somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 USA: Somalida La Rabo Inay Ay isdiiwaan Geliyaan
(waa hadday sii joogayaan Bisha Janaayo 10keeda, 2002 )

Sharciyaqaan Sh.Xasan Jaamici, 


hmohamud@midmnlegal.org
  

Tel.(612)242-3273.

 

Maalmahan dambe waxaa suuqyada Soomaalida ee Amerika gaar ahaan Minnesota lagaga doodayay yay tahay inuu is diiwaan geliyo.  Haddaan dib u noqono, Dowladda Maraykanka, wasaaradeeda caddaalada ayaa waxay ku dhawaaqday qaanuun cusub ee la yiraahdo Qaanuunka isdiiwangelinta dadka waddanka ku joogo fiisooyinka leh waqti xadidan marka laga reebo fiisooyinka xarfaha A iyo G oo loogu talagaly dadka safaaradaha ama UN ka shaqeeya.  Qaanuunkaasi dadkuu qabanayo waa wada muslimiin marka laga reebo North Koriya.  Dadkuu qabanayo waa dadka fiisooyin ku jooga waddanka Maraykanka hase yeeshee asal ahaan u dhashay waddamada ay ka mid yihiin: Somalia, Iran, Iraq, Libya, Sudan, Syria, Afganistan, Algeria, Lebnaan, Eritrea, Morocco, Oman, Qatar, Tunisia, Emaraatka Carabta, Bakistan iyo Saudi Arabia. Todobaadkii la soo dhaafay waxaa laga saaray dadka u dhashay waddan Armania ka dib markay wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ay tilmaantay inay ahey khalad ka yimid dhanka wasaaradda in dadkaa lagu daro.  

Somalida arintan khuseysa waa dadka soo socda:

1- Dadka Soomaalida ee Wata Baasaboor Somali laakiin booqasho gaaban ku jooga dalkan Maraykanka.

2-Dadka Somalida ee leh Jinsiyado kale ee Maraykanka ku jooga booqasho gaaban sida: (visitors, business, ama as tourists).  Haddii si kale loo yiraahdo: dhammaan Somalida xambaarsan baasaboorada Canadianka, Sweden, Holland, Australia, British iyo wixii la mid ah.  Dad aan soo xusay hadday waddan ay sii joogayaan Bisha Janaayo 10keeda, 2002  wixii ka dambeeya waa inay tagaan xafiiska immigration ugu dhow si ay u maraan wareysi gaar ah.  Qaanuunka wuxuu leeyahay qofkaan sameyn diiwaan gelinta waa la xirayaa ka dib waxaa loo dhoofinayaa waddan jinsiyadiisa uu xambaarsan yahay.  Dadkaasi diiwaangelinta laga rabo waxay yihiin:

a- Qof lab ah (male) oo ka weyn 16 jir (gabdhaha kuma jiraan).

b-Hadduu asal ahaan u dhashay waddamadaasi kor ku xusan xitaa hadduu yeesho jinsiyad kale (dual citizens) weli way soo hoos geliyaan.

c-hadduu waddanka soo galay on September 30, 2002 ama ka hor.

Dadkaasi markay tagaan immigration waxaa laga qaadayaa faro, 2 sawir, waxaana lala yeelanayaa waraysi qaadanaya 15 ilaa 30 daqiiqo oo la weydiinayo su'aalo ay ka mid yihiin: halka uu degan yahay, shaqadiisa waa hadduu shaqeeyo, schoolkiisa hadduu school aado, yuu la degan yahay, muxuu u yimid Maraykanka, goormuu baxayaa, iwm.  Qofka ka shakisan inay su'aalaha ku adeg yihiin ha tegin Qareen la'aan.  

Diiwaan gelintan waxaan ku jirin: REFUGEE, ASYLEE, ASYLUM SUGAYAAL, TPS haddaad heysato ama sugeyso, Green Card haddaad leedahay ama sugeyso, Citizen Maraykan haddaa leedahay ama sugayso, Withholding haddaa heysato.  Laakiin qaf kasto oo Soomaali ah oo weli qaadan jinsiyadda Maraykanka waa qasab  inay buuxiyaan Form Cusub ee address change hadduu mar u guuray address cusub formka waxaa la yiraahd: AR-11 ee loo dirayo London, Kentucky.  

La soco in Todobaadkii la soo dhaafay arimaha is diiwaan gelinta loo xir xiray dad muslimiin ah oo gaaraya 700 laakiin waaxda socdaalka waxay sheegatay inay heyso oo keliya 277. Wixii faahfaahin dheeraad la xiriir garyaqaan immigration ama ka akhri www.ins.gov

Diyaariyey: Sharciyaqaan: Sh.  Xasan Jaamici, JD. 
hmohamud@midmnlegal.org
  

-dhammaad-

2002-12-16
FAAFIN: SOMALITALK.COM

somalitalkHabeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12

40 Soomaali ah oo lasoo xirxiray oo la isugu Keenay Louisiana, USA
waa warbixin kusaabsan: Nidaamka immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida, oo uu idiin soo gudbinaayo sharci yaqaan Soomaaliyeed GUJI 17/12/2002

Shir Weynaha Islaamka iyo Soomaalida Minnesota
Somali badan oo gobolka Minnesota degan ayaa waxay isu diyaarinayaan in ay ka qeyb galaan shirweyne WAXBARASHO iyo DOOD ah ay soo diyaariyeen Ururada Islamka ee isbaheystay oo kala ah Muslim American Society (MAS) iyo Islamic Circle of North America GUJI.. Dec 16, 2002

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota -- GUJI 

  


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.



HTML CD