" warqadda aqoonsiga iyo in kale. Status Check waa calaamad tilmaameyso in
qofka uu sharci ku meel gaar ah ku leeyahay waddanka Maraykanka iyo nooc sharciga
iyo waqtiga uu dhacayo sharcigaasi. Taasoo hadduu Police uu ku joojiyo uu
calaamaddasi arko uu kugu sameyn karo dabagal la xiriira sharciga waddanka aad
ku joogto. Laakiin waxaa nasiib wanaag ah in, go'aanka maxkamadda laga
fahmayaa in qofka uusan ku qasbaneyn inuu sharcigiisa uu tusiyo Waaxda Amniga
Guud (Dept. Of Public Safety "DPS") marka uu qaadanayo warqadda aqoonsiga ama
driver license mar hadduu heysto warqado aqoonsi ah ama warqado kale ee
buuxinaya sharuudaha la rabo. Sidaa darteed, haddii aadan tusin sharcigaaga,
kolkaa calaamadda status check kuma qori karaan. Sharcigana wuxuu saameynayey
dadka heysta sharci ku meel gaar ah ama sharci sugayaal ah: sida dadka visaha
heysta, kuwa asylumka sugaya, kuwa TPS keliya heysta. Wuxuu kaloo saameynayey
gabar kasta ee kudhaqanta diinta Islaamka ee madaxeeda asturta.
Dowladda Minnesota Maxay Damacsan Tahay?
1. In sharcigan isagoo la soo marsiiyey Parlamanka Minnesota la gudbiyo ama 2- In ay dowladda sida ay ku dhawaaqday inay go'aankaasi ay
rafcaan (appeal) ka qaataan.
Dowrka Muslimiinta Minnesota
Mida hore waxay u baahan tahay shaqo badan oo ka mid ah in ruux weliba uu la
xiriiro cidda Parlamaanka ugu jirto uuna u sheego in sharcigaasi uusan sugeyn
nabadda Minnesota balse uu u abuuray cabsi, dulmi iyo kala sooc iyo dhaawaac la
xiriira xoriyadda diimaha.
Ta labaad oo ah haddii ay dowladdu rafcaan ( appeal) qaadato waxay noo noqon kartaa fursad
aan ku sameyn karno codsi dib u fiirin qodobo mudnaa in go'aan laga gaaro
(cross-petition) sida: Status Check iyo sharciga laftigiisa inuu yahay mid aan
dastuurka waddanka waafaqsaneyn (unconstitutional) isla markaana abuuraya kala
soocidda sharci daro ah (Discrimination).
Haddiise aan ogaano in weli dadka loogu qoro aqoonsigooda calaamadda status
check inaan si deg deg ah Maxkamadde degamada Minnesota (MN District Court) ka
furno dacwadda ku jeedda dowladda si ay u joojiso dhaqankaasi sharci darada ah
(illegal Practice).
Ugu dambeynta dadka Muslimiinta ee xaq u dirirka waxaan ku dhiirigelinaynaa in
si wada jir ah ula shaqeeyaan dhammaan hay'adaha u dagaalama ilaalinta xuquuqda
Muslimiinta America ku dhaqan. Gaar ah waqtigan xasaasiga ah ee Muslimiinta si
gooni ah loo eeganayo.
Haddaad rabto go'aanka maxkammadde inaa akhriso ka fiiri:
___________________
http://www.courts.state.mn.us/opinions/coa/current/op021214-311.html
Sh. Hassan Jaamici, Juris Doctor
Gud. Ku Xig. Minnesota Muslim American Society.
hmohamud@midmnlegal.org
2003-14-03
FAAFIN: SOMALITALK.COM
-dhammaad-
Galabtii
"Baro Xuquuqdaada" iyo Soomaalida Minnesota
Kulan uu ka hadlay ku xigeenka Madaxa Immigration
(INS) Minnesota iyo sharciyaqaano kale oo Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ayaa
looga hadlay diiwaangelinta, cinwaan bedelashada, iyo homeland security, iyo
waxyaabaha sababi kara in qof la tarxiilo GUJI...
USA:
Somalida La Rabo In Ay isdiiwaan
Geliyaan
waa soomaalida haysta baasaboorada Soomaaliga, Canadianka, Sweden, Holland,
Australia, British iyo... GUJI..
Gen.
Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey
xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey
USA ayaa waxaa loo sheegay in uu.. GUJI...
8/3
Habeenkii
Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan
qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12
40
Soomaali ah oo lasoo xirxiray oo la isugu Keenay Louisiana, USA
waa warbixin kusaabsan: Nidaamka
immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida, oo uu idiin soo
gudbinaayo sharci yaqaan Soomaaliyeed GUJI
17/12/2002
Ururka
Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota
-- GUJI
|