somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 Nidaamka immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida:

Sharciyaqaan Sh.Xasan Jaamici, 


hmohamud@midmnlegal.org
  

Tel.(612)242-3273.

 

1- Somali ka badan 40 ruux oo laga kala soo xiray gobolo kala duwan oo ay Somalidu degto (sida Minnesota) ayaa waaxda socdaalka waxay isugu geysay gobolka Louisiana. Waaxda socdaalka ee Maraykanka oo ku andacooneysa inay dadkaasi qawaaniinta waddanka ay jabiyaan xaqna u laheyn inay sii joogaan waddanka Maraykanka.

Dambiyada ay galeen waxay u kala dhaxeeyaan qof gacan ka dagaalamay (assault) iyo mid aanan soo xareyn warqado ay waaxda socdaalka sugeysay. Waaxda socdaalka ee Maraykan ayaa sharci ahaan aaminsan inay dhoofin karaan Soomaalida. Halka ay garyaqaanada immigration ay rumaysan yihiin dhoofinta dadkaasi ay tahay meel ka dhac qaanuunka caalamiga iyo ka Maraykanba oo diidaya in qofka lagu celiyo meel kasta oo khatar ku ah nafta aadamiga. Garyaqaano arimaha socdaalka ee kaashanaya garyaqaanada gobalkan Minnesota ayaa xareeyey Arbacadii Dec.4,02 Dacwad ah joojin dhoofinta sharci darada ah (stay off deportation) iyagoo ku saleeyey:

a-Somalia oo aan ka jirin dowladda rasmi ah oo ay Maraykanku aqoonsan tahay.

b-Haddii ay jirtana, inuusan jirin heshiis(treaty) labada dal ah inay isu dhoofin karaan dadkoodi.

c-In UN ay ka waribixisay inay Somalia tahay meesha ugu khatarsan adduunka.

d-iyo Dowladda Maraykanka oo Somalia gelisay liiska waddamada khatarta ee aan loo dhoofi karin.

Halkaasoo qaadiga maxkamadda socdaalka ee gobolka Louisiana u ogolaaday in si ku meel gaar ah loo joojiyo dhoofinta dadkaasi.

Dhanka kale waxaa socda iskaashi guud ee garyaqaanada immigration si loo furo dacwad guud ee waddanka oo dhan oo lagaga soo horjeedo dhoofinta somalida (National lawsuit class action).

2-Sidoo kala Khamiistii Nov. 21,02 Somali badan oo tagtay waaxda socdaalka ee Minnesota ayaa loo diiday shahaadooyinka dhalashada (Certificate of Naturalization) ka dib markay ka gudbeen dhammaan imtixanaadka laga qaado dadka raba inay qaataan dhalashada Maraykanka. Mas'uulka ugu sareeya waaxda socdaalka ee Minnesota Curtis Aljets markaan arintaa kala hadlay wuxuu igu jawaabay: waa nidaam cusub oo dadka lagu baarayo in ka badan baarista caadiga aheyd (normal investigation).

3. Ugu dambeyn, dowladda Maraykan, wasaaraddeeda Caddaaladda ayaa ku dhawaaqday in ay is diiwaan geliyaan dadka u dhashay waddamada kala ah: Somalia, Siiriya, Suudaan, Saudi Aribia( oo maanta lagu daray 12/16/02), Iraq, Iiraan, Bakistan, Afganistan, Aljeria, Bahrain, Lebnon, Morooko, Oman, Qatar, Tunisia, Imaaraatka Carabta, Yamen, Eriteria, Armania iyo North Kuria.

Yaa laga rabaa inuu is diiwaan geliyo:

-Qof kastoo dadkaa u dhashay oo ku jooga wadanka Maraykanka dal ku gal (visa) waqti go'an ah(Non immigrant visa-NIV) sida: ardaynimo, baayacmushtari, dalxiis iyo wixii la mid ah. Waxaan dadkaasi ku jirin dadka ku jooga sharciyada ay ka mid yihiin: asylum, ama asylum sugayaal, dadka TPS loo ogolaaday, refugee, green card ama dhalashada Maraykanka (citizenship), iyo kuwa ku jooga dal ku galka diblomaasiyeed ee xarfah "A" iyo "G".

2-Qof kastoo lab ah, ugu yaraan 16 jir ah (haweenka kuma jiraan).

Waxaa dadkaa laga rabaa in ay iska diiwaan geliyaan xafiiska socdaalka ee magaalada ay degan yihiin. Qaanuunka isdiiwaangelinta waxaa saraakiisha socdaalka xaq u siinayaa in ay dadkaasi ka qaadaan faraha (fingerprint) isla markaan sawir ka qaadaan.

Qaanuunka is diiwaan gelinta wuxuu tilmaamay in dadkaasi la dhoofin haddii ayan raacin qodobada u degsan qawaaniintaasi. Wixii faah faahin ka eeg www.ins.usdoj.gov  ama la tasho sharciyaqaanada immigrationka ee gobolkaaga.

Qoray: Sharciyaqaan Sh.Xasan Jaamici, 
hmohamud@midmnlegal.org
  

-dhammaad-

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota -- GUJI 

2002-12-16
FAAFIN: SOMALITALK.COM

  


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.



HTML CD