SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 BARO XUQUUQDAADA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA
WQ. Maxamed Cali | webmaster@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Jan 27, 2003
somalitalk Kulankii "Baro Xuquuqdaada" | Sawirka: SomaliTalk.com
 

"Qaadka [Jaadka] Waxaad ku waayi kartaa Deganaanshaha Maraykanka, waana lagugu tarxiili karaa" Karen Ellingson

"INS waxaa la baabi'in doonaa March 1, 2003, waxaana shaqadeedi qaban doona homeland Security" John B. Klow

"Haddii aad u guurtid guri cusub adigoo weli sugaya sharciga Maraykanka, buuxi foomka cinwaan bedelashada ee AR-11 una dir London, Kentucky" Xasan Jaamici

"Febraayo 12, 2003 waxaa Maxkamada St.Paul, Minnesota, lagu qaban doonaa dood kusaabsan sida laga yeelayo Soomaalida ku xiran Minnesota, ee kasoo qayb gala doodaas" Michelle Mackenzie

Galabnimadii sabtida [Jan 25, 2003] waxaa kulan ballaaran oo cinwaankiisu ahaa "Baro Xuquuqdaada"  lagu qabtay xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis, kulankaas waxaa ka soo qayb galay sarkaal sare oo katirsan INS, John B. Klow oo ah Ku xigeenka Madaxa [Deputy director] Immigration (INS) ee  Minnesota, iyo garyaqaano ku xeel dheer sharciyada Maraykanka, kuwaas oo kala ahaa: Michelle Mackenzie oo ah Gudoomiyaha Mashruuca Immigration Law ee Minnesota una dooda xuquuda aadamiga. Karen Ellingson oo ah Kormeeraha xafiiska garyaqaanada ee ILC, ahna Profesoorad Qaanuunka immigration ka dhigta University of Minnesota. iyo Hassan Jaamici oo ah Sharci yaqaan la shaqeeya mashruuca Immigration Law ee Legal Aid Society of Minneapolis. Haddaba sidii uu kulankaasi u dhacay waxaa halkan idiinku soo tebinya bahda SomaliTalk.com oo kulankaas joogey.

Kulankan oo loo ballansanaa duhur kaddib, 12:30pm, waxa lagu qabtay Brian Coyle Community oo kutaal xaafad ay Soomaalida Minneapolis ugu badanyihiin. Waqtigii ballanta markii la gaarey waxaa hadalkii bilaabay Xasan Jaamici, waxana oo sheegay qodobada kulankan lagaga hadlidoono in ay gebi ahaantoodba ahaan doona kuwo la xiriira sharciyada Maraykanka ee la xiriira socdaalka, deganaanshaha iyo siyaabaha lagu codsan karo teesaraha deganaanshaha rasmiga ah ee Maraykanka [greencard] iyo waxyaabaha sababi kara in aadan sharcigaas helin ama marka aad heshid aad ku waayi kartid oo lagaaga qaadi karo isla markaana sababi kara in dalka maraykanka lagaa tarxiilo. Maadaama kulanka ay kasoo qayb galeen dadkale oo aan ku hadlin Afka Soomaaliga ayaa xalku noqday in kulanku ahaado labada luqadeed ee Soomaali iyo ingiriisi, waxaana hadal kasta oo halkaas laga soo jeediyey Afsoomali ku tarjumayey Siciid oo ah xubin ka tirsan jaalidda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Xasan Jaamici waxa uu aad ugu xeel dheeraaday muhiimada uu leeyahay bedelashada cinwaanka [Address Change], kaas oo uu sheegay in qof kasta oo Soomaali ah oo aan weli qaadan jinsiyadda Maraykanka in ay shardi tahay inay buuxiyaan Foom Cusub ee bedelashada cinwaanka [address change], waa haddii uu u guuray cinwaan cusub, foomkaas waxaa la yiraahdaa: AR-11, waxaana loo dirayaa London, Kentucky.Foomkaas waxaa la buuxinayaa 10 cisho guduhood marka aad ka guurtid cinwaankaas hore. Waxana uu intaas ku daray in haddii aadan foomkas cinwaan bedelidda ah buuxin ama aad u dirtid cinwaan khaldan in aad ku mutaysan kartid in wadanka lagaa masaafuriyo [tarxiil]. Asagoo Soomaalida toos ula hadlaya waxa uu Xasan yiri: kasoo qaad in aad u guurtid cinwaan cusub adigoo sharcigii sugaya, markaas u tag xafiiska degmada ama magaalada aad joogtid ee socdaalka (local Immigration) una sheeg in aad bedelatey cinwaankii si wixii jawaab ah laguugu soo diro cinwaanka cusub. Kaddib tag xafiiska shatiga gawaarida lagu wado [driver's license] una sheeg in aad cinwaankii bedelatey, kaddib boostada tag oo u sheeg in aad cinwaan cusub u guurtey si waraaqaha cinwaankaas cusub laguugu soo weeciyo [mailing forward]. Haddii codsi aad horay u gudbisey laguu soo diidey  oo haddan aad sugeysid jawaab cusub [PI] markaas warqad u dir Virginia taas oo aad kusheegeysid in aad cinwaankii bedelatey. Intaas marka aad samaysid ha ilaawin in aad buuxisid foomkii aan kor ku xusnay ee AR-11, kaas oo ka madax bannaan meelaha kale ee aad cinwaanka ka bedeshey, foomkaan waxa uu leeyahay hab deg-deg ah oo aad habeen guduhiis ku gaarsiin kartid halkaas [London, Kentucky].

Xasan Jaamici waxa uu sheegay in bishan Janaayo 30keeda [1:00pm ilaa 4:00pm] ay xarunta Brian Coyle Community iman doonaan garyaqaano uu asagu ka mid ayahay oo halkaas kula talin dona qofkasta oo qaba su'aalo gaar ah. 

Biririf yar iyo qado halkaas lagu qadeeyey ka diib waxaa hadalkii lagu wareejiyey John B. Klow oo ah Ku xigeenka INS ee gobolka Minnesota. Waxana uu markiiba sheegay in uu ka hadli doono saddex qodob oo kala ah:

  1. Cinwaan Bedelashada

  2. Diiwaan Gelinta

  3. iyo Homeland Security


 John B. Klow, Ku xigeenka INS ee gobolka Minnesota oo tusaya xeerar Immigration kamid ah.
 Sawirka: SomaliTalk.com

CINWAAN BEDELASHADA: Mr. Klow waxa uu ku bilaabay in habkan cinwaan bedelashada [address change] uu yahay xeer soo jirey muddo 50 sano, inkasta oo aan aad loogu dhaqmijirin dhowaan ayaase boorka laga jafay. Waxana uu yiri waxaa shardi ah qofkii aan muwaadin Maraykan ahayn ee bedesha cinwaanka in uu soo sheego cinwaakiisa cusub ee uu u guurey, haddii kale qofkaasi wuxuu ku mutaysanayaa in uu ku waayo sharcigiisii. 

DIIWAAN GELINTA: Mr. Klow oo ka hadlayey diiwaan gelinta waxa uu yiri qofkii dalka Maraykanka kusoo galay booqasho [visitor] October 1, 2002 iyo ka hor, waxaa laga rabaa in uu is diiwaan geliyo. Dadka qaxootiga ah arintaan is diiwaan gelinta kuma jiraan. Waxana uu sheegay in ay hadda socdaan diiwaangelinta dadka Pakistan iyo Sucuudiga. Diiwaan gelintii Soomaalida waxa ay xirantay Janaayo 10, 2003, laakiin ayuu yiri dadkii waqtigaas gafey waxaa dib loogu ogolaandoonaa in ay isdiiwaan geliyaan ilaa Febraayo 7, 2003 markaas oo dib loogu furayo is diiwaan gelinta. [Soomaalida laga rabo in ay isdiiwaan geliyaan .. GUJI.. ]. Diiwaangelinta dadka ka yimid dalalka Bangaladhesh, Itoobiya, indoniisiya, Joordan iyo Kuwait waxaa la bilaabayaa Febraayo 24, 2003.

HOMELAND SECURITY: Mr. Klow waxa uu yiri INS waxaa la baabi'in doonaa bisha March 1, 2003. Dhammaan xafiisyadii INS-taan waxaa la wareegi doona xafiiska cusub ee Homeland Security. Xafiiskaas oo qaban doona hawshii INS-ta. Waxaana INS-ta xafiiskaas la wareegey loo kala qaybinayaa laba qaybood oo kala ah qaybta xuduudaha iyo qaybta citizenship/immigration. Waxana uu cadeeyey in dhamaan shaqaalihii INS ay ku wareegi doonaan xafiiskaas cusub ee Home Land Security.

SU'AALO: Kaddib waxaa Mr. Klow laweydiiyey su'aalo ay ka mid ahayd in ay jiraan xarig ku khaas ah Soomaalida ee maxaad arintaas ka oraneysaa? Taas asaga oo ka jawaabayey waxa uu yiri: waxaa qofka [aan muwaadinka Maraykanka ahayn] sidiisaba in INS-tu xirto uu ku mutaysan karaa saddex waxyaabood oo kala ah: 

  1. in qofku uu khatar ku yahay nabadda qaranka

  2. in uu khatar ku yahay ammaanka Jaaliyadda

  3. ama in qofka looga baqayo in uu fakado

Qofkasta oo aan Maraykan ahayn [oo jooga Ameerika] arintaasi waa saamayn kartaa ayuu yiri. Kaddib ayuu yiri waxaa qofka la marinayaa waxa sharcigu qabo, waxaana jira  ayuu yiri sharci gaar ah oo qofka la tarxiilayo la mariyo, hadii sidaas la xakumono xeerkaas ayaa la raacayaa oo qofkii waa la tarxiilayaa. Waxaase jira ayuu yiri xeer hadda Soomaalida u diidaya in lagu celiyo Soomaaliya ama loo tarxiilo Soomaaliya [restraning order], [waa xeerkii uu xakumay xaakimkii Seattle], waxaana jira ayuu yiri dad ku sifoobey saddexda qodob ee kor ku xusan kuwaas oo xiran, laakiin maxkamaddu waxay xadideysaa waqtiga aan xabsiga qofka noocaas ah ku hayn karo, kuwaas waxaa hadda u socda maxkamad [federal court], maxkamadaas ayaan ka warsugeynaa waxa ay xakunto ayaana qaadan doonaa ayuu yiri. Ogaadana ayuu yiri dadkaasi waa dad dembi ku galay USA dhexdiisa.

 
somalitalk John B. Klow iyo Xasan Jaamici 
 Sawirka: SomaliTalk.com
Su'aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd: waxaa jira Soomaali badan oo waraysigii dhalashada loo balamiyey oo dhaartii loogu yeeray, waxkasta oo sharcigu ahaana soo maray laakiin aan weli dib loogu yeerin si ay dhalashaa u qaataan, sabab? taas asaga oo ka jawaabaya Mr. Klow waxa uu yiri si qofku u qaato dhalashada Maraykanka waxaa lagu sameeyaa dhawr dabagal, dhawr jeer oo qofka la eegayo. Waxaan weydiiney ayuu yiri in FBI noo fiiriyaan waayo iyagaa haya faafreebka, waxaan ogaaney in aan weli FBI arintaas dhamayn, sidaas darteed marka aan helo jawaabta FBI ayaan dadkii dib ugu yeeri doonaa si aan u siino sharciga uguna samayno xafladda sharci qaadashada. Waxana uu intaas ku daray in sharciga ay dejiyaan congresska Maraykanka, INS-tuna ay sharcigaas raacdo, xaakim ayaana xukunka gooya ayuu yiri.

Su'aal kale oo la weydiyey ayaa ahayd: Haddii qofku uu cinwaankii ka guuro oo tobankii cisho dhaafto ama uusan sharcigaas horay u ogeyn maxaa la gudboon? taas asagoo ka jawaabanaya waxa uu yiri hadda cinwaan bedelashada qofkaasi ha sameeyo.

Su'aal kale ayaa ahayd: Maxaad uga jeedaa qofka oo khatar ku aha ammaanka?, taas asagoo ka jawaabayana waxa uu yiri arintaas waa mid ku xiran xaalad walba goonideeda. 

Su'aal kale ayaa hayd: Haddii wadamo kale ay aqbalaan Soomaalida ku xirxiran xabsiyada Maraykanka INS taas ma ogolaanayaan? waxana uu Mr. Klow kaga jawaabey haa.
somalitalk John B. Klow, Ku xigeenka INS ee gobolka Minnesota oo tusaya foomka cinwaan bedelashada.
 Sawirka: SomaliTalk.com

Su'aal kale ayaa ahayd: dadka u xirxiran INS waxaa ka mid dhalinyaro yaryar oo dhawr iyo toban jirro ah, sidee kuwaasi ku noqonkaraan kuwa aad ku xustay saddexda qodob ee la xiriirey khatarta ay ku hayaan amaanka? taas asagoo ka jawaabaya wuxuu yiri bini aadamku isku si wax uma arko, qiyaas ayaan gaaraa waxaana dhici karta in qiyaasta aan gaaro ay ka duwanaan karto tan aad adigu gaari kartid, qiyaastaasna waxaa lagu salaynayaa in qofkaasi khatar ku noqonkaro amaanka [saddexda qodob ee sare].

Su'aal kale ayaa ahayd: waxaa jira dad muddo aad u dheer sugayey sharciga (sida greencard], maxay taasi ku dhacday? taas asaga oo ka jawaabayana waxa uu yiri sharciga ayaa xadida inta qof ee sannadkiiba dalka loog ogol yahay in ay qaataan sharciga [sida greencard], tiradaas oo ah 10,000 qof, sidaas ayaa waxaa dhacda in qofku muddo dheer kusugo sharciga. Waxaa jira ayuu yiri dad sharcigaas  liiska sugidda ugu jirey ilaa 12 sano.

Mr. Klow waxa uu yiri haddii aad macluumaad dheeraad ah ug abaahataan Immigrationka waxaad wicikartaa telefoonka: 1-800-375-5283 ama waxaad booqankartaan shabakada www.ins.usdoj.gov

TALOOYIN: 

somalitalk  Karen Ellingson oo kulanka ka hadleysey
 Sawirka: SomaliTalk.com
Kaddib waxaa kulankii ka hadashay Karen Ellingson oo ah Kormeeraha xafiiska garyaqaanada ee ILC, isla markaana ah Profesoorad Qaanuunka immigration ka dhigta Jaamacadda Minnesota, waxa ay tiri: sannadkii 1996 ayaa sharciga socdaalka la bedeley oo laga dhigay mid sahlaya in qofku uu si fudud ku waayi karo sharciga degananshaha hadii uu galo dembi. Hadaba ayey tiri haddii lagu xiro ha aqbalin in aad heshiis la gashid immigrationka adigoo aan la tashan garyaqaan ama adigoo aan hubin waxa uu hedshiiskaasi yahay, waayo ayey tiri waxaa si fudud lagaaga hoos bixinkaraa hab kaa dhigaya in aad ku weydid sharcigaaga oo markaasna lagu masaafuriyo.

Dembiyada sababi kara in lagu tarxiilo waxaa kamid a hayey tiri, Karen:

  • Daroogada, sida Qaadka.

  • Dagaalka Qoyska [Domestic Assault]

  • Booliiska oo been loo sheego

  • Tuugada Dukaamada [Shoplifting]

Soomaaliyey Qaadku Waa Ka mamnuuc Ameerica .... GUJI   

Arimahaas ayadoo sharxeysey waxa ay Karen tiri: Daroogada ama maan dooriyaha sida maruwaana, kookeyn, QAAD iwm, waxaad ku waayi kartaa sharciga deganaanshaha dalka [greencard]. Halkaas ayadoo ku adkeyneysa waxa ay tiri, Soomaalidana toos ula hadleysa, "Qaadka waxaad ku waayi kartaa GreenCard-ka, intii aad doontidba hayso greencard-ka'e, 2sano, 5sano, 10sano, waad waayeysaa hadii qaad lagugu qabto", "Qaadku waa ka mamnuuc USA" ayey tiri. Hadaba ayey tiri marka aad Afrika kasoo laabataan hasoo qaadina qaad ama qof ha u soo qaadina alaab aydin aqoon waxa ku jira. Waxa ay intaas ku dartay "Haddii gaarigaaga qof qaad ku dhex cuno, oo caleentii ku dhex daadato oo lagu qabto gaarigaas waa lagaala wareegayaa ama dawlada ayaa qaadanaysa gaarigaas, adiga ayaana mas'uul ka ah wixii gaarigaaga saaran ama lagu dhex cuno". Waxana ay ka sheekaysay qof Afrika kasoo duulay oo London, UK qaad u wadey oo saaxiibkiis uu qaadkaas lahaa, London, UK mamnuuc kama aha Qaadku ayey tiri, laakiin qofkii ayaa soo maray NewYork, halkaas oo qaadku mamnuuc ka yahay sidaas ayaana lagu xiray. Waa u dacwoonkartaa in gaariga waase haddii aad cadaysid in aadan gaarigaas ka kasbin lacag aad k aheshay qaad. Ogow xataa lacagta markaas Qaadka lagugu qabtojeebka kuugu jirta waa lala wareegayaa, ilaa waxaa loo malaynayaa in aad asaga ka keentay'e.

Waxa kale oo Karen ka hadashay siyaabaha kale ee qofku uu sharciga deganaashaha u waayikaro, sida haddii uu ninku xaaskiisa garaaco. waxa kale oo ay tiri haddii aad laba jeer booliska been u sheegto adigoo magacaaga ka been sheegaya markaas waa waayi kartaa sharcigaaga. Dukaan haddaad wax ka xadid sidoo kale waad waayi kartaa sharcigaaga. Dhamaan kuwaas waxaad ku mutaysan kartaan ayey tir in la idin tarxiilo. [Dembiyada kasii waaweyn hadee qofkii waa dembiile ka weyn kuwaas].

Waxa kale oo Karen Soomaalidii xusuusisay in aysan magacooda bedelin marka ay dhalashada qaadanayaan, inkasta oo ayey tiri sharcigu idiin ogolyahay hadana ha bedeilna, waayo ayey tiri waxaa dhici karta in markiiba la idinka shakiyo oo la yiraahdo maxaa qofkani magaciisa u bedelayaa. Waxaana dhicikarta ayey tiri in immigration-ku u maleeyo in markii hore aad been soo sheegteen. Waxana ay tiri kuwa waraaqaha dadka u buuxbuuxiya (turjuman ahaan) haddii ay idin yiraahdaan anagaa aragnay dad badan oo sharcigii qaatay ee bedelo magaca haka yeelin anigaa og ayey tiri dad badan oo dhibaato kasoo gaartey arintaas oo dharcigii muddo dheer sugayey keliya markii ay isku dayeen in ay magaca bedelaan awgeed.

Su'aal la weydiiyey oo ahayd "Xaqiiqadii qaadku ma daroogaa"? waxa ay Karen tiri anigu khabiir kuma ihi sida uu daroogada ku noqday laakiin wuxuu ku jiraa liiska waxyaabaha maandooriyaha ka ah USA. Waxana uu la xeer yahay maandooriyaasha kale, haddii lagugu qabtona waxaad ku waayeysaa gaarigaaga aad markaas wadatid iyo sharcigaaga deganaanshaha USA, sidaasna waa lagugu tarxiili karaa.

 
somalitalk Michelle Mackenzie iyo Siciid oo tarjumeyey hadalada xafladda
Sawirka: SomaliTalk.com
Waxa kale oo kulankii ka hadashay Michelle Mackenzie oo ah Gudoomiyaha Mashruuca Immigration Law Project  ee Minnesota una dooda xuquuda aadamiga. Waxa ay tiri INS-tu siyaabaha ay ku hesho dadka ay tarxiisho waxaa kamid ah in  boolisku usoo gudbiyo, waa marka uu qofku dembi galo'e ama xabsiga marka uu qofkaasi dhamaysto lagu wareejiyo INS-ta. Waxaase dhacda ayey tiri in qof uu asagu lugihiisa ku doonta INS-tu in ay xiraan, qofkaasi wuxu noqonkaraa qof inta uu sharci ku xiraystay Sandiego iskaga yimid asagoo aan cinwaankiisa cusub sheegin, oo INS-tu ayba raadineysey, markaasna asagoo akhbaar doon ah uu maalinta dambe tago xafiiska Minnesota, mase waaba kii la raadineyey halkaasna lagu xiro. Hadaba ayey tiri haddii aad foomkaaga ka soo buuxisey magaalo kale ha tegin xafiiska immigrationka adigoo aan akhbaar raadin ama la tashan qareen. 

Michelle waxa ay tiri haddii INS-tu ay qofka xirto oo qofkaasi uusan horay wax dembi ah u gelin waa iska soo deyn karaan ayagoo kusoo deynaya habka curaaarta ama damaanada oo gaarikarta ilaa $1500, si uu u yimaado marka maxkamad looga yeero. Hadiise qofkaasi horay dembi u galay xabsiga ayuu ku jirayaa inta dacwadu u socoto, hadii markaas dacwaddu kusoo gabagabowda tarxiil markaas waa la dhoofinayaa. Sharcigu waxa uu ogolyahay ayey tiri in qofka la hayo 90 maalmood. Haddii 90 maalmood dhamaadaan maxaa la samaynayaa ayey isweydiisey, waxana ay ku jawaabtey ilaa 2001-kii intii ladoono ayaa la hayn karey, wixii intaas ka dambeeyeyse lixbilood ka badan qofka lama hayn karo, waana in marka lixdaas bilood la gaaro la keenaa sabata loogu sii haynayo xabsiga. Waxana ay taas ku xii xoojisey in dadka Soomaalida ah ay haysato mushkilad gaar ah maadaama uu qareen reer Seattle ah u xakumay in aan Soomaalida loo tarxiili karin dalkoodii ilaa ay halkaas ka dhalaneyso dawlad amaanadooda kafaala qaadi karta. 

Waxa ay Michelle xustay wiil Soomaaliyeed oo layiraahdo Keyse Jaamac iyo 10 kale oo Soomaaliyeed oo ku xiran Minnesota oo xukunkooda doodiisu ay hadda socoto, waxana ay tiri bisha Febraayo 12keeda [February 12, 2003] ayaa waxaa maxkamada St.Paul lagu qaban doonaa dood ay yeelan doonaan xaakimada dawlada iyo qareenada Soomaalida u doodaya, maxkamadaas aad ayey muhiimad ugu leedahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayey tiri, waana muhiim ayey tiri in aad dhegeysigaas ka soo qayb gashaan. Maalintaas wiilasha halkaas la keeni maayo laakiin waxaa laga doodayaa sidii laga yeeli lahaa. Waxaa ay Michelle tiri Soomaalida waxaan uga baahanay in ay kuraasta maxkamada oo ah 160 soo camiraan.

Xasan Jaamici oo arintaan maxkamada Febraayo 12 ka hadlayey gabagabadii kulanka waxa uu yiri "Go'aanka maxkamadda Febraayo 12, 2003 waxay taabanaysaa dhammaan Soomaalida deggan Maraykanka" sidaas darteed ayuu yiri waxaan diyaarinay barnaamij kusaabsan sidii ay Soomaalidu halkaas uga qayb gelilahaayeen.. 

Warbixin ayaana SomaliTalk kasugeysaa Xasan arintaas faahfaahinteeda kusaabsan ee kala soco Somalitalk.com

Xafladii baro xuquuqdaada sidaas ayey kusoo gabagabowdey, ballanta hadda ee Soomaaliduna waa February 12, 2003 iyo maxkamada St.Paul.

WQ. Maxamed Cali | webmaster@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Jan 27, 2003

XUQUUQDA QORAALKAN WAXAA LEH SOMALITALK.COM
AFEEF: Waxaa lagu faafinkaraa wargeysyada kale haddii iyo haddii oo keliya la xafidayo xuquuqda qoraaga iyo xuquuqda SomaliTalk.com qoraalkana aan waxba laga bedelayn sida uu u qoranyahay, laguba darayo afeeftaan.

<><><><><><><><><><><><><><>

LIFAAQ:

Qoraalkan lifaaqa ah  waxaa diyaariyey: Xasan Jaamici Juris Doctor  &  William Mitchell Law School, MN, USA, waxaana la qoray aqoray May 19, 2001: [AFEEF: Qoraalkan hoose scan ayaa kusameeyey]

TIRO KOOB 

KULANKA BADBAADINTA DHALINYAMDA IYO QOYSASKA SOOMAALIYEED EE SOFYAM

SHARCIYADA iyo DAMBIYADA

Tiro koob:

Soomaalida Minnesota waxaa lagu qiyaasaa inaa gaareen ugu yaraan 60 ilaa 70 kun oo qof. Ugu yaraan 20,000 waa dhalinyaro. Waa sedex meelood hal.

Waddanka Maraykanka waxaa la tilmaamaa, in dadka madow ay la'eg yihiin 13%. Taa micnaheed waxaa weeye haddii shacabka mareykanka loo qeybiyo 5 qeybood, hal qeyb wax ka yar baan hoos imaaneynaa.

Dadka madow, 45% baa xabsi ku jira ama xabsi sugayaal ah ama lagu soo oogay dambiyo ay ka mid yihiin: isticmaalka maandoorayaasha kala duwan (drugs), ka mid ahaansho kooxaha hubeysan ee wax dhaca (gangs), Xaasaskood ama caruurtooda oo ay ku xadgudbaan, iyo caruurtooda oo ay dayacaan iyo dambiyo kale. Taa micnaheeda waxa weeyaan dadka madow barkooda (1/2) waxay ku xareysan yihiin jeelasha Mareykanka.

Waddanka mareykanka, tirada ugu badan dadka madow ee jeelasha ku jira waxaa laga helaa Gobolka Minnesota. (Judge Lagune, William Mitchell Law School Prof.).

Ugu dambeyn, Nin aa saaxiib nahay ee ka qeyb galay shir hoose oo ay dowladda Minnesota qabatay, wuxuu ii sheegay in 10ka sano ee soo socda, Jeelasha Minnesota 40% ay noqon doonaan dhalinyaro Soomaaliyeed (Waa haddaan qaarkood la dhoofin). Dhalinyaradaasi, waxay qeyb ka yihiin madowga gala dambiyada aan kor ku soo xusnay. Waxaa la filayaa inuu jiri doono qorshe dowladeed lagu tababari doono ciidanka asluubta ee xabsiyada oo Soomaall, Oromo iyo Ethiopian isugu jira. La soco lama soo sheegin haba yaraatee qorshe waxbarasho oo arintaa lagaga hor tagayo.

IMMIGRATIONKA IYO SOOMAALIDA


Immigrationka guud ahaanba waxaa uu sameystay waaxda baarista (investigation unit) garka qofka laajiga ah (Alien).

WAA QASAB INAAD LA TASHATO KHABIIR ARIHAHA IMMIGRATIONKA HADDII ARIMAHAN UU GALKMGlI (FILE) KU JIRO INTAADAN BUUXIN CODSIGA VISAHA, KAARKA DEGANAANSHAHA AMA DHALASHADA  WADANKA MARAYKANKA (GREEN CARD OR CITIZENSHIP APPLICAT10N), FOOMKA RAFCAAN QAADASHADA XUKUNKA SARKAALKA AMA QAADIGA WAAXDA SOCDAALKA.

 1-haddii waddanka aad ka maqneyd 6 bilood oo sa far ah in ka badan.
2-haddii waddan kale add degtay adigoo Green Card leh.
J-haddii horey sharci ama VISa laguu diidey amaba laguugu xuKumay musaafurin (deportation).
4-haddii aadan xerayn canshuurta dow!adda dhexe.
S-haddii aadan masruufin caruur aad dhashay (meeshey doonaan ha joogeen).
6-haddii aad nin rag tahay (male) oo u dhaxeeya 18-26 jir oo aadan isku qorin shaqada qaranka (selective service).
7-haddii dambi laguugu soo oogay, amaba layskakaa xiray.
8.haddii lagugu xukumay xabsi gudaha ama dibada (probab'on). (any crime). (INA'96 law).
9.haddii galkaaga (file)aad KU soo gashay iyo xaaladdaa ay wax is weydaarsan yihiin. 
10.haddii dad been sheegtay, ama Khiyaano aad sameysay darteed dad sharci Ku heshay. Sida: adigoo kusoo galay aabo kale wiilkii ama nin xaasKii ama walaalo. Ama da'daada da ' ka yar baad sharci Ku heshay. Iwm
11. haddii waddo been aad ku hesho nafci lacag dowladeed (government benefit) sida: welfare ama unemployment benefit iyo SSl.
12.haddlii guur aan sax ahayn aad sharci ku heshay (sham marriage)
1 J.haddii magac aadan lahayn aad sharci ku heshay.
14.haddlii aad qof cadwisay si uusharci daro uu waddanKaa ugusoogalo.
15.haddii aad is dhiibto (asylum) adigoo wadddan kaled si rasmi ah sharci ugu qaatay. 
16.haddii  horey ama waqti ka mid ah waqtiyada aad sheegatay inaad u dhalatay waddanKa maraykanka.
17.haddii laguugu eedeeyey inaad xaaskaaga ama caruurtaada aad dishey. Ama caruurtaada aad dayacday.
18.haddii dukaan aad wax Ka xadday.
19.haddii gaan aad xadday.
20.haddii aad cod baxiso (vote) si sharci daro ah.
21.haddii aad ku shaqaysata ciyaarta khamaarka.
22. haddii aad ku shaqaysata jirka oo la gato.
23. haddii lahuugu qabto adigoo la jiifsaday gabar ka yar 18 jir.
25. haddii aad canshuurta ku xerayso carruur ama qof aadan masruufin ama aanan ku qoreyn.

FBI iyo XUQUUQDAADA

Haddii FBi gurigaaga yimaadaan talaabooyinka soo socda waa lama huraan:

I-Haddaadan Englishka ku hadlin ku dheh: "NO English" hana u dhaafin ilaa ay kuu keenaan Turjumaan.

2-Haddaad ku hadasho Englishka amahaysato Turjumaan, ha u ogolaan inay kula hadlaan ama gurigaaga soo galaan ilaa ay ku tusaan rukhsad qoraal ah oo magacaaga iyo addresskaaga ku qurun.

3-Rukhsadda ka dib, ha u jawaabin wax su'aal ah oo dhaafsiisan magacaaga iyo cinwaankaaga, una sheeg inay la xiiraan qareenkaaga haddaad qareen leedahay. Haddii kale u sheeg inaad qareen lahaan doonto.

UGU DAMBEYN, SI AY SOOMAALIDA U OGAAOAAN XUQUUQDOOOA AYNA U HELAAN DIFAAC SHARCI HADDII LA DULMO WAXAA LAMA HURAAN AH OON SOO JEEDIN LAHAA IN LA HELO KOOX DAACAD AH 00 U DOODO XUQUUQDA JAALIYADDA SOOMAALIDA. 

Qoraaka waxaa diyaariyey:
Xasan Jaamici Juris Doctor 
  William Mitchell Law School, MN, USA

laxiriir: Xasan Jaamici: xasanjaamici@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

USA: Somalida La Rabo In Ay isdiiwaan Geliyaan
waa soomaalida haysta baasaboorada Soomaaliga, Canadianka, Sweden, Holland, Australia, British iyo... GUJI..  

Habeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12/2002

40 Soomaali ah oo lasoo xirxiray oo la isugu Keenay Louisiana, USA
waa warbixin kusaabsan: Nidaamka immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida, oo uu idiin soo gudbinaayo sharci yaqaan Soomaaliyeed GUJI 17/12/2002

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota -- GUJI   

 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

WARARKA UK
USA: Somalida La Rabo In Ay isdiiwaan Geliyaan
waa soomaalida haysta baasaboorada Soomaaliga, Canadianka, Sweden, Holland, Australia, British iyo... GUJI..